JACAYL IYO QUUDHSI! W/Q: Amina Abdilaahi

quotescover-JPG-42

Jacayl iyo Quudhsi!

Qaybtii 1aad

Maxaakiimtii islaamiga ahayd, iyo dawladii cabdilaahi yuusuf, markay xamar dagaaladu ku dhexmarayeen, ayaannu ka qaxnay, muqdisho.
Oo u haajiray dalka kiiniya, anniga iyo qoyskayaguba.
Xaafadayadu waxa ay ka koobnayd afar carruura, laba hablood, laba wiil iyo hooyday.
Aabbe, waxa uu ku noola dalka maraykan, oo xilligii dawladii siyaad bare sii dhacaysay, ayuu dalka ka tegay.
Labadii sano ba mar ayuu soo noqdaa, oo noo yimaada.
Maadama caasimada amaankeedu aannu sugnayn, waxbarashona aannay jirin. Sidaas darteed ayuu noo noogu raray kiiniya.

Nayroobi waa magaalo qurux badan, oo nabada.
Cabsiyi majirto, madaafiic iyo raasaas dhacaysa, midna dhegahaagu ma maqlayaan.
Waa nololka duwantii muqdisho,
Waa jawi iyo cimilo kale.
Saro iyo dabaqyo dhaadheer bay leedahay, waa magaalo dhinac walba ka dhisan.
Islii markaad joogto, waxa aad is odhanaysaa malaa bakaarihii ayaad dhex joogta.
Sida; ay soomaalidu ugu badan tahay, ganacsiyada iyo meheradaha ka furaan, waa ashqaraar waa ismara.
Qurba joog iyo qolqol joogba way kulmisay, oo xudun bay u tahay.
Showyada ay fannaanintu ku qabanayaan kaalay iska arag.
Waxaba jooga kooxdii laga daba dhacay, ee dhegaha soomaalida hantiday, ee la magac baxday waayaha cusub.
Hobolo kale ayaa ka soo ciyaar guda, yurub iyo (america).
Dhanka kale muxaadirooyinka, ay shuyuukhdu ku baraaru jinayaan bulshada tiro malaha, oo mar ba mawduuc gara ayaa la jeediya.
Sheekh umul ayay rugtiisa tahay, oo waa baro diintu biyo dhigtay.
Tv yadii soomaalidu dhamaantood, xarumo ayay ku leeyihiin, oo waxa qalbigaga ku soo dhacaya oo aad xasuusanaysaa,
Ilaacadihii badna ee muqdisho.

Annigu aad ayaann uga helay nolosha nayroobi, oo waann ku faraxsanahay.
Haddii ay ii suuro gelayso, marna kama tegeen, meel kale kumaan doorsadeen.
Balse hooyaday way iga fikir duwan tahay, habeen iyo maalin waxa ay ku ducaysta, illaahayoow bog cadayadii, nabad nooga dhig, dhulkan shisheeye aannu ka guuree.
Marka ay maamadu odhaahda tidhaahdo, beerka ayaan ka naxa, waayo anniga dhaldhalaalkan ayaa i cajab geliyay, caqligaygu igumu fila.
Aabbo dacwad ayuu noo xereeyay, oo dhoofna waannu sugaynay.

Rajo wayn ayaannu qabnay inn aanu maraykan tagno.
Afartayadii carruur ahaa, kulajyo ayaa nalagu daray, laga baranayo luuqada (English) Asxaab ayaannu iska baranay dugsigii, waxa aannu noqonay kuwo sifudud aannu isu fahanay, isula jaanqaadnay.
Markan waxa aann ahay labaatan jir, sheeko barada ishii magaaladana sifacan u fahan tahay, oo waxa aann tagaa showyada iyo aroosyada………….
Lasoco Qaybta 2aad Isniinta insha Allah

W\Q: Amina Abdilaahi

SHEEKOOYIN