Sida Soomaaliya loo nabaad guuriyay oo loo xaalufiyay!!!

Hisilicon K3

Sida Soomaaliya loo nabaad guuriyay oo loo xaalufiyay

 

Deegaanka Soomaaliya wuxuu ahaan jiray deegaan dhir badan, kaymo, daaqsiimo oo baad badan. Kaymahaas iyo geedaas iyo daaqsimahaas si kas iyo ula kac ah oo loo qorsheeyey ayaa lagu wada gooyay, oo dhulkii loo nabaad guuriyay. Waxaana qorshahaas dejiyay dawlado galbeed ah, oo ay Maraykanka iyo Ingiriisku ugu horeeyaan oo hormuud u ahaayeen. Waxay labadaas dawladood iyo inta ku raacsanayd, ayna ka mid yihiin shirkadaha batroolka soo saara, u qorsheeyeen in dhirtana la jaro, qalabka culus oo lagu jari lahaan dalalkooda laga soo gato.

 

Qorshahaas waxaa ka mid ahaa in waddooyin caddo ah degmooyinka waawayn ee dalka la gaarsiiyo oo geedaha iyo dhirtaba la jaro, ujeedaduna ay tahay waddooyin ay maraan markay cidammadoodu u baahdaan inay deegaannadaas weeraraan.

 

Mashruuca Daaqa

 

Dhulka waxaa loo kala degi jiray qabiil, oo deegaan walba waxaa degi jiray oo xoolohooda daaqsan jiray qabiil la ogyahay. Dhaqankaas waxaa buriyay Kacaanka kow iyo labaatanka Oktoobar ee kun sagaal boqol sagaal iyo lixdanka, oo dhulkoo idil ka dhigay miday dadka Soomaaliyeed oo idil u siman yihiin, oo sharci sidaas oranaya kasoo saaray.

 

Mashruuca Bangiga Adduunka oo  la oran jiray “Mashruuca Daaqa” ee Soomaaliya, waxaa ka dhashay in dhul badan oo dalka ka mid ah daaqidda xoolaha laga reebo oo loo bixiyay waxa “seero” lagu magacaabay.

 

Markaasay marka jilaal la gaaro qabaa’ilka dhulkaas daaqi jiray lagu khasbay inay u guuraan dhul ay qabiillo kale degaan oo sidaas dagaal la isaga horyimid oo uu dhiig ku daatay.

 

Mashruucaas oo la bilaabay kun sagaal boqol afar iyo toddobaatan (1974) markay dhacday abaarta loo bixiyay “Daba Dheer”, waxaa soo hindisay Bangiga Adduunku, ayadoo ayan dawladda Soomaaliyeed wax ku darsan, waxna ka ogayn.

 

Aniguna markaas waxaan ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.

 

Maalin ayuu Wasiirku Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, wuxuu ii wakiishay inaan magaciisa uga qayb galo shir dhawr wasiirro lagu martiqaaday inay kasoo qayb galaan, laguna qabanayay Xaunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

 

Markaan shirkii tegay, waxaa joogay wasiirradii lagu marti qaaday, ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Qorshaynta, iyo Waiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Beerah, wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, wafdiga Bangiga Adduunka oo Washington D.C. ka yimid, iyo rag kaloo shisheeye ah oo Qarammada Midoobay ka socday.

Waxaa halkaas lagu qaybiyay kitaab wayn oo ku saabsanaa daraasad uu Bangiga Adduunku soo sameeyey, iyo qoraallo kaleba. Anigase nuqul la igama siin darasaddaas. Markaan waydiistana in nuqul la iga siiyo waxa laga hadlayo, waxaa la ii sheegay inuusan arrinkaanu Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa khusayn oo aan nuqul la iga siinayn.

 

Markuu shirku dhammaaday, oo aan xafiiskayga ku laabtay, ayaan wasiirkayga warbixin ka siiyay shirkaan wakiilka uga ahaa, una sheegay in daraasadda laga hadlayay aan aniga nuqul la iga siin, sababna loo dhigay inayan wasaraddeenna khusayn.

 

Markaasuu wasiirku la xiriiray qolada qaybinaysay, oo ahayd Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Qaranka, uuna nuqul kasoo qaatay, iina xilsaaray inaan darso, talana ka siiyo.

 

Markaan mashruucaas darsay, waxaa ii soo baxay qodobbada soo socda:

 

Kow. In dhulka xooluhu daaqaan ee degmooyinkay daraasaddaasu khuseyso, ahaana gobolka Waqooyi Galbeed, kaddibna lagu soo dari doono gobolka Togdheer, oo marba degmo la xirayo, oo xoolaha deegaankaas laga reebayo inay dhulkaas galaan oo daaqaan.

 

Laba. Dhulka daaqa oo la geed qaadayo, oo inta bull dozers iyo Land Rovers Ingiriiska laga soo gato, iyo waxay u magacaabeen “Khubaro/Expert” Ingiriis iyo Ameerikaan ah, oo mushaarkoodu ka badan yahay nus lacagta mashruuca, geedaha laga wada jarayo.

 

Saddex. Hadana dhul qabiil kale deggan yahay la xirayo, oo xoolohooda loo diidayo inay daaqaan, lana geed qaadayo.

 

Cilmiga, ama jahliga mashruucuba intaasuu ku fadhiyay, oo ah in Soomaaliya la nabaad guuriyo, waana dayn dadka Soomaaliyeed laga doonayo inay gudaan.

 

Mashrruucaas waxaa lagu soo sameeyey Washington D.C. caasimadda Maraykanka, ayadoo ayan wasraadda soomaaliyeed oo arriinkaas qaabilsan, ahna Wasaaradda Xannaannada Xoolaha , Dhirta iyo Daaqa, ayan ka warhayn ama aan lagalaba tashan, oo xattaa in darasadda nuqul laga siiyo loo diiday. Mashruucaas mar dambe wuxuu noqday Wakaaladda Daaqa Qaranka.

 

Khatarta siyaasadeed ee uu mashrrucaas Soomaaliya u leeyahay

 

Aniga iyo Wasiirkuba waxaan u aragnay inuu mashruucaan khatar siyaasadeed iyo bulsahaba u yahay dalkeenna, kuna dhisan yahay in qabaa’ilka Soomaaliyeed la isku diro, oo marka qabiil dhulkay xoolaha daaqsan jireen laga xiro, waxay xoolohooda la aadayaan dhul uu qabiil kale dego, halkaasoo iska hor imaad ka dhalanayo, sida dhici doontaba, marka ugu horreysayna uu dagaal lagu dhintay ku dhex maray qabiilka Jibriil Obokor ee Habar Awwal oo degmada Kala Bayrka kasoo qaxay iyo qabiilka Guda Biirsi, ama jilib kale ee Habar Awwal ah.

 

Tan labaad, sidee abaar loogu daawayn karaa ayadoo dhulka la nabaad guuriyo, intii geedo iyo dhir kale lagu beeri lahaa? Waa wax uusan caqli fiyow aqbali karin.

 

Mashruucaas waxaa lagu bilaabay gobolka Waqooyi Galbeed, kaddibna loo soo fidiyay xagga Togdheer iyo Gobollada Dhexe oo Gaalkacyo xarunta u tahay.

 

Talada Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

 

Dadka xoolaha lehe, markay xoolohooda daaqsiin u waayaan, xooluhu way dhaafayaan, ayaguna ay sabool noqonayaan aan gacantooda waxba ku jirin. Markaasay waxay soo gelayaan magaalooyinka waawayn ee gobollada, oo ay qaraabadooda kusoo biiriyaan. Taas waxaa ka dhalanaya in, maadaama ayan shaqooyinka magaalooyinka looga shaqaysto aqoon, sida fuundinnimada, aqoonta korontada, samaynta gaadiidka, macallinnimo, biyo dhaaminta, xafiisyada, iwm., ay noqdaan sabool aan isku filnayn oo shaqo la’aan ah, oo ay bulshada khasab ku noqoto inay masruufaan, ayaguna ay qiimo jabaan.

 

Sidaasuu Dr. Yuusuf Cali Cismaan qoraal ugu dhigay madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, Allaha u naxariiste, uuna kula taliyay inaan mashruucaas la oggolaan.

 

Go’aanka Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya

 

Madaxweynuhuna wuu yeelay talada Wasaaradda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, wuxuuna taladeeda geeyey Golaha Wasiirrada, kaasoo go’aan kasoo saaray in mashruucaas uu Bangiga Adduunku noo keenay lagu diido.

 

Warqadda Madaxweyne Madaxammad Siyaad Barre

 

Madaweyne Maxammad Siyaad Barre wuxuu warqad u dhigay uu go’aankaas ugu sheegayo Bangiga Adduunka iyo Dawladda Maraykanka, wuxuuna warqaddaas ugu dhiibay Dr. Axmad Maxammad Xabiib oo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Soomaaliya ahaa, oo Washingon D.C. ugu geeyey oo gacanta ka saaray.

 

Jawaabta Bangiga Adduunka

 

Jawaabta Bangiga Adduunka iyo dawladda Maraykanku waxay noqotay inuu guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka oo dayuurad gaar ah wata uu Muqdisho kasoo dego uuna madaxweynaha u sheegay in hadday dawladda Soomaaliya mashruucaas diiddo uusan Bangiga Adduunka meel marin doonin mashaariicda kale oo ay dawladda soomaaliyeed weydiisatay maalgelintooda, sida dhismaha dekedda Muqdisho iyo mashruuc kale oo loo qorsheeyey gobolka Waqooyi Bari. Sidaasay dawladda Soomaaliya ku oggolaatay mashruucaas.

 

Hadidaad

 

Wasiir Dr. Yuusuf Cali Cismaan iyo anigaba waxaa na hadiday rag dawladda ka mid ah, naguna haddiday in shaqada nalaga eryi doono haddaan mashruucaas ka hor nimaadno.

Wasiirku wuxuuba ii  magacaabay wasiirro ku yiri:

“Mashruuc gaalo wadato haddaad ka hor timaadid, shaqadaa lagaa saarayaa.”

 

Aniga laftaydaba wuxuu nin wasiir ah oo kuwa mashruucaas xambaarsanaa, intuu i hadiday, igu yiri:

“Gaaladu waxay wadato ha horistaagin.”

Ninkaas i hadiday warkaasna igu yiri wali waa noolaa, markii iigu dambaysayna, oo ahayd  qiyaas labaatan sano mar hadda laga joogo, wuxuu ku noolaa Boosaaso.

 

Ragga sidaas nagu hadidaya, aniga iyo wasiirkaygaba, waxay dhinac mareen go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirrada oo mashruucaan ku saabsan, ayaguna ay ka mid ahaayeen go’aamintiisa, iyo go’aanka madaxweynaha oo isagoo meel marinaya go’aankaas, warqado uga diray dawladda Maraykanka iyo Bangiga Adduunka.

 

Kormeer

 

Marka mashruucaas la bilaabay ayaan waxaan kormeer ugu tegay gobolka Waqooyi Galbeed, si aan u arko sida loo meel marinayo. Mashruuca waxaa maareeye ka ahaa oday maraykan ah, waxaanna ku iri:

“Mashruucaanu wuxuu ku dhisan yahay in roobka da’i doona caws kasoo saaro dhulka la geed qaaday, ee maxaa looga baahan yahay in geedaha la gooyo?”

Wuu iga aamusay. Waxaan hadana iri:

“Hadduu roob imaan waayo, geedihiina la gooyey maxay tahay faa’iidada la helay?”

Wuxuu yiri:

“Waxba.”

 

Mashruuca Transjuba Livestock Development Project

 

Waxaa isla noocaas ahaa mashruuca kale oo la oran jiray “Trans-Jubba Livestock Development Project” oo laga dhisay gobolka Jubbada Hoose, kana yimid Bangiga Adduunka oo lacagtiisana dayn dawladda Soomaaliya ku siiyay, lacagtuna ku wada baxday mushaarka shaqaalaha shisheeye oo uu Bangigu keenay iyo qalabka USA iyo Ingiriiska laga soo gaday, laguna nabaad guuriyay dhul wayn oo Jubbada Hoose ka mid ah.

 

Mashruucaas wuxuu hoos imaanayay oo uu ka mid ahaa wakaaladda la oran jiray “Wakaaladda Hormarinta Xoolaha/Livestock Developement Agency” oo aan anigu Maareeye Guud ka ahaa 1975-1980, anigase wuu iga horreeyey, oo markaan imid mashruucu wuu dhisnaa.

 

Ninkuu Bangiga Adduunku Marreeye uga dhigay mashruucaas, wuxuu ahaa nin u dhashay dalka Australia, dalkaasoo suuqa xoolaha oo Bariga Dhexe nagula tartami jiray. Markaasuu ninkaasu habeen isagoo sakhraansan oo Kismaayo jooga wuxuu rag, uu ka mid ahaa maareeyaha Soomaalida ah ee mashruucaas, hortood ku yiri:

“Ha filanina inuu mashruucaan waxtar idiin yeesho, oo suuqa xoolaha ee Carabta ayaad dalkayga Australia tartan kula jirtaan, aniguna waxaan ka shaqaynayaa inuu mashruucaan fashilo.”

 

Dayntiina waa nalagu leeyahay, wax faaiido ahna lagama helin, aan khasaarada, nabaad guur iyo dhibaatada aan mashruuca daaqa kasoo sheegnay oo kale ah mooyee.

 

 

Dayn

 

Mashaariicdaas iyo kuwa la midka ahba, oo Soomaaliya lagu burburinayo, waxaa lagu meel mariyay dayn ay dawladda Soomaaliyeed qaadatay, kana qaadatay ama Bangiga Adduunka ama dawlado galbeed, oo wali maanta waa lagu leeyahay, iyo faca Soomaaliyeed oo soo socdaba. Waxaana Bangiga Adduunka gacan ka siiyay meel marinta mashaariicdaas madax Soomaaliyeed, oo waxay gaalo wadato yeelaya, aqoon ha u lahaadaan mashruuca ama yeeyan u lahaanba.

 

Bangiga Adduunka “World Bank”

 

Bangiga Adduunku waa shirkad ay saamiyadeeda leyihiin dawladaha lacagtiisa iska leh. Siday ugu saami kala badan yihiin ayayna ugu kala xoog badan yihiin. Saamiyada ugu waawayn waxaa lacagtaas iska leh dawladda Maraykanka.

 

Sideedda cod oo ugu xoog badan Bangiga Adduunka waxay kala yihiin:

 

  1. USA (38,367.8% ee Lacagta Bangiga). 2. Japan (16,544.4%0. 3. China (10,659.4%). 4. Germany (9,657.4%). 5. United Kingdom (9,040.4%). 6. France (9,040.4%). 7. India(6,992.3%). 8. Russian Federation (6,650.5%). 9. Saudi Arabia (6,650.5%).

 

Waxaan kasoo qaadannay (https://finances.worldbank.org/Shareholder-Equity/Top-8-countries-voting-power/udm3-vzz9/data), website uu bangigaasu leeyahay.

 

Wakiilka Soomaaliya ee “World Bank”

 

Mar aan Muqdisho safar ku tegey intaan ahaa danjiraha Soomaaliya ee Jarmanka Galbeed waxaa gurigiisa, ku dhowaa Madaxtooyada Soomaaliya ee “Villa Somalia” qado igu marti qaaday danjiraha Jarmanka ee Muqdisho fadhiya. Qadadaas waxaa goob joog ka ahaa danjirayaalka dawladaha galbeed ee Muqdisho u fadhiya iyo wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

 

Hadalkii ayaa waxaa soo galay mashaariicda beeraha oo uu Bangiga Adduunku qaaradda Afrika ka maal geliyo iyo mashruuca daaqa iyo kan trans-jubba. Waxay dhammaantood isku raaceen inuusan jirin hal mashruuc oo beero ku saabsan oo uu Bangiga Adduunku qaaradda Afrika ku maal geliyay oo najaxay. Waxaana sidaas yiri wakiilka Bangiga Adduunka.

 

Gabayga “Jiinley”

 

Soomaaliya waxay ahaan jirtay dhul kayn iyo dhir badan, waana la xaalufiyay, sidaan kor kusoo aragnay. Inay kayn ahaan jirtay, ayna ugaar badan lahaan jirtay waxaa  u daliil ah gabayga Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan ee jiinleyda, uuna uga warbixinayo safar uu gobolka Bari ku tegey.

 

Aw Jaamac Cumar Ciise, oo “Diiwaanka Gabayada Sayyid Maxammad Cabdille Xasan” isku keenay, wuxuu yiri:

 

“Daraawiish oo taala Doollo, Ingiriis, Talyaani iyo Xabashina colaadi u dhaxayso, ayuu Sayidku wuxuu isugu yeedhay nimankii Qusuusiga ahaa ee uu la tashan jiray. Wuxuu yidhi: Doollo waa oomane, haddii ballidu madhato ceelasha Doollo biyo innagu filan ka heli mayno. Maxaan Daraawiish iyo dariiqada ugu talinaa? Waxay Qusuusigii isku raaceen in bari dariiqada loo raro. Si howshaa loo fuliyo taageerana uu uga helo Soomaalida dhulkaa ku nool wuxuu Sayidku waraaq u diray Boqor Cismaan. Boqor Cismaan wuxuu soo celiyey soo guura taageero iyo garabba waad naga helaysaane. Daraawiishi caynka ayey hoosta gelisay.

 

Xidhiidhkaa iyo balantaa Sayidka iyo Boqor Cismaan dhexmaray ayuu Ingiriis maqlay. Haddaba Ingiriis wuxuu u cagajugleeyey Boqor Cismaan oo wuxuu soo faray fariin ah: haddii aad Boqor Cismaanow Sayidka la heshiiso waan ku gelayaa, adiga iyo Daraawiishna isku si ayaan idiinla dirirayaa. Hanjabadaa ayaa cabsi galisay Boqor Cismaan, balantiina halkaa ayuu kaga baxay. Intaa ka dib, Daraawiishi dhinacaa iyo Ayl ayey u baydhay. Sayid Maxamed ayaa dabadeed tiriyey gabaygan uu kaga waramayo socdaalkii dheeraa ee uu soo galay iyo jirrabkii kala duwanaa ee uu soo maray. Wuxuu yidhi:

 

Xuseenow jigraar lama hadlee, jaalkay baa tahaye Adaan iga jadeer wicin markuu, Jaahilkii didaye Janhoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye

Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade Jahannama inay gelahayaan, waygu jaamaca e Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene

Junne weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye Dadka kale ka jeestaye adaan, jaari kuu ahaye Waxaan kaa jarreeraynayaa, sanada jiilaale

Sagal jiidan caad jilicsaniyo, jarar hillaacaaya Jidhimada afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle

Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka ka bi’ine Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye Jawiskayga maqal caawa waan, jalalabaayaaye

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigayga Anigoon jareexiyo xumaan, juuq la ii odhanin Anigoon rag ii soo jirfaday, jil iga qaadaynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya Anigoo jameecada galoo, jaarrun xaruntayda Anigoo wixii aan jantaba, jimic lay siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimow haysta Karuur jagagaclayniyo anoo, jaanka fuudahaya Anigoon jarraysimo hunguri, la iga jeeqaaqin

Jaanjaani baa iga khatalay, johoraddaydiiye Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jiiro dheer koriye Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre

Jawaawida Majeerteen hadday, jalawdi ii yeedhay Inaan joro ku sii dhaho hadday, igaga jeebnaatay Jiidaha Illaahay haddii, la igu jeeraarshey

Xagar jiqa jaleefaniyo qudhac, jinow wax heeraaya Jiqtoolaha galooliyo sarmaan, jarafku xiimaayo Jimbac surad leh jiiqoo isku baxay, jiica iyo siiqda

Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco Jirda badan jiroon iyo qadhoon, jaaful iyo seeri

Jafka hawka guuraha waxaan, jar iska xooraayey Wuxuu jeeni calafow libaax, igu jibaadaayey Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey

Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey Jaajuurka geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey

Wiyil joof lehiyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey Juq waxaan u soo idhi dugaag, jalabutaynaaya

Wixii gaade jimiq soola xuli, juhunkii ii muuqday Jititaha hortayda ah waxaan, jaaha kala leexday Wuxuu jiinka ii maray midgaan, jilibka tooxaaya

Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey Jugleey igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey

Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jiillaaday Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay aragoodu

Jarmaadiyo carraababa waxaan, bari u sii jeeday Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda

Jaldhiskayga saydhadu waxay, jac iga siinaysey Jiriiricada ooga waxaan, jararacoonaayey Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeedaashey

Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag iska siinaayey Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaa’ifo u geystay Jirridkii xabaallaa wuxuu, jabiyey suulkayga

Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey Janqaraara socodkii waxaan, jaynaf macaluulay Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiidhku iga suumay

Jilbis halaqa iyo good waxaan, jaanta kala booday Wixii aan ku joogsaday abees, jilifle oo duuban Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiidhis igu dhaafay

Jambareera dhicidii waxaan, jiifka qaban waayey Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey

Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday Jarmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday Waxaan dhegaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey

Wixii aan jaajuur galay waxaan, jawray badankeyga Rabbi baygu jeefagaye waxaan, jululay ruuxayga Jaldhanka iyo baahida waxaan, jalaqa heemaarshey

Haddaan boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene Jidhku ima xanuuneen hadduu, joog i leeyahaye

Jeclaantaan u qabay baan u tegay, jaankii badihiiye

Jeer baa Illaah ii qadaray, jiirahaan maraye Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane Waxse igu jirrabay waa ninkii, jookha ii lulaye

Cayuun jalalowlayn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey Jaamuus lo’aad iyo raggaan, jimir adhi u dhiibay Ammaan lacag jidhiidhaa furoon, jeebka uga buuxshey

Waxaan gool jinaad weyn qaloon, joome uga gooyey Xeedhyaha jiriidha leh waxaan, jaari ugu qaaday Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ila-xidh jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamaduu shaahshey

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhawraayey Inay jaxar abaal iiga dhigi, laabtu jirin mayne Jasadayda Eebbaan ka heli, taloba waa jeere.e.” Waa intaas warka Aw Jaamac Cumar Ciise.

 

Waxaan kasoo qaadannay: Guriga murtida (www.gedoiftiin.com).

 

Bal arag inta geed gabaygaan ku xusan iyo kayn, iyo inta bahal ku xusan, sida libaax, shabeel iwm.

 

Gobolka Waqooyi Galbeed

 

Sidoo kale, gobolka Waqooyi Galbeed wuxuu lahaa kaymo, dhir badan iyo ugaar fara badan, sida ayadana gabayda sayyidka ku xusan, iyo kutubbaday dhigeen ingiriiska gobolkaas yimid. Hargaysa iyo Barbara waxaa u dhexeyn jirtay kaymo iyo ugaar fara badan. Waa la wada xaalufiyay.

 

Maroodiga ugu dambeeyey Gaalkacyo

 

Aniga ina adeerkey Danjire Dr. Axmad Nuur Aadan Cismaan Cilmi “Aaden Dheere” Allaha labadoodaba u naxariistee, wuxuu ii sheegay inuu isagu dul istaagay maroodigii u dambeeyey ee magaalada Gaalcayo dibaddeeda ku dhintay sanadka kun sagaal boqol shan iyo lixdan, waana zaman konton sano ka yar!!!

 

Dhulka gabaygaan “Jiinley” ku xusan o idil maanta waa lama degaan aan geed iyo ugaar la sheego toona lahayn.

 

الحمد لله رب العالمين، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا محمد النبي الأمي و على آله الطيبيب الطاهرين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكر الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون.

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\

Isniin Thoo Al Xijjahذوالحجة\ 1437 Hejreeهجري\ / 5 Septembar 2016 Gregorian.

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.