KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur


                                      KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!
Qaybtii 17aad
Idil wixii dhib soo maray maba ahayn dhib, hadii ay ogaan lahayn waxa u dhiman ee ay mari doonto, waxayse ahayd qof u adag oo ka bixi karta dhibaatooyinka soo wajaho, idil dambi kuma lahan ogaanshiyo la’aanta dhibka kusoo socda saa shaqdeedaba ma ahayn oo waa shaqo Alle, is waydiintuse waxay tahay sidee idil uga dabaalan doontaa mowjahada culus ee kusoo wajahan shaqsiyaddeeda.
Nolosha sideedaba qaraar iyo macaan ayey u dhaxaysaa, sakan waa qaraar sakanka kalana waa macaan, rajadaada mar waa sarraysaa marna waa hoosaysaa, ficilada kugu dhaca mar waa ku farax galshaan marna waa ka murjiyaan.
Murugada iyo farxaddaba waa nolosha qaybaheeda qasabka nagu ah in aan wada dhadhamino ama aan aragno sida ay doonaanba ha noogu yimaadaan, balse mar walba xanuunka iyo qaabka ay noogu yimaadaan ayaa ah kuwa macnaha sameeya.
Idil safaradeeda konfurta dalka ayey iska sii wadatay, mararak qaarna waxay usoo talaabi jirtay waddamada dariska ah qaybaha xudduudda ku teedsan oo ganacsi macaash fiican leh ay ka samayn jirtay.
Qataraha waddanka ka jira waa kuwa aad u dhib badna. Waddooyinka ma ahayn kuwa amaan ah oo waddo walba ama halkii kiiloo mitirba waxaa tiilay isbaaro ay lahayd qolo hebel kuwaas oo noloshooda ka eegta quudashada xaaraantaas ama dhaca dadka dhididkooda xalaassha ah quudanaya.
Dhibaatooyinka waddooyinkaas ka dhaca waxay ahaayen kuwa maalin walba iyo saacad walba dhaca, dadka qaar ayaa ku hanti wayn jiray, qaar ayaa lagu dhici jiray, qaarna naftooda ayeyba ku waayi jireen, qaarna xubnaha jirkooda ayey ku waayeen oo waaba kuwa maanta sababtaas darteed u cuuryaan ah.
Idil sida badan Alle kuma waxyeelayn jirin dhibaatooyinkaas ka dhaca waddoyinka oo waqtigeeda ayaa wax ka dhinnaayeen, balse qof walba waqtigiisa ayuu ku sugtaa wareegatada ku dhacda naftiisa.
Idil safarka ay markan soo gashay wuu uga duwanaa safardii kale ee ay soo gali jirtay xitaa marka ay soo galaysay kuma faraxsanayn in ay soo gasho oo waxaa kusoo dhacday in ay ka baaqato balse duruufa jira iyo ballamo ay la lahayd dad ay dayn ku lahayd ayaa ka baajin waayay in ay safarkeeda hakisato.
Subuxu waa khamiis, saacaddu waa 11 subaxnimo ama shan saac subaxnimo qofba sida uu u yaqaan, waxay kasoo raacday suuqa bakaarah gaari ka mid gawaarideeda xamuulka oo markaa ay ugu rarnayd Alaab ay lahayd.
Safarku wuxu ku wajahan yahay markan halkaa iyo Waajid meel la dhaho haddaanan qaldanayn waa gobolka bakool  oo hadda loo yaqaano konfur galbeed soomaaliya, safarkuna ammaan ayuu ahaa tan iyo muqdisho inta laga soo baxay lagana gaarayay halka loo socodo.
Wuxuu u ahaa idil safarkan safar fiican oo farxadeed marka loo eego hanka iyo tiigsiga ay lahayd, wuxuu lahaa qiimhiisa alaabadii ay xamar kasoo wada qaadatay qarax ayey u wada noqdeen oo waa u wada baxeen waliba faaiido fiicana ayey ku baxeen, sida badana badeeca marka xamar laga soo qaado oo la keeno xuduudda itoobiya hadana badeeco kale oo xamar looga baahan yahay ayaa lagu soo qaataa lacagta laga caddaystay tii xamar, maxaa yeelay waxaa badan qatarta ah in lacag caddaan ah lala soo maro waddada, sidaa darted, dadka waxay mar walba ka door bidaan in ay badeecadahooda ku kala salaysnaadaan baahiyaha ka kala jira labada meel uu safarkoodu ku salaysan yahay.
Haddaan si kale u dhigo xamar badeeco ayaa laga soo qaaday la is leyahay markaa waxaa looga baahan yahay itoobiya hadana isla itoobiya waxaa laga soo qaadaa badeeco kale oo markaa xamar baahi looga qabo, waa dhinaca ugu badbaadada badan ganacsiga dhulka qatarta ah ee aan markaa kuwada noolayn.
Safarkeedii ku noqoshada xamar iyada oo ku guda jirto ayaa waxaa waddada u galay tuugo aan la filayn oo markaa ahayd mar soo dhac waddada kusoo dhacay, waxay furteen dadkii intay wax cad ka furan karayn, intii ay dili karaan waa dileen wixii dhaawac in ay noqdaan u qaddarnaydna dhaawicii ayaa ku dhacay, dumar ay idil ka mid ahayd oo ilaa 7 gaarayana nasiibkoodu wuxuu noqday in la kufsado xoolihii caddaana laga furto gaarigiina sidii lagu leexsado.
Idil nolosheeda oo dhan ayaa is baddashay, way muraara dilaacday xoolihiina waa dhaafeen iyo mid ka mid ah gawaarideeda xamuulka ahaa, darawalkeediina halkaas ayuu ku dhintay iyadiina lagu kufsaday waliba kufsi aan ku koobnayn hal qof oo todob ka mid ahayd mooryaantii ayaa isag dul dagtay,maadaama ay ahayd dumarka markaa gaariga saaran tan ugu bilicsan uguna jir qurxoonayd.
Wax walba waxbaa dhaama idil murugadeeda iyo dhibaatada ku dhacday ayey Alle uga shukrisay maadama uu nafteeda u badbaadiyay, waana astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano Dadka iimaanka uu ehelka ah.
Dumarkii intii markaa xaab xabsan kartay meesha ay ka xaabsdeen oo ka huleeleen, qof walbana in uu dhibkiisa la kali ahaado oo bulshada aan waxba lala wadaagin ayey intii dumar ahayd ee kufsiga ku dhacay isku dhaarsadeen qof walba shibtiisa ha dhaho ayaa lagu ballamay.
Sababta ay sidaas u yeelayeen ayaa ahayd in bulshada u sheegisteeda aan waxba laga faaiidayn balse dhib maskxiyan ah lagala kulmayo, dumarka dhibka markaa ku dhacay kuma jirin wax gabar ah waxay u wada badnaayen Haween Da’ dhaxaad ahaa oo wada ganacsato ah gaarigana wuu u wada rarnaa.
La soco Qaybta 18aad
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN