XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

                   XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 158aad

                                                      1-Carrabkaaga

Ducada carrabkaaga macna ma yeelato haddiiba carrabkaaga uu cusleynayo dareenka dadka kale.
Mmusa

                                        2-Dadka daacadda ah

Dadka caadda ah waa dheeman sida lagu helo ay adagtahay, umadda waxaa ku badan inta dhagarta badan hadana isu ekeysiiya in ay daacad yihiin .
Mmusa 

                                              3-Haka daalin

Noloshaada waa taariikhdaada iyo sheekada lagaa sheegi doono marka aad dunida ka tagto, si wanaagsan u qor, in aad qortana ha ka daalin, waliba si wanaagsan u qurxi inta aad wax ku dari kartana ku dar qurxinteeda.
Mmusa

                                                        4-qurxi ficiladaada

Noloshaadii shalay xabad kama baddali kartid waxna kuma dari kartid sida ay u dhacday ayey ahaanaysaa, laakin waxaad awood u leedahay in aad maanta wanaajiso waxna ka go’aamiso sida ay ku dhammaanayso adiga oo qurxinaya ficiladaada maanta.
Mmusa 

                                                         5- Dadka beenta aaminsan

Waxaa jira dadka qaar kuwa been u sheega naftooda sidaasna aamina, dadka nuucaas ah marka aad la kulanto maba ahan in aad waqtiga isaga sii lumiso wax ka dhaadhincintooda iyo la murankoodaba.
Mmusa

                                                           6- Ha inkirin
Ha inkirin dadaalka xiriirnta ku saleysan ee qof kula sameeyo, maxaa yeelay danaynta iyo waqti siintaas qof walba lagama helo.
Mmusa 

                                                             7- Laba sababood
Laba sababood oo aadan u aamini karin wax walba ayaa jiri karta.
Mid waa in aad taqaan
Midna waa in aadan aqoon.
Mmusa

                                                              8- Waa waxa ay yihiin!!
Mararka qaarkood ma ahan waxa aad haysatid waxa macnaha sameeya ee waa waxa ay yihiin waxa aad haysato.
Mmusa 

                                                              9- Sugo
Sugasho walba fursaddeeda qaaliga ah ayey wadataa.
Mmusa

                                                                10- U wanaagsanow naftaada
Dadka u wanaagsanow ma xuma, laakin ogow in muhiimadda koowaad ay tahay in naftaada aad u wanaagsanaato.
Mmusa 

                                                                11- Qaarkood
Qaarkooda waxay baahidaada dareeman marka ay dareemaan boos ka maqan oo ay kugu buuxsadaan.
Mmusa

                                                                12- Waligaa waad sugaysaa.
Dadka qaar waxay dhahaan waxaas ma samayn karno, oo maxaadan u samayn karin haddii la waydiiyana waxay kuugu jawaabayaa wali uma diyaarsani samaynta waxaas, xaqiiqda nolosha ayaasa ah in ay sugayaan waligood, maxaa yeelay, waqtiga ayaanba ka xishoon xilliga uu kaa dhamaanayo oo is dhahayn kan u kaadi wax badan ayaa ka kala daadsanee.
Mmusa 

                                                 13- Kala garo
Is waydiinta Laba in aad kala garataa noloshaada ayey muhiim u tahay.
Waqti u samaynta naftaada
Iyo waqtiga aad naftaada u haysid.
Mmusa 

                                                        14- Laga yaabee.
Lagaa yaabee sababta uu Alle noloshaada dadka qaar uga saaray in ay tahay dhagartooda oo uu dheehday iyo in aysan u qalmin qayb ka noqoshada safarkaaga nololeed.
Mmusa

                                                       15- Dadka laabta xiran.
Dadka laabta xiran ceebtooda ayaa ah in mar walba uu afkooda iska furan yahay, oo waxa ay dhahayaan aysan u xisaabsanayn.
Mmusa 

                                                        16- Filashada baahidaada yaree
Waddada waa Nathan road waddankuna waa Hongkong/ China, waxay ahayd galab Axad ah, waa gabar yar oo qurux badan, waxay ku ooynaysay oo ku barooranaysay waddada dhexdeeda goob aad u cariiri badan, qof walba oo soo mara wuu eegayay, dadka qaarna waxay u dhiibayeen wax ay illinta ka qubanaysay iskaga tirto, qaarna way iska ag taagnaayeen ayaga oo dareen ahaan muujinaya in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay, balse waxaa iigu yaab badnayd oo isoo jiitay markii uu soo maray nin Cabtooy oo waayeel ah oo u hadlaya sida qof Gabyaya ayaa yiri ” nolosha waxay i bartay in aanan qofna wax uga baahan, filashadayda baahidayda ku salaysana aan yareeyo, markaas ayaan helaa laab dagan, noqdaana qof aan la jabin karin wax kasta oo lagu dhufto”
Mmusa 

                                                   17- Dulqaad iyo sugasho
Waxaa jiro wax aysan dadku kala saari karin, si kale haddaan u dhigo waa in dadku aysan fahamsanayn farqiga u dhaxeeya dulqaad iyo waqti sugasho.
Qofku waa in uu kala garto sugashada iyo dulqaadka farqiga u dhaxeeyo.
Sugashada waa wax haddaad hesho iyo haddii aadan helin ay iskugu kaa mid yihiin oo wax aad ka maaranto ayey tilmaan u tahay, halka dulqaadku uu ka duwan yahay, waa in aad u dulqaadata wax aad jeceshahay oo aadan ka maarmin ogayna xilliga aad helayso.
Mmusa 

                                                      18- Waqti gaaban
Waqtigaada si farxad leh ugu noolow, waan ognahay in aan isku xiranahay oo dadka qaar ay saamayn ku yeelan karaan dareenkeena farxadeed, hadana waa in aan xisaabta ku darsanaa oo is waydiinaa in waqtiga nolosheena uu gaaban yahay.
Mmusa 

                                                             19- Dadka kula mid maahan
Qaladaadka ugu badan ee aad ka gasho naftaada waa marka aad u malayso in dadka oo dhan ay u fakaraan sidaada oo kale.
Dadku kugu fakar maahan, sida aad wax u aragto ama u dareentana uma dareemaan, in ay kaa dareen duwan yihiin ku qiimee kuna qaddari.
Mmusa 

                                                                       20- Maalmaha qaraar
Waxaa jiro maalma qaraar oo laga yaabo in aad is waydiiso su’aalo iimaankaaga wax u dhibo, waa maalin aad dareento in wax ku yaqaanaba aysan jirin, oo wax walba aad u dareento in ay ku dafirayaan.
Mmusa

                                                                21- Adkaysi u yeelo
Adkaysi u yeelo in aad qaabisho diidmada iyo guuldarrada, maxaa yeelay, waa labadaas labada aan ugu necebnahay.
Qof walba wuxuu doonayaa in la jeclaado iyo in uu guuleysto.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN