Nasiib darro ma calfan!!! W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

Nasiib darro ma calfan!!!
Wuxuu la waday xiriir kalgacal muddo 3 sano ah isaga oo aan korkeeda taaban xitaa dhunkan una soo dhaawaan, daacad ayuu u ahaa codsi walba oo xageeda kaga yimaada, wax walba waxaa kala waynaa jacaylka uu u hayay.

Baahi badan ayuu u qabay mar walba uu xageeda soo damaaciyo sugo waqtiga ayey dhihi jirtay isagana hadal kuma soo celin jirin ilaa markii dambe uu soo dhiibtay codsigiisa ahaa in guursado xaasna ay u noqoto, balse, shardi ayey ku xirtay ahaa in marka hore ay is ninkaaxsadaan oo ninkaaxa uu dhacaa arooskana ay sugtaan muddo lix bilood ah ilaa ay jaamacadda ka dhamaynayso, isagana wuu ka aqbalay isaga oo sugi la’ in ay mar uun xaaskiisa noqoto.

Wuxuu rajaynayay mar haddii maher xalaal ah u qabto in ugu yaraan uu wax ka heli doono, baahidan faraha badan ee u hayana ay ka dagi doonto.

Diyaar garow iyo qarash badan uu soo aruurshay kadib ugu dambayn waxaa dhacday xafladdii ninkaaxa oo marwadiisa ayey noqotay.

Wuxuu u waday dalxiis uu muddo qorsheynayay isaga oo qorshihiisa yahay in uu waqti macaan kula qaato inta dalxiiska lagu guda jiro.

Hotel fiican iyo goob qurux badan hawa macaana leh oo ku mac dhadhansashada jacaylka ayuu la tagay balse kama helin wax aan dhunkasho ahayn oo riyadiisii ahayd in uu xaaskiisa xalaasha ah ku xaluusho uma suuroobin.

Tuugmo iyo codsi iyo cudur daar kale oo ay isku dartay ayey uga dhaadhicisay in uu bal sugto ilaa arooska, isaga oo ay ku adagtahay diidayana in uu ka xumaaday in ay dareento ayuu ka aqbalay.

Niyad jab ayuuna habeenka kula hoyday laabtiisa isaga oo markan is waydiinaya bal in uu calfan doono gabadhan sidan uu qalbigiisa u siiyay.

Dalxiiska sida uu ugu tala galay si aan ahayn ayuu ugu soo dhamaaday sida uu u qorsheeyay iyo sida uu ugu diyaar garoobay iyo natiijada uu kala kulmay waxay ahayd mid laabtiisa ka daadagi waysay aad ayuu uga xumaaday runtii.

Sugashada maba dheerayn waxaa hadana la soo gaaray xilligii arooska, talow markan maxay ku maaweelin doontaa, maxayse u sheegi doontaa? waa dumaree wax ay sheegto ma wayn doonto.

Si dulqaad iyo dareen wanaagsan uu iyada u muujinayo ayuu intan kusoo gaaray ugu dambayna waqtigiisi waa yimid sida uu is lahaa.

Arooskii si wanaagsan ayuu ku dhacay jacayl uu jacelyahay iyo xiiso daran uu u qabay dartiis ayuusan gurigii uu ugu tala galay u geyn, hotel ayuu kiraystay uu is lahaa waqti wanaagsan kula qaado marwadan muddada dheer ku maaweelinaysay.

Galbintii iyo gabagabadii kadib ayey labadooda kusoo kali noqdeen hoteelkii uu qabsaday, ciyaarta xiisaha leh ee uu mudda in ay dhacdo sugayay ayuu niyadda ku hayay in waqtigeedi is keenay.

Wuxuu iska dhigay dharkii arooska isaga oo ka codsaday xaaskiisa in ay kusoo waheliso qaybayska ka hor inta aysan sariirta tagin.

Ninku waa nin in uu macaansado jacaylkiisa jecel wax waxlba uu ku qurxin karana wuu sameeyay, waxaad ka garan kartaa nikaaxii kadib sida uu ula damaashaday xaaskiisa iyo goobtii macaanayd uu geeyay iyo isla hadda oo arooska ah meesha uu hadana xaaskiisa keenay.

Waydiintiisa ahayd in ay ku waheliso qubayska musqusha ayey hadana ka gaabsatay oo tiri “macaane aad ayaan u xishoonayaa kuma wahelin karo waan baqayaa kaligaa qubayso, caawa meel aan kaaga baxsanayo maba jirto ee ii dulqaado marka aad soo dhamaysato ayaan anna qubaysan doonaa”

Isma dhibin isaga oo madaxa ruxaya dhoola caddaynaya ayuu ku yiri ” kaadi badane waa loo gogol badshaa, waqtiga wuu ku hayaa caawa, muddo ayaad i maaweelinaysay daqiiqadahan gaaban waxba igama dhibayaan 4 sano ayaan ku sugayay?

Qof walba goonidiisa ayuu u qubaystay waxaana la iskugu wada yimid Sariirta, markan meel lagu kala dhuunto ma jirto, wuxuu bilaabay in uu xod xoto xaaskiisa dhan walba ka qabto iyadu baqasho adag ayaa ku jirtay waligeed ay ninkan ka baqayso waa iska dumar iyo dhaqankooda, isagu waa hore ayuu dabkan ku shidnaa caawa oo xornimo helayna wuuba sii ololay oo haddii uusan dabdamis xageeda ka helin wuu qarxi.

Dumar marmarsiiyo ma waayaan, waxay ku andcootay in ay daal badan dareemayso hadana dareen wanaagsan aysan u hayn arrintaa xoogaa cabsi ahna ay ku jirto, waxay ka codsatay bal in uu sugo ilaa labadoo saac oo kale oo ay sheekaystaan.

Isaga sheeko tabar uma hayn, markan aad ayuu uga carooday balse niyadda wuxuu iskugu dhisay in laba saac aysan meel dheer jirin uu iska sugo, markaas ayuu inta fadhiga iska tagay isku mashquuliyay muuqaal baahiyaha.

Inta uu sugayay waqtiga iyana quuro hurdo ayey gashay, runteed ayey ahayd daal badan ayaa ku jiray iyo naxadin ay ka naxsanayd arooska iyo arriimahiisa.

Nasiib darro ayaa dhacday oo hoteelkii ayaa waxaa la wareegay qolo burcad ah oo qololka dadka mid mid u galayay si ay u baartaan maacaamiisha hotelka daganayd ayaga oo dhac iyo kufsi isugu daray.

Ayaga oo waxba ogayn isagana uu iska fadhiyo fadhiga iyana sariirta ku kor quurinysa ayaa albaabka loo soo garaacay iyada oo la adeegsanayo mid ka mid ah shaqaalaha hotelka.

Shaki iyo dareen xun midna kuma jirin, fadhiga ayuuba fadhiyay kolkaas ayuu si dhaqsa ah uga furay albaabka mise waa shan burcaddii ka mid ahayd oo hubkooda la soo galay qolka.

Gabadhii shaqaalaha hotelka ka midka ahayd oo ay horey u wateen iyo gabadhii aroosadda ahayd ayey saf ka galeen oo midba mar isku baddaleen, isaga garba duub ayaa loo xiray waxaana lagu qasbay in uu indhaha ka daawado xaaskiisa uu muddada sugayay oo shan ay iskaga daba dagaysay.

Waxay u ahayd habeen murugo oo uusan noloshiisa inta ka dhiman illaawi karayn, argagax iyo amakaaga ayaa ka soo horey, indhaha ayuu ka daawanayay xaaskiisa ilaa ay ka miyiri daboolanto dhiigeedana dhulka ku qubto.

Shaqadoodi markii ay dhamaysteen ayey hadana dhac iyo jirdil isaga ugu dareen ayaga oo ka jabshay laba ilkood wajigana dhaawac xoogan ka gaarsiiyay, isaga oo miyir daboolmay ayey meesha uga tageen, subixii ayuu soo nabdaaday isaga oo isbitaal dhex jiifa.

Waxa kaliya ee maankiisa ka bixi la’aa ayaa waxay ahaayeen xaaskiisa sida loogu horgalay isaga oo markan xitaa cuqdad u qaaday xaaskiisa.

Wuxuu ku eedayay in ay iyada mas’uul ka tahay in uu calfan waayo, 4 sano ayey meer meerinaysay maxay sugaysay, ma muuqaalkan xanuunka badan ayey ila sugaysay, ciil iyo cuqdad saaid ah isag oo u qaba ayey isbitaalka kasoo wada baxeen.

Iyada xanuun daran ayaa hayay qoyskeeda ayaa la tagay oo waxaa lagu heshiiyay in gabadha la soo baxnaaniyo sidana aan lagu sii dayn karin niyad ahaan iyo jismi ahaanba aysan diyaar u ahayn in ay qoys dhaqato.

Isaga waxaa u cuntami waysay in uu sabro, mar walba muuqaalka foosha xun ayaa u muuqday oo madixiisa ka dagi waayay, wuxuu go’aansaday in uu iska furo maadama uusan qalbi ahaan haysan karin xaaskan, sidaas ayuu dalqadaheeda ugu tiriyay isaga oo gurigii uu u dhigay xitaa aan waxba ka qaadan.

Nasiib darro ma uusan calfan!!! Is waydiinta waxay tahay fal celinta uu sameeyay ma kula fiicantahay, maxaad samayn lahayd haddii ninkaas aad noqon lahayd? aniga haddaan ahaan lahaa waan haysan lahaa xaaskayga inkastoo arrin xanuun badan ay tahay.

Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN