XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur




XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
 
Qaybtii 139aad
                                                             1-Deeqsinimada
Deeqsinimada laabta qof walba ma haysto, waxaad ogaataa in ay deeqsinamada qalbiga tahay Hadiyad qaali ah oo Alle dadka qaar u hibeeyay, haddii aad ka mid tahay dadka taas lagu mannaystay mahad celin dheeraad ah la imow.
Mmusa
                                                           2-Naftaada bar
Inta badan aad laabtaada ka dhaadhiciso in ay wax sugato waa inta badan oo rajadaada sii xumaato sugashadaadana ay sii dheeraato, laakin marka aad laabtaada ka dhaadhiciso in wax la sugaa aysan jirin wax walbana waqtiga aad joogto aad uga faaiidaysato waxaa yaraada sugashadaada iyo rajaxumadaada.
Naftaads in ay wax sugto ha barin ee bar in waxa ay waqtigaas la nooshahay ku qanacdo lana dhaqanto.
Mmusa
                                                          3-Dalabka Nolosha
Ducada dadka aad u ducaysid Alle wuu maqlayaa wuuna kaa aqbalayaa sidaas si la mid ah ducada laguu soo duceeyo waa laguu aqbalayaa.
Nolosha ma ahan oo kaliya wax aad naftaada u dalabto ee waa wax laguu dalbo iyo wax aad u dalabto dad kale.
Mmusa
                                                            4-La qosol
In aad wof walba ku qososha waxay kuu abuurtaa Nacayb, Cadaawad, Xasad iyo xilksanimo xumo, balse in aad wof walba la qososho waxay kuu abuurtaa asxaab badan naxariis iyo in qof walba kuu dhimriyo.
Mmusa
                                                      5-Ku guulayso wax walba.
In aad qof walba ka adkaato noloshaada macna uma samayso laakin in aad wax walba ku guulaysato ayaa macna u sameeya noloshaada.
Mmusa
                                                             6-Wada jirka
Wada jirka heliddiisa si fudud laguma helo laakin marka la isku waafaqo in la wada jiro waxtarkiisa wuxuu noqdaa awood aan la rujin karin.

Tusaale ahaan Geedka marka la talaalo in la rujiyo isaga oo dhan waa fududahay, laakin marka uu koro rujintiisa mararka qaar waxaa loo adeegsadaa Mashiino.

Ujeedada aan tusaalahaas u soo qaatay ayaa ah wax walba oo wanaagsan wanaagooda lama dareemo inta ay bilow yihiin laakin marka la joogteeyo samayntooda saamaynta ay yeelan karaan xumaan walba wax kama tari karto.
Mmuso
                                                   7-Nolosha macaankeeda
Nolosha macaan kuma yeelato in aad wax walba hesho ee waxay ku macaataa in wax kaa maqan yihiin waxna aad tabayso.
Qof qiimihiisa laguma dareemo joogiddiisa ee maqnaashihiisa ayaa macna u sameeya jiritaankiisa.
Mmusa
                                                    8-Rajadaada iyo baryadaada.
Xanuunka, dhibaatada, murugada, dhamaam way dhamaanayaan, waxaana baddali doona farxad iyo caafimaad.
Rajadaada iyo baryadaada marnaba yeysan hoos u dhicin.
Mmusa
                                                       9-Ma jiro
Ma jiro qof buuxin kara booskaaga, sidoo kale ma jiro qof dhan walba kaa shabihi kara taas macnaheedana waxaan ula jeedaa jacaylka iyo wanaaga aad nagu beerato haddii aad meesha ka baxdid ma jirto si aan u meeleyn karno ama u buuxsan karno.
Mmusa
                                                      10-Niayd wanaag
Inta badan ay nimcadaadu badato, niyad wanaagaagana ha bato, nimcadu waa niyad wanaag, niyad wanaaguna waa Nimco.
Mmusa 
                                                    11-Deeqtoonaanta
Duruufahaaga dhaqaale oo xumaada yeysan hboos u dhigin  ku deeqiddaada badan.
Xusuusnow in wax bixintu ay kuu dhawayso deeqtoonaanta.
Mmusa 
                                                              12-Is noqo adiga
Marka aad ku shaqaynayso Caqliga iyo fakarka qof kale taas macnaheed waa in aadan nafsad ahaan is ahayn, waana hubaal inta aad xaaladdaas ku jirto in aadan noqon karin qofka aad tahay naftaadana wax u qaban karin.

Doodaada iyo aragtidaadana waxay ku qotontaa u adeegidda aragtida qofka maskaxdiisa ku saaray isaga ayaad adeege aan is ogayn u tahay.

Naftaada haddii aad rabto in aad wax u noqoto ama wax u qabato waa in aad ku shaqaysaa caqligaada iyo fakarkaaga, markaas ayaad noqon kartaa qofka aad rabtid.
Mmusa 
Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
 

SHEEKOOYIN