Maalintii Soomaalida iyo Leiden University

Maalintii Soomaalida iyo Leiden University

Waxa ay ahayd madal mug iyo mudnaan leh oo kulmisay indheergarad, aqoonbaarayaal, qorayaal iyo dhiganayaal badan.

Madasha waxaa agaasinkeeda iyo maamulisteeba lahaa Mac’hadka Daaraaska Afrika ee Jaamacadda Leiden, Netherlands. Waxaa na daadihinaysay Professor Annachiara Raia oo Jaamacadda bare ka ah; ujeeddada na waxa ay ahayd maamuus Leiden University u samaynaysay sannadguuraadii 61aad ee Soomaaliya.

Waxaa marti ku ahaa saddex aqoonyahan oo waa waayn: Professor Cali Jimcaale Axmed, Professor Marin Orwin iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Professor Jimcaale oo ka hadlay “Dhaqanka iyo Siyaasadda oo ookiyaalaha suugaaanta” lagu eegayo. Professor Jimcaale waxa uu suugaanta ku tilmaamay in ay tahay “garaaca wadnaha” ee lagu ogaanayo nolosha ummadi nooshahay. Khudbaddiisa, Professor Jimcaale waxa uu in badan oo ka mid ah uga sheekeeyay awoodda suugaanta qoran asaga oo si gaar ah uga sheekeeyay labada buug ee #Guban iyo #Waayiihii #Warsame.

Waxa kale oo Professor Jimcaale si wacan u qaadaadhigay macbacadda Laashin, mareegta Laashin.com iyo dhammaan buugaagta Laashin Publications daabacday asaga oo buugaagta iyo qorayaashoodaba mid mid u sheegay.

Professor Marin Orwin waxa uu si dul-ka-xaadis ah uga sheekeeyay taariikhda heesaha iyo muusigga Soomaalida. Halka Dr. Jaamac Muuse warbixin kooban ka bixiyay Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo uu madax ka yahay. Dr. Jaamac waxa uu madashada ka sheegay in xaruntu ilaa hadda xarunta aruurisay kayd-suugaaneed gaaraya 14,000 maqal iyo muuqaal isugu jira.

Waxa kale oo madaxda Mac’hadka Daaraaska Afrika ee Jaamacadda Leiden soo bandhigeen kayd buugaag ah oo gaaraya 500 oo buug oo ay sannadkii 2019 ka soo iibsadeen Bandhigii Buugaagta Hargeysa.

Waxa kale oo madashada lagu soo bandhigay kayd (data) online ah oo lagu kaydiyay buugaagta iyo waxsoosaaeka Soomaalida kaas oo dhismihiisa ay iskakaashadeen dawladda Wales iyo Jaamacadda Leiden.

Ugu dambayn, aniga oo ku hadlaya magaca madbacadda iyo mareegta Laashin, iyo qorayaasha iyo hawlwadeennada Laashin waxa aan si mug iyo maamuus leh ugu mahadnaqayaa Professor Cali Jimcaale iyo Jaamacadda Leiden.

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN