XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                    XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 157aad

                                    1-Jacayl iyo qiimeyn

Dadka qaar wey ku jecel yihiin balse kuma qiimeeyaan, kuwana wey ku qiimeeyaan ee kuma jecla.
Qiimaha ayaa ka sarreya jacaylka, noqo mid qiimaha ka door bida jaclaanta.
Mmusa 

                                          2-Ma hanan kartid.

Haddii aadan guuldarrada aqbli karin karin ma hanan kartid guusha.
Mmusa 

                                         3-Jid mar

Jid mar.
Ha moodin in ay shaqsiyaddaada kugu jecelyihiin, mararka qaar jid mar ayaad u tahay.
Mmusa 

                                         4-Ha isku sawirin masaakiinta

Ha isku sawirin masaakiinta.
Marka aad masaakiinta caawinaysid fadlan kaamirada uga tag gurigaada, ma mudna maskiinka in la isku sawiro ee wuxuu mudan yahay in loo sawiro dunida uu tabayo.
Mmusa 

                                       5-Aqoontaada waa dhaqankaag

Aqoontaada waa dhaqankaaga.
Shahaadaada waa warqad oo kaliya, aqoontaada dhabta ah waa dhaqankaaga, qof dhaqan xun aqoon ma lahan, waa hubaal haddii uu ku magacaaban yahayna waa iska warqad wax ku qoran yihiin.
Mmusa 

                                             6-Sidaas maahan

Jacaylkaaga badi.
Aaminaadaada yaree.
Wax walba sida ay u muuqdaan maahan,
Qof walbana run ma sheego
Illin walba oo da’dana kama dhigna in ay murugoonayso.
Sawir walba oo qurux badana, kama dhigna in qofka ku dhex jiraa uu farxad haysto.
Mmusa 

                                             7-Ha is weyn.
Haka walwalin in aad qof weyso, ka wal in aad is weyso inta aad isku dayeyso farxad galnta iyo qancinta qof kale.
Mmusa

                                                           8-Qorrax dhaca.
Quruxda Qorrax dhaca wuxuu daliil u noqon karaa in dhammaadkaagaba uu noqon karo mid aad ka raali noqoto.
Mmusa 

                                                   9-Maskax furan.
Waxay dhaheen maskaxdu waxay la mid tahay Dallad oo kale, marka la furo ayey waxtar badantahay.
Yaraa inta maskaxdooda inta furta isticmaasha!!! 

                                                             10-Cafiska badi 

Qof walba oo cafisa waxay ka dhigantahay in aad daweysay boog dhaawac ahayd oo jirkaaga ku tiil
Mmusa 

                                                          11-Khilaaf qoyseed
I aamin oo ka fogow inta aad ka fogaan karto khilaaf qoyseed, maxaa yeelay qalalaasaha qoyska wuxuu gabi ahaanba dumiyaa farxaddaada, in laga soo kabtana ma fududa.
Mmusa 

                                                              12-Guushaada

Guushaada sheeg-sheegiddeeda dadka qaar ayey waali u horseedaa, sidaa darteed, guushaada si dabiicyan ah ha u muuqato ee yeysan noqon mid aan la qeyliso.
Mmusa 

                                                             13-Dumin iyo dhisid
Kartida iyo awoodda aad wax ku dumin karto wax ku dhis, mar walba duminta dareen xun ayaa laga dhaxlaa, balse dhisidda farxad iyo dareen macaan ayey dhalisaa.
Mmusa 

                                                          14-Adkeysi.
Mar walba ma adkeysan kartid, laakin mar walba Geesi waad ahaan kartaa.
Geesinimada iyo kartida adkaysinimada mar walba waa kala duwan yihiin.
Geesigu mar walba wuu u diyaarsan yahay in uu wajaho wax walba oo ka hor yimaado, balse adkaysi walba ma adka, waa qasab in uu jirayo dareen jilciya adkaysi walba.
Mmusa

                                                                 15-Illinta

Illintu ma cusla, balse dareen culus iyo farriin culus ayey siddaa mar walba ay timaado.
Mmusa 

                                               16-Af furan iyo qalbi xiran
Afakaaga hadduu mar walba furan yahay waxay ka dhigantahay in qalbigaadu xiran yahay.
Mmusa 

                                                         17-Buuqa gudaha
Marka aad nacdid waxa aad jeclayd waa calaamad ka mid ah calaamadaha muujinayo nafsad ahaan in aadan daganayn, buuq gudahana uu kugu furan yahay.
Mmusa

                                                         18-Wajihidda caqabadaha
Caqabadaha nolosha sida aan u wada wajahno waa isku mid, waxa aan ku kala duwanahay waa xaaladaha iyo goobta aan dhibaatada ku wajahayno iyo sheyadaanka ama qofka aan wajahayno.
Waxa kala duwan waa dunideena ee dhibaatada qolo walba si ayey ula diriraysaa.
Mmusa 

                                                       19-Saddex sirayso

Saddex sirtooda waa in aada qofna la wadaagin, maxaa yeelay waa noloshaada muhiimaddeeda
1-Dakhligaada ( waxa kusoo galo ee dhaqaala ah)
2- jacaylka noloshaada
3- tallaabada xigta ee hormarkaaga.
Mmusa 

                                                            20-Doqonnimo
Doqonnimo ma ahan haddii dantaada aad raadsato, balse, waxaa doqonnimo ah marka dantaada ay dhaawacayso dad badan.
Mmusa 

                                                21-Yaree rajada dunida
Dunida waa mid niyad jabka iyo ilqabatada murugada ay ku badantahay, sidaa darteed, waa in ay yaraataa rajadaada dunida mar walba.
Mmusa 

                                                   22-Qalbi iyo Maskax
Shaqada maskaxeed aad qabatida iyada oo usan qalbigaada la sacon waxay ka dhigantahay hal bacaad lagu lisay.
Mmusa 

                                                      23-Garahadaada ayaa badato
Waxaa la isku raacay in inta badan ay daacadnimadaadu badato ay ka dhigantahay niyad jabka iyo dhaawaca oo kugu bato, balse faaiidada ayaa ah in garashadaada ay ku siyaado.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN