KACDOOMINTA DHAANTADA ee CALI DHAANTO iyo AXMED BUDUL W/Q: Cali M. Diini

KACDOOMINTA DHAANTADA ee CALI DHAANTO iyo AXMED BUDUL

Dhaantadu waxay ka mid tahay suugaanta qaddiimiga ah ee Soomaalida waxay na la fil tahay gabayga, guurowga iwm, haddii aysan ba ka da’waynayn. Hasayeeshee sannadihii dambe dhaantadu wqxay samaysay kacdoon la yaab leh, halka sugaantii la mid ahaa ay aad u sii shiiqayaan ay na ku koobmeen goobaha akadhiimiyada iyo fadhiya dadka waa wayn.

Dhaantadu miyiga ayay aad ugu xoogganayd waayihii hore waxaa na muusig u ahaa sacabka iyo jaanta. Balse, bartamihii qarnigii tagay markii heesaha casriga ah ee muusigga iyo cuudka lagu tumo soo baxeen dhaantadu waa ay shiiqday oo heesaha ayaa cadaadis saaray. Waxaa xusid mudan in bilowgii heesaha casriga heesihii ugu horreeyay ahaayeen dhaantadii oo laxankoodi la beddalay halkii oo sacab iyo jaan lagu tumi jiray cuud iyo durbaan lagu beddalay.

Dhaantadu dhulalka Soomaalida waxay aad ugu xoogganayd gobollada galbeed (Somali State, Ethiopia), waqooyiga (Somaliland), waqooyi-bari (Puntland) iyo gobollada dhexe (Galmudug iyo Hiiraan). Balse waayihii dambe waxaa mooddaa in dhaantadu dhulalkaas aad ugu yaraatay marka laga reebo galbeedka (Somali State). Galbeedka qudheeda dhaantadu waxay aad u bulaashay tobankii (10) ama shan iyo tobankii (15) sannadood ee dambe. In ay dhaantadu galbeedka aad uga hanaqaaddo waxaa sabab u ah ayaan oran karaa rag dhawr ah oo galbeedka ka soo baxay kuwaas oo casriyan cajiib ah ku sameeyay dhaantada kaddib markii ay u sameeyeen muusig iyo laxan casri.

Ka hor inta aysan dhaantadu kacdoonka ka samayn galbeedka ogaantayda waxaa jiray dhawr nin oo dhaantada si casri u tumay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Baarleex iyo Jaangow oo asagu goor fogayn dhaanto casri ah ku heesay.

Ragga dhaantada galbeedka ka kacaamiyay sannadihii dambe waxaa hormuud u ah labada nin ee lagu magacaabo Cali Dhaanto iyo Axmed Budul. Dhaantada raggaani waa mid cajiib ah oo dhammaan meel walba oo Soomaali joogto maanta laga dhagaysto waliba shacbiyad ballaaran ku leh. Waxaan ku doodi karaa dhaantada Cali Dhaanto iyo Axmed Budul waxay shacbiyad le’eg yihiin heesaha Soomaalida kuwa loogu jecel yahay. Dhaantada labadaan nin Soomaalidu yar iyo wayn waa dhagaystaan ​​aad na waa u jecel yihiin. Xataa dadyow shisheeye oo aan af Soomaaliga aqoon ayaa dhagaysta dhaantada Cali Dhaanto iyo Axmed Budul.

Ninka Axmed Budul ahi asagu waa nin mucjiso ah oo dhaantadiisu jiidatay oo badaha waa wayn waa hore ayay ka gudubtay. Axmed Budul dhaantadiisa oo asagu u sameeyo erayada iyo laxankaba waa jaad gooni ah oo marka aad dhagaysanaysid xaaddu ku dhaqaaqayso aad na aad ugu qushuucaysid.

Waxa kale oo aan laga tagi karin oo in la sheego ay yahay waa adkaysiga (resilience) dadka Soomaaliyeed ee galbeedka (Somali State) oo ayaga oo in ka badan 100 sananadood ku hoos jiray taliska Itoobiya oo ah mid ka mid ah talisyada ugu qallafsan, macangagsan ugu na arxandaran dunida ayay haddana dadkaasi ku dhageen oo ku fara’adaygeen afkooda iyo dhaqankooda halka Soomaalida kale ee la midka ah sida kuwa NFD iska dhaaf i vax kale’e ay ku hadalkii av Soomaaligu gabaabsi ku.

Waxa aan oran karaaba Soomaalida galbeedku waxa ay ba ku dhaadashada afka iyo Soomaaliyeed kaga horreeyaan Soomaalida jamhuuriyadda.

W/Q: Cali M. Diini

Link-gu waa mid ka mid ah dhaantada Axmed Budul.

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.