XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

   XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 162aad

                                                             1- waa hubaal

Waaba hubaal in qof walba uu ku dhaawacayo mar ay noqotaba, ha ka fakarin goormee iyo sidee, ka fakar oo kaliya qofka ku dhaawacaya ma yahay qof aad ka mudantahay dhaawacaas adigase ma muteysatay?
Mmusa                

                                                           2-ha u ogolaan

Ha u ogolaan xanuunka in uu kugu beero Nacayb.
Dhibaatada iyo duruufaha yeysan qaadan dhadhankaaga macaan.
Mmusa 

                                                                  3- u dabacsanow

U dabacaanow dadka, saamaynta duruufaha qallafsan ee xagooda kaaga imaanaya yeysan ku baddalin.
Mmusa 

                                                                    4-caajislow

Waan mashquulsanahaydaada oo badata waxay ka dhigantahay in aad waligaa waqti helayn.
Sidoo kale waqti ma haysto iyana waxay ka dhigantahay ma aqaan sida waqtiga loo dhowrto.
Barito ayaan qabanayaana waxay astaan u tahay in aad caajislow tahay.
Mmusa 

                                                           5- awood muujin

Hadal xumaanta iyo is adkaynta aan macnaha ku dhisnayn waa awood muujinta qofka daciifka ah.
Mmusa 

                                                            6-Jafasho iyo riixid

Gaari gacanku wuxuu nafci yeeshaa marka la isticmaalo oo la riixo, balse marka uu meel iska yaalo wax tar ma lahan, dadka qaar waa sidaa, waxay waxtar ku leeyihiin in la riixdo oo la jajafto, hadana waxaa laga yaabaa in si fudud ay kaaga caroodaan.
Mmusa 

                                                             7-Dhadhanka nolosha

Dhadhanka macaan ee nolosha ma ahan in aad mar walba ku raaxeysato waqti wanaagsan ee waa in aad mararka qaar la kulantaa caqabado ku bara dhanka kale ee nolosha cadiban leedahay.
Mmusa 

                                                              8-Xilside

Wey wanaagsantahay in aad qiimayn ku sameyso dadka noloshaada ku xeeran oo dalacsiiso qofka u qalma, darajadana ka dhinta qofka aan u qalmin, noloshaada ka ceyriso kan aan waxba kusoo kordhinayn, kuna soo biiriso kan wax soo kordhin kara.
Xusuunow in aad tahay xilsidaha noloshaada.
Mmusa 

                                                   9-Naftaada waqti la qaado

Waqtiga in laga faaiidaysto wuu wanaagsanyahay mar walba, balse ka faaiidaysiga waqtiga mararka qaar waa in uu noqdaa in aad naftaada la kaliyowdo adiga oo waxba qabanayn, sida inta meel hawo macaan, muuqaal qurxoona leh aad fadhiisato aad iska daawato bilicda qurxoon ee kuu muuqato.
Mmusa 

                                                            10-Waxaad raadinayso

Waxa aad raadinayso marka aad raadinayso in aadan helin ayaa laga yaabaa, balse, waxaa cajiib leh in adiga oo raadin ay kusoo raadsadaan mararka qaar isla waxaas.
Mmusa 

                                                 11- Baahida laguu baahan yahay

Baahida laguu baahan yahay haddii ay tahay mid dan gaar ah lagaaga fushanayo ma ahan baahi markaa laguu baahan yahay ee waa ku daneysi.
Waa in qofka kuu baahan ay baahidiisu noqotaa mid aan shardi lahayn, wax uu kaaga dalbanayana aysan jirin.
Mmusa 

                                                   12-Naftaada

Haddiiba naftaada aadan ku necayn qaladaadka ay gasho oo mar walba aad u diyaarsantahay in aad jaanis siiso, sidee ku dhici kartaa in aad dadka ku nacdo qaladkooda.
Waa run laakin xoogaa waxay igula muuqataa si kale!!!.
Mmusa 

                                            13-Erayada

Erayada afkaaga ka soo baxo waxaad xaq u leedahay oo maamulkooda aad gacan ku leedahay inta aadan ku dhawaaqin, balse marka dhawaqooda la maqlo waxa kaliya aad dalban karto waa cafis waana lagu cafin karaa, laakin in la hilmaamo adigaba iska illow, sidaa darteed, wey wanaagsantahay eray walba oo afkaaga kasoo baxayo in aad si fiican u ruugto inta aadan ku dhawaaqin.
Mmusa 

                                                          14-Ha baqin

Jacaylka aad wax jeceshahay ama lagu jecel yahay waa in uusan ahaan mid cabsi ku dhisan oo aad baqayso ama lagaa baqayo.
Mmusa 

                                           15-Naftaada qiima u yeel

Haddii ay ku daneynayaan dhaqsa ayaad u ogaan kartaa, haddii aysan ku daneenayn waxaad garatay halka aad ka taagantahay, balse waxaa lagaaga baahan yahay marka hore in aad naftaada qiime u yeesho oo meel walba aadan daadsanaan.
Mmusa 

                                                   16-Dunida qalbigaada ha dhex dhigin.

Waa iska caadi in aad aragto Doon dul sabbeynaysa Biyaha dushooda, balse waa khatar markaad aragto biyhii oo doonta dhex jibaaxaya, natiijadaas waa fahmi kartaa ayaan filaa.
Dunida qalbigeeda adiga dhex dag, laakin qalbigaada dunida ha dhex dajin, haddii kale waxaad la mid noqonaysaa doonta biyaha dhex jiifaan.
Mmusa 

                                                         17-Eray iyo aamus

Eray walba oo afkaaga ka soo baxo wuxuu qatar ugu jiraa in qalad loo fahmo ama loo fasiro, xitaa aamusnaanta haddaad maciin baddo mararka qaar waxaa suurowda in iyada nafteeda si heer xun loo fahmo ama loo fasirto.
Mmusa 

                                                              18-Ma ogtahay

Ma ogtahay xubinta kaliya ee aan nasan marka jirkeena intiisa kale uu nasanayo waa xilliga hurdadee ay tahay xubinta qaabilsan Maqalka?
Mmusa 

                                                    19-Ma ogtahay

Fakarka iska dhaaf qofkii ku dhaho ku dheh lama dhaafi karo fakar inta la noolyahay, nolosha ayaaba iska ah fakar.
Mmusa 

                                                       20-Nasiib xumo
Dadka qaar nasiib umaba yeeshaan jacayl kasbasho xitaa haddii ay naxariis badan yihiin, waxa ay la kulmaan ayaa ah nacayb iyo faalo xun.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN