XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur


                      XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
Qaybtii 142aad
                                                              1-Ha siin
Way xanuun badan tahay runtii marka qof aan kaa mudnayn raali galin lagugu qasbo in aad raali galiso.

Sidoo kale Waa wax laga shallaayo in aad u wanaagsanaato qof aan wanaagaagaba arkayn.

Muhiimaddaada halka aad dhigayso waa in ay kuu muuqataa, ha siin muhiimad qof aan kaa mudnayn.
Mmusa 
                                                     2-Xanaaqaaga xakamee
Xanaaqu waa aashito gubi karta dareemada iyo xididada qaada dhiiga.
Is barbar dhig lagu sameeyay aashitada dareerta iyo xanaaqa gudaha aashitada uu ku sii daayo waxaa la ogaaday in saddex boqol oo jeer uu ka gudbid badan yahay xanaaqa aashitada caadiga ah.
Xanaaqaaga xakamee fadlan. 
Mmusa
                                                         3-Ha illaabin
Ha illaabin waligaa waxa qof kugu yiraa marka uu xanaaqsan yahay, maxaa yeelay eray kaste oo afkiisa ka soo baxaa waa mid ay soo wada tufeen dareemadiisa iyo calooshiisa oo wada jira.
Mmusa 
                                                          4-Xukminta
Adiga maadaama aadan ahayn kan wax samaystay waaba ku qaldantahay in aad wax xukmiso, maxaa yeelay, Xaakimka oo kaliya ayaa xukminta iska leh.
Mmusa 
                                                            5-Shakiga
Shakiga badan wuxuu dilaa riyooyinka wanaagsan, hubaal in marka lala barbar dhigo guul darrada uu shakigu ka cadawsan yahay wax walba.
Shakigaaga oo bata waa shallaaytadaada oo badato, sidoo kale shibtaada iyo sharaysi badan.
Mmusa 
                                                            6-Danaysi iyo doonis
Wixii danaysi kaa ah qiimayntooda mar walba waxay soo hos dhacdaa marka ay danta taagantahay, laakin marka ay doonis jirto naftaada ayaan kaaba aqbalayn wax ka yar Natiijo.

Doonistaada waa midda aad dadaal badan ugu bixiso in aad gaarto salkeeda, laakin marka ay danaysi kaa tahay dayacaaga ayaa bato.
Danaysi waa waa daacadnimo waxba ha u qaban.
Doonisna waa dareen wax ku qabo.
Mmusa 
                                             7-Dhamaynta dagaalka
Dhamaanteen waxaan dagaal kula jirnaa xaaladaha in aad soo gunaanadno balse, xaaladaha uma yimaadaan in ay nasoo gunaanadaan.
In wax walba oo kula darso aad u aqbasho sida ay yihiin lana noolaato ayaa ka wanaagsan inta aad dagaal iyo juhdi kula gali lahayd soo gunaanadkooda.
Mmusa 
                                                        8-Wax qabsi
Sida aad wax u qabsato maanta ayaa laga garan karaa barrito ama mustaqbalkaaga suda uu noqon doono.
Ku dadaal howl maalmeedkaaga in aad wanaajiso.
Mmusa 
                                                            9-Bilowga
Bilowga mar walba wuu ka fududyahay dib u hagaajinta waxa hallaabay, wax walba oo sidooda ka doorsooma in ay sidooda kusoo laabtaan way adagtahay, laf jabtay sideeda kuma soo laabato umana xoog badnaato sida ay ahayd inta aysan jabin.
Mmusa 
                                                           10-Marmarsiyo
Dhaqanka Aadanaha ayaa ah in waxa uu marmarsiyada u sameeyo ama uusan firaaqada u helin ay yihiin wax aan muhiim u ahayn.
Qofka waxa uu doonayo waqti umaba waayo, qaacidadaas ku dhag, dhaqana ha kuu noqoto, iskana soo gunaanad dhagaysiga marmarsiyada aan macnaha u lahayn waqtigaada.
Mmusa 
                                                          11-Qalbi dhagaysta
In aad saxantahay waxaa ka qiima badan in aad naxariis badantahay, mararka qaar dadku uma baahna saxsanaan iyo Caaqilnimo ee waxay u baahan yihiin qalbi naxariis leh oo dhagaysta.
Mmusa 
                                                       12-Ula dhaqan
Gabadhaada sida aad ula dhaqmi lahayd ula dhaqan dumarka oo dhan sida ay doonaana noloshaada ha uga mid ahaadaan.
Mmusa 
                                                           13-Runta aamin
Taada ma aaminayo
Tiisana ma aaminayo
Teedana ma aaminayo
Toodana ma aaminayo
Teenana ma aaminayo
Runta ayaan aaminayaa
Mmusa 
                                                      14-Ku xalli
Waxay dhaheen dhibaatada uga fogow aamusnaanta, dhoola caddayntana ku xalli.
Mmusa
                                                  15-Kama dhigna
Kama dhigna in aad isku fakar ahaataan isku sina wax u aragtaan haddaad wax qaybsanaysaan.
Mmusa 
                                                      16-Jeclow
Inta noloshaada ka mid noqotay waxay u qalmaan in aad jacayl siiso ee uma qalmaan in aad isticmaasho.
Mmusa 
                                                          17-Ogow
Waxaad ogaataa in aad qalbigayga wahel la tahay mar walba oo meel aad uga baxdo aysan jirin, sidoo kale xusuustaada aan wahesho, hooskaygana kaaga aan ka arko inkastoo malaayiin xaaladooda aan dhex dabaalanayo, kuwaas oo i mashquuliya habeen iyo maalinba.
Mmusa 
                                                             18-Qalbigaada ogow
Haddii aad rabtid in aad garato halka qalbigaada u jiheesan yahay eeg halka ay maskaxdaada u socoto marka aad xaalad qasan wajahayso
Mmusa 
                                                      19-Qalbigayga wuxuu leeyahay
Qalbigayga wuxuu leeyahay” wacnaan lahaydaa haddaad halkan ahaan lahayd ama aan aniga halkaas ahaan lahaa, ama aan kuwada kulansanahay meel uun labadeena qalbi ku dagaan iskuna waheshano.
Waayihii jacaylka.
Mmusa 
                                                               20-Xanta
Xantu waxay ku dhex noolaataa dhagaha dadka garashada yar, waxaa la yiri Xantu way dhimataa marka ay ku dhacdo Dhagta qofka Caaqilka ah.
Mmusa 
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
la soco axad walba
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN