Taariikhda Jiim Sheekh Muumin | W.Q: Ibraahin-Nolosha

Dal waliba waxa uu leeyahay halyeeyo faneed oo darajadaas ku gaara dadaal iyo karti dheeraad ah. Go’aanka ku biirista iyo xulashada waaxyaha kala duwan ee fanku waa mid aad ugu adag dadka jooga Soomaaliya. Faquuq bulsho iyo cadaadis qoys ayey la kulmaan. Qaarkood wey is dhiibaan qaarna wey sii dhaqaaqaan.

Hooballo badan oo magac weyn ka sameeyey fanka Soomaaliyeed waxa sabab u ahaa in la barto loona riyaaqo, halyeeyo ku hubeysan hibo iyo hal-abuur farshaxameysan oo aad u heer sarreeya. Dadka qaar kuma baraarugsana maqaawiirta daaha gadaashiisa taagan ee dhabarka ka soo riixeysa mucjisooyinka aan fanka ku baranno ee isugu jira rag iyo dumar. Heesaagu waa kan ugu nasiibka badan ee marka fanka la joogo aadka loo barto, maaddaama uu badanaa ka soo muuqdo masraxyada iyo goobaha la mid ah ee leyska arko, laakiin wey adag tahay dadkii soo saaray soona garab istaagay in sidiisa oo kale loo xuso lana xusuusnaado. Abwaanka ayaa malaha soo labeeya oo dad badani gartaan, waxaa se adag in xaq iyo xusuus joogto ahba la siiyo xirfadleyaasha kale ee muusigga iyo laxanka ku caanbaxay.

Labadan dambe qofkii midkood ama wadartood u go’a, si loo barto wuxuu maraa halgan aad u adag oo waddadiisu qardajeex tahay. Haddii uu halgankaas ka lib keenana, wuxuu ku biiraa ehel faro-ku-tiris ah oo dhankaas looga haray. Waa xiddigo faneed oo lagu sunto mar-la-arag aan iyaga oo kale dib loo arag! Xiddigahaas mid ka ka mid ah ayaa shalay ifka ka qarsoomay, oo geeridiisu gilgishay quluubta dadkii jeclaa; waa Jiim Sheekh Muumin Allaha u naxariistee.

Jiim magaciisa oo dhammeystiran waa Muxiyaddiin Sheekh Muumin Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cumar. Wuxuu ku dhashay degmada dalxiiska iyo daawashada ku wacan ee Buulo-Burte sanadkii 1940-kii. Buulo-burte waxaa lagu tilmaamaa “hooyada fanka”, maaddaama ay ka soo jeedaan qaar ka mid ah laxamiistayaashii, kabaniistayaashii iyo hooballadii ugu caansanaa Soomaaliya.

Naanneysta “Jiim” waxaa u bixisay gabar Talyaani aheyd, oo uu dhalay macallin wax u dhigi jirey Muxiyaddiin Sheekh Muumin. Yaraantiisii wuxuu aad u jeclaa fanka, waxayna isku lood ahaayeen hal fasalna isla dhigan jireen Allaha u naxariistee boqorkii laxamada karankoorka ah, Axmed-Nuur Jaangow. Macallin Jiim, waxaa fanka aad ugu dhiirrigaliyey adeerkiis oo lagu magacaabi jirey Cabdicasiis Sh. Maxamed. Dhiirrigalintaas ayaa shidaal u noqotay, isagoo billaabay in uu fanka xaggiisa u go’o.

Goobtu waa Buulo-Burte, sanadkuna waa 1964-tii. Jiim waxa uu marayaa mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu horreeyey ee dhinaca fanka, waana garguurashadii isu beddeshay guclo-orodka guusha. Allaha u naxariistee buuni magaciisa lagu soo koobay Axmed-Nuur, ayaa sanadkaas hees waddani ah oo gumeysi-diid aheyd u dhiibay Jiim Sheekh Muumin. Macallin Jiim oo tamar badani ku jirto, aadna ugu xiiso qaba in uu meel uun ka galo xerada fanka, ayaa doorbiday in uu heestaas laxameeyo. Wuxuu qorsheeyey in uu wabiga jiinkiisa ku soo sameeyo laxanka heestaas. Wuxuu tagay goob lagu magacaabo Buulo-Carab.

Hirka wabiga, dhawaqa shimbiraha, dhirta dabeyluhu lulayaan iyo haraca qabow ee geedaha wabiga hareertiisa safan, ayuu ku raaxeysanayaa. Mowjadahaas macaan isagoo dhex maquuranaya ayuu soo maaxday laxan dhadhan macaan oo dhegtu jecleysato. Heestaas waxaa ereyadeeda ka mid ahaa:
“Dhallinyarooy aan dhiidhinno
Dhulka maqan xoreynee.”

Markaas ka dib, Jiim wuxuu haweystay in uu soo dhaafo gobolka Hiiraan gaar ahaan degmadii uu ku dhashay kuna barbaaray ee ku suntaneyd naanneysta “hooyada fanka”. Hankiisu wuxuu ahaa in uu fankiisa horumariyo, heerna ka gaaro. Wuxuu u socdaalay Hargeysa oo iyana lagu tilmaamo “hoyga fanka.” Aad baa loogu soo dhaweeyey. Wuxuu ka shaqo-billaabay Raadiyaha Hargeysa, isagoo halkaas ka ahaa muusigiiste iyo mullaxan ay fannaaniintu aad ula dhacsanaayeen.

Intii uu Hargeysa joogay, wuxuu qaaraan laxameed ku darsaday riwaayado ay ka mid aheyd: “Xaajaba Layaab Lehe, Bal Aan Qodo Xabaalaha,” oo uu sameeyey Abwaan Aadan Tarabbi Jaamac. Riwaayaddan waa tii ugu horreysay ee uu heeso u laxameeyo.

Muddo ka dib, wuxuu tagay Muqdisho, markaas oo uu ku biirey Kooxda Onkod 70meeyadii. Riwaayadda Wajiyaal Is Xasuusta ee uu sheekadeeda allifay abwaan Axmed Saleebaan Bidde, heesaha ku jirana uu la sameeyey abwaan Maxamuud Maxamed Qaaqaa, ayuu laxamo lama-illoobaan ah uga qeybqaatay. Heesahaas oo aan illaa iyo hadda laga xiisho-dhicin haddii aan dhowr mid ka xusno, waxaa ka mid ah:
• Caashaqa Ma Baran Wali: oo uu curiyey Abwaan Maxamuud Maxamed Qaaqaa.
• Wajiyaal Is Xasuusta: oo ay isla curiyeen Axmed Saleebaan Bidde iyo Maxamuud Maxamed.
• Jaceylkii Dhabta Ahaa: oo uu curiyey Maxamuud Maxamed Qaaqaa.

Jiim Sheekh Muumin, wuxuu noqday mullaxan iyo muusigiiste fanka Soomaaliyeed ugu hiilliyey hibadiisa iyo xirfaddiisaba. Isagoo Kooxda Onkod ka tirsan ayuu haddana laxamo u sameyn jirey Hobolladii Waaberi. Waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa ileys ka iftiima meel kasta oo uu tago. Jiim marka uu laxamada sameynayo, wuxuu aad u jeclaa dhulka doogga leh, dhirta ubaxa leh, jiinka wabiga ama xeebaha iyo mowjadaha badda. Isagoo mowjadahaas ku raaxeysanaya ayuu soo maaxan jirey laxamo aan iyagoo kale la maqal.

Allaha u naxariistee, wuxuu aaminsanaa in ay kala jaad yihiin laxamada lagu laro heesaha jaceylka ah iyo kuwa waddaniga ah. Mar uu wareysi bixinayey ayuu sheegay in si dabacsan loo laxameeyo heesaha jaceylka ah si looga dhadhansado naxariis iyo damqasho, halka kuwa waddaniga ahna hugun loo yeelo si awood looga dareemo.

Heesaha uu codadka u sameeyey waxaa ku jira kuwo uu rafaad badan ka maray, halka kuwo kalena daqiiqado gudahood uu ku sameeyey. Laxankii ugu adkaa wuxuu u fariistay xilli fiid ah, illaa waabarigii ayuuna u fadhiyey. Siduu marba buur ula korayey ayuu ugu dambeyn soo gunaanaday goor ay aheyd shantii iyo barkii aroornimo. Heestaas oo Allahayow la yiraahdo, waxaa sameeyey Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Kuuriya, waxaana qaadday fannaanadda Sahra Mire Weheliye AUN.

Laxankii ugu fududaa wuxuu ku sameeyey daqiiqado gudahood. Waa hees ay wada-qaadeen Allaha u wada naxariistee Maxamed Axmed Kuluc iyo Sahra Mire. Markii dambena waxaa wada qaaday AUN Cabdullaahi Xarrago iyo Kinsi Xaaji Aadan. Heestan waxaa ereyadeeda ka mid ah:
“Halkuu nabarka caashaqu
Naafeeyey beri hore
Naxdin li’i ha taabanin.”

Laxamada ashqaraarka leh ee Jiim Sheekh Muumin waxaa si weyn ugu riyaaqay abwaannadii waaweynaa, oo u dhiibi jirey heesaha riwaayadaha ku soo baxa iyo kuwa kaleba. Riwaayadihii kale ee uu heesaha u laxameeyey waxaa ka mid ah:
• Guur ama guurso
• Ninba dahab lumay si u doondoon
• Wajiyaal is xasuusta
• Laaca aragtaye laagga ma og tahay?
• La rarnaato adduunyo, rabbi baa furi doonee. Riwaayaddan oo faafreebku ka shakiyeen, loona arkay in lagu maagayey Dowladdii Kacaanka ayaa magacii laga beddelay: “Ha rarnaado jaceylku, rabbi baa furi doonee.”

Dhanka Banaadiriga, Jiim wuxuu laxameeyey hal hees oo kaliya, iyadiina lama qaadin oo fannaankii lahaa (Xabiib Sharaabi) ayaa ku tilmaamay laxan aan qarnigiisaba la gaarin. Muuse Ismaaciil Qalinle Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa hoobal mucjiso ah, Jiimna aad u jeclaa. Sababtu waxay aheyd, in uu Muuse ahaa fannaan dhanka xafidaadda aad ugu fiican, oo laxamada degdeg u qabta. Heesta uga saameynta badan ee uu Muuse qaaday, Jiim Sheekh Muuminna laxameeyey waxaa meerisyadeeda ka mid ah:
“Haddii aanan dhulkeygow
Dhuux cadaawe kuu karin
Haddii aanan dhulkeygow
Dhiig kuugu fool-dhaqin
Haddii aanan dhulkeygow
Gobannimada soo dhicin
Soomaali kama dhalan!”

Fannaaniin magac iyo miisaan ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa safaf dhaadheer u galay jirey laxamada goonida ah ee Jiim Sheekh Muumin caanka ku ahaa. Waxay dhammaantood jeclaayeen laxamada is bedbeddela, ee marna hoos ka guuxa, marna kor lala aado. Hooballadaas oo aan tiro lagu soo koobi karin waxaa ka mid ah:
• Xasan Aadan Samatar
• Maxamed Axmed Kuluc AUN
• Kinsi Xaaji Aadan AUN
• Khadra Daahir Cige
• Maxamed Mooge Liibaan AUN
• Xaliimo Khaliif Cumar (Magool) AUN
• Muuse Ismaaciil Qalinle AUN
• IQK

Wareysi uu siiyey muuqbaahiyaha Horn Cable ayuu ku sheegay in uu arday badan baray tumista kabanka, qaarkoodna xirfaddooda sare u qaaday. Magacyada uu xusuustay ee uu madasha ka sheegay waxaa ka mid ahaa:
• Daa’uud Cali Masxaf AUN
• Kooshin Yare AUN
• Cabdicasiis Jarmal.

Jiim wuxuu u soo joogay dhacdooyin isugu jira farxad iyo murugo. Middii ugu argagaxa badneyd wuxuu kula kulmay magaalada Hargeysa. Muddo haddeer laga joogo 9 sano ayuu dil toogasho ah ka badbaaday. Wiil ayuu si kama ah u diley mar uu halkaas tagay dhowr cisho uun ka dib. Durbadiiba waxaa loo taxaabay xabsiga Mandheera oo 90KM u jira magaalada Hargeysa, iyadoona dil toogasho ah lagu xukumay. Wadaxaajood waqti badan qaatay ka dib, reerkii wiilka laga diley waxaa lagu qanciyey in ay diyo qaataan. Dad Soomaaliyeed oo dal iyo dibad kala jooga ayaa ka qeybqaatay ololihii xorriyaddiisa dib loogu soo celinayey. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la soo daayo 2dii bishii April sanadkii 2012-kii.

Markii xabsiga laga soo daayey, waxaa illinka taagnaa oo sugayey abwaanno iyo hooballo caan ah oo ay ka mid ahaayeen: Maxamed Aadan Dacar, Khadra Daahir Cige iyo Ruun Xaddi. Intii uusan dilka geysan ka hor, wuxuu ku hoyan jirey guriga fannaanadda Ruun Xaddi, oo murugo deris la aheyd muddadii uu xabsiga ku jirey.

Jiim Sheekh Muumin Allaha u naxariistee, horraantii bishii April ee sanadkii 2020-ka ayaa loo qabtay barnaamij si weyn loogu maamuusay billad abaalmarin ahna lagu guddoonsiiyey, kaas oo loogu wanqalay Habeenka Jiim Sheekh Muumin. Barnaamijkaas oo Muqdisho ka dhacay, waxaa qabatay shirkadda Astaan.

Macallin Jiim oo in muddo ah xanuusanaa ayaa Muqdisho ku geeriyooday 24-kii Nofeembar, 2021. Ilaahey ha u naxariisto, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. Wuxuu baaqi ku ahaan doonaa xusuuseheenna.

W.Q: Ibraahin-Nolosha
24-11-2021
Muqdisho, Soomaaliya

 

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.