KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                           KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 21aad

Idil in ay ilmo dhasho waligeed waa doonaysay xilligana waa doonaysay hadduu Eeba siinayo, balse qaabka ay doonsiteeda ku timid ayaa ka duwanaa qaabka ay u rabtay in ay wax ku hesho hadana maadaama waxa ay doonaysay ay heshay waxay ku qasbanaatay in ay iska indha tirto qaabka ay doonisteeda ku timid.

Ilmaha caloosha idil ku jira waa ilmo ku yimid aqbalid uu Alle aqbalay duca ay mar walba ku ducaysan jirtay oo ahayd allow ha iga dhigin qof aan la dhaxlin oo dheecaankeeda iyo dhiigeeda dunida maalinta ay ka hayaanto lagu hilmaamo ee allow wax i dhaxla isii.

Alle mar walba jidadka uu noloshaada u falay ayuu kuugu imaanaysaa yaboohiisa, adiga dhib waad u arki kartaa kumana faraxsanaan kartid balse xikmadda eebe uga dan leeyahay in aad isku mashquuliso ayaa kaaga fiican inta haaraan iyo halaag nafeed in uu kugu dhacay aad la murugoon lahayd.

Idil maadaama ay ahayd qof alle wanaag iyo iimaan u dhalshay ayey go’aansatay in ay alle uga mahad celiso nimcada uu ku mananaystay ee xoolaha iyo caafimaadkeeda ugu horeeyaan hadana ay usii dheertay in maanta uu alle dhaxal la’aan dhigin oo dadkii dhaxli lahaa xoolaheeda ay soo muuqdeen.

Addonka shukrinta badan fahamka wanaagsana u leh xaaladihiisa mar walba uma arkayo xagashada xaaladaha adage ee naftiisa soo wajaha in ay xumaan yihin balse qibrad ayuu ka qaataa idilna waa taas la nool xaaladdaas kana qaaday adayg iyo shaqsiyad wanaagsan kaliya.

Waxa badan oo ay ku waysay wanaag iyo waddo xalaal ah ayey maanta ku heshay rafaad iyo silicis wadddada lagu silciayay, inta rag ee isaga dul dagtay midka uu ahaana ma  garan karto kan ay ka qaadday ilmaha caloosha ugu jira.

Waxyaabaha ay ku fakaraysay waxaa ka mid ahaa haddi ay garan lahayd ninka ay ilmihiisa caloosha ku siddo in ay iska cafin lahayd una bandhigi lahayd nafteeda in ay guursato maadama uu yahay ubadkeeda aabihiis.

Xanuunka iyada gaaray ama uu qofkaas u geystay kama wal walsanayn ee waxay ka walwalsnayd qofka uu eebe wax la wadaajiayay oo ahaa qof nolol xun ku nool oo dadka dhibaatayntooda nolol u ahayd, hadduu dhintana waddo wanaagsan aan ku socon, waxay isku aragtay in ay badbaadin lahayd qofkaas u baahan badbaadadeeda.

Cajiib!!! Idil waa qof dumar ah bal eeg sida ay u fakrayso, dhibkeeda umaba muuqdo oo waxay ka walwalaysaa qofka dhibaateeyay xaalkiisa iyo sidii ay u badbaadin lahayd, lama yaabayo waa wanaaga eebe ku dhlashay, sidoo kale waa caqliga wanaagsan ee dhanka caafimaadka qaba u shaqeeynaya ee Eebe idil siistay.

Dhib walba oo kugu dhaca sabab uu kuugu dhaco ayaa jiraysa ma ahan in qofka dhibka kuu geystay uu shaqsiyan is lahaa hebel ama heblaayo ku dhibaatee ee waxay ahayd in qofkaas laftiisa xag alle looga soo sababay in uu ku dhibaateeeyo.

Bal is waydii qofka dhibaatada geysanaya mararka qaar marka aad waydiiso sababta iyo in ay jirto fakar ah in uu qofka dhibaateeyo in ay ku jirto iyo in kale isla markiiba wuxuu lasoo boodaya qofkaa in aysan ku jirin falkaas samayntiisa balse uu ka dhacay falka sababtana uusan sharrixi karin .

Idil iyada waxay ogayd oo qirsanayd aaminsanaydna in waxa ku dhacay uu alle u doortay ee aysan dooran dhallintii kufsiga kula kacday iyada iyo hablihi kale, hadana sidaas ay tahay qof uu ahaaba dhamaan waa ay wada cafisay oo waxya go’aansatay in dunida iyada oo caloosha qof wax ugu sidda aysan ka hayaamin bal waaba u ducaysay in iyada gadaasheed aysan dhallintaas qof kale dhibin ducadaas in la aqbalay iyo in kalana alle ayaa og, balse qalbi wanaaga idil ayaa inooga muuqdo meeshan iyo sida ay u wanaagsantahay in qof walba oo dambi kaa galo alle aad abaal marin uga doonato, laakiin ku fakarka ah in aad ka aargudato uusan waxba soo siyaadinayn, qofka in uu alle kaaga cad gooyo ayaa wanaagsan oo kaliya ee macna ma samayso in aad ka cad goosato nafis ayaana u arki karaysa, balse, nafis maahan ee qofka marka aad dhibaatayso adigana waad is dhibaataysay, xaqiiqda waa taas.

Idil waa sii cuslaatay oo caloosheeda ayaa soo muuqatay, dad badan ayaa su’aalayay sida aan horey usoo sheegayna su’aal walba oo ku saabsan arrintaasna waa iska indha iyo dhaga tiraysay, hooyadeed oo noolaydna maqal ayey arrinta kusoo gaartay in gabadheeda ay uur leedahay ismana waydiin cidda aabaha u ah, idil mar ay hooyadeed su’aashaas waydiisayna waxay ugu soo koobtay “hooyo aniga ayaa wax walba u ah cunugan”, hooyadeedna dhib uma arkin oo waxay iska dhaadhicisay in guur ka qarribmay gabadheeda ay ilmahan ka yimadeen idilna aysan doonayn in arrintaas sheeg sheegeeda lagu sii wado, sidaas ayeyna dadka qaar u wada arkayeen balse dhabta idil oo kaliya ayaa ogayd.

Idil nolosheeda waxay usoo martay safar dheer oo dhib badan waana midda horey loo yiri safar walba oo qiima badan waa mid loo soo maray dhib badan, safarkan maanta ay idil maraysana waxba ugama duwana safaradii cuslaa ee ay nolosha usoo martay.

Xaqiiqdii idil riyooyin badan waa lahayd nolosheeda haba ahaadaan riyooyinkaas kolba kuwa la jaan qaadaya xaaladaha ay markaa ku jirtay, kuwana xaaladahaas natiijooyinkooda ayey ka dhex beermayay.

La soco Qaybta 22aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN