KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!! W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                                KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 19aad

Waa sida aan horey qormada ugu sheegayee halka lagaa jiro mar walba ma ahan halka aad filayso idil xanuunkeeda awal inta uu ku ekaa hadda waxaa ugu soo darsoomay tabar darro, Caajis iyo Matag, waa markan marka ay go’aansatay in ay ku laabato dhaqtarkeeda oo ay la wadaagto waxa ay waayahan dareemaysay.

Sabab ka mid ah sababa shakiga sii galshay ayaa ahaa in ay waysay dhiigeedii billaha ahaa balse taasna shaki ahaan in uu dhib uga maqan yahay ayey is lahayd oo isma lahayn Uur iyo sababo kale ayuu ku maqan yahay.

Idil dhaqtarkii markii ay u sharaxday xaalkeeda ayuu ku yiri waxaa laga yaabaa in aad uur leedahay balse waan xaqiijinaynaa ee fadlan kaadi iyo dhiig iska soo qaad si loo ogaado xanuunka ku haya sababtiisa.

Idil maba hakan oo sidii ayey yeeshay jawaabihii markii ay yimaadeena waxaa loogu bishaareeyay in ay uur saddex bil ah leedahay waliba si murugsan ayuu ugu sheegay dhaqtarka inta uusan u sheegina wuxuu waydiiyay meeqa caruur ah ayaad leedahay oo dhaqtarka ismaba lahayn qofkan ayaa awlaad la’aan ah, markii ay u sheegtayna waa kan si murugo ku dheehantahay ula wadaagay maadaama uu ogaa xaaladda kufsiga oo ay horey ugu sheegtay dhowr jeer ay meeshiisa iska baartay.

Idil nabarka ay filaysay iyo nabarka ku dhacay aad ayuu u kala duwanaa nabarka ay filaysay wuxuu ahaa in xanuun halis oo ay is lahayd waa ka qaadday kufisigii ayaa niyadda ka walbahaarinayay balse waxa loo sheegay ma ahayn wax ay filaysay.

Mar waa faraxday oo waxay ku faraxday in ay hooyo ay ka quusatay hadda noqonayso ubadna daadihin doonto, mid ka mid riyooyinka nolosheeda ay ka quusatayna uu Alle meel kale uga soo baxshay, dhankaas marka laga eego idil farxad ayey u ahayd balse niyad ahaan su’aalo badan ayey is waydiinaysay ah, maxay dadku dhihi doonaan, adigase muxuu xaalkaaga noqon doonaa?

Bishaaradaas dhaqtarka uu u bishaareeyay xanuun iyo farxadba waa u wada ahayd xanuunka ayaasa ku badnaa oo ilma aysan aqoon aabahood ayey siddaa waliba ilma xalaal ah ma ahan waa ilma ku dhashay Kufsi.

Dumarka ilmaha ay dhalayaan xitaa nin aysan raali ka ahayn ha u dhalaan marba hadduu xalaal yahay waa ku farxayaan balse marka uu xanuunku sidan oo kale ku yimaada ilmahaas ay caloosha ku sidaan uma lahan macna gaar ah oo waa aragtay waa kuwa sababa in qaarkood musqulaha lagu rido qaarka kalana jidadka lasoo dhigo ka cabsasho ay ka cabsanayaa waxa ay kala kulmi karaan bulshadooda iyo ehelkooda.

Baniaadamka ilaalinta sharaftooda mararka qaar naftooda ayey u huraan nafaf kalana waa u gooyaan Ceeb laga cararayo awgeed, imisa dumar ah ayaa noloshooda sidaas ku waayay oo dunida uga hayaamay, imisa dumar kale ah ayaa sidaas ku guur waayay oo takoorid bulshada xageeda laga takoorayo nolosha ku dhamaystay.

Runtii idil xanuunka haya iyo is waydiimaha ay is wayadiinayso waxay kala sinnayd dumarka aan soo tilmaamay oo kufsigii shalay ay qarinaysay ee ay is lahayd bulshada uga asturnow dhibka kugu dhacayna adiga ha kugu koobnaado maanta dhibkeeda waa kaas soo muuqan doono su’aalo badana la doonayo in ay u hesho jawaabo aysan hayn halka ay ka keeni doonto.

Waa xunuun xaqiiqdiisa ay tahay in lala noolaado qasabna ay ku tahay idil in ay wajahdo, maxaa yeelay ilmaha Alle caloosheeda ku beeray iyada qiima gaar ah ayey u leeyihin waa mid ka mid ah riyooyinkii ay waligeed nolosha ku taami jirtay intaas oo guur ah oo aysan raali ka ahayna usoo martay loona soo af lagaadeeyay, waa mid ka mid ah sababaha ay uga soo haajirtay dunidii ay ku dhalatay ee hooyadeed iyo aabaheed ku dhaqnaanyeen.

Xaqiidii taariikhda idil iyo waxa ay tahay sheekada Ayaan kusoo marnay oo hadda dib idinkuguma celinayo balse waxaan idinku dareensiinayay oo kaliya ilmaha maanta caloosha idil galay xilliga la doonayay iyo sida aadka ah ee loogu baahnaa xilligaas in aysan soo calool galin, balse maanta oo laga quustay lana filayn in ay imaanayaan ay yimaadeen waliba sabab xanuun leh oo filan waa ah ku yimaadeen.

Idil iyada oo aad u murugaysan qandhadii iyo xanuunkii hayayna uu sii laba jibaarmay balse xanuunka markan haya uu ka duwan yahay kii ay dhaqtatrka u tagtay ayey kasoo dhaqaajisay meesha. Waxaa u bilowday waa cusub, saacad ka hor dunida ay ku noolayd kuma noola, dareenka ay qabtayna ma qabto, waxaa u bilowday duni cusub oo la doonayo in ay wajahdo, su’aalo tira badan oo marba jawaabta ay u hesho ay ka laabanaysay ayaa ku furnaa maskaxdeeda.

Waddada waa ay ku socotay, balse, waddada ay socota maba ogoyn oo baabuurta wadddada marayso ayaga ayaa ka leexanayay ee iyada kamaba leexanayn, harraad iyo ilgooyo ayaa wajigeeda ka muuqday, maalmihii hore ee ay la daalaa dhacaysay xanuunka Wallaca ah ayey daciiftay oo cuntadii ka soontay, matagna wuu usii dheeraa tabarteeda sii wiiqay, nafaqo darro said ah ayaa ka muuqatay idil suuqii ay aadi jirtayna muddo laba usubuuc ah ee ugu dambaysay ma aysan aadin.

Idil idishiii la yaqiin maahan, waa idil doorsoontay oo qofkii arkaa uusan aaminayn in ay ayadii tahay, xaqiiqdii gabadhan dhib badan ayey soo martay, iyada oo dhib iyo cuqdad nafsi la noolayd jirdil dhanka maskaxda ahna kasoo qaadday noloshii hore ee aysan doorashada ku lahayn ayey maanta la kulmaysaa nolol tii hore ka culus waliba ka qatar badan.

La soco Qaybta 20aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN