TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

tariikh

TAARIIQO IS DABA YAAL!! Qaybtii 3aad

Qoraalka Shanaad )التحرير الخامس(: أجاب الشريف حسين باشا بتاريخ 1 كانون األول سنة 9191 قائال: إنه يقبل استثناء )مرسين( و )أطنة( و لكنه يصر على إدخال المناطق األخرى و خصوصا )بيروت( ضمن المناطق العربية. Qoraalkaan macnihiisu waxaa weeye: Qoraalka shanaad. Al Shariif Xuseen Paashaa\باشا حسين الشريف wuxuu soo jawaabay markay taariikhdu ahayd shanta bisha Kanuun Al Awwal األول كانون /Disembar ee sanadka kun sagaal boqol shan iyo toban, wuxuuna sheegay inuu aqbalay in (Marsiinمرسين ) iyo (Adhnahأطنة ) laga saaro, laakiinse uu ku adkaysanayo in deegaanno kale (sida Dimashqدمشق \ iyo Xims\حمص iyo Xamaah\حماة iyo Xalab\حلب), xuduuddaas lasoo dhex geliyo deegaannada carabta , gaar ahaan magaalada Bayruutبيروت .” Qoraalka Lixaad )التحرير السادس(: بتاريخ 97 تشرين الثاني 9191، وفيه: أخذ السر هنري مكماهون علما بعدول الشريف عن المطالبة )بمرسين( و )أطنة(. Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: (Qoraalka lixaad): oo taariikhdiisu tahay saddex iyo tobanka bisha Tashriin Al Thaanii تشرين الثاني/Novembar ee sandka kun sagaal boqol shan iyo toban, uuna Sir Henry Mac Mahon sugayo inuu helay qoraalka uu Shariifku ka tanaazulay doonidda “Marsiinمرسين” iyo “Adhnahأطنة ”. Qoraalka Toddobaad )التحرير السابع(: بتاريخ أول كانون الثاني عام 9191 و فيه يقول الشريف: بأنه نظرا لرغبته في اجتناب كل ما يكدر صفو التحالف الفرنسي اإلنكليزي، ال يصر في خالل مدة الحرب على مطالبة فيما يختص بجبل لبنان، و لكنه سياطلب بها من جديد بعد أن تضع الحرب أوزارها. 8 Qoraalka macnihiisu waxaa weeye: Qoraalka toddobaad, oo ay taariikhdiisu tahay kowda bisha Kanuun Al Awwal الثاني كانون /Disembar ee sanadka kun sagaal boqol lix iyo toban. Qoraalkaas wuxuu Shariifku\الشريف ku leeyahay in isagoo tix gelinaya inuu isagu doonayo inuu ka fogaado kulli waxa cakirin kara saafinnimada gaashaanbuursiga ingiriiska iyo fransiiska, inuusan markaan ku adkaysanayn intuu xarbigu socdo dooniddiisa buurta “Jabalu Lubnaanلبنان جبل” (Oo ku taalla arliga Lubnaanلبنان , oo la yiri inuu dalkaasu magaciisa ka qaatay buurtaan, lana wariyay in dhagacda Kacba Wayn ee Sharfan dhagaxda shan buurood laga dhisay, oo ay buurtaanu ka mid ahayd: Xasanwali), uusase dooniddisaas soo cusboonaysiin doono markuu xarbigu dhammaado. Qoraalka Sideedaad )التحرير الثامن(: بتاريخ 73 كانون الثاني سنة 9191، وفيه: أخذ السر هنري مكماهون علما برغبة الشريف في اجتناب كل ما يكدر صفو العالقات بين فرنسا و إنكلترا، و أخبر الشريف بأن الصداقة )اإلنكليزية – الفرنسية( ستستمر إلى ما بعدالحرب. Qoraalkaan macnihiisu waxaa weeye: Qoraalka sideedaad, oo ay taariikhdiisu tahay soddonka bisha Kanuun Al Thaanii الثاني كانون /Jannaayo ee sandka kun sagaal boqol lix iyo tobanka, waxaa ku dhigan inuu Sir Mac Mahon ogaaday oo ay soo gaartay inuu Shariifkuالشريف doonayo inuu ka fogaado wax kasta oo cakiraya saafinnimada cilaaqaadka ka dhexeeya Fransa iyo iyo Ingiriiska, wuxuuna Shariifkaالشريف ugu sheegay inay saaxiibtinnimada ka dhexeysa ingiriiska iyo fransiisku sii soconayso ilaa xarbiga dabadiis. Gabagabo وعلى ذلك ارتاحت الحكومة البريطانية لهذه النتيجة بعد مخابرات مستمرة تبلغ وثائقها المجلدات الضخمة. وانتهت المخابرات و المناقشات و المفاوضات بين الشريف حسين باشا و بريطانيا العظمى بخصوص مواد الصلح األرضية، و عليه وقع السر هنري مكماهون على المعاهدة )البريطانية – الشريفية( بالنيابة عن حكومة بريطانيا العظمى بعد أن بعث المشار إليه إلى شريف مكة بالكتاب اآلتي: “أمرت على أن أبلغكم أن حكومتي قبلت بكل مطالبكم، و أنها تتعهد بإرسال كل ما طلبتموه.” وأما المطالب األخيرة التي و عدت الحكومة البريطانية بإرسالها؛ هي الذهب و اللوازمات الحربية.” انتهى Warkaas macnihiisu waxaa weeye: Sidaasay xukuumadda ingiriisku ugu bogtay najiijadaas ka dhalatay qoraallo la is dhaafsaday si joogto ah oo muddo dheer socday, oo waraaqohoodu marka la isku daro mujallado waawayn noqonayaan. Sidaasaa waxaa ku afjarmay wada hadalladaas, iyo wada xaajood dhex martay Shariif Xuseen Paashaa\باشا حسين الشريف iyo ingiriiska, kuna saabsan heshiiska arliga ku saabsan. Heshiiskaas dhex maray ingiriiska iyo Shariifkanaالشريف waxaa saxiixay Sir Henry Mac Mahon isagoo wakiil ka ah xukuumadda ingiriiska, kaddib markuu Shariifka Makkahمكة شريف u diray qoraalkaan soo socda: 9 “Waxaa la i amray inaan kusoo gaarsiiyo inay xukumaddaydu oggolaatay dhaammaan wixii aad waydiisatay, waxayna ballan qaadaysaa inay soo dirto dhammaan waxaad waydiisatay.” Waxaan uu Shariifku\الشريف waydiistayna, ayna xukummadda ingiriiska ballan qaadayso inay soo diri doonto waa dahab iyo hub iyo waxa xarbiga (Turkiga) looga baahan yahay.” Waa intaas warku. Milicsi: khayaanada Ingiriiska Ingiriisku markuu inta yuhuudda yurub ka keenay dejiyay oo siiyay arliga Falasdhiin\فلسطين sanadka kun sagaal boqol sideed iyo afartanka heshiiskaan uu saddex iyo soddon sano ka hor kun sagaal boqol shan iyo toban Shariif Xuseenحسين الشريف la dhigtay inuu arligaasu yahay arli carbeed, ayuu khayaanay oo buriyay. Heshiiska “Saiks-Biko” ee Ingiriiska iyo Fransiiska Al Ghaazii\الغازي wuxuu mujalladka afaraad bogga laba boqol sideed iyo sideetan ku yiri: اتفاقية دول اإلئتالف ومعاهدة )سايكس – بيكو( بينما كانت إنكلترا تفاوض الشريف حسين باشا سنة 9191 م إلدخال العرب الحرب العظمى بجانب الدول اإلئتالفية )إنكلترا، فرنسا، روسيا وحلفائهم( وربط مقدراتهم بمقدرات الدول المذكورة، كما وضع األتراك مقدراتهم بمقدرات ألمانيا والنمسا، وإذا بريطانيا تتفاوض سريا مع حلفائها روسيا وفرنسا )في تلك السنة نفسها(، فأبرموا فيما بينهم معاهدة سرية تقضي بموافقتهم على أن تستولي روسيا على بالد )أرمينيا( و )كردستان(، وأن تتوسع فرنسا فتستولي على سواحل سوريا واألناضول الوسطى، و على كليكيا )وهي منطقة جغرافية تقع جنوب األناضول على السواحل الجنوبية لتركيا(، وأن تستولي إنكلتلرا على شمال العراق وفلسطين في جنوب خط )حيفا – عقرة(. أبرمت هذا المعاهدة في شهر شباط )فبراير( سنة 9191 م وبقيت سرية لدي دول اإلئتالف. وعدا ذلك عقدت إنكلترا مع حليفتها فرانسة في 91 أيار سنة 9191 م معاهدة سرية أخرى تسمى معاهدة )سايكس – بيكو( هذا ملخصها: لقد تحددت األراضي التي يجب إدخالها تحت نفوذ فرانسا وإنكلترا بخمسة خطوط: الخط األول البريطاني: أحمر. تحت إشارة )A(، يحد العراق من البصرة إلى نحو الخط الذي يمر من جنوب بغداد مع خط آخر يحدد سواحل سوريا من حيفا، ويمتد إلى )عقرة(، أي األراضي الواقعة بجنوب خط )حيفا – عقرة(. الخط الثاني الفرنسي: أزرق. يحد أراضي )كليكيا( و )األناضول( و )لبنان( وساحل سوريا غربي )دمشق – حمص – حماه – حلب( و يحتوي على مدينة )بيروت(. الخط الثالث البريطاني: المشار إليه تحت حرف )B(، يحد األراضي المتوسطة ما بين فلسطين والعراق، ويمتد خط العراق األحمر نحو )تكريت(. الخط الرابع الفرنسي: أزرق. يمتد هذا الخط شرقا وشماال، ويحتوي على كل من مدينة دمشق و حلب والموصل. والخط الخامس المتوسط: )أسمر( يفصل فلسطين عن سوريا. هذه هي خطوط المعاهدة العمومية، وقد قررت الحليفتان في هذه المعاهدة تشكيل إدارات وطنية في األراضي المشار إليها بحرف )A( و )B( تحت )نظاراتهما( أو تحت رئاسة أمير عربي يستمد )اإلستشارة( والمساعدة من فرانسة وإنكلترا. فهذه محتويات معاهدة )سايكس – بيكو( المشؤومة السرية. ولم يكن إذ ذاك لشريف مكة علما بها حتى نشوب الثورة )البولشفيك( ينشرون المعاهدات السرية المنعقدة بين روسيا وبين دول اإلئتالف، فانكشف الستار وانفضح األمر، واتضجت للمأل مطامع دول اإلئتلالف. 10 وتال هذه المعاهدة السرية المجحفة بحقوق العرب )وعد بلفور( المشؤوم، الذي ليس له شأن بمنزلة )وعد السر ستانلي مود( الصادر في بغداد سنة 9193 م، ومع ذلك فقد نفذته إنكلترا بكل سهولة، فلنقتطف من التارخ )عبلر و عظات(!! انتهى. Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Sanadka kun sagaal boqol lix iyo toban (1916) ayay labada dawladood ee ingiriiska iyo Fransa kala saxiixdeen heshiiska la magac baxay “Saiks-Biko” (oo ahaa labadooda wasiir dibadeed). Heshiiskaas wuxuu dhigay inay carabta qaybsadaan oo istiicmaarsadaan. Suuriya\سورية iyo Lubnaan\لبنان waxaa la siiyay Fransa. Al Urdun\األردن iyo Al Ciraaq\العراق waxaa la siiyay ingiriiska. Falasdhiinفلسطين waxaa laga dhigay mid la wada leeyahay oo dawladaha oo idil u dhexeysa Sababtay Ingiriiska iyo Fransiiska iyo dawladaha kale oo krishtaanka ahi u diidan yihiin xuduudduu soo jeediyay Shariif Xusaynحسين الشريف ee Suuriyah\سورية ku saabsan Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan oo qoraalkaan dhigayana wuxuu leeyahay: “Sababta ay Fransiiska iyo Ingiriisku u diidan yihiin inay Suuriyah\سورية ka mid ahaato deegaannada Waqooyi/Galbeed ee carabta iyo inay gobollada Dimashq\دمشق, Xalab\حلب, Xims\حمص, Xamaah\حماة iyo kuwa kaleba ka mid yihiin arliga carabta waxaa weeye: Kow. Janno adduun hadday jirto waa Al Shaam\الشام, gaar ahaan gobolladaas, oo uu Ilaahay\هللا ku barwaaqeeyey wabiyo, beero, miro, geedo, qurux: buuro, waadiyo iyo wax la milicsadaba oo indhuhu ku doogsadaan iyo waxay dadku u baahan yihiinba. Laba. Arligaan waxaa degganaan jiray Roomaanka, gaar ahaan Fransiiska, Ingiriiska iyo Jarmanka, markaasaa waxaa ka bara kiciyay Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaab\الخطاب بن عمر أبوحفص المؤمنين أمير Allaha\هللا raalli ka ahaadee. Marka waxay doonayaan inay arligooda soo ceshadaan. Waxaad arliga Al Shaam\الشام ku arkaysaa magaalooyinkay degganaayeen, iyo qusuurtooda iyo qalcadohooda, markaasaa looga adkaaday oo laga bara kiciyay, oo ay Turkiya iyo Yurub u qexeen oo qaxooti ka yihiin. Saddex. Nabi Ayyuub Calayhissalaamu waxaa loo diray Roomaanka oo uu Rasuulkooda ahaa, wuxuuna ku noolaa, kuna duugan yahay magaalada Xawraan\حوران ee arliga Suuriyah\سورية, taasoo u daliil ah inay Roomaanku halkaas degganaayeen, oo siduu Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا Quraanka noogu sheegay qolo walba nin ayaga ka dhashay ayaa Rasuul ahaan loogu diraa. . Shucuubtuna taariikhdooda ma halmaamaan. Afar. Dagaalka labakun kow iyo toban arliga Suuriyah\سورية ka bilowday ee ay NATO waddo, waxaan u jeednaa inay dayuuradaha NATO xoog u duqaynayaan waqooyiga dalkaas, si Suuriyiinta\السوريين carabta ah looga saaro, kuwaanoo markay qaxooti noqdeen, yurub kusii qulqulaya. Shan. Taas ayaana u sabab ah inay Ingiriisku diideen soo jeedinta Shariif Xusayn حسين الشريف \علي بن boqorka Al Xijaaz\الحجاز in gobolkaas uu yahay oo loo aqoonsado arli carbeed. 11 Lix. Mar dhoweyd oo ahayd dhammaadka sanadka lasoo dhaafay ee laba kun afar iyo toban ayaan waxaan TV-ga ruushka ka fiirsaday (http://arabic.rt.com) warysi ay la yeelatay Bashaar Al Asad\األسد بشار, madaxweynaha dawladda Suuriyah\سورية, oo lagu yiri: “Ruushku adinkay idinla jiraa oo idin daafacayaan!” Markaasuu wuxuu ku jawaabay: “Ruushku annaga na daafici maayaane, arligooday daafacanayaan.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye, siduu madaxweynaha Russia Vladimir Putin laftiisu u asheegay: “Hadday NATO Suuriyah\سورية uga adkaato dagaalkaan ay hadda Suuriyah\سورية ka waddo, waxay Suuriyah\سورية ka dhigaynaysaa saldhig militari oo Ruushka ay uga duusho, oo Ruushka dhulkiisa dhinac walba waxay NATO ka samaysatay saldhigyo ay Ruushka uga duusho. Xuduudda Ruushka waxaa dhanka waqooyiga yurub ku yaalla saddexda dawladood ee Baltic countries ee Latvia, Lithuania iyo Estonia; xagga qorrax kasoo bax dawladaha yurub oo idil oo NATO xubno ka ah; xagga koofureed Afganistan iyo Turkiya; xagga qorrax kasoo bax Koofurta Korea, Vietnam iyo Japan. Hadday Daacish\داعش ku adkaato Suuriyah\سورية , waxay dagaal yahannadeeda u diraysaa koofurta Russia, halkaasoo ay khalkhal ka ridayaan, kaddibna Russia oo idil. Russia arligeeda waxaa ku jira inta maaddo oo macdan iyo kimiko ah oo ku xusan Mendeleev Periodic Table of Elements, ayna ka mid yihiin batrool iyo gaas dabiici ah, dalalka NATO-na way ka qatan yihiin, oo ka yaabis yihiin.Taasna waa qaybta Ilaahay Cazza Wa Jalla\عزوجل هللا. Toddoba. Gobolladaas aan soo sheegnay ee waqooyiga dalkaas Suuriyah\سورية waa kuwa laga qodo inta u badan oo batroolka arliga Suuriyaسورية, kaas ayayna Ingiriiska iyo Fransiisku doonayaan. Sideed. Suuriyah\سورية waxay ka mid tahay dariiqyada u marayo batroolka dawladda Iiraan dhoofiso oo yurub loo wado, oo badda Mediterraneo maraakiibta laga saarayo. Sagaal. Dimashq\دمشق waxay kaloo krishtaanka u leedahay macno wayn o diini ah, waxayna ku xusan tahay kitaabkooda “Bible-ka”, oo halkaasay ka bilaabatay, siday ayagu leeyihiin dhismaha diinta krishtaanku, markuu ninka aasaasay diintaas oo yuhuudi ahaa oo magaciisu ahaa Shawl kaddibna la baxay Paul, waana ninkay yiraahdaan Saint Paul, Dimashqدمشق tegay oo uu kula kulmay Xawaariyiinta\الحواريين Nabi Ciise Calayhissalaamu. Waxaana safarkaas Paul loo yaqaanna “The Road to Damascus.” Toban. Xadiithka Abuu Yaclaa\أبويعلى, kuna jira baabka “Fiicnaanta degidda Al Shaam\الشام” wuxuu caddaynayaa inay Baytu Al Maqdis\المقدس بيت iyo Dimashq\دمشق waligood gacanta carabta muslinka ah ku jirayaa. Baytu Al Maqdisالمقدس بيت iyo Dimashqدمشق Ilaahayهللا ay carabta siiyay Ingiriis iyo Fransiis hadday doonaan gobolladaas carabta ha u diidaan, waxaysanse krishtaanku ogayn inuu Ilaahay\هللا Dimashq\دمشق iyo Baytu Al Maqdis\المقدس بيت iyo xuduuddaas uu Shariif 12 Xusayn\حسين الشريف Allahaهللا u naxariistee carabta u jeexay, carabta siiyay oo ay halkaas degganaanayaan ilaa aakhiro zamanka, sidaan ku arki doonno Axaadiithka Al Bukhaari\البخاري iyo Muslim\مسلم ay wariyeen oo aan dhammaadka kitaabkaan ku arki doonno inshaa’a Allaahu إن .شاء هللا\ Waa intaas warkaygu.

Fiicnaanta degidda Shaam\الشام iyo sarreynta dadkeeda Arliga Shaam\الشام Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا kitaabkiisa Kariimka ah iyo afka Rasuulkiisaba wuxuu ku magacaabay “Arliga barakaysan\المباركة األرض.” Waxaan halkaan ku xusaynnaa saddex Xadiith oo sarreynta dadka Shaam\الشام ku saabsan oo xaaladda maanta Shaam\الشام ka taagan ka tarjumeysa, waana wax aka socda Suuriya\سوريا, Lubnaan\لبنان, Urdun\أردن iyo Falasdhiin\فلسطين. Al Haythamii\الهيثمي wuxuu mujalladka toddobaad boggiisa laba boql toddoba iyo sideetan ka wariyay inuu Rasuulka زيد بن األرقم\Zayd bin Al Arqam ال تزال طائفة من هذه األمة على الحق baabka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: “التزال طائفة من أمتي على الحق ظاهرين وإني ألرجو أن تكونوا هم يا إهل الشام.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Koox ka mid ah ummadeyda ayaa jiri doonta oo xaqqa ku taagnaan doonta oo muujinaya –ama adkaanaya-, waxaanna rajeynayaa inaad adinka noqotaan dadka Al Shaam\الشام degow.” Waxaa wariyay Axmad\أحمد, Al Bazzaar\البزار, Al Dhabraanii\الطبراني iyo kuwo kaleba. Wuxuu kaloo bogga laba boqol sagaal iyo sideetan baabka الفتنة زمن بالشام اإلقامة Jubayr bin Nafiir :yiri جبير بن نفير\ “Asxaabta Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ayaa waxay noo wariyeen inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: “ستفتح عليكم الشام فإذا خيرتم المنازل فيها فعليكم بمدينة يقال لها دمشق فإنها معقل المسلمين في المالحم وفسطاطها منها بأرض يقال لها الغوطة.” Xadiithka oo uu imam Axmad wariyay macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa idiin furmi doonta Al Shaam\الشام, marka haddii la idin doorsiiyo meeshaad ka degi laheydeen waxaad doorataan magaalo la yirahdo Dimashqa\دمشق, taasoo ah qalcadda muslimiinta markuu socdo dagaalka wayn oo lagu hoobanayo, khaymaddeeduna waxay ku taallaa arli la yirahdo Al Ghuudhah\الغوطة.” Al Haythamii\الهيثمي wuxuu mujalladka tobnaad boggiisa lixdanaad Abuu Hurayrah\هريرة أبو uga wariyay inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam yiri: “ال تزال عصابة من أمتي يقاتلون على أبواب دمشق وما حوله وعلى أبواب بيت المقدس وما حوله ال يضرهم خذالن من خذلهم ظاهرين على الحق إلى أن تقوم الساعة.” 13 Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa jiri doonta horin ummaddayda ka mid ah oo ku dagaallamaya albaabbada Dimashqa\دمشق iyo hareereheeda iyo albaabbada Baytu Al Maqdis\المقدس بيت iyo hareereheeda uusanna dhibayn ka bixidda garabkooda kuwa hiilkooda kala haray, xaqqana ku adklaanaya ilaa ay saacaddu ka istaagto.” Waxaa wariyay Abuu Yaclaa\يعلى إبو, raggiisana waa kuwa lagu kalsoon yahay. Yaraanta Carabta zamankaas Imaam Muslim\مسلم اإلمام Xadiithkiisa dheer ee uu ka wariyay Al Nuwaasu bin Simcaanu بن النواس صمعان ee ku saabsan Dajjaalka\الدجال, wuxuu ku yiri in markuu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, arrinkaan uga warramayey, markuu meel dhexe marayo, ay saxaabiyada magaceedu yahay Ummu Shariik Ghaziyyah ibnata Al Caskar Al Qurashiyyah إبنة غزية شريك أم :ay tiri العسكر القرشية\ “Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, maalintaas Carabi meeday?” Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri: “هم قليل، وجلهم ببيت المقدس، وإمامهم رجل صالح.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Maalintaas, oo ah markuu Dajjaalku\الدجال soo baxayo Ciisena\عيسى uu dilayo, Carabtu way yaryihiin tiro ahaan, intooda badanna waxay joogaan Baytul Maqdis\المقدس بيت, imaamkooduna, waana imaamka Salaaddooda iyo hogaamiyohoodaba, waa nin suuban.” Xadiithkaasu wuxuu bishaaro u yahay muslimiinta o idil, gaar ahaan falasdhiiniyiinta\الفلسطينيين iyo carabta, isagoo noo sheegaya inay Quddus\القدس ku jiro doonto gacanta carabta, inkastoo ay krishtaanka iyo yuhuuddu ku dadaaleen inay carab ka dhammeeyaan, taasoo uu Ilaahay\هللا ka diiday.

la soco Qaybta 4aad sabti walba

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

SHEEKOOYIN