XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                     XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 149aad

                                                     1-Ula dhaqan

Ha ula dhaqmin qofka sida aad rabtid ee sida uu kuu soo wajaho ama kaa keensado ula dhaqan.

Mmusa

                                                 2-U ducee naftaada

Naftaada shallaytada ka dhowr, u ducaynteedana badi, quustana ka ilaali.

Qiimaha naftaada waxaad garataa markaad is cafiso rajadaada wanaagsana ay badato

Mmusa

                                            3-Kaligiis gar naqdase

Marka ujeedadu noqoto in aan lagu rabin, macnaheeda waa in waxa aad sheegayso aysan

dhadhan lahayn, hadal walba aad ku hadashana uu la macna yahay nin kaligiis gar naqsaday.

Mmusa

                                                 4-Go’aanso markaad u baahantahay.

Inta aadan go’aansan bal is waydii ma u baahantahay waxaad aad go’aanka ka gaarayso.

Ma ahan in aad go’aansato wax aysan baahi kuu hayn ama macna gaar ah kuugu fadhin.

Go’aan qaadashada mararka qaar waa mid baddali karta wax walba oo noloshaada ah, sidaa

darteed, go’aanso marka aad dhab ugu baahantahay.

Mmusa

                                                5-Dhaqanka iyo shaqsiyadda

Dhanka iyo shaqsiyadda, waa laba macna oo marna la is raacsiiyo marna kala hara, marka la

is raacsiiyo ujeedo la fahmi kara ayey yeeshaan laakin marka la kala reebo waxaa ka dhasha

jahwareer.

Tusaale, dhaqanka waa astaanta lagu garto qofka, waa tilmaan qofkaas lagu garan karo sidoo

kalana ugu dambeynta shaqsiyaddiisa marka la sheegayana dhaqan ahaan wixii laga bartay ayaa

lagu shaqsiyadeeyaa.

Hadaba is waydiintu waxay tahay haddii dhaqanka qofka uu ku biya shubto ugu dambaynta

shaqasiyaddiisa, qofka shaqsiyaddiisa maxaa lagu tilmaami karaa, shaqsiyadduusa sidee ku

timaadaa, sideese lagu gartaa?

Qof mala shaqsiyadeen karaa iyada oo la hayn tilmaanta dhaqankiisa?

Mmusa

                                                     6-Danta iyo duruufta yeesan ku joojin.

Go’aanka aad gaartid ka gun gaar ilaa aad guul ka keentid, ma jiri karto sabab aad u quusato inta

aad caafimaad qabtid awoodna u leedahay dhaqdhaqaa.

Noqo sida stampo lagu dhuftay Waraaq oo aan ka fuqi karayn ilaa warqadda la jeexo ama la

xooro.

Duruufta iyo Danta waa ku hakin karaan balse kuma joojin karaan, ee ha ka mid noqon kuwa u fahamo hakinta duruufaha iyo danta joogsi dhab ah.

Mmusa

                                           7-Fahan ha ka sugin

Waxay dhaheen dumar waa in la jeclaado wixii baahidooda ahna la daboolo, marnaba ha filin

in sida aad rabto ay kuu fahmaan, luuqadda ay kula fahmi karaan dumarka waa jacayl, daryeel, dareen wanaagsan iyo daganaan kula dhaqan.

Mmusa

                                                    8-Qaab dhaqankaagaa

Qaab dhaqankaaha mar walba waa jiheeyaha dhabta ah ee noloshaada.

Haddii aad rabtid ogaanta halka noloshaada u jiheysantahay hoos u eeg dhaqankaaga, waad garan karaysaa markaas halka aad u socoto.

Mmusa

                                                  9-Dad iyo Duunyo

Waxaad awood u leedahay in aad maamusho dhaqankaaga iyo awoodda dadaalkaaga.

Waa kuu doqonimo labadaas wax ka baxsan maamuliddooda in aad ku riyooto maxaa yeelay,

waa Dad iyo Duunyo, dad iyo duunyana lama maamuli karo oo awooddaas Alle ayaa iska leh,

laakin kartidaada iyo dhaqankaaga waad ku xakamayn kartaa ugu yaraan.

Mmusa

                                                          10-Sergio

Waa filim lagu maamusayay nolosha

“Subax wanaagsan Senhorinha? Magacayga waa Sergio”

Senhorinha ” ma waxaa tahay Portaqiis”

Segio “maya waxaan ahay Brazilian

Senhorinha ” maxaa halkan ku keenay oo ka sameynaysaa”?

Segio ” halkan waxaan u joogaa in aan maamulo Timor, laakin waa xilli gaaban”

Senhorinha ” soo dhawow Sergio”

Senhorinha ” muddo ayaan sugaynay in mustaqbalka rajada wanaagsan uu noo yimaado”

Segio ” mustaqbalkaaga badankiisa maxaa jeclaa lahayd in uu ahaado”

Senhorinha ” haddaan kuu sheego waxaan jeclaan lahaa waxaan ka baqayaa in aad i fahmi wayso

oo sida aan rabo iila garan wayso”.

Segio ” runtii dadaal dheer ayaan ku bixin doonaa in aan fahmo, isku day walba oo in aan fahmana

waan samayn doonaa. In aan ogaado ayaan jeclaan lahaa runtii.

Senhorinha” noloshayda oo dhan dhulka ayaan ka shaqeynayay una shaqeynayay, laakin maanta

dhulkayga iyo qoyskagaba waa wada baaba’een sida aad arki karto, waxba iima harin waxna

kama haysto, maxaa ka taqaanaa waxa aan jeclaan lahaa? Waxaan jeclaan lahaa in aan hawada

galo oo caadka safro ka mid noqdo si aan daruur barwaaqo u dulgeeyo dhulkayga kana mid

noqdo dhibcaha roobka ee dhulkayga ku dul dhaco ruuxdayduna xagaas ku xasisho inta dunida

ay jirto.

Iyada oo hadalkeeda soo gunaanadaysa ayey tiri sergio dunida u sheeg in aan doonayno in nala

arko.

Senhorinha waa hooyo u dhalatay dalka dunida ugu da’da yar ee Estimator ama timor ee

Indonesia ka mid ahaan jiray waxay waysay wax walba oo nolosheeda ah qaasatan laba wiil ay

dhashay iyo dhamaan ehelkeeda.

Mmusa

                                            11-Dhib iyo Caqabad

Haddii dhibaatada aan ugu yeeri lahayn Caqabad, sida Caqabadaha aan u fahano oo iskugu

taxalujino xallintoodana aan u fahmi lahayn dhib oo dhan xalkiisa waa la heli lahaa.

Mmusa

                                              12-10 Sano walba

Ma ogtahay in aad noqoto qof cusub 10 Sano walba oo u damacaaga, fakarkaaga iyo

rabitaankaaga uu is baddalayo.

Mmusa

                                                   13-Baahida la cuno

Inaga oo baahi daran u qabno xaqiida ayaan ka door bidnaa cunidda baahida taas oo waxba ka tari karin baahiyaha jismigeena iyo quluubteena ay qabaan.

Mmusa

                                                 14-Edbin
Qof uusan damiirkiisa edbin waxaa edbin doonta nolosha socota ee aan isaga u joogsanayn.
Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN