TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

tariikh

Ibnu Al Naadhuur إبن الناطور\
Ibnu Al Naadhuur إبن الناطور\ , oo ahaa guddoomiyaha roomaanka ah ee Baytu Al Maqdis بيت
المقدس , wuxuu wariyay inuu Hiraql هرقل\ markuu Baytu Al Maqdisبيت المقدس yimid, uu subax waabariistay isagoo caraysan, markaasuu nin wadaadadiisa ka mid ahi wuxuu ku yiri:
“Waan ka didnay saaka muuqaalkaaga.”
Markaasuu ibnu Al Nadhuur إبن الناطور wuxuu yiri:
“Hiraqal هرقل\ wuxuu ahaa kaahin, wuxuuna ku faallin jiray xidigaha, markaasay markay waydiiyeen wuxuu ugu jawaabay:
“Xalay markaan xidigaha fiiriyay waxaan arkay inuu boqorka kuwa gudani adkaaday (Waana Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam markuu ku jiray Cumradtu Al Qadaa’i عمرة القضاء\ ee sanadka toddobaad ee Hijrada الهجرة\ , isagoo sanadkii ka horreeyey ee lixaad ku guulaystay Heshiiska Al Xudaybiyah هدنة الحديبية\ , looguna bishaareeyey Furashada Makkah فتح مكة\ , ayna kusoo degatay Aayadda “Innaa Fatxnaa Laka Fatxan Mubiina إنا فتحنا لك
فتحا مبينا\ ” oo ah Aayadda kowaad ee Suuratu Al Fatxi سورة الفتح\ ), siduu ibnu Xajar إبن حجر\
“Fatxu Al Baarii فتح الباري\ ” ugu wariyay), ee yaa ummaddaan iska guda?”
Waxay yiraahdeen:
“Isma gudaan cid aaan yuhuudda ahayn, ee arrinkoodu yuusan kula waynaan, waxaadna degmooyinka boqortooyadaada u dhigtaa qoraallo aad ku amraysid in yuhuudda joogta loo wada dilo.”
Isagoo xaaladdaas yuhuudda ku mashquulsan, waxaa Hiraqal هرقل\ loo keenay nin (Uu Fatxu Al Baarii فتح الباري\ yiri: “Waxay ixtimaalaysaa inuu ninkaasu ahaa Cadiyy bin Xaatim عدي بن حاتم\
{Waana intuusan saxaabigaan jaliilka ahi islaamin, oo isagoo diinta krishtaanka iyo yuhuudiga isku dhafan oo la oran jiray “Al Rakuuziyah الركوزية\ ” ku taagan ayuu ka cararay Nabi Muxammmad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, una carary Al Shaam الشام\ . Markaasna wuxuu ahaa boqorka qabiilkiisa Dhayy’i طيء\ oo waqooyiga Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة\ dega, waana ninkay ku abtirsadaan qabiilka soomaaliyeed ee Reer Baraawe, ama waa walaalkood uu aabohood wada yahay Xaatim Al Dhaa’ii حاتم الطائي\ ninka deeqsinnimada carbeed loogu hadal qabsado oo lagu maahmaaho: Xasanwali} oo markaas Busraa بصرى الشام\ joogay siduu u wariyay ibnu Al Sakan إبن السكن\ “) uu soo diray boqorka Ghassaan غسان\ (Waana boqorka carbeed ee Busraa بصرى\ ) oo magaciisu ahaa Al Xaarithu ibnu Abii Shimmir Al Ghassaanii الحارث إبن أبي شمر الغساني\ , kana warramaya khabarka Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam (Oo uu ibnu Isxaaq إبن إسحاق\
wariyay inuu Cadiyy عدي\ Qaysar قيصر\ ku yiri:
11
“خرج من بين أظهرنا رجل يزعم أنه نبي، فقد اتبعه ناس، وخالفه ناس، فكانت بينهم ملاحم في مواطن، فتركتهم وهم على
ذلك.”
Xadiithkaan macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaa naga soo dhex baxay nin sheegtay inuu Nabi yahay, markaasay dadna raaceen, dadna khilaafeen, waxaana meelo kala duwani ku dhex maray dagaallo dhiig ku daatay oo lagu dhintay. Aniguna waxaan kasoo tegay ayadoo xaaladdoodu sidaas ku sugan tahay”).”
Markaasuu Hiraqal هرقل\ ninkaas waraystay, kaddibna uu yiri:
“Qaawiya! Wata oo bal fiiriya inuu ninkaanu gudan yahay iyo in kale.”
Markaasay waxay arkeen inuu gudan yahay. Markaasuu Hiraqalهرقل wuxuu yiri:
“Ninkaan waydiiyay inay carabtu is gudaan, wuxuuna ugu jawaabay:
“Haa, oo waa is gudaan.”
Markaasuu Hiraqalهرقل wuxuu yiri:
“Wa Allaahi والله\ kanu (Waana Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) waa midkaan riyada arkay. U celi dharkiisa.”
Wuxuuna yiri:
“Boqorka ummaddaan ayaa adkaaday!”
Kaddib, Hiraqalهرقل wuxuu warqad u dhigay nin saaxiibkiis ahaa oo ku sugnaa Roma, oo xagga cilmiga ay isku dhigmeen, oo wadaad krishtaan ah ahaa, oo uu arrinkaas kala tashaday.
Al Usquf الأسقف\ (Bishop-ka Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ ) waa islaamay, kaddibna shahiiday
Dixyah دحية\ wuxuu yiri:
“Markay ka kala tageen agtiisa, ayuu Hiraqalهرقل ii soo ciddiray oo aan u galay, wuxuu kaloo u ciddiray Al Asquf الأسقف\ oo ah wadaadka wadaadadooda krishtaanka ah ugu sarreeya. Markaasuu wadaadka wuxuu Hiraqalهرقل ku yiri:
“Midkaanu waa Nabigaann dhawraynnay, uuna Ciise عيسى\ noogu bishaareeyey, aniguna waan rumaynayaa oo raacayaa.”
Markaasuu qaysarku قيصر\ wuxuu ku yiri:
“Aniguse haddaan sidaas yeelo, oo rumeeeyo oo raaco, boqortooyadayda ayaa iga lumaysa oo aan waayayaa.”
Markaasuu wadaadku wuxuu aniga igu yiri – waana kaddib markuu qisada oo idil wada wariyay – :
“Warqaddaan qaad waxaadna u geysaa Saaxiibkaaga (Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam), iguna salaan, waxaadna u sheegtaa inaan anigu leeyahay: Ash-hadu an laa ilaa illaa Allaahu wa ash-hadu anna Muxamadan Rasuulu Allaahi أشهد أن لا إله إلا
الله وأشهد أن محمد رسول الله\ , iyo inaan anigu isaga aaminay oo rumeeyey iyo inay ayagu taas igu naceen.” (Markaasuu wadaadada krishtaanka wuxuu ugu tegay xeradooda oo uu hortooda ku ash-haatay, markaasay dileen).
12
Daghaadhir Al Ruumii ضغاطر الرومي\ waa islaamay, kaddibna shahiiday
Ibnu Xajar إبن حجر\ wuxuu yiri:
“وفي رواية ابن إسحاق أن هرقل أرسل دحية إلى ضغاطر الرومي وقال: “إنه في الروم أجوز قولا مني”، وإن ضغاطر
المذكور أظهر إسلامه وألقى ثيابه التي كانت عليه ولبس ثيابا بيضا وخرج على الروم فدعاهم إلى الإسلام وشهد شهادة
الحق، فقاموا إليه فضربوه حتى قتلوه. قال: فلما رجع دحية إلى هرقل قال له: “قد قلت لك إنا نخافهم على أنفسنا، فضغاطر
كان أعظم عندهم مني.”
قلت: فيحتمل أن يكون هو صاحب رومية الذي أبهم هنا..”انتهى.
“Riwaayada ibnu Isxaaq إبن إسحاق\ waxay warisay inuu Hiraqalهرقل Dixyah دحية\ u diray ninka la yiraahdo Daghaadhir Al Ruumii ضغاطر الرومي\ , uuna yiri:
“Isagaa Roomaanka iiga saamayn badan.”
Daghaadhirضغاطر الرومي -kaan, kaddib wuu islaamay, oo uu islaannimadiisa si cad ugu dhawwaqay, uuna dharkuu xirnaa (Oo madoobaa) iska tuuray, uuna labbistay dhar cadcad, oo uu Roomaanka usoo banbaxay (Oo kaniisaddooda ugu yimid) oo uu diinta islaamka ugu yeeray, uuna shahaadada xaqqa ah ku ash-haatay. Markaasay usoo keceen oo ay garaacayeen ilaa ay ka dilaan oo uu dhintay.
Markaasuu markuu Dixyah دحية\ usoo noqday Hiraqalهرقل kanu wuxuu ku yiri:
“Hore ayaan kuugu sheegay inaan Roomaanka nafteenna uga baqaynno haddaan islaanno, oo Daghaadhir Al Ruumii ضغاطر الرومي\ ayaa aniga Roomaanka iiga darajo waynaa.”
Ibnu Xajar إبن حجر\ wuxuu yiri:
“Waxay aniga agtayda taasuu ixtimaalaysaa inuu Daghaadhir Al Ruumii ضغاطر الرومي\ ahaa ninkuu Hiraqalهرقل warqadda Roma ugu diray (Oo uu Dixyah دحية\ Roma ugu tegay), oo intuu islaamay sidaas lagu dilay.”
Hiraqalهرقل iyo madaxda Roomaanka iyo Ximsحمص
Kaddibna Hiraqalهرقل wuxuu aaday Xims حمص\ (Oo ahayd caasimadda boqortooyadiisa, siduu ibnu Xajar إبن حجر\ ugu wariyay “Fatxu Al Baarii فتح الباري\ ” markuu Xadiithkaan Al Bukhaarii
البخاري\ sharxayo), halkaasoo uusan ka dhaqaaqin jeer uu ka helay qoraalkuu saaxiibkiisa Roma joogay ugu soo jawaabay, uuna ku waafaqayo inuu soo baxay oo lasoo diray Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, iyo inuu Nabi yahay).
Markaasuu Hiraqalهرقل wuxuu qasrigiisa ku yaalla Xims حمص\ isugu yeeray madaxda boqortooyadiisa, kaddibna uu amar ka baxshay oo albaabbada qasriga la wada xiray. Markaasuu usoo baxay, isagoo shabaako kala hadlaya, una ku yiri:
“Madaxda roomaankoy, haddaad dooneysaan inaad liibaantaan oo aad hanuuntaan oo aad sidaas ebedkiin ahaataan iyo inay boqortooyadiinnu sugnaato oo jirto Nabigaan baayaca oo raaca.”
Markaasay mar u wada carareen sida lo’ dureedka oo kale oo ay xagga albaabada guriga aadeen, markaasay arkeen inay albaabadu wada xiran yihiin.
13
Hiraqalهرقل markuu arkay nacaybkay Islaamka u qabaan, uuna ka quustay inay diinta islaamka galaan, ayuu wuxuu yiri:
“Ii soo wada celiya.”
Markaasuu wuxuu ku yiri:
“Anigu waxaan sidaas u iri anigoo jarribayay sidaad diintiinna ugu dheggan tihiin, waxaanna idinka arkay waxaan jeclaado. Markaasay u wada sujuudeen, ayna raalli ka wada noqdeen.”
Waa intaas warka ibnu Cabbaas إبن عباس\ Allaha الله\ isaga iyo aabihiisba raalli ka ahaadee.
Al Israa’u wa Al Micraaju الإسراء والمعراج\ , Abuu Sufyaan أبوسفيان\ iyo Hiraqal هرقل\
Markuu intaas wariyay ayuu ibnu Sayyidi Al Nnaasi إبن سيد الناس\ wuxuu yiri:
“Xadiithkaa Abuu Sufyaan أبوسفيان\ waxaa kaloo ka mid ah inuu Qaysar قيصر\ ku yiri markuu xagga Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ka waraystay:
“Boqorow, ma ku sheegaa dhacdo aan annagu ognahay inuu been ka sheegay?”
Wuxuu yiri:
“Waana tee?”
Waxaan iri:
“Wuxuu noogu andacooday inuu arligeenna ka baxay oo ah arliga Xaramka الحرم\ habeen oo uu isla habeenkaasba tegey masjidka Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ oo uu hadana isla habeenkaas annaga noo soo noqday intuusan waaguba baryin!”
Wadaadka krishtaanka ee Baytu Maqdis بيت الممقدس\ oo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u marag kacay
Wuxuu yiri:
“Wadaadka krishtaanka ah ee Baytu Al Maqdisna بيت المقدس\ wuxuu ku sugan yahay Qaysar قيصر\
madixiisa agtiisa, markaasuu yiri:
“Run ayuu sheegay (Wuxuuna ka wadaa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam).”
Qaysarقيصر wuxuu yiri:
“Maxaana arrinkaan ku ogaysiiyay?”
Wuxuu yiri:
“Anigu habeenna ma seexan jirin jeer aan xiro albaabbada masjidka (Waana Masjidu Al Aqsaa
مسجد الأقصى\ ee Baytu Al Maqdis بيت المقدس\ ). Markaasay markay habeenkaas ahayd ayaan albaabbada oo dhan xiray intaan ka ahayn hal albaab oo aan xiri waayay. Markaasaan xiriddiisa waxaan la kaashaday dadka ila joogay iyo kuwa ii shaqaynayayba markaasaan albaabkaas dhaqaajin waynnay, sida annagoo buur dhaqaajinaynna oo kale. Markaasaan waxaan u yeeray najaariinta oo markay fiiriyeen waxay yiraahdeen:
“Kani waa albaab oo uu kusoo kor dhacay oo uu ku fadhiyo dhismohoo idili marka ma dhaqaajin karno jeer aan waabariisanno oo aan aragno meeshuu ka yimid.”
Markaasaan labada albaab ayagoo furan ka tegay, oo markuu waagu baryay aan kusoo jarmaaday. Markaasaan waxaan arkay in dhagaxa geeska masjidka yaalla la dalooliyay, ayna ku taallo raadka meesha daabadda lagu xiray.
14
Markaasaan waxaan asxaabtayda ku iri:
“Xalay albaabkaani uma xirmi waayin waxaan Nabi ahayn, Nabigaasuu xaluu ku tukaday masjidkeennaan.” (Qisaduna waxayba ku sugan tahay Suuratu Al Israa’i سورة الإسراء\ iyo Axaadiith-ta Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam).
Hiraqal هرقل\ oo Nabinnimada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam aqoonsaday
Markaasuu Qaysar قيصر\ wuxuu qawmkiisa ku yiri:
“Ragga roomaankow, soo ma ogsoonidin inuu Ciise عيسى\ iyo saacadda u dhexeeyo Nabi uu Ciise ina Maryama عيسى ابن مريم\ idiinku bishaareeyey, aadna rajayneysaan inuu Ilaahay الله\ nin adinka idinka mid ah ka dhigo?”
Waxay yiraahdeen:
“Haa.”
Wuxuu yiri:
“Ilaahayالله wuxuuse ka dhigay nin adinka ghayrkiin ah, tiro ahaanna adinka idinka yar, beled ahaanna adinka idinka wadan yar, waana raxmada Ilaahayالله oo uu dhigo meeshuu doono.”
Kaddibna Hiraql هرقل\ wuxuu dalbay warqadda Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa aalihi Wa Sallam oo uu usoo dhiibay Dixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyi دحية بن خليفة الكلبي\ oo uu Dixyah
دحية\ u dhiibay ninka Busraa بصرى\ madaxda ka ahaa oo magaciisu ahaa Al Xaarithu bin Abii Shimr Al Ghassaanii الحارث بن شمر الغساني\ .
Al Bazzaarna البزار\ wuxuu wariyay inuu Dixyah دحية\ laftiisu warqadda Hiraql هرقل\ gacanta ka saaray oo u dhiibay oo wuxuu wariyay inuu Dixyah دحية\ yiri:
“Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu ii diray Qaysar قيصر\ markaasaan u imid oo aan warqadda u dhiibay.” Markaasuu warqadda Hiraql هرقل\ u dhiibay, kanna uu akhristay.
Warqadda koowaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ee Hiraql هرقل\ boqorka Rooma
Al Bayhaqii البيهقي\ wuxuu Dalaa’ilu Al Nubuwwah دلائل النبوة\ ku wariyay mujalladka afaraad bogga saddex boqol toddoba iyo toddobaatan, Al Bukhaariina البخاري\ Xadiithkiisa laba kun sagaal boqol kow iyo afartan ee kitaabka jihaadka ahna kitaabka lix iyo kontonaad; Muslimna
مسلم\ kitaabkiisa laba iyo soddonaad waana Xadiithkiisa afar iyo toddobaatanaad ku wariyeen warqadda koowaad ee uu Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, u diray boqorka Rooma ee Hiraql هرقل\ , naskeeduna uu yahay sidatan:
“من محمد رسول الله إلى هرقل، عظيم الروم. سلام على من اتبع الهدى، أما بعد. فإني أدعوك بدعاية
الإسلام. أسلم تسلم، يؤتيك الله أجرك مرتين. فإن توليت فإن عليك إثم الأريسيين، ويا أهل الكتاب تعالوا إلى
كلمة سواء بيننا وبينكم أن لا نعبد إلا الله و لا نشرك به شيئا، ولا يتخذ بعضنا بعضا أربابا من دون الله. فإن
تولوا فقولوا اشهدوا بأنا مسلمون.”
15
Xadiithka macnihiisu waxaa weeey:
“Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi ميحرلا نمحرلا الله مسب \ . Waxay ka socotaa Muxammad, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, una socotaa Hiraqlهرقل , madaxa roomaanka. Nabadgelyo waxay korkiisa tahay oo badbaadaya midka hanuunka raaca, oo cathaabta Ilaahay الله ka badbaadaya. Intaas dabadeedna, waxaan kuugu yeerayaa inaad ku dhawaaqdid erayada islaamka qofka u hoggaamiya oo ah ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa ash-hadu anna Muxammadan Rsuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam أشهد أن لا إله إلا
الله وأشهد أن محمدا رسول الله صلى الله عليه وسلم\ , oo ah inaad islaamka soo gashid oo aad muslin noqotid. Muslin noqo waad badbaadeysaaye.
Haddaad islaantid Ilaahay الله wuxuu ku siinayaa laba ajar oo kala ah inaad Nabi Ciise عيسى\
raacday iyo inaad Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, raacday. Haddaad islaamka ka jeesatidna oo aad diidid, waxaa korkaaga ah oo laguu haystaa dambiyada dadkaad madaxda u tahay oo dalkaaga ku nool, oo ah boqortooyada roomaanka oo idil. Kuwiinna Kitaabka la siiyow! Kaalaya oo aan isugu nimadno wax isku mid ah oo ayan Quraanka iyo Tawraadda iyo Injiilkuba isku khilaafsanayn oo ay isaga mid yihiin, oo ah inaanan caabudin Ilaahay الله keligiis mooyee, oo aan cibaadada Isaga keligiis ku gooni yeelno, oo aanan Ilaahnimada axad kale la wadaajin, oo ayan qaarkeen qaarka kale Rabbiyo ka dhigan, siday yuhuuddu u tiri inuu Cuzayr عزير\ wiilka Ilaahay الله yahay, krishtaankuna ay u yiraahdeen inuu Ciise عيسى\ wiilka Ilaahay الله yahay, oo aynaan axbaarta ku raacin waxay ayagu hindiseen oo xalaal iyo xaaraan ah, ayagoo dad annagoo kale ah. Hadday markaas Midnimada Ilaahay الله iyo tawxiidka ka jeestaan oo diidaan, adinku, waana muslimiintee, waxaad tiraahdaan: “Markhaati ka noqda inaan annagu muslimiin nahay.”
Warqadda labaad ee Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ee Hiraql هرقل\ boqorka Rooma
Al Qasdhalaanii القسطلاني\ wuxuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam intuu Tabuuk تبوك\ joogay wuxuu warqad labaad u diray boqorka Rooma ee magaciisu yahay Hiraql هرقل\ , wuxuuna ugu dhiibay isla saxaabiga tii koowaad u geeyey intuu heshiiska Al Xudaybiyyah الحديبية\ socday, ahaana Dixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyi دخية بن خليفة الكلبي\ .
Qoraalka warqadda labaad wa sidatan soo socota:
“من محمد رسول الله إلى هرقل، عظيم الروم. سلام على من اتبع الهدى، أما بعد. فإني أدعوك بدعاية
الإسلام. أسلم تسلم، يؤتيك الله أجرك مرتين. فإن توليت فإن عليك إثم الأريسيين، ويا أهل الكتاب تعالوا إلى
كلمة سواء بيننا وبينكم أن لا نعبد إلا الله و لا نشرك به شيئا، ولا يتخذ بعضنا بعضا أربابا من دون الله. فإن
تولوا فقولوا اشهدوا بأنا مسلمون.”
“Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi. Min Muxammadin Rasuula Allaahi ilaa Hiraql, cathiimi Al Rruumi. Salaaman calaa man ittabaca al hudaa, ammaa bacdu. Fa innii adcuuka bi dicaayati al islaami. Aslim taslim, yu’tiika Allaahu ajraka marratayni. Fa in tawallayta fa inna calayka ithmu al ariisiyyina, waa yaa ahla al kitaabi tacaalaw ilaa
16
kalimatin sawaa’in baynanaa wa baynakum an laa nacbuda illaa Allaaha wa laa nushrika bihi shay’an, wa laa yattakhitha bacdunaa bacdan arbaaban min duuni Allaahi. Fa in tawallaw fa quuluu ash-haduu bi annaa muslimuuna.”
Xadiithka macnihiisu waxaa weeey:
“Bismi Allaahi Al Rraxmaani Al Rraxiimi بسم الله الرحمن الرحيم\ . Waxay ka socotaa Muxammad, Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, una socotaa Hiraql هرقل\ , madaxa roomaanka. Nabadgelyo waxay korkiisa tahay oo badbaadaya midka hanuunka raaca, oo cathaabta Ilaahay الله ka badbaadaya. Intaas dabadeedna, waxaan kuugu yeerayaa inaad ku dhawaaqdid erayada islaamka qofka u hoggaamiya oo ah ash-hadu an laa ilaaha illaa Allaahu wa ash-hadu anna Muxammadan Rsuulu Allaahi, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam أشهد أن لا إله
إلا الله وأشهد أن محمدا رسول الله صلى الله عليه وسلم\ ,, oo ah inaad islaamka soo gashid oo aad muslin noqotid. Muslin noqo waad badbaadeysaaye.
Haddaad islaantid Ilaahay الله wuxuu ku siinayaa laba ajar oo kala ah inaad Nabi Ciise عيسى\
raacday iyo inaad Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasalam, raacday. Haddaad islaamka ka jeesatidna oo aad diidid, waxaa korkaaga ah oo laguu haystaa dambiyada dadkaad madaxda u tahay oo dalkaaga ku nool, oo ah boqortooyada roomaanka oo idil. Kuwiinna Kitaabka la siiyow! Kaalaya oo aan isugu nimadno wax isku mid ah oo ayan Quraanka iyo Tawraadda iyo Injiilkuba isku khilaafsanayn oo ay isaga mid yihiin, oo ah inaanan caabudin Ilaahay الله keligiis mooyee, oo aan cibaadada Isaga keligiis ku gooni yeelno, oo aanan Ilaahnimada axad kale la wadaajin, oo ayan qaarkeen qaarka kale Rabbiyo ka dhigan, siday yuhuuddu u tiri inuu Cuzayr عزير\ wiilka Ilaahay الله yahay, krishtaankuna ay u yiraahdeen inuu Ciise عيسى\ wiilka Ilaahay الله yahay, oo aynaan axbaarta ku raacin waxay ayagu hindiseen oo xalaal iyo xaaraan ah, ayagoo dad annagoo kale ah. Hadday markaas Midnimada الله Ilaahay iyo tawxiidka ka jeestaan oo diidaan, adinku, waana muslimiintee, waxaad tiraahdaan: “Markhaati ka noqda inaan annagu muslimiin nahay.”
Al Zarqaanii الزرقاني\ wuxuu yiri:
“Shiikhennu, Shaykhu Al Islaami شيخ الإسلام\ , oo aan ka wado Al Balqiini البلقيني\ , wuxuu yiri:
“Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaanii الحافظ إبن حجر العسقلاني\ wuxuu yiri:
“Kulli mid kasta oo ka diin yeesha diinta ehelu kitaabka أهل الكتاب\ wuxuu ku jiraa xukunkooda xagga nikaaxa iyo guurka iyo xoolahay gawracaan, maxaa yeelay Hiraql هرقل\ iyo dadkiisu waa roomaankee, umana ayan dhalan oo ka mid ma aha Banii Israa’iil بني إسرائيل\ , bal waxay ka mid yihiin kuwa diinta krishtaanka galay, kaddib marka Diinta Ciiseعيسى la beddelay. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku magacaabay oo ugu yeeray warqaddaan: “Yaa ahla al kitaabi يا أهل الكتاب\ ” oo ah “kuwa Kitaabka la siiyow”, taasoo tusaysa inay ayaguna xukunkooda ku dhex jiraan.”
Marka warqadda la akhriyay ayuu Hiraql هرقل\ walaalkiis nin uu dhalay caro aad u badan xanaaqay wuxuuna yiri:
“Warqadda i tus”.
Markaasuu Hiraql هرقل\ wuxuu ku yiri:
“Oo maxaad ku suubineysaa?”
17
Wuxuu yiri:
“Isagu warqadda laftiisu ku bilaabay, wuxuuna kugu magacaabay “saaxibu Al Rruumi بحاص
الروم\ ” oo ah ‘saaxiibka roomaanka.”
Markaasuu adeerkiis wuxuu ku yiri:
“Wa Allaahi والله\ taladaadu way taag daran tahay! Ma waxaad doonaysaa inaan tuuro warqad uu soo dhigay ninuu Jibriil جبريل\ u yimaado?” ama hadal sidaas oo kale ayuu yiri.
Ama wuxuu yiri:
“Ma waxaad dooneysaa inaan tuuro warqad aanan ogayn waxa ku dhigan? Haduu Rasuulka Ilaahay الله yahay xaq ayuu u leeyahay inuu laftiisa iska bilaabo, run ayuuna sheegay oo anigu waxaan ahay saaxiibka roomaanka oo Ilaahay الله ayaa aniga iyo ayakaba na leh.”
Dixyah دحية\ iyo Hiraql هرقل\
Markaasuu wuxuu amar ku bixiyay in Dixyah دحية\ la dejiyo oo la karaameeyo.
Dixyah دحية\ wuxuu yiri:
“Markaasuu subixi dambe si sir iigu soo ciddiray , markaasuu wuxuu i dhex geliyay guri aad u wayn oo ay ku yaallaan saddex boqol iyo saddex iyo toban masawir, ahna masawirrada Anbiyada Mursaliinta ah. Markaasuu wuxuu yiri:
“Dhugo masawirradaan oo ii sheeg midkuu saaxiibkaa ka yahay!”
Markaasaan waxaan arkay masawirka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, sida isagoo hadlayaba. Waxaan iri:
“Waa midkaan.”
Wuxuu yiri:
“Run ayaad sheegtay.”
Al Suhayliiالسهيلي : Dixyah دحية\ iyo Hiraql هرقل\
Al Ssuhaylii السهيلي\ wuxuu yiri:
“Dixyah دحية\ markuu Hiraql هرقل\ u yimid wuxuu ku yiri:
“Qaysarow قيصر\ , waxaa ii kaa soo diray mid adiga kaa khayr badan, Midka isaga soo dirayna isaga iyo adigaba waa idinka khayr badan yahay, marka isku dullee, waanadiisana yeel, maxaa yeelay adigu haddaadan is dullayn waxba ma aadan garan, haddaan lagu waaninna laguuma caddaalad falin.”
Wuxuu yiri:
“Soo daa.”
Wuxuu yiri:
“Ma ogtahay inuu Al Masiixu المسيح\ salaad tukan jiray?”
Wuxuu yiri:
“Haa.”
Wuxuu yiri:
“Hadaba anigu waxaan kuugu yeerayaa Midka uu Al Masiixu المسيح\ u tukan jiray, waxaanna kuugu yeerayaa Midka dabbiray abuurista samaawaatka iyo arliga isagoo oo uu Al Masiixu
المسيح\ ku jiro caloosha hooyadiis. Waxaan kaloo kuugu yeerayaa Nabigaan Ummiga ah النبي
الأمي\ , Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo ah midkuu imaatinkiisa kusii
18
bishaareeyey Muuse موسى\ , isaga dabadiisna uu ku bishaareeyey Ciise عيسى\ . Arrimahaasna waxaad u leedahay cilmi kaaga filan inaad u baahato inaad indhahaaga ku aragtid ama aad khabar ahaan u saluugtid kaaga filan. Haddaad ajiibtid oo yeeshid yeeriddaan waxaad heleysaa adduun iyo aakhiraba. Haddaadse diidid aakhiro waad seegeysaa, addunkana waa lagula wadaagayaa. Waxaad kaloo ogaataa inaad leedahay Rabbi boqorrada kibra jebiya, nicmada ay haystaan ka qaada.”
Markaasuu Qaysar قيصر\ warqadda Nabiga, Sallaa Allaahu Calyhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, qaatay oo uu labada indhood dhexdooda saaray iyo madaxiisa uuna dhunkaday, kaddibna uu yiri: “Wa Allaahi والله\ kitaabna kama tegin oo waa wada akhriyay, caalinna kama tegin oo waan wada waydiiyay, waxaan khayr ahaynna ma aanan arag. Marka ii kaadi si aan u fiiriyo Midkuu Al Masiixu المسيح u tukan jiray, oo waxaan kahanayaa inaan maanta kaa yeelo arrin oo aan markaas berrito arko mid isagaas ka fiican oo aan markaas kaan hor u yeelay ka noqdo oo ay taasu i dhibto ayanna waxba i tarin. Marka joog oo sug ilaa aan arrinkaan uga fiirsanayo.”
Wax yar kaddibna waxaa soo gaartay oofsashada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.”
Waa intaas warka Al Ssuhaylii السهيلي\ .
Waana intuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, Duullaanka Tabuuk تبوك\ ku jiray oo uu Tabuuk تبوك\ joogay, kaddibna uu Al Madiinah Al Munwwarah المدينة
المنورة\ u gaddoomay.
Hiraql هرقل\ gaalnimuu ku dhintay
Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Hiraqlهرقل warqad labaad u diray intuu joogay Tabuuk تبوك\ , siduu u wariyay Fatxu Al Baarii فتح البارئ ugana wariyay ibnu Xibbaan إبن حبان\ wuxuuna ugu dhiibay isla Dixyah bin Khaliifah Al Kalbiyyi دحية بن خليفة الكلبي\
uuna ugu yeerayo inuu islaamo. Markaasuu u dhowaaday inuu yeelo, mase yeelin, taasoo tilmaamaysa inuu ku kor taagnaa gaalnimadiisa.”
Imaam Axmad أحمد\ wuxuu Musnadkiisa المسند\ ku wariyay inuu Hiraql هرقل\ inuu Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Asalihi Wa Sallam, usoo dhigay warqad uu ugu sheegayo uu ku leeyahay:
“Waxaan ahay muslim.”
Markaasuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuxuu yiri:
“كذب، بل هو على نصرانيته.”
“Kathaba, bal huwa calaa nasraaniyatihi”,
oo macnihiisu yahay:
“Been ayuu sheegay oo wuxuu ku taagan yahay krishtaannimadiisa.”
19
Abuu Cubayd أبوعبيد\ wuxuu isaguna wariyay inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallama yiri:
“كذب عدو الله ليس بمسلم.”
“Kathaba caduwwu Allaahi laysa bi muslimin”
oo macnihiisu yahay:
“Been ayuu sheegay oo cadawga Ilaahay الله\ muslim ma aha.”
Hiraql هرقل\ hadduu dhaagi lahaa hadalka warqadda ku qoran oo ahaa “Islaan waad badbaadaysaaye” oo sidaasaa isaga iyo boqortooyadiisuba u jiri lahaayeen wuu islaami lahaa, laakiin tawfiiqdu waxay ku jirtaa gacanta Ilaahayالله .
Warqadda koowaad wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u diray markuu Al Xudaybiyyah الحديبية\ kasoo laabtay dhammaadka sanadka lixaad ee Hijrada, Dixyah دحية\
wuxuu isaguna Hiraql هرقل\ u yimid oo uu warqadda u dhiibay bisha Muxarram محرم\ ee sanadka toddobaad ee Hijrada, siduu Al Zarqaanii الزرقاني\ bogga sideedaad ee mujalladka shanaad ugu wariyay.
Warqadda labaadna wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uga diray Tabuuk تبوك\ sandka sagaalaad, oo duullaanku wuxuu ahaa bisha Rajab رجب\ ee sanadka sagaalaad ee Hijrada.
Siday boqorrda Rooma warqaddaas u ilaaliyeen
Al Zarqaanii الزرقاني\ wuxuu bogga sideed iyo tobnaad ku yiri:
“Shaykhu al islaami Abuu Al Fadli bin Xajar شيخ الإسلام أبوالفضل بن حجر\ Allaha Tacaalaa الله تعالى\
u naxariistee wuxuu Fatxu Al Baarii فتح البارئ ku wariyay oo la xiriirta Xadiithka Hiraql هرقل\ oo ka mid ah Bad’u Al Waxyi بدء الوحي\ yiri:
“Waxaa noo warramay in mid ka badan oo nooga warisay Al Qaadii Nuuru Al Ddiini bin Al Saa’igh Al Dimashqii القاضي نور الدين بن الصائغ الدمشقي\ oo ka wariyay Sayfu Al Ddini Qalj سيف الدين
قلج –oo af turkiga ku ah sayf- Al Mansuurii المنصوري\ , oo ahaa mid ka mid ah amiirrada dawladda Al Qalaawuuniyahالقلاوونية inuu u yimid boqorka Maghrib المغرب\ uuna u keenay hadiyad uu usoo dhiibay boqorka Al Mansuur Qalawuun المنصور قلوون\ . Markaasuu boqorka Maghrib المغرب\ wuxuu isagaas u diray boqorka faranjiga (fransiiska – roomaanka) inuu uga soo shafeeco arrin uu dan ka lahaa.
Markuu amiirku boqorka roomaanka u yimid wuu qaabilay uuna karaameeyey, wuxuuna usoo jeediyay inuu agtiisa joogo wuuse ka diiday, sida Fatxu Al Baariga فتح البارئ\ ugu xusan. Markaasuu boqorka roomaanku wuxuu ku yiri:
“Waxaan kaaga farxinaya wax aad u qiimo badan, markaasuu wuxuu usoo bixiyay sanduuq dahab lagu dheehay, wuxuuna dhexdiisa kasoo bixiyay weel qaliimada lagu kaydsado oo dahab ka samaysan, markaasuu wuxuu kasoo dhex bixiyay warqad xuruufteeda inta badani ay tirtirmeen oo lagu dhejiyay maro xariir ah.
20
Markaasuu wuxuu yiri:
“Kanu waa warqadduu Nabigiinnu, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, usoo diray awoowahay Qaysar قيصر\ , oo sidaasaan isaga dhaxalnaa ilaa maanta. Aabayaalkeenna waxay nagula dardaarmeen ayagana aabayaalkooda sidaas oo kale kula dardaarmeen ilaa laga gaaro Qaysar قيصر\ in intaan warqaddaan haysanno ayan boqortooyadu annaga naga wareegayn oo aan haysanaynno. Marka siadaasaan u ilaalinnaa warqaddaan si aad u adag, waana weyneynaa, krishtaankana waan ka qarinnaa si ay boqortooyada weligeed aan annagu u lahaanno.”
Wuxuu Fatxu Al Baarii فتح البارئ\ ku yiri:
“Waxaa hadalkiisaas sii xoojinaya Xadiithka mursalka ah ee Cumayr bin Isxaaq عمير بن إسحاق\ oo xusay, iyo hadalkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam:
“إني كتبت إلى صاحبكم بصحيفة، فأمسكها، فما يزال الناس يجدون بأسا ما دام في العيش خير.”
“Innii katabtu ilaa saaxibikum bi saxiifatin, fa amsakahaa, famaa yazaalu al nnaasu yajiduuna ba’san maa daama fii al cayshi khayrun”,
oo macnihiisu yahay:
“Waxaan saaxiibkiin u dhigay warqad markaasuu haystay (oo ma jeexjeexin siduu Kisraa كسرى\
yeelay oo kale), sidaasay dadka uga baqi doonaan intay noloshu khayr leedahay.”
Bal arag siday raggu u kala sarreeyaan oo ay u kala dun fiican yihiin xattaa markay gaalo yihiin, oo midkaanna warqadda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, wuu karaameeyey oo uu ku liibaanay oo boqortooyadiisu u hartay, Kisraana, boqorka Iiraan إيران\ , wuu jeexjeexay oo ay boqortooyadu ka guurtay wiilkiisuna dilay.
Siday carabtu ula wareegtay dhulka Suuriyah سورية\ waxaan uga soo warbixiyay qoraalkayga “Furashada Suuriyah سورية\ ” ee halkaas ka raadso haddaad doontid.
الحمد لله رب العالمين والثناء لله وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى أله الطيبين الطاهرين وسلم تسيلما كثيرا
كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

u diyaar garow Qormooyin kale oo Taariikho ah sabti walba insha Allah

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Columbus, Ohio, USA
Maalin Sabti, sagaalka bisha Rajab رجب\ ee sanadka kun afar boqol toddoba iyo soddon Hijriga, una dhignta lix iyo tobanka laba kun lix iyo toban Miilaadiga.

SHEEKOOYIN