KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!. W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                                                KUFSI IYO KADEED ADDUUN!!!!

Qaybtii 15aad

Xaalka dunida waa mid is rog rogis badan idil shalay sida ay ahayd ma ahan maanta, barina ma ahaan doonto sida ay hadda tahay, waa hubaal taas, waqtiga wuu socdaa, da’ahaan ayey usii koraysay, balse dhanakaas iyada wax cabsi ah kuma hayn, muhiimaddeeda waxay ahayd in ay u noolaato sida ay u qalanto, dadkeedana nolol wanaagsan ka kaalmayso sidii ay ku gaari lahaayeen.

Hammiga ku jira gabadha waynin badanaa, dhowr asxaabteeda iyo ehelkeeda ka mid ah ayaa usoo bandhigay in ay guursato, xitaa waxaa loo keenay rag badan oo eheladeeda ah buuxinna karay shuruudaha ay idil sheeganaysay.

Raga loo keenay ama soo doontay waxay isugu jireen dhowr qaybood, qaarkood dhaqaala ahaan iyo magac ahaanba waa dhisnaayeen, qaarkoodna waxay iska ahaayeen meel dhaxaad dabbaran kara noloshooda.

Idil dhawaqa iyo baaqa kaga imaanayay eheladeeda iyo asxaabteeda dhag jalaq uma aysan siinayn, waxaa u muuqatay in ay howl ka nusqaan tahay, howshaas oo ah in aysan wali gaarin hadafkii ay ku riyoon jirtay si nafsiyan ah iyo si guudba.

Hadal xun ma oran jirin dadka usoo bandhiga arrimahaas, qof walba sidiisa ayey u qancin jirtay kii la fahmaya damceeda iyo tiigsigeed way qancin jirtay kii aan fahmayn way qancin jirtay labadab, ma jirin ayaa la dhihi karay qof uga xumaaday hadal qaloocan oo ay tiri.

Idil halgankeeda shaqo ayey sii wadatay, markan waxaa is baddal yar ku yimid ganacisigii shidaalka oo tartan badan yeeshay suuqii oo dhaqaalaha lasoo galshay iyo waxa kasoo bixi kara aysan is qaadan Karin, howshu waxay gaartay allow waqtigan faaiido ma rabee lafahayga ii bad baadi.

Idil waxay ku dhex lahayd magaalada dad badan oo siyaaba kala duwan warbixin ganacsi usiin jiray, wax ay xuuraansato magaalada markii dambe waxay ka mid noqotay dadka magaalada baatiga keena, iyada oo dad jiray dibadda lacag u dhiiban jirtay sidaana loogu keeni jiray baatigeeda.

Howsha baatiga ay idil gashay ma ahayn mid tafaariiq ah, waxay ahayd mid jumlo ah oo dadka ay kala wareegi jireen alaabta isla markii ay magaalada soo gashaba, qiima wanaagsan ayeyna ku siin jirtay.

Marka ay sidaa idil u kala gadayso Baatiga kama aysan bixin shidaalkii oo iyada oo ku jirto balse doonaysa in ay ka baxdo ayey si tartiib ah oo suuq fahmid ah ugu jirtay howsha baati gadista.

Idil waxay ahayd qof aan daalin oo meel walba madax la gasha, cabsina ugama jirin marnaba dhanka ganacsiga, waxaa caada u ahayd oo lagu yaqiin marka ay rabto in ay howl bilowdo in ay badin jirtay xuuraansiga howshaas.

wax ay sidaa ku jirtaba waxay markii dambe gaartay in ay lugaheeda ganacsiga isku soo leexsato oo hal dhinac isugu keento xoogeeda iyo hantideedaba dhinacaasna waa dhinaca baati gadista.

Waxaa dhacday in idil ay xiriir haasaawa ah dib u bilowdo, waa iska calaf wax ku yimid ee ma ahayn mid ku yimid rabitaankeeda ayaa la dhihi karay, waxay wada socdeen oo sheeko wadaag ahaayeen mid ka mid ah ganacsatada uga soo iibisa baatiga waddanka dibadiisa.

Magiciisa wuxuu ahaa Xaaji Cartan, ilmihiisa waa hore ayey u koreen dibadaha ayeyna wada jireen, isagu maadaama uu waligiis ahaa ganacsade dibadda wax ka keenaa howlihiisa shaqo ayuu iska watay.

Dhaqaala ahaan wuu dhisnaa, wadaadna wuu ahaa, idil sababaha ay u gashay wadaadkaas mar la waydiiyey ayey ku gaabsatay in uu buuxiyey shuruudihii ay ka doonaysay, waa kow in uusan Dumar kale qabin, waa labo in aysan jirin ilma kadaba jaqaaqleyna, saddex in ay isku xaalad yihin oo isagu uusan hadda ilmo doonayn dhaliddooda iyana aysan taas hadda raja ka lahayn, afar ayaga oo doonaya in ay isaga dhowrtaan dhanka shahwada.

Idil qaabka ay u hadlayso marka la eego maba ahayn qof ka raja qaba in u dunida ay ciyaal ku korin doonto, sababta waxaa loo aaneeyaa dhibaatooyinkii ay kasoo dhaxashay guurarkii hore ay usoo martay kuwaas oo ka dhigay mid raja tiran oo dhanka owlaadda aan wax hammi ah ka lahayn.

Idil iyo xaaji cartan markii ay muddo gaaban is qabeen ayuu xaaji cartan si kadis ah dhintay kadib markii looga soo booday Wadnaha isaga oo ku maqan safar dhankaa iyo Dubai ah.

Waxay noqotay xaajiga maadaama uu xoolo badan ka tagay in la dhaxlo xoolhii wixii xaq ay u yeelatay idilna waa lagu wareejiyey, idil howsheeda waxay noqotay halkii ay bar aqoon jirtay dib ugu laabo waa garoobnimada.

Marnaba ma ahayn mid ka niyad jabta xaaladaha adag ee nolosheeda lasoo darsa, mar walba oo ay dhib la kulanto waxay ahayd mid is adkaysa oo si xaraga leh uga dhex baxda xaaladahaas adag.

La soco Qaybta 16aad

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN