WAABARI mise WAAQBARI? WQ: CALI M. DIINI

WAABARI mise WAAQBARI?

Erayga “WAAQ” sida aan ognahay waa “Alle” Allihii Soomaalidu hore caabudi jireen ama magicii ay Alle u taqaanneen. WAAQ ma ahayn sanam ama wax kale ee Waxa uu ahaa imminkana yahay Allaha sarreeya ee awoodda leh.
In uusan WAAQ ahayn sanam iyo Alle qayrkii waxaa u daliil u ah Qur’aanka Kariimka oo Alle ku sheegay erayga Waaq oo la macne ah “Ilaaliye”.

لَّهُمْ عَذَابٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا وَلَعَذَابُ الآخِرَةِ أَشَقُّ وَمَا لَهُم مِّنَ اللّهِ مِن وَاقٍ. (Suura ar-Racdi – Aayadda 34aad)

Waaq Afka Soomaaliya tif buu ku yagay asaga oo horgale ama dibgale u ah magacyo sida: JidWaaq, CaabudWaaq iwm. Sidoo kale dhaar ahaan ayuu ugu jiraa. Tusaale: “Waqay iyo Waaqay” = Weligay iyo Allahay.

Beri dhawayd waxa aan akhriyay buug magiciisu yahay DIRKII SACMAALLADA oo uu qoray Qoraa Axmed Ibraahin Cawaale. Buuggaas waxa uu qoraagu ku macneeyay erayga “WAQOOYI” oo uu ku sheegay in uu macnihiisu yahay Waaqooyi oo la mid ah dhulkii Alle, kaas oo ah magac dhulkaas uu lahaa waayihii hore. Masaaridii hore ayaa ka mid ah dadkii dhulka Waqooyi ee geyiga Soomaalida u aqoon jiray dhulkii Alle ama dhulkii Ilaahyada. Inkasta oo uusan qoraagu buuggu macnayn ama faahfaahin macnaha eraygu marka uu labo u kala baxo (Waaq Ooyi?) Haddana runtii aniga waxa uu ii noqday bilig cusub oo ii baxay ii na iftiimiyay aqoon iyo ogaal cusub. Intaas kaddib waxa aan isku dayay in aan baaro macnaha erayada saddexda (3) jiho ee kale (Koofur,Bari iyo Galbeed). Nin aan ku tuhmayay aqoon durugsan uu afka iyo dhaqanka Soomaaliga u leeyahay ayaan xalay is helnay waxa aanan waydiiyay macnaha Koofur, Bari iyo Galbeed. Koofur waa uu garan waayay, Galbeedna waxa uu ku macneeyay “halkii qorraxdu u galbanaysay.” Waxa uu se si fiican faahfaahiyay “Bari.” Waxa uu yiri “bari macneheedu waa Waaqbari. Waaq waa Alle bari na waa bilow. Qorraxdu waxa ay ahayd waxyaabihii Soomaalidii hore caabudi jireen ama ay Alle u sii mari jireen (Awliyo). Sidaas awgeed meesha qorraxdu ka soo baxdo waa WAAQBARI oo la macne ah halkii Alle ka soo muuqanayay. Kaddib eraygu waa uu isdhalanrogay oo “Q” ayaa qarsoontay sidaasna ku noqday “Waabari.” Ugu dambayn “Waa-dii ama ayaa laga tagay oo laga hawlfududaystay oo “bari” ayaa lagu gaabsaday”.

Hadda “Waabari” oo dadka qaar u qoraan “Waaberi” waxa aynnu u naqaan marka habeenka iyo maalintu isdhaafayaan iftiinka qorraxdu bari ka soo muuqdo. Sidoo kale xaafado iyo Degmooyi dalka ka mid ah ayaa magacaas leh.

Dheeri
Jihada “GALBEED” waxaa gobollada qaar looga yaqaan “Qorraxsin” oo ah “Qorrax iyo Sin”.

Codsi haddii aan garanaysid macnaha “Koofur, Galbeed iyo Qorraxsin” ama aad Bari si kale u taqaannid fadlan na la wadaag. Mahdin.

Cali M. Diini

SHEEKOOYIN