XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur




XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
 
Qaybtii 137aad
                                            1-Is muuji
Ha u ogolaan naftaada in ay ku dhex lunto malaayiinta dunida dhex joogto ama lagu dhex aaso inta aan miyirka qabin, ka soocnow dadka isna muuji xaalad walba, muuqaalkaagana ha aahaado sida magnet soo jiita dareenka dadka.
Mmusa
 
                                             2-Alle ayaa i badbaadshay!!!!
Aroor hore ayaan ka kacay, sida caadada ii ahayd isla markiiba shaahii ayaan diyaarshay, kadibna dharkii iyo kabihii aan ku safri lahaa.
Waxay ii ahayd maalin aan u diyaar garoobayay safar aad qiima ugu lahaa noloshayda oo muddo aan ku taamayay, waxaan u socday London, oo safar waxbarasho u aadi rabay.
Safarkayga waxa qiimaha u yeelay ayaa ahaa in dhowr jeer oo isku dayay ay ii suura gali wayday in aan hadafkaas gaaro, balse dadaal dheer kadib waqtiga saaka ayuu Alle ka dhigay.
Ma aanan seexan xalay oo dhan farxad iyo duni farxadeed ayaan sawiranayay, xitaa cunto igama dagi karin oo maba i ahayn baahi cunto farxadda aan qabay darteed.
Saacaddu markay ahay 6:00am, aroornimo ayaan isku boobay labiskii aan ku safri lahaa kadibna xir xirasho boorso galay.
Hooyaday oo subaxaas wax iga diyaarinaysay, doonaysayna in ay Airportka i gayso ayaa igu caawinaysay is diyaarintayda iyada oo hubinaysay in aanan waxba hilmaamin.
Diyaargarowgii kadib ayey hooyo iga codsatay in aan kula soo biiro duco ay markaas ii ducaynaysay ilaa 30 daqiiqp ayey hooyo ku qaadatay inta ay ii diicaynaysay anna aan aaminta ku hayay.
Kadib markii ay ducada noo dhamaatay ayaan boorsooyinkayga hoos ula soo dagay gaarigii airportka i gayn lahaana ku dhacay oo sidaas ku dhaqaajiyay.
Wax walba marka ay ii dhamaadeen oo kursiga diyaaradda aan ku fadhiyo diyaaradda kiciddeedana ay ka dhimanayd qaddar 5 daqiiqo ah ayey hooyo isoo wacday iina sheegtay in ay aad u xanuunsanayso.
Aad ayaan uga naxay uguna murugooday, shan daqiiqo ayaa ii dhinayd balse waxay ila noqotay in shan sakan ay nolosha hooyaday ka dhimantahay, go’aan dag dag ah ayaan qaatay waana ka soo baxay diyaaradda aniga oo isla markiiba kusoo dhacay takasi meesha taagnaa sidaaasna ku imid guriga.
Safarka muhiim ayuu u ahaa noloshayda oo isla maalinta xigta ayaa la iga rabay in aan iska xaadiriyo jaamacadda aan ka balansanaa, balse ma ay noqon oo hooyo qof aan ku halleeyo ma jirin, aniga kaliya ayaa la joogay iyo gabar shaqaala ah oo maalintaas aan soo baxayay maqnayd , marka qalbiga wuu isiin waayay in safarkaas aan sii wato, waxaan go’aansaday in aan baaqdo.
Isla markii aan guriga imid hooyo oo rafanayso ayaan usoo galay ma aysan filayn in aan soo laabanayo isbitaalka ayaana ula cararay isla markiiba, nasiib wanaag saacaddu markay ahayd 3:00pm hooyana xoogaa soo roonaaray ayaan taleefishinka ka arkay diyaaraddii aan raaci lahaa saaka ee aan hooyo darteed uga soo dagay oo shil ku dhacday wixii saarnaana ay halkaas ku qur baxeen.
Alle ayuu ahaa kan i badbaadshay igana hor istaagay safarkaas hooyo xanuunkeeda dartiis, hooyana ii caafiyay.
Waxyaabaha qaar oo karaahsato ama dhibsato oo kaa baaqdo ayaa mararka qaar wanaag kuu ah, wax aad ku faraxdo oo u baahantahay heliddoodana shartaada ayey noqdaan.وَعَسَىٰ أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ ۖ وَعَسَىٰ أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ)
[Surat Al-Baqarah 216]
Sheekadan waxaa ila wadaagtay gabar la dhaho Aamina.
Mar walba mahadnaqa alle ha ka daalin .
Mmusa 
 
                                                     3-Xadka ha dhaafin
Jawaab celin walba oo samaynayso ka dhowrso xadgudub, inta badan aad xadgudub samayso waa inta badan oo guushaado hoos usii dhacdo, xushmaddaaduna yaraato, Wax walba oo samaynayso ha lahaadaan xad aysan dhaafi karin.
Mmusa
                                                   4-Lacag vs Caqli
Lacagtu waxay xallisaa dhibaatada qof kalya, balse caqliga marka si dhab ah loo isticmaalo wuxuu xalliyaa dhibaatooyin.
mmsa
                                                          5-Naftaada baro
Naftaada oo aad si fiican u barato ayaa ka qaalisan hanti walba oo dunida aad ku yeelato.
Fadlan naftaada waqti la qaado si fiicana u baro
Mmusa
                                                                 6-Laba
Laba qof ayaa midna yari lacag la’aan waa gogosha faqriga, mid kalana yiri faqriga dhabta ahba wuxuu kugu dhacaa markaad lacag badan hesho.
Keebaad ku raaci lahayd?
Qasab maahan.
” qasab maahan in hadalkaaga uu qof walna ku qanco, waxa muhiimka ah waa runnimada hadalkaaga”.
Saqraad.
Mmusa
                                                                  7-Shakiga
Shakiga waa hub culus, haddii aad ku tuurto laabta qof tartan kugula jira am si kale haddaan u dhigo naftaada aad galiso, hubaal in aad naftaada burburinayso waxna aad ku bur burin karto.
Mmusa
                                                                     8-La fakar
La fakar inta yar, lana hadal inta badan mar walba.
Inta yar ayaa fakarta ee inta badan ma fakarto, sidoo kale inta badan ayaa hadashee inta yar ma hadasho.
Mmusa
                                                              9-Gacmaha iyo Qalbiga
Gacamahaaga wax ku qabso, dadkana wax ugu qabo.
Qalbig wax ku jeclow, wax la jeclaadana ku abuuro.
Mmusa
                                                     10-Aqbal
Aqbal wixii kugu dhacay shallaayto la’aan.
Waqtigaada la joogana uga faaiidayso si kalsooni ku jirto.
Mustaqbalkaagana ku qaabil walwal la’aan.
Mmusa
                                                    11-Bal is waydii.
Marka ay qoraxdu aad kuu kululayso waxaad raadsataa meel aad harsato oo xoogaa ku qabowsato, sidoo kale marka roobku da’ayo waxaad baadi goobtaa meel aad uga onkarato.
Bal is waydii maxaa kuu diidaya marka xaaladdu kugu cuslaato iyo marka wax aad ku faraxdaba hesho in aad maciin iyo shukrinba Alle la hoos gasho?
Mmusa
                                                   12-Isku buuqa muddada dheer.
Isku buuqa muddada dheer qaata ee ka dhasha goobaha shaqada, qoyska iyo Bay’ada uu markaa qofku ku noolyahay ayaa lala xiriirayaa Raga, haweenkuse waxaa la aaminsan yahay in ayagu uusan ku raagin xanuunka nuucaas, waxaana loo sababeynayaa in haweenku ay raga kaga fur furan yihiin marka ay noqoto la wadaagidda dhibaatada nafsaaniga ah.

Haweenku waa kuwa ka hadla dhibkooda lana wadaago qofka ay markaa is leeyihiin wuu ku caawin karaa, ama waxaaba laga yaabaa ayaga oo aanan xitaa caawin qofna ka filayn in ay ku nafis uun ula wadaagan rag iyo dumar kuu doono ha noqdee, balse, qofka ay wax la wadaagayaan waa kuwa mar walba doorta oo qof walba kalama dul dhacaan waxa ay tabanayaan.

Laakin ragu sidaas ma ahan dabeecaddoda oo marka ay doonayaan in ay howl sidaas oo kale u adag wajahaan in ay kaligood isku koobaan oo aysan qofna wax la wadaagin xitaa raga kale ee asxaabtooda ah iska daa dumarka ay markaa u dhaw yihiin.

Dabcan waxba lagama baddali karo waa qaabka ay abuuristoodu u samaysantahay, taas oo raga kusii riixda in ay is xiraan oo hadalku dhib ku noqdo dhawaqa wax walbana ay dhibsadaan.
Mmusa
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN