JOOJI DIBUDHIGASHADA

Jooji dibudhigashada

 

Xuquuqda: Google

Saaka markii aad soo kacday qorshihii aad u soo kacday ma fulisay? Mise qorshe la’aan baad iska soo kacday ka dib na magaalka ayaad iska gashay? Caawa markii aad guriga timid ma isxisaabisay? Maxaa kaaga fulay qorshihii iyo yoolashii aad rabtay in aad bisha 5aad samaysid? Ma ogtahay in bishii dhammaatay? Ma ogtahay in sannadkii 2021 kalabadh sii ordayo? Ma isxisaabisay? Qorsha-maalmeedkaagi iyo kii billaha ahaa ma fulisay mise dib ayaad u dhigatay? Immisa jeer ayaad dibudhigasho samaysay?

In aad qorsha-maalmeed yeelatid ku dhaqankiisana joogtaysid waxa ay yaraynaysaa in aad hawlaha kuu yaal dib u dhigatid ama aad ka caajistid. Dibudhigashada iyo caajisku waa aafo iyo halis boqnaha goysaha horumarka iyo guusha qofka. Berri baan samaynayaa, saadambe ayaan yeelayaa iyo tobannaan cudurdaar oo la mid ah waxa ay ku mid yihiin dilayaasha halista ah ee aakhiro u diray hammigii iyo higsigii dad badan oo lahaa halabuurnimo iyo farshaxannimo kuwaa oo ayaga oo aan wali ka dhabayn hammigoodi iyo riyadoodii ay noloshoodi dhammaatay. Qoraa Brian Tracy waxa uu buuggiisa “Eat that frog” ku yiri “dibudhigashadu kaliya ma ahan tuugga nolosha, waa tuugga riyooyinka oo xaqiiqo ahaan guuldarro kugu hoggaamiya. Dibudhigashadu waa caado lagu barto dibudhigashada, waxa aadna isaga goyn kartaa barashada caado cusub oo meesha ka saaraysa dibudhigashada.” (Procrastination is not only the thief of life, it is the Thief of dreams. It actually leads to failure. Procrastination is a habit that has been learned by procrastinating and you can relearn a new habit by overcoming procrastination…).

Haddaba, ha noqon mid asaga/ayada oo wali riyoonaya/naysa god gala ee istaag oo ku dhaqaaq ka dhabaynta riyadaada, adiga oo ka bilaabaya iska adkaanta iyo isxakamayn ka dib na aqoonsanaya hibadaada Eebbe ku ku siiyay taas oo aad ku samaysan karto nolosha aad ku riyoonaysid iyo qofka aad rabtid in aad noqotid inta aad nooshahay. Adiga oo bartilmaameedsana darajada iyo booska aad u qalantid in aad ku yeelatid bulshadaada dhexdeeda ha aqbalin in aad ku noolaatid nolol ka yar midda aad qalantid iyo martabo ka hoosaysa tan aad mudan tahay. Taas na waxa aad ku gaari kartaa in noqotid qof iska adag oo naftiisa xakamayn kara marka naftaadu raacdo hawadeeda iyo damacyada fidnaysanna ka qaban kara oo xakamaha ku qaban kara.

Waxaa qoray Cali M. Diini

Kala xiriir diini42@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN