Warqad Furan. Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Warqad Furan

 

 

Ka: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

 

Ku: Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

 

Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari,

 

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Maalin dhowayd ayaan internetka ka akhriyay caddayn aad adigu bixisay kuna saabsan dastuurka Soomaaliya, aadna afka ku dhufatay inuu dastuurkaanu kama dambays yahay oo uusan ku meel gaar ahayn. Markaasaan goostay inaan warqaddaan kuu soo diro.

 

Waxaan doonayay inaan warqaddaan adiga kuu soo diro, waxaanse waayay meeshaan kuu soo marin lahaa, markaasaan soomaalida usoo bandhigay.

 

Kun sagaal boqol iyo toddobaataneeyadii waxaan labadeennu ahaan jirnay laba Agaasime Guud ee laba Wasaaradood, oo adiguna waxaad ahayd midka Wasaaradda Shaqada iyo Sboortiga, aniguna kan Wasaaradda Hormarinta Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa. Waxaanna lahayn wada shaqayn fiican, qof ahaanna waan isku fiicnayn. Waagaas kaddibna maanan kulmin.

 

Markay balayadu dalka ku habsatayna, adigana waxaan maqlay inuu dalka Norway qaxo ku geeyey, aanna maqlay inaad xagga diinta usoo jeesatay; anigana wuxuu qaxo i geeyey dalka maraykanka, halkaasoo aan wali deganahay.

 

Jinsiyad kastoo aan qaadannana Soomaaliya waa dalkeenna hooyo, islaamkuna waa diinteenna aanan marna ka leexanayn: labadaas ayaana u sabab ah inaan qoraalkaan kuu soo diro, oo aan guto waajibkaad igu leedahay oo ah inaan kuu naseexeeyo.

 

Adigu Waxaad qaaday xil wayn oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, aniguna wali qaxooti ayaan ahay, in kastoo aan jinsiyada maraykanka qaatay.

 

Waxaan xubin ka ahaan jiray Golaha Shacbiga Qaranka Soomaaliyeed sanaka 1979-80, waxaana guddoomiye noo ahaa Sarreeye Guud Ismaaciil Cali Abokor, mar kalena ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Soomaaliya.

 

 

 

 

Sida jinsiyada lagu qaato, lagu laalo laguna waayo

 

Jinsiyadu way qiimo badan tahay, oo qofka soomaali u dhashay ayaa iska leh, qaadashana waxaa ka ratibmaya xuquuq iyo waajibaad. Hadday dawladdu qof aan soomaali u dhalan jinsiyada siiso, wuxuu qofkaasna yeelanayaa xuquuqda iyo waajibaatka qofka muwaadhinka ah ee u dhashay. Bixinta jinsiyaduna waxay ahaan jirtay wax nadir ah oo faro lagu tiriyo, hadayba jirtay. Anigu nin kali ah ayaan xusuustaa oo jinsiyada la siiyay.

 

Intaan danjiraha soomaaliyeed ee dawladda jarmanka federaaliga ahaa (1981-86) ee qarniga lasoo dhaafay, ayaa waxaa maalin xafiiska iigu yimid wiil soomaaliyeed oo ilaa soddon jir ahaa, wuxuuna ii sheegay sababtuu iigu yimid, wuxuuna yiri:

“Waxaan guursaday gabar jarman ah, waxaanna dawladda jarmanka u gudbiyay codsi ah in la i siiyo jinsiyada jarmanka, waxaana la iigu soo jawaabay:

“Haddaad doonaysid jinsiyada jarmanka, ka keen Safaaradda soomaaliyeed ee Bonn qoraal caddaynaya in lagaa saaray jinsiyada soomaaliyeed.”

Marka waxaan rabaa inaad qoraalkaas i siisid in jinsiyada soomaaliyeed la iga saaray.”

 

Waxaan ku iri:

“Anigu jinsiyada soomaaliyeed kaama qaadi karo oo anigu soomaali kaama dhigin, sidaas daraadeedna kaama qaadi karo, laakiin codsigaaga waxaan kuugu gudbinayaa dawladda soomaaliyeed.”

 

Wiilku hadalkaygaas wuu ka xumaaday, kana carooday, oo da’diisa ayaa yarayd oo ma uusan garan inuusan danjire qoraalkaas siin karin.

 

Codsigiisa ayaan u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, markaasuu Wasiirka Arrimaha Dibaddu Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre wuxuu arrinkaas geeyey oo u gudbiyay Golaha Shacbiga Qaranka, kanoo inta ka dooday, guddi sharci yaqaanno ka kooban u saaray, si uu uga soo taliyo.

 

Guddigaanu wuxuu dejiyay sharci maamula sida jinsiyada soomaaliyeed lagu qaato, lagu laalo, laguna waayo. Taasaa Golaha Shacbigu Ansixiyay, laguna soo daabacay “Bollettiino Ufficiale” ee dawladda soomaaliyeed.

 

Nuqul sharcigaas ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadduu ii soo dirtay, aan aniguna u gudbiyay wiilkii doonayay in jinsiyada soomaaliyeed laga qaado.

 

Arliga Soomaalida

 

Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari,

Arliga Ilaahayالله\ ayaa iska wada leh, addoommadiisana qolaba meel ayuu ka dejiyay, soomaalidana wuxuu dejiyay arliga soomaaliyeed oo ku yaalla geeska Afrika.

 

 

 

 

Dastuurka Soomaaliya ee 1960

 

Qodobka labaad ee dastuurka 1960 wuxuu leeyahay (Waana marka af soomaaliga la dhigay oo lagu tarjumay, oo asligu wuxuu ku dhignaa afka talyaaniga):

 

1)- Dadka waxay ka kooban yihiin dhammaan mawaadiniinta.

2)- Habka lagu noqonayo laguna waayi karo muwaadinimada waxaa qeexi doona sharciga.

3)- Ma jirto qof loo diidi karo muwaadinimada ama looga qaadi karo sabab la xiriirta siyaasad awgeed.

Waa intaas intaan kasoo qaadannay.

 

Dastuurka Soomaaliya 1979

 

Dastuurka 1979, wuxuu qodobkiisa afaraad leeyahay:

 

Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed

 

1.Shacbiga Soomaaliyeed waa Shacbi mid ah Jinsiyada Soomaaliyeed waa mid qura (kalia).

2.Sharciga ayaa xadidaya sida lagu helayo ama lagu waayayo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Intaas ayaan kasoo qaadannay.

 

Dastuurka 2012

 

Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari,

Dastuurkaan aad adigu saxiixday wuxuu labada dastuur oo aan soo aragnay ku daray qodobbo aan kuwaas ku jirin, ujeeddo shacbiga soomaaliyeedna ka dhan ah loola dan leeyahay iyo burburinta qoyska iyo bulshada soomaaliyeed, sida qodobbada haweenka ku saabsan, iyo kuwa may iyo maxaad tiri, qodobka “dadka laga tiro badan yahay” ku saabsan iyo kuwo kaleba oo aan ognahay in New York USA lagu soo sameeyey aanna naqaanno haweenta gaalada ah oo sameysay . Qodobbada cusub waxaa ka mid ah:

 

Qodobka 29aad. Caruurta

 

  • Ubad kasta markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suuban iyo jinsiyad.

 

Waa intaas qodobku.

 

Faallo sidaan anigu u gartay:

 

Soomaali waxaa ah qofkuu aabe soomaaliyeed dhalay, oo kaasaa muwaadin la yiraahdaa sida dastuurradii hore ku xusan iyo sharciyaday baarlamaannadii hore dejiyeen .

 

Tan iyo kun sagaal boqol kow iyo sagaashan ee qarnigii lasoo dhaafay, soomaali badan waxaa laysay NATO, tirakoobka inta la dilayna waxaaba waa sanooyin laga joogo shaacisay Qarammada Midoobay (UNO), waxaana lagu qiyaasay ilaa ku dhowaad laba malyan. UNO waxay sheegtay in shan iyo labaatan boqolkiiba (25%) caruurta soomaaliyeed ee aan shan sano gaarin la laayay bilowga markay dhibaatadu Soomaaliya ku habsatay oo u sidaas hal fac oo soomaali ah lagu gumaaday. Boqollaalo kun oo soomaali ahna waxay qaxooti ku noqdeen dalalka dariska ah, qaar kaloo badanna, oo aan aniga iyo adigu ka mid ahayn, waxay ku kala firdheen adduunka darfihiisa.

 

Dilidda soomaalida iyo qaxuba ilaa maanta aan qoraalkaan kuu soo dhigayo way socdaan, gaar ahaan dhallinyarada, oo wadanka ka haajiraysa. Caruurtana waxaa haysa nafaqo darro iyo cudurro iyo silic iyo saxariir oo way le’daan, ha joogaan wadanka gudihiisa ama xeryaha qaxootigabee ee dalalka dariska ah ku yaalla.

 

Sanooyinkii ugu dambeeyey oo aan dawladda ahayn, ee dawladda Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre Allahaالله\ u naxariistee, kuna began dhammaatka 1980, ayaa waxay dawladaha reer galbeed xoog saareen inay shaqo siiyaan ragga soomaalida ah oo jaamacadaha kasoo baxay, waxay doonaan hasoo barteene, ujeedaduna ay tahay ina dalka laga dad gureeyo maskaxda soomaalida wax tari karta, waana waxay isla reer galbeedku u bixyeen: “Reverse Brain Drainage”.

 

Dadka waawaynna oo dalka ku harayna, hadduusan qarax iyo abaari dilin, markay ajashoodu gasho way dhimanayaan.

 

Waxaa intaas barbar socota inay amxaaro arliga soomaaliyeed maalin walba soo degeyso, ayagoo caruurtooda wata iyo haweenkooda, isla markaasna ay gabdho soomaaliyeed caruur ka dhalayaan.

 

Amxaarada caadadeeda waxaa ka mid ah markay dhul islaam tagaan inay sheegtaan oromo ama soomaali, ay afkoodana bartaan, ayna diinta islaamka sheegtaan oo ay “magac suuban” la baxaan oo la baxaan magac carbeed, sida Maxamad, Cabdu Allaahi, iwm. Amxaar aniga dariskayga ah halkaan Colombus Ohio waxaa la yiraahdaa Cabdu Allaahi Geelle.

 

Dastuurkaad adigu saxiixday aadna sheegtay inuusan ku meel gaar ahayn, wuxuu jinsiyada soomaaliyeed siinayaa amxaarada cadwga soomaaliyeed ah, waxaadna sidaas ku qiimo tirtay dhiigga badan oo shacbiga soomaaliyeed u daadiyay iska celinta amxaarada oo ah cadawga taariikhiga ah ee soomaalida iyo ilaalashashadooda gobannimadooda.

 

Amxaaradana waxaad ka dhigatay walaalo iyo sokeeye iyo soomaali, xaq u leh inay soomaalida muslinka ah laayaan, dalkoodana kala wareegaan. Taasna xaq uma lihid ee waa dulmi iyo xadgudub oo Soomaaliya waxaa wada leh soomaalida oo idil, niinna amxaaro ma siin karo.

 

Soo Ilaahayالله ka baqi maysid? Soo ma ogid inaad dhowaan dhiman doontid, adigoo toddobaatankii kor u dhaafay sidaan aniguba ugu dhaafay?

 

Soomaalidu, meel kasta adduunka ha ka joogtee, arliga Ilaahayالله waxay ugu jecel yihiin Soomaaliya, waxayna ku wada taagan yihiin far iyo suul inay dalkooda ku noqdaan, halkaasoo ay sharaf iyo karaamo ku lahaayeen, maxaa yeelay waa wadankooda, oo xuduntooda ayaa halkaas ku duugan. Wadan jecaylkana waxaa na baray Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, oo markay gaaladu goosteen inay dilaan, uu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Jibriil جبريل\ Calayhissalaamu suoo diray kuna amray inuu Makkahمكة\ ka baxo oo uu Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ u haajiro. Bal ka arag hadalkiisa siduu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u wadan jeclaa:

 

Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waddankiisa u jeclaa iyo dhibaatada qaxootinnimada

 

Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:

 

  أو مخرجي هم؟”

 

Oo macneheedu yahay:

 

“Oo miyay waddanka iga saarayaan?” (oo waxaa Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la waynaatay inay dadkiisu wadankiisa, oo ah Xaramka Ilaahayحرم الله\ ee Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ iyo beledka aabihiis Ismaaciilإسماعيل\ ka saarayaan sabab la’aan.

 

Al Suhayliiالسهيلي\ wuxuu yiri:

“Ka tegidda waddanka nafta way ku adagtahay, taasoo ku muuqaneysa naxdinta iyo cabsida taas laga cabsado, oo kama uusan nixin, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markuu Waraqahورقة\ u sheegay inay dhibi doonaoo, ayna beenin doonaan, sida Xadiithka mursalka ah ee Cubayd bin Cumayraanعبيد بن عميران\ wariyay inuu Waraqahورقة\ ku yid:

“Waa lagu beeninayaa, waana lagu dhibaateynayaa, waana lagula dagaallamayaa”).

Markaasuu Waraqah ورقة\ wuxuu ku yiri:

“Haa, oo waa lagu saarayaa. Horena ninna lama uusan imaan waxaad la timid oo kale ee waa illaa midka la colaadiyey. Haddaan gaarana maalintay Diintaadu faafeyso waxaan kuu hiillinayaa oo kuugu gargaarayaa hiillo iyo gargaar wayn oo  xoog leh.”

Waraqah ورقة\ kulankaas kaddib wax badanba ma noolayn ee wuu dhintay.

 

Hadalka ugu dambeeyey oo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, Makkahمكة\ ku yiri

 

Hadalkiisa Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam markuu Makkahمكة\ ka baxayey waxaa ka mid ah inuu inta Al Xazwarahالحزورة\ (oo ahayd markaas suuqa Makkahمكة\, hadana Masjidka ka mid ah oo lasoo geliyay marka la ballaarinayay) istaagay oo uu Kacbada dhugtay yiri:

 

“والله إنك لأحب أرض الله إلي، وإنك لأحب إرض الله إلى الله. ولولا أن أهلك أخرجوني منك ما خرجت.”                                                                                      

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Wa Allaahiوالله\ waxaad tahay, waa Makkeeمكة\, middaan arliga Ilaahayالله ugu jeclahay, waxaadna tahay arliguu Ilaahayالله arligiisa ugu jecel yahay. Haddayan dadkaagu i saarinna ma baxeen.” Waxaana wariyay Axmadأحمد\ iyo Al Tarmithiiالترمذي\.

 

Ilaahay ayaa lagugu dacwenayaa

 

Inta qof oo la dilay, inta la dhaawacay, inta libaaxa dhulka iyo kan badduba cuneen, kan la dhaawacay, kan gurigiisa laga saaray, kan gaajada iyo harraadka u dhintay, gabar kastoo la fara xumeeyey maalinta qiyaame waxay leeyihiin:

“Ilaahayowاللهم\, kanaa waxaas nagu falaye, bal waydii sababtuu waxaas noogu falay, noogana aar goo!”

Ilaahaynaالله waa Caadil la hubo cadaaladdiisa.

 

Sidee baad, marka, khayr ku heleysaa? Adiguna waad u cilmi leedahay intaas aan sheegay oo idil, oo diinta waad taqaannaa.

 

Magac suuban u bixiya

 

“Magac suuban loo bixiyo” waa magac muslin u bixiya, oo magacooda gaal qariya.

Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ayaa na amray inaan caruurta noo dhalata magac fiican u bixinno, kuway magacda fiican yihiinna noo sheegay, taasna kuma uusan oran gaalada, sida amxaarada oo kale, oo aan magacdooda naqaanno.

 

Xaq ayay u leeyihiin jinsiyad

 

“Xaq wuxuu u leeyahay jinsiyad”, wuxuu sidaas ku noqonayaa soomaali xaq doorasho u leh iyo in isaga la doortaba.

 

Madaxwayne amxaar ah Soomaaliya ha loo doorto weeye

 

Haday sidaas ku socotana, mar dhow soomaalida waa looga badanayaa arligooda, oo Soomaaliya waxay noqonaysa arli amxaaro, waxayna dooran doonaan madaxwene iyo dawlad amxaaro ah.

Adigaana ka mas’uul ah. Dambigaasna waa xukun boob iyo khayaano wadan.

 

Waxaa taas la mid ah siday dadka reer yurub qaaraddaan Ameerika kusoo degeen oo inta dadkii degganaa laayeen ay ayagu degeen oo wadanka ka yeesheen oo ka dhaxleen.

 

Marka, Guddoomiye, adigu ha ka qayb qaadan gumaadka ummadda soomaaliyeed, ka saaridda guryohooda iyo dalkooda, si amxaaro gaalo ah loo dejiyo, oo Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\ waa kuu jeedaa, qalbigaaga waxa ku jirana uu ogyahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waaba tuu Ilaahay Cazza wa Jalla الله عزوجل\  yiri:

 

}يَعْلَمُ خَائِنَةَ الْأَعْيُنِ وَمَا تُخْفِي الصُّدُورُ (19){

 

Waana Aayadda sagaal iyo tobnaad ee Suuratu Ghaafirسورة غافر\, oo macneheedu yahay:

 

“Wuxuu yaqaanna oo ogyahay indhaha wax lagu khayaano iyo waxa laabaha ku qarsoon(19).”

 

Waxaan ku gunaanadayaa anigoo laba qodob wax ka taabanaya, kalana ah:

 

Kow. Wuxuu Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\ ka yiri kuwa gaalada ka caawina inay muslimiinta guryohooda iyo wadankooda ka saaran.

 

Laba. Wuxuu Ilaahay Cazza wa Jalla الله عزوجل\  ka yiri kuwa sidaas yeela, haddayan ayagu gaalnimo sheegan, waa munaafiqiin, kuwaano gaalada kasii xun.

 

Waxaan sidoo kale taabanayaa calaamadaha kuwaas lagu aqoodo, siduu noo baray Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, xattaa hadday ayagaasu muslimiin isu haystaan, ayna tukadaan, ayna soomaan.

 

Xukunka Ilaahayالله ee kuwa muslimiinta dalkooda ka saara

 

Asmaa’u bintu Abii Bakr Al Siddiiqu أسماء بنت أبي بكر الصديق\ahna walaasha Caa’ishahعائشة\. la dhalatay oo ay Cabdu Allaahi bin Abii Bakrعبد الله بن أبي بكر\ isku hooyo yihiin, waxay caruur u dhashay Al Zubayru ibnu Al Cawwaamالزبير بن العوام\: Cabdu Allaahiعبد الله\ (oo Amiiru Al Mu’miniinأمير المؤمنين\ noqday boqorka Dawladda Islaamka intaan Shaamالشام\ ahayn) iyo Al Muntharالمنذر\ iyo Curwahعروة\ (oo caalinka iyo Muftiga Masjidka Nabiga, Salalaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee Al Madiinah المدينة\ noqday) iyo Caasimعاصم (oo ayan ciribi ka harin, noqdayna Guddoomiyaha dalka Ciraaq عراق\, oo waagaas gabol Dawladda Islaamka ka mid ah ahaa) iyo Al Muhaajiraالمهاجر\ oo ayan isagana ciribi ka harin, iyo Khadiijah Al Kubraaخديجة الكبرى\ iyo Ummu Xasanأم حسن\ iyo Caa’ishahعائشة\.

Asmaa’uأسماء koofaarteedu waa Thaata Al Nidhaaqayniذات النطاقين\, ayadoo markuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, iyo aabeheed ay hogga ku jireen oo Hijrada ahayd uu Cabdu Allaahi bin Abii Bakrعبد الله بن أبي بكر u keenay cunnaday dariiqa saad ahaan ugu qaadan lahaayeen oo ku jirta sufriyad.

 

Markaasey dhex xirkeeda labo u kala dillaacisay oo ay jeexna sufriyada afkeeda ku xirtay si marka ratiga la saaro oo uu la socdo ayan cunnada ku jirta uga daadan, jeexa kalena dhexdeeda ayay ku xiratay, oo sidaasey maradii midka ahayd labo uga dhigtay oo labo nidhaaqنطاق\ ku yeelatay. Nidhaaqnaنطاق\ waa marada aya haweenku dhexda ku xirtaan.

 

 

 

 

Asmaa’u أسماء waxay ahayd qofka tobanaad oo islaama oo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam rumeeya oo raaca.

 

Cabdu Allaahi عبد الله iyo Asmaa’uأسماء hooyadood waxay ahayd Qaylah bintu Cabdu Al Cuzzaa bin Cabdu Ascad bin Nasr ibnu Maalik bin Xisl bin Caamir bin Lu’ayyقيلة بنت عبد العزى بن عبد أسعد بن نصر إبن مالك بن حسل بن عامر بن لؤي\, ayadeyna kusoo degatay Aayadda sideedaad ee Suuratu Al Mumtaxinahسورة الممتحنة. Aayaddaasi waxay leedahay:

 

}لَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (8) إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَنْ تَوَلَّوْهُمْ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ (9){ 

Labadaas Aayadood macnohoodu waxaa weeye:

 

“Ilaahay الله idinka reebi mayo kuwaan idinkula dagaallamin Diinta daraadeed inaad u sama fashaan, una caddaalad fashaan dalalkiinnana aan idinka soo saarin, maxaa yeelay Ilaahayالله\ wuu jecel yahay kuwaa cadaaladda fala(8)Ilaahay الله\  wuxuuse idinka reebayaa kuwa Diinta Islaamka daraadeed idinkula dagaallamay oo dalkiinna idinka soo saaray iyo kuwa gacan ku siiyey oo ugu gargaaray in dalkiinna la idinka soo saaro inaad gargaarayaal iyo sokeeye ka dhigataan oo aad xiriirisaan. Kuwa kuwaas sokeeye iyo gargaarayaal ka dhigtana waa daallimiin(9).”

 

Dulmiga ugu waynna waa gaalnimada siduu Ilaahay Cazza wa Jalla الله عزوجل\   noogu sheegay Aayadda sadex iyo tobnaad ee Suuratu Luqmaanسورة لقمان\:

 

}وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لِابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لَا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ (13){

 

Aayaddaan macneheedu waxaa weeye:

 

“Xus markuu Luqmaanلقمان\ oo wiilkiisa waaninaya ku yiri:

“Maandhow, Ilaahay الله shariik ha u yeelin, oo shirkigu waa dulmi wayn(13).”

 

Aayaddaan Asmaa’u أسماء kasoo degatay xukunkeeda oo ah asaaska xiriirka muslimka iyo gaalada ilaa Maalinta Qiyaame, sababtay kusoo degatay waxay ahayd sidatan, siduu Al Baghawiiالبغوي\ tafsiirkiisa Cabdu Allaahi bin Al Zubayrعبد الله بن الزبير\ uga wariyay:

 

“Waxay kasoo degatay Asmaa’u bintu Abii Bakr أسماء بنت أبي بكر\ markay hooyadeed Qutaylah bintu Cabdu Al Cuzzaaقيلة بنت عبد العزى\ ay Al Madiinahالمدينة\ ugu timid (ayadoo Makkahمكة\ kasoo safartay inay gabadheeda aragto), uguna keentay hadiyad ahaan jubnahجبنة\ oo ah caano la fariisiyey iyo subag iyo iqdhإقط\ oo ah caano geel oo la garooriyey.

Hoyadeedna markaas waa gaal. Markaasey Asmaa’u أسماء waxay hooyadeed ku tiri: “Hadiyadaada kaa aqbali mayo, gurigeygana iigu soo geli meysid jeer aan Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka idan qaato.”

Markaasey Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ka ithan qaadatay inay hooyadeed hadiyadaha ka oggolaato, gurigeedana ay soo geliso. Markaasey Aayaddaani soo degatay. Markaasuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu Asmaa’u أسماء amray inay hooyadeed gurigeeda soo geliso, hadiyadeedana ay aqbasho, ayna karaameeyso, una same fasho.”

 

Sababtay Asmaa’u أسماءu diiday inay hooyadeed gurigeeda soo gasho iyo inay hadiyada ka qaadato waxay ahayd ayadoo ay Muhaajiriintuالمهاجرين\ arligooda Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\ kasoo qaxeen oo kasoo carareen ayagoo naftooda lasoo baxsaday, haddii kale gaalada Makkah مكة way wada dili lahaayeen, siduu Ilaahayالله\ Quraanka Kariimka ah noogu sheegay.

 

Markay soo qaxeenna gaaladu waxay gadatay oo la wareegtay guryaha Muhaajiriinta المهاجرين\  iyo xoolohoodiiba, sida annagaba nagu dhacday oo kale.

 

Sidaasay gaaladu ku ahaayeen cadawgooda iyo kuwa guryohooda iyo dalkoodaba kasoo saaray.

Soo xaaladdaan hadda ku sugannahay, haddaan qaxooti soomaaliyeed nahay, ma aha mid la mid ah middaas? Kuwa arligeenna naga soo saarayna waxay la mid yihiin kuwa Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo Muhaajiriinta المهاجرين guryohooda iyo wadankoodaba kasoo saaray.

 

Waaba tuu Ilaahay Cazza wa Jallaالله عزوجل\ qorshaha gaalada inay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam dilaan kasoo dejiya Aayaddaan:

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:

“Quraanka dhacdada maalintaas ay gaaladu u shireen iyo qorshohooda inay Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dilaan kasoo degay waxaa ka mid ah:

 

}وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ (30){

 

Aayadda oo ah Aayadda soddonaad ee Suuratu Al Anfaaliسورة الأنفال\ macneheedu waxaa weeye:

 

“Xusuuso markay kuu faqeen inay ku dhakraan kuwa gaaloobay inay ku xabbisaan, ama ay ku dilaan ama ay ku saaraan, way kuu dabbireen, Ilaahay الله ayaana ugu khayr badan inta wax abaal marisa.”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Macnaha nifaaqaالنفاق iyo munafaqnimada

 

Shiikha Jaamacadda Al Azharee Qaahiraشيخ جامعة الأزهر بالقاهرة\ Jaadu Al Xaqq Calii Jaadu Al Xaqqجاد الحق علي جاد الحق\ ku taalla dalka Masarمصر\ wuxuu kitaabkay Jaamacaddu soo saartay ee cinwaankiisu yahay “Bayaanun lilnaasiبيان للناس\ juzka koowaad bogga boqol iyo sadex iyo konton uga hadlay Nifaaqaالنفاق\, wuxuu yirina waxaa ka mid ah:

 

“Nifaaquالنفاق\ waxaa weeyey in la muujiyo wax khilaafsan oo ka duwan waxa uurka ku jira, xagga shareecada waxaa magacaas la yiraahdaa nifaaqaنفاق\ caqiidada iyo nifaaqa نفاق\ camalkaba. mid kastoo labadaas ka mid ahba waxaa jirta inuu qofku muujinayo khilaafka waxa uurkiisa ku jira, oo wuxuu shareecada ka gelayaa albaab wuxuuna ka baxayaa albaab kale isagoo doonaya inuu khayr kasbado sharna iska celiyo.

Malaha sidaasaa afka carabiga dariiqa inta buurta laga dalooliyo ka dhex dusa oo ay baabuurtu intay dhinac ka gasho dhinaca kale uga baxdo loo yiraahdaa ”Nafaqنفق\afka ingiriiskana lagu yiraahdaa ”Tunnel.”

 

Quraanka Kariimka ah

 

Quraankuna wuxuu munaafaqa ku magacaabay faasiqفاسق\, sababtoo ah inuu sharciga ka baxay, siduu Ilaahay الله u yiri:

 

}إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (67){

 

 

Oo macneheedu yahay, waana Aaydda toddoba iyo lixdanaad ee Suuratu Tawbahسورة التوبة\:

 

“Munaafiqiintu ayagaaba ah faasiqiinta.”

Faasiqفاسق\ waxaa la yiraahdaa qofka daacadda Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ ka baxay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu Aayadaha boqol sideed iyo soddon ilaa boqol kow iyo afartan ee Suuratu Al Nisaa’iسورة النساء\ ku yiri:

 

}بَشِّرِ الْمُنَافِقِينَ بِأَنَّ لَهُمْ عَذَابًا أَلِيمًا (138) الَّذِينَ يَتَّخِذُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ أَيَبْتَغُونَ عِنْدَهُمُ الْعِزَّةَ فَإِنَّ الْعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًا (139) وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِي الْكِتَابِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ آَيَاتِ اللَّهِ يُكْفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلَا تَقْعُدُوا مَعَهُمْ حَتَّى يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ إِنَّكُمْ إِذًا مِثْلُهُمْ إِنَّ اللَّهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا (140) الَّذِينَ يَتَرَبَّصُونَ بِكُمْ فَإِنْ كَانَ لَكُمْ فَتْحٌ مِنَ اللَّهِ قَالُوا أَلَمْ نَكُنْ مَعَكُمْ وَإِنْ كَانَ لِلْكَافِرِينَ نَصِيبٌ قَالُوا أَلَمْ نَسْتَحْوِذْ عَلَيْكُمْ وَنَمْنَعْكُمْ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَلَنْ يَجْعَلَ اللَّهُ لِلْكَافِرِينَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ سَبِيلًا (141){

 

Aayadaha macnihoodu waxaa weeye:

 

“Nabi Muxammadow, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, munaafiqiinta ugu bishaaree inay gelayaan cadaab xanuun badan((138).”

 

Kaddibna Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu noo caddeeyey kuway munaafiqiintu yihiin, wuxuuna yiri Jalla Jalaaluhuجل جلاله\:

“(Munaafiqiintu) waa kuwa gaalada – yuhuudda iyo krishtaanka – u jaasuusa oo sirta muslimiinta u sheega si loogu wax yeelleeyo, madax iyo saaxiibo sokeeyana ka dhigta oo u hoggaansan gargaarna waydiista mu’miniinta sokadooda: kuwaasu ma waxay gaalada ka raadsanayaa inay cizziعزة\ iyo xoog siiyaan iyo sarrayn? So ma ayan oga inuu cizziga iyo xooggu dhammaantiis uu Ilaahay الله leeyahay oo uu isagu bixiyo, cid kalena ayan hayn?”(139)Waxaana kitaabka korkiinna lagu dejiyay ku dhigan oo la idinku xukumay in haddaad maqashaan Aayaatka Ilaahay الله – sida Quraanka iyo axkaamta dhexdiisa ku sugan, Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo Nabi Ciise Calayhissalaamu – oo lagu gaaloobayo laguna jeesjeesayo inaydan kuwa sidaas yeelaya aydnaan la fariisan, ilaa ay hadal aan kaas ahayn ku hadlaan, oo haddaad yeeshaan oo la fariisataan, hadana adinkuna ayagoo kale ayaad tihiin  oo gaalo ayaad tihiin, xukunkooda oo kale ayaad adinkuna hoos gelaysaan,  Ilaahayna الله wuxuu wada gelinayaa oo isugu keenayaa dhammaantood munaafiqiinta iyo gaaladaba naarta Jahannama.”

 

 

 

 

 

 

 

Al Daxxaakالضحاك\ wuxuu wariyay inuu Cabdu Allaahi ibnu Cabbaas عبد الله إبن عباس\ Allaha الله  isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee yiri:

 

“دخل في هذه الآية كل محدث في الدين وكل مبتدع إلى يوم القيامة.”

 

Oo macnihiisu yahay:

 

“Waxaa Aayaddaan soo hoos gelaya oo xukunkeedu qabanayaa kulli mid kasta oo diinta islaamka soo geliya waxaan lagu ogayn Quraanka iyo Sunnada iyo waxay muslimiintu isku raaceen inay sax tahay, ama diinta waxaan ka mid ahayn hindisa oo soo dhex geliya, ilaa maalinta qiyaame.”(140)Kuwaasu waa kuwa idiin qorshaynaya oo idinla dhawraya inay dhibaato idinku dhacdo, oo markaad guulaysataanna idin oranaya: “Soo adinka idinlama jirin annaguna?!” Hadday gaaladu idinka adkaadaanna oranaya, waana munaafaqiinta ayaa gaalada waxay ku leeyihiin: “Soo adinka idiinma hiillin oo idinma siin sirta Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo asxaabtiisa, oo aad markaas sidaas uga adkaateen?!” Oo soo ma ihin kuwa muslimiinta ah idinka celiyay, iyo inaad muslimiin noqotaanba?!” Ilaahay الله ayaana Mu’miniinta iyo munaafiqiinta kala xukumaya maalinta qiyaame, Ilaahayna الله gaalada uma yeelin inay muslimiinta xukumaan”(141).

 

Cikrimahعكرمة\ wuxuu wariyay inuu ibnu Cabbaas عبد الله إبن عباس Allaha الله isaga iyo aabihiisba raalli ka noqdee yiri:

“أي حجة”

Oo macnihiisu yahay:

“Ilaahay الله gaalada xujjo uu uga adkaado muslimiinta oo uga kormaro, kuna xukumo ma siin.”

 

Wuxuu kaloo Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ Aayadda kow iyo kontonaad ee Suuratu Al Maa’idahسورة المائدة\ ku yiri:

 

}يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ (51) {

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Kuwiinna rumayayow, oo mu’miniinta iimaanka laga helay ahow, ha ka yeelanina yuhuudda iyo krishtaanka madax aad u hoggaansan tihiin oo aad gargaar waydiisataan, saaxiibbo dhow, hana u noqonina jaasuus oo sirta muslimiinta ha siinina, maxaa yeelay yuhuudda iyo krishtaanku ayagaa madax, saxiibbo dhow, gargaarayaal iyo jaasuus isku ah. Midka adinka idinka midka ah oo sidaas yeela oo madax iyo gargaare iyo saaxiib ka dhigta, una jaasuusa, kaasuu ayaguu ka mid yahay oo waa yuhuudi iyo krishtaan, xukunka ayaga la xukumo ayaa isagana lagu xukumayaa – Maxaa yeelay caqiidadooda iyo waxay ka diin yeeshaan ayuu jecel yahay, caqiidada muslinka iyo diintoodana waa neceb yahay, oo sida soo socota Ilaahay الله wuxuu ku magacaabay daallimiin -. Ilaahayna الله ragga daalimiinta ah, oo xaqqa meel uusan lahayn dhiga, ma hanuuniyo.(51).”

 

Ilaahay Cazza wa Jallaالله عز وجل\ wuxuu Aayadda Boqol iyo shan iyo afartanaad ee Suuratu Al Nisaa’iسورة النساء\ noogu sheegay inay munaafaqiintu meesha ugu hooseysa ee Naarta gelayaan:

 

}إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الْأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا (145){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Munaafaqiintu waxay ku jiraan dabaqa ugu hooseeya ee naarta, una heli maysid mid u gargaara.”

 Munaafaqiinta Banuu Dubaycahبنو ضبيعة\ ee Al Madiinahالمدينة المنورة\ waxaa kaloo ka mid ah Mucattibمعتب\ waana midka Maalinta Uxudأحد\ yiri:

“Haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen.”

 

Markaasuu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu kasoo dejiyay Aayadda boqol iyo afar iyo konto ee Suuratu Aali Cimraanسورة آل عمران\ ilaa qisada dhammaadkeeda:

}وَطَائِفَةٌ قَدْ أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ إِلَى مَضَاجِعِهِمْ وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ (154){

Aayadda oo ka warramaysa duullaanka Uxudإحد\, maalintaasoo uu Ilaahay الله mu’miniinta nucaasنعاس\ oo ah gamaanyo ama hurdo fudud ku riday siday nabadgelyo u dareensan yihiin, oo qof baqaya ma gamaanyoodo oo seexdo, munaafiqiintuna ayanna gamaanyoone cabsi daraadeed naftooda la walwalaya, macneheedu waxa weeye:

 

“Kooxna waxaa walwalisay naftooda, waxayna ka malaynayaan Ilaahay الله waxaan run ahayn oo ah inuusan Nabigiisa Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, u gargaarayn, taasoo ah malaynta zamanka jaahiliyada iyo gaalnimada. Kuwaasu waxay oranayaan:

“Ma waxbaan ku leenahay amarka?”

Waxaad tiraahdaa:

“Amarka kulligiis waxaa iska leh Ilaahay الله.”

Waxayna uurkooda ku qarinayaan iyo naftooda dhexdeeda waxayan adigu kuu muujinayn, waxayna leeyihiin haddaan amarka wax ku lahaan lahayn meeshaan nalaguma dileen, oo haddaan caqli leenahay Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, sooma raacneen, madaxdeennana lama dileen.

Waxaad ku tiraahdaa:

“Haddaad guryihiinna dhexdooda joogi lahaydeen way soo bixi lahaayeen kuwa in dilo loo qoray way kasoo bixi lahaayeen waxayna imaan lahaayeen meesha lagu dilayo oo ay dhulka uga dhacayaan oo ay sidaas ku jiifanayaan. Taasna wuxuu Ilaahay الله u sameeyey si uu u imtixaano waxa laabihiinna dhexdooda ku jira, uuna soo saaro waxa quluubtiinna ku jira. Ilaahayna الله wuu ogsoon yahay waxa quluubta dhexdooda ku jira, ha ahaato khayr ama sharbee.”

 

Mucattibمعتب\ waa isla ninka Maalinta Al Axzaabيوم الأحزاب\ yiri, ayadoy muslimiintu khandaqaالخندق\ waa dhufayskee, ku jiraan, gaaladuna hor fadhido:

 

“Muxammadمحمد\, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu noo ballan qaaday inaan cuni doonno kunuuzta, waa maalkee, Kisraaكسرى\, oo ah boqorka iyo boqortooyada Furusفارس\ ama Iiraan maanta, iyo Qaysarقيصر\ oo ah boqorka iyo boqortooyada Roomaanka, hadana midkeennaa ma haysto amni uu saxarada ku fogeeyo.”

 

Markaasuu Ilaahay Cazza wa Jallaالله عز وجل\ wuxuu kasoo dejiyay Aayadda laba iyo tobnaad ee Suuratu Al Axzaabسورة الأحزاب\:

 

}وَإِذْ يَقُولُ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ مَا وَعَدَنَا اللَّهُ وَرَسُولُهُ إِلَّا غُرُورًا (12){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Iyo markay munaafaqiinta iyo kuwa ay quluubtooda cudur ku jiro leeyihiin:

“Nooma yaboohin Ilaahay الله iyo Rasuulkiisu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan dhagar ahayn. Dhagar waa khayaano.”

 

Ugu dambeystii munaafaqiinta reer Banuu Dubaycahبني ضبيعة\ waxaa kaloo ka mid ah Al Xaarithu bin Xadhibالحارث بن حبيب\.”

 

Sunnada Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam

 

Erayga al nifaaquالنفاق\ waxaa laga soo qaatay naafiqaa’aنافقاء\ oo ah xoolaha la yiraahdo al yarbuucuاليربوع\ (oo afka ingiriiska lagu yiraahdo jerboa, kuna nool waqooyiga Afrika iyo Shiinaha iyo dalalka kale ee saxrada ah ee Aasiya, waxayna u egyihiin xoolaha la yiraahdo Kanguroo ee Australia ku nool: laba addin oo dambe way dheer yihiin, laba horena way gaaban yihiin, sayntooduna waa dheer tahay. Waxay u ordaan ayagoo booda siduu kanguroo u boodo oo kale, waxayna ku nool yihiin oo kulayka ka galaan godad ay dhulka ka qotaan) oo ah xoolo u eg al jarthuالجرذ\ (oo ah doolliga) gurigiisana ka dhisto meel taag ah oo qota una fura shabaakooyin u jeeda afarta jiho. Markaasuu marka jiho looga yimaado midda kale ka baxaa oo caraaraa. Gurigiisana inta muuqata oo loo jeedo iyo inta qarsoon oo uurkiisa ah way kala duwan yihiin, oo muuqaalka loo jeedaa gurigiisa wuxuu ka samaysan yahay ciid, uurkiisuna waa god maran.

 

 

Munaafaqnimu waa khayaano oo q1ofkuu la hadlayo ayuu wuxuu u sheegayaa wax ka duwan waxa uurkiisa ku jira, siduu yarbuucuاليربوع\ sameeyo oo kale.

Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ waxay wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

 

“آية المنافق ثلاث: إذا حدث كذب، وإذا وعد أخلف وإذأتمن خان.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Calaamada munaafaqa lagu garto waa saddex:

(Kow) Markuu hadlo been ayuu sheegaa,

(Labo) Markuu ballan galo wuu khilaafaa,

(Saddex) Marka wax lagu amaaneystana wuu khayaanaa.”

 

Imaam Muslimمسلم\ wuxuu ku daray riwaayadiisa inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

 

“وإن صام و صلى وزعم أنه مسلم.”

 

Oo macnihiisu yahay:

 

“Waa munaafaq hadduu doono ha soomo, uuna salaad tukado uuna yiraahdo inuu musulim yahay.”

 

Al Bukhaariiالبخاري\ iyo Muslimمسلم\ waxay kaloo wariyeen inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

 

“أربع من كن فيه كان منافقا خالصا. ومن كانت فيه خصلة منهن كانت فيه خصلة من النفاق حتى يدعها: (1) إذا أتمن خان، (2) وإذا حدث كذب، (3) وإذا عاهد غدر، (4) وإذا خاصم فجر.”

 

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

 

“Afar tilmaamood qofkay ku kulmaan waa munaafaq khaalis ah. Qofkay ku jirtana hal tilmaan  oo afartaas ka mid ahna waxaa ku jirta qayb munaafaqnimo ilaa uu ka tago. Afartaas qaybood ama tilmaamood waxay kala yihiin:

(Kow) Marka wax lagu amaaneysto wuu khiyaanaa amaanadaas.

 

(Labo) Markuu hadlana been ayuu sheegaa.

 

(Saddex) Markuu ballan iyo heshiis galana wuu khayaanaa.

 

(Afar) Markuu murmana wuu xad gudbaa.”

 

Kitaabku calaamado badan oo munaafiqiinta lagu garto ayuu sheegay, markaanse intaan ayaana uga baxaynnaa. Waa intaas warka Jaamacadda Al Azharالأزهر\ kasoo qaadannay, kitaabkeedana ayada madbacaddeeda ayaa lagu daabacay.

Naseexo

 

Mudane Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari,

Haddaad waxaad fashay aad fashay oo aad ummadda soomaaliyeed sidaas aan soo sheegay dambiyadaaas waawayn uga gashay ka tawbad keentid, dastuurkaas aad samaysayna tuurtid oo asalkiisa hore ku celisid iyo siday dawladda xalaasha ah ee Soomaaliya 1960 iyo 1979 u dejisay, waxaa dhici karta inuu Ilaahayالله kaa aqbalo. Soomaaliduna waaba ayada tiraahdaa ”Nin loo digay lama dagin.”

 

Heshiiska UNO ee ”Vienna Convention” wuxuu dhigayaa in dawladda ka dhisan dal ay ciidammo shisheeye haystaan ayan xalaal ”Legitimate Representative”  ahayn, una taagnayn danta shacabkeeda, balse ay u taagan tahay danta dawladaha iska leh ciidammada dalkeeda haysta. Xaaladdaas ayayna Soomaaliya maanta ku sugan tahay, dawladda hadda ka dhisanna xalaal ma aha, umana qunto danta shacabka soomaaliyeed. Dastuur iyo sharci kaloo ay sameeyaanna waa wax kama jiraan oo kasoo qaad ma laha.

 

Dastuurkaan aad saxiixday wuxuu soomaalida iyo dalkoodaba ka dhigay waxaan jirin iyo habeenka xalay ahaa oo tegay, waxaadna uga hiillisay gaalo Ilaahiiالله abuurtayba diiday oo inkiray. Dambi yarna ma aha.

 

Ilaahay Cazza Wa Jallaالله عزوجل\ wuxuu Aayadda saddexaad ee Nuuratu Ghaafirسورة غافر\ noogu sheegay oo ku yiri:

 

}غَافِرِ الذَّنْبِ وَقَابِلِ التَّوْبِ شَدِيدِ الْعِقَابِ ذِي الطَّوْلِ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ إِلَيْهِ الْمَصِيرُ (3){

 

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

 

“Ilaahayالله waa Midka dhanbiyada dhaafa oo daboola, tawbadana ka aqbala midka usoo noqday – oo markuu qof dambi galo wasakh ayaa fuulaysa, markaasuu Ilaahayالله ka fogaanayaa oo qof wasakh leh Ilaahayالله uma dhowaan karo, siduusan qof dambi iyo wasakh leh jannada u geli karin oo ama Ilaahayالله ayaa ka cafinaya dambigaas ama naarta ayaa la gelinaya oo lagu soo daahirinayaa intuusan muslinkaasu jannada gelin, hadduuse usoo noqdo oo taabaتاب\ macneheedu waxaa weeye usoo noqdo, oo uu dambi dhaaf waydiisto waa ka aqbalayaa, markaasuu usoo dhowaan karaa – waana Midka leh ciqaab xoog badan iyo xanuun badan – waana Midka hodan ka ah oo aan u baahnayn qofka ku gaalooba. Mana jiro ilaah aan Isaga ahayn, xaggiisa ayaana lo wada noqonayaa.”(3)”

Macassalaama.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

 

Axad labada bisha Jamaadu Al Awwalجماد الأول\ ee sanadka  kun afar boqol lix iyo soddon hijriga, una dhiganta labaiyo labaatan bisha Fabraayo laba kun shan iyo toban miilaadiga.

SHEEKOOYIN