XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 153aad

                                                        1-Runta
Runta waa qaraar ayey Soomaalidu dhahdaa, sababta loo dhahay sidaana waa in runtu tahay abaalgudka kuwa nacaybka u saaxiibka ah ee noloshooda oo dhan u taagantahay Xasad, Xumaan iyo Hakrasho iyo dafiridda qof kale xaqiisa.

Runtu waxay soo bandhigtaa kuwa aan filayn in si uun loo shaacin karo sawirkooda dhabta ah ee ayagaba aysan isku garanayn.

Qofka runta dafirsan ee qayaaliga beenta ah ku nool waa qof aan nafsad ahaan is garanayn runta ayaana waqti xanuun badan soo saarto shaqsiga uu dhab ahaan u yahay.

Runta waa abaal gudka kuwa aan jeclayn,  sidoo kale waa soo saaraha sawirka qayaxan ee dhabta ah kuwa aan jeclayn in la soo saaro.
Mmusa 

                                                     2-Dareenka ficilka keena.
Wax walba oo la sameynayo ha ahaadaan  wax lagu dhawaaqo ama addimaha laga sameeyo asalkooda waxay ka soo bilowdaan dareen la curiyay ama la dareemay, in aad wax dareentidna mar walba xaalad ayaa keento, ha noqoto xaaladaha ay dhagahaaga maqalkooda soo qabtaan ama indhahaaga aragooda  dhaydaan.

Waa xaalad uun ka bilaabata dareen, kadibna u gudubta fakar lagu cabbirayo sida loo taaba galin lahaa ficil ahaan.

Dunida wa sii casriyoobaysaa, maalin walba oo wax cusub ayaa nagu kordhaya, wax walbana waxay wataan wanaagooda iyo xummaantooda, ma jiraan wax aan saamayn laba dhinac leh lahayn.
Xaalad walba oo dareenkeeda kula soo darastaa waa in aad marka hore qiimaysaa waxa ka imaan kara faaiido iyo khasaaraba, kadib ku dhaqaajisaa ficilkeeda.

Qaladaad wuu kaa dhici karaa laakin qaladka ugu weyn waa midka sharaftaada waxyeelayn kara, waa in aadan ku lug yeelan xaalad kugu qasbi karta in aad niyad ahaan iyo jismi ahaanba u jajabin, sidoo kale ma ahan ficilka aad ku dhaqaaqayso in uu ka abuurmaa xaalad dumin karto farxaddaada kuuna horseedi karta murugo aad naftaada la wehliso.

Ficil walba oo dareen ku yimaadaa wuxuu leeyahay saamayn uu ku waxyeelayn karo caafimaadkaaga, lagase yaabee marka qaar in uuba caafimaadkaaga horseed u noqdo, labada dhinacba saamayntu way ka iman karta.
Ka digtoonow dareemada keena ficil ku dhaqaaqidda, kana taxaddar dareenka kugu beerma ficilka ka dhasha saamaynta uu yeelan maro.
Mmusa‏‎ 

                                                       3- aamusnaanta

Aamusnaanta amaanteeda iyo dhaliisheedaba waa leedahay, laakin marka kuwa kugu cadowga ah ama kula tartamaya ay aamusnaantaada daciifnaantaada u muujiyaan waxaa wanaagsan in aadan sii aamusnaan oo xaqaaga u sitaagto.
Mmusa 

                                                         4-Is baddalka nafteena
Is baddalka nolosheena wuxuu dhacayaa inaga oo aan garan karin heerka uu gaarsiisan yahay, waxaan soo baraarugnaa oo kaliya iyada oo la gaaray xaalad aan dib loo laaban karin, qasabna ay nagu tahay in aan aqbalno horey u socod aanan dooran, shallaayto iyo ciil nafsaani ahna nagu jiro, inaga oo ka xun in nafsaddeena is baddalkeeda aan dareemi weynay.
Mmusa 

                                                    5-Iska indha tir

In aad iska indha tirto muuqaalada aysan aragagaa ku farxin sida in aadan arkin oo kale waxay qayb muhiim ah u noqotaa fartiinta nabadeeda ee dareemadaada wanaagsan u diraaan qalbigaada.
Mmusa

                                                                    6-Waan u baahanahay

Waan u baahanahay mararka qaar in aan iskaga aamusno sida in aanan fahmin oo kale,
Ujeedada waa hadalada aan naga daadagin ee nuxurka u lahayn dareenka wanaagsan ee laabteena
Mmusa 

                                                      7-Daganaan nafsaani ah


Ma aqaan mana rabi in aan ogaado waa hannaan ka mid ah hannaanaada lagu helo daganaanta nafsaaniga ah.
Mmusa 

                                                                    8-Edbin
Qof uusan damiirkiisa edbin waxaa edbin doonta nolosha socota ee aan isaga u joogsanayn.
Mmusa 

                                                            9-Sida aad doonto u fahan

Sida aad doonto wax u fahan, laakin qofna ha u saarin faham xumadaada natiijadeeda.
Mmusa 

                                                             10-Dad iyo Duunyo
Waxaad awood u leedahay in aad maamusho dhaqankaaga iyo awoodda dadaalkaaga.
Waa kuu doqonnimo labadaas wax ka baxsan maamuliddooda in aad ku riyooto, maxaa yeelay, waa Dad iyo Duunyo, dad iyo duunyana lama maamuli karo oo awooddaas Alle ayaa iska leh, laakin kartidaada iyo dhaqankaaga waad ku xakamayn kartaa ugu yaraan.
Mmusa 

                                                                     11-Cafi
Inta badan uu gafkooda kugu bato adigana cafintooda ha kugu badato, maxaa yeelay, Qalad waa sixid, Gafna waa cafin.
Mmusa 

                                                           12-Hurdada cabsida leh.
Hurdo midda la seexda waxaa ugu xun midda uu qofku seexdo kadib marka uu waayo qof noloshiisa qaali ku ah.

Wuxuu si lama filaan ah oo daal leh kadib indhiihiisa isugu qabtaa si uusan awood iyo maamul toona ugu lahayn maamulidda waqtigiisa iyo dareenkiisa, maxaa yeelay, wuxuu dareemayaa xanuun gudaha ah, xanuunka gudaha marka lala barbar dhigo kan banaankana kan gudaha ayaa xanuun badan.

Wuxuu soo toosaa isaga oo ogaal u lahayn sida uu u hurday maleenayana in wax walba ay sidooda yihiin, laakin xaqiiqda sidaa maahan.
Riyo cabsi badan ayuu habeenkaas oo dhen dhex jibaaxinayay, xubin walba oo jirkiisa ka mid ahna waxaa gaarayay farriinta murugada, qof uu jecel yahay oo qoyskiisa ka mid ah ama si kale uu u jeclaaday ayaa noloshiisa ka faaruqay, waa cabsids riyada intaas, isaga oo sidaas u salalaya noloshuna aysan u hagaagsanayn, kuna taamaya riyadan baas in ay been iska noqoto ayuu hurdada ka soo toosaa, rajadiisuna waa in aysan riyadu jirin, laakin markuu ogaado in riyadu aysan been ahayn ayuu u diyaar garoobaa wajihidda dhabta dareenkaas murugada leh.
Mmusa

                                                           13-Qabso noloshaada
Wax walba oo noloshaada ku saabsan waa shaqo qabashadeeda adiga lagaa doonayo, qofna marti ha uga noqon shaqada noloshaada, sugashada, filashada, iyo isku hallayntaba waa dib u dhaca iyo dibindaabyada noloshaada.
Mmusa 

                                                             14-Ula dhaqan
Ha ula dhaqmin qofka sida aad rabtid ee sida uu kuu soo wajaho ama kaa keensado ula dhaqan.
Mmusa

                                                                    15-Duruufa iyo Dadka
Duruuftu wax ma baddasho ee dadnimada ayaa wax badasha, tusaala ahaan biyuhu marna waa kululaadaan marna waa qaboobaan, mar walbana waa biyo, laakin labada xaaladood marka ay kala yihiin baddalka iyo saamaynta ay yeeshaan waa mid muuqata, sidaas si la mid ah adigana isla adiga ayaa tahay ee natiijada aad samayso marka xaaladaha ku gad gaddiyaan ayaa macna u yeela shaqsiyaddaada.
Mmusa 

                                                                    16-Is maamul
Caqligaada wuxuu abuuraa dhaqankaaga, dhaqankaagana wuxuu abuuraa ficilkaaga, ficilkaagana wuxuu abuuraa natiijada noloshaada.
Caqligaaga, dhaqankagaa, iyo ficilkaaga oo si fiican u hagtaa natiijada ka dhalan karta waa nolol macaan oo aad ku raaxeysato haddii kale waxay noqon karaysaa dhinaca aan la jeclayn.
Mmusa 

                                                            17-Kalsooni darrada
Kalsooni darrada naftaada mar walba waxay ka timaadaa sida aad uga falceliso qaabka ay nolosha kuu soo wajahdo, ma ahan qaabka ay nolosha u sameysantahay.
Nolosha qaabka loo sameeyay ayaa ah in aysan adiga ku qancin, taas macnaheedana maahan in aan laguugu tala galin, ee waa in qanaacada qaabka aad u fahmayso ama u rabtid uusan qofka kale u fahmayn una rabin, taasna waa sababta ay qasab kuugu tahay in aad ka fal celiso.
Mmusa 

                                                               18-Samaan iyo xumaan

Kan xun ficilkiisa iyo hadalkiisaba waa muuqdaan kan wanaagsan se ficilkiisa iyo hadalkiisaba ma muuqdaan  maxaa yeelay,  caloosha ayuu ka hadlayaa oo ka ficiltamaa, waa sababtaas sababata dadka sharta badan ay dunida ula magac noqdeen.

Mmusa

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN