KULANKEENNI. WQ: CABDIRAAFIC YASAC MACALLIN

Kulankeena hortiis hal maalin ayay i soo wacday waxay ii sheegtay in aan berri ugu marti ahay meel hebla.
Waxay ahayd meel qurux badan aadna ugu fiican keliyeysiga uma aan baran meelaha nuucaana inaan waqti ku qaato. Markaan salka dhulka la helnay waxay i fartay inaan damiyo telfoonkayga waan ka aqbalay ayana keeda ayay damisay.
Waxaan bilownay sheeko tooxaysi ah oo qofba mar hadlayay, waxaan u muuqanay dad xushmadi buux dhaafisay oo qofba qofka kale u dhaganuglaa.
Waxaa sheekadeena ku soo noqnoqonayay dhacdooyinkii caruurnimadeenna iyo qofba waayihiisi. Waxaan ahayn dad u garaabayay hadba sheekada bixinaysay dhib la soo maray anagoo ku muujinayna dareen foolkeena laga aqrin karo.
Ma jirin hadallo iska hor’imaanaya ama dood in keenaysay in dhib jirta la xalliyo.
War kasta wuxuu ku idlaanayay mahadnaq Alle loo hayo iyo qabwayni aan is bidaynay in aan la gudubnay jabad ku daadsanaa nolosheena markaan la kowsanay dunida iyo sida waalidkeena dhibka nooga soo maray oon uga duwanaannay asaageen.
Ugu dambayn qofba wuxuu qofka kale tusay meeshuu u socdo taagha uu rabo inuu gaaro dusmooyinka ka sokeeya iyo hadafyada cirdaloosha yeelan kara ee hubinta u baahan.
Waxa aan wadaagnay waxay ahaayeen is garabsi kalsooni ku jirto oon humaag lahayn aana ku arkaynay indho daacadnimo leh oo u qalma is aaminaad gacan wayn wata.
Kaftanku ma badnayn waxaase saad noo ahaa filasha dooggga iyo cagaarka ee aan saadaasha uga dhex jeednay se u baahanayay didaalka iyo ruclaha aadka u dheeraa marka awoodaheennu ku kulmaan goobta dirirta nololeedi taalo.  Nasiino waxaa noogu filnaa xasuusta maalmihii adkaa ee aan kartida iyo dhiiranaanta ku soo marnay, taasoo naga dhigaysay dad ku qanacsan waxay haystaan lagana rabo inay maalaan xooggooda siyay kamminka uga wabxaan.
Waxaan ku kala tagnay annaga oo isaga mahadnaqnay waqtiga aan isku hurnay, kulamada xigana isku xujaynnay in qofba tiisa ka soo baxo oo guul ka keeno shaqooyinka horyaalay habeenkaa si loo odoroso waxa xigi kara.
Sida ii muuqatay waxay kulanka u hurtay qarash badan kan xigana anaa layga sugayay inaan qabto
Waxaan ka fakarayay maalmihii xigay sidaan kulankaa u qaban lahaa iyo ujeedka la gaari doono.
Waxaan ugu yeeray gurigayga galab jimce ah is nabdaysi kaddib markii aan biyo cabnay cayaar ayaa bilownnay. Waxay u badnayd mid la is eryanayo oo kalliftay in la dhidido la booroobo ilaa dharkii aan wadanay uu wasaqoobo waanse ku raalli ahayn oo aad baan u faraxsanayn aadna waan qoslaynnay. Markii cabbaar la daalaba waxaan cabbaynay koob biyo ah ama Shaah qashaamirix ah oon gacantayda ku kariyay.
Cayaaruhu waxay u badnaayeen kuwii aan ciyaalnimada ku madadaalan jirnay oo or iyo qaylo watay ayadu mooge ayay ka ahayd anaase ujeeddo ka lahaa oo ahayd in aanan kharash badan galin sida ayadu yeeshay habeenkii ay Hotelka i gaysay.
Gabbalku markuu dhacay ayay iska carrowday ayadoo aad moodo inay maanta dhan guri la dhisayay Sibirka u qasaysay wasaqda korkeeda saaran haddaa aragto waa ayse ku qanacsanayd oo waayahaanba wax sidaa uga farxiya may arag anna waan faraxsanaa oo lacagba iga ima bixin.
Waaba sababta aan Muqdisho uga soo tagay si aanan kulanka kale ugu fashilmin lacagtuna iigu baaqato.
W/Q: Cabdiraafic Yasac Macalin

SHEEKOOYIN