XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                     XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 146aad

                                                   1-Naftaada
Naftaada waa in aad dhiiri galisaa saacad walba, haddaad aragtid wax dhibaya ama dulleynaya waa in aad naftaada la faqdo iskuna fahamtaan sida aad uga bogsan lahaydeen dhaawacyada uu waqtigu idin dhaxalsiiyay.
Mmusa 

                                                    2- Dulqaas iyo karti.
Sida aad rabtid wax walba uma heli kartid kuumana noqon karaan, waa in aad dulqaad iyo karti u yeelataa niyad jabka, hoos u dhaca, buuqa, iyo murugada ay nolosha kuu soo darriso, intaas sida aad uga soo dhalaasho ayaa qayb ka noqon kara mustqbalkaaga iyo halka aad tiigsanayso.
Raaxada, farxadda iyo guushaba waxay daba dugaashaada dulqaadka iyo kartida aad u yeelato maalmaha mugdiga ee noloshaada.
Mmusa 

                                                      3-Fahmid
In aad wax walba fahamto kaama dhigto in aad waxgarad tahay, doqonkuba mararka qaar dulucda wuu fahmaa.
Waxa muhiimadda sameeya ayaa ah sida aad uga faaiidaysato waxa aad fahamto.
Mmusa 

                                                    4-Duni gadaal u mac
Sideedaba Dunida iyo nolosha qaybteeda wanaaga ah mar walba gadaal ayaa laga gartaa.
Wax maanta kula xun ayaa barito kula wanaagsanaan doono, ama wax maanta aad ka deyrinayso aya barito i qarso noqon kara.
Mmusa 

                                                  5-Iska illow farxad
Farxad heliddeeda iska ilow marba haddaadan fasixi karin wax walba oo ku murjin kara.

Xaqiiqda nolosha aan ku nool nahay ayaa ah in ay laba dhinac leedahay, kuma dhahayo iska indha tiri balse adiga oo og ayaa lagaa doonayaa in aad u aaminto in wax farxaddaada dhaawici kara aysan jirin.

Wax walba waqti kooban ayey leeyihiin, adkaysi iyo dulqaad ayaana looga gudbaa.
Mmusa 

                                                      6-Isla fahamka qaladka
Haddii in aad qaldantahay adigaba aysan kuu muuqan ma jirto sabab qof kale kaaga dhaadhacsho in aad qaldan tahay.

Qaldanaanta waa in la isla fahmaa, haddii taas labada qof aysan isla fahmi karin mar walba jahweareer ayaa dhaxdooda ahaanayaa, maxaa yeelay, qof walba wuxuu aaminsan uahay in uusan waxba dhibin islana sax sanyahay.

Marka qof aad leedahay waad qaldantahay haddii uu kula fahmo in uu qaldanyahay xalka dhexdiina ah wuu soo dag dagayaa balse, haddii uusan sidaa kuula garan waa jahwareer.
Mmusa

                                                        7-Xagee ka yimaadaan?
Cadow, Xasad, xagee ka yimaadaan asal ahaan maxaasa sababo?
Is waydiinta labadan xaaladooda sid ay ku abuurmaan ama ku yimaadaan marka aad is waydiiso waxaa u dhowaanaysaa ogaashiyaha xaqiiqda dhabta ah nolosha dunida ka jirto.

Labadaba marka la eego waxay ka yimaadaan Dad kuwa kuugu dhow nolosha ama inta aad wax kala wadaagto nolosha ee aqoonta aad isku leedihiin.

Qof aan ku aqoon labadaba lagama fisho mana jirto sabab qofkaas ku kallifi karta in uu labadaas kuu noqdo.

Sidaa ay tahay hadan inta kuu dhow ee ku taqaan ayaa xasad iyo cadowba kuu noqda, sababta ay u noqdaana waa ka warqabka iyo la socodka talaabooyinka aad u qaadayso qaabka noloshaada taas oo ayagana saamayn ku yeelan karta.

Sida badan labadan sifo waxaa loo nisbeeyaa in ay ka dhashaan maslaxadaha gaarka ah ee inta wada nool ay nolosha wadaajiso kuwaas oo iska horimaan kara.

Ugu dambayn cadow iyo xasadba meel fog ha ka goobin ee inta kugu xeeran ka eeg, sababta ay ku yimaadaana waa ka maseeridda iyo guulaha noloshaada, sidoo kale waxay ku yimaadaan marka adiga naftaada aad qaaddo talaabo aad wax ku cadaawaynayso ama wax ku xasdayso.

Nolosha waxaa la yiri waa sida aad  ka dhigato, isku day marka in aad dhanka wanaaga u badato, si adigana wax kuugu wanaagsanaadaan.
Mmusa 

                                            8-Guusha Nolosha.
Maadaama ay tahay nolosha sida silsilad isku xiran oo marnaba aan lagu kala maarmin hadana waxaa wanaagsan in inta kugu xeeran aad ka dhigato in ku dhista ama aad dhisto oo wax ka baddasho noloshooda ama taada ay u baddalaan dhanka wanaagsan.

Doorashada inta ku xeeran noloshaada maadaama Qaddar iyo qiimaynba ay kuwada timaado hadana taas wax mid xaq kuu siinayso in aad ka dhigan karto sida aad rabto.

Waa muhim Bay’ada aad ku ku nooshahay in ay kuu noqotaa goob sida aad jeceshahay aad ugu noolaato, ma ahan in ay kuu noqotaa goob aad ka cararto ama ka caagto ku noolaanteeda.

Waxaa la yiri guusha noloshaada asalkeeda waa sida aad ka dhigato goobta aad ku nooshahay Dad iyo deegaanba, haddii labadaas aysan kuu hagaagina guul nololeed iyo qalbi dagan midna ma heli kartid.
Mmusa 

                                               9-La noolow
Muranka, murugada, shalaatayda intaba boos kuma lahan noloshaada haddii aadan adiga boos ka siinayn.

Saddexdaas waa ku cadow noloshaada waqtigeeda inta uu ku egyahay aan la ogayn, hadana waa xaqiiq jirta oo timaadadeeda aan la inkiri karayn qasabna ay tahay in lala noolaad.

Hababka aa wanaagsanayn ee ay nolosha kugu qasabto waxaa looga guulaysan karaa in sidooda lagu aqbalo mar haddii in ay kugu yimaadaan aan laga hortagi karina waxaa wanaagsan in la noolaantooda ay noqoto mid aan gadaal kuu reebin waqtigaada gaabana aan u rogin waqti aad noolaanta ka jeclaato dhimashada.
Mmusa 

                                                       10-Wax wanaaji
In aad wax hagaajiso haddii ay xaalad walba hagaajin karto, maxaa keenaya in aadan wax hagaajin.
Wax kordhi oo wanaaji, haddii aadan sidaa samayn karin ugu yaraan ha uga sii darin.
Mmusa 

                                                     11-Gadaal u eegis
Gadaal u eegista xaqiiqda noloshaada waxay qiima leedahay ama dhandhan macaan yeelataa marka raad wanaagsan oo ku farax galsha ay leedahay, balse, haddii aysan sidaa ahayn maba ahan in aad isku dhibto oo isku murjiso dib u sixiddeeda.

Xaqiiqda noloshaada hore dhaxalkeeda wuxuu wanaagsanaada marka ay saamayn ku yeelan karto xaaladahaaga cakiran ee hadda, balse marka ay uga sii darayso xaaladdaada hadda macna ma yeelato dib u eegisteeda ama milicsigeeda.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN