XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 120aad

                                             1-Haka niyad jabin

Ha ku niyad jabin dadka noloshoodu qasantahay erayadaada, maxaa yeelay, qof walba raja galin ayuu u baahan yahay, haddaad rajo galin karto raja gali, haddii kalana ka aamus.

Mmuss 

                                      2-Xaalad qaldan

Haddiiba xaalad qaldan adiga oo ku jira aad niyad wanaag muujin jarto waad guuleysatay.

Mmusa 

                                              3-Baahida aad qabto.

Jacaylka aad qof u qaadayso saldhigiisa yuusan nooqon baahida aad qabto iyo xaaladda aad markaas dareemayso, qofka aad jeclaanayso ka jeclow qalbiga.

Mmusa 

                                                4-Kalsoonida naftaada

Marka aad aaminsantahay in aad leedahay awood aad waxaaa rabto ku gaari karto kuna samayn karto, mustaqbalkaagana wuu ka ifid badan yahay waqtiga aad tagantahay waxaad leedahay markaa raja in ay rumowdo ay u dhawdahay.

Mmusa

                                           5-Ka fogow afarta ku sifowda sifooyinkan.

1-Qof been kuu sheega 

2-Qof aan ku xushmayn.

3-Qof ku yasa.

4-Qof ku isticmaala.

Mmusa 

                                                6-Quruxda

Quruxda ama wanaaga kuma jiro mar walba in aad ogaato wax walba, raaxada iyo daganaanta nafta ayaa ku jirta in mararka qaar iska indha tirto waxyaabaha qaar.

Mmusa 

                                                      7-Xanuun

Inkasto oo xanuunada qaar ay mudan yihiin kuwa la waheshado sida qof kugu qaali ah marka uu noloshaada ka baxo waxaa wanaagsan in horey loo socdo oo marnaba murugo ama xanuun lama waheshado duruufaha sida ay doonaan ha kuugu adkaadan.

Nolosha ayaa macaankeeda iyo qaraarkeeda u kala hakan oo mid walba mar gees isu dhaafto, adiga maxaa kugu kallifaya adiga oo farxad kale raadin kara ama heli kara in aad xanuun ku xanuujiya wahel u noqoto.

Mmusa

                                                  8-Saamaxaaddu

Saamaxaaddu waxba kama baddasho wixii kugu dhacay balse mustaqbalkaaga ayey ifisaa.

Mmusa

                                                      9-Caqligaaga

Inta badan uu caqligaagu kobco waa inta badan oo ay kugu yaraataa aaminaada qofka.

Mmusa 

                                                      10-Intan ila aqri 

Naftaada aamin.

Farxaddaada ka mahad celi.

Murugtaada ku adkow

Xaaladahaaga wax ka baro.

Qiimahaaga fahan 

Qushuucaaga badi 

Qaybtaada qaado

Qosolkaaga yaree

Qashinka ka dheerow

Qoortaada qof ha u raaricin.

Mmusa 

                                                        11-U carbi

U carbi ama u tababar qalbigaada iyo maskaxdaadaba in wanaag ay ka arkaan meel walba iyo wax walba.

Mmusa 

                                                   12-Dareen jacayl 

Wax ka wanaagsan ma jiro in aad jacayl u qaado qof aan waxba kugu dhihin balse darrenkaaga soo qabta inta aad jacayl u qaadi lahayd qof wax walba ku dhaha balse waxba aadan ku dareemin.

Mmusa 

                                                   13-Nolosha

Nolol ma jirteen haddii wax walba wax kasoo horjeeda aysan jirin ama u dhigma.

Nolosha macnaheeda waa kor iyo hoos, xikmaddaasna waa in aad fahamtaa.

Mmusa 

                                                 14-Damiciina

Damaciina ula jihaada sida aad ula jihaadi lahaydeen cadowgiina.

Cali Bin Abii daalib 

                                                   15-Damiciina

Ma jirto qof uu Alle kaa xarrimay dareen in aad u qaado iyo in aad la dhaqantaba.

Mmusa 

                                                   16-Muuqaalkaaga

Muuqaalkaaga been waa ka sheegi kartaa balse dareenkaaga been kama sheegi kartid.

Mmusa 

                                                         17-Qiimaha dadka 
Qofku wuu jeclaan karaa qof aan maal lahayn, sidaas si la mid ah qofku qalbi ahaan wuu nici karaa qof dahab ku kooraysan micnaha iska ladan.
Qiimaha dadka ayaa ah mabaadii’dooda.
Mmusa 

                                                        18-Sharaf ku noolow 

Si aad sharaf ugu noolaato ha garaacin albaab aan kan Alle ahayn, iska dhaaf albaabada aadanaha garaacooda naftaada ha ku dullayn wax waydiisashadooda.

Mmusa 

                                                   19-Nolosha waa waasac
Nolosha sideedaba waa mid iska ballaaran balse dadka ayaa isku ciriiraya marka ay maankooda u sheegaan ama ku xiraan waxyaaba yar yar oo aan boos muhiim ah ku lahayn noloshooda si ay u arkaan iftiinka markaas ka maqan oo kaliya.
Mmusa 

                                                            20-Dulmi

Ma jirto umad naftooda uga dulmi badan umad aan ku fakarin sidii ay naftooda ku hormarin lahaayeen.!!!

Mmusa 

                                                          21-Baddalid Riyo 

Afkaaga waa in aad koontarooshaa, mararka qaar erayada afkaaga kasoo baxaya waxaa laga yaabaa in hal eray oo ka mid ah uu gabi ahaanba baddalo riyada qof aad waligiis ku dhex noolayd, sawirka uu kaa haystayna uu dhan kale u baddalmo.

In aad ilaalisaa dareemada dadka kuu dhaw waa muhiim, hadal waa hadli kartaa balse in aad si dagan u qiyaasto ayaa wanaagsan inta uusan afkaaga kasoo bixin.

Mmusa 

                                                     22-Shallaaytada
Shallaaugu ma ahan mid ku kooban oo kaliya dhaqan xun ama gaf aan samaynay, waxaa badan inta badan aan ka shallaayno dhaqan wanaagsan aan u samaynay dad aan mudnayn.
Mmusa 

                                                             23-Intan samee

Is moogaysii sida in aadan maqal.

Aamus sida in aadan waxba fahmin.

Is indha tir sida in aadan waxba arkin.

Is illowsii sida in aadan waxba xusuusan.

Intan haddaad samayso waxaad helaysaa nolol dagan oo raaxo leh.

Mmusa

                                                24-Ilaali qalbiga 

Ilaali qalbiga dulqaadka badan maxaa yeelay, marka uu is baddalo kuma soo laaban karo sida uu ahaa waligiis.

Mmusa 

                                               25-Is waydiinta Guurka 
Maxaad u guursataa? Ma in aad ilma dhashaa, mise in aad wahel hesho? 
Ma waxaad u guursataa in au shahwada kaa dagto, mise waxaad u guursataa in aad daganaan qalbi hesho?
Waxay doontaba ha noqoto, naftaada u maalgali sida guurkaaga u waari lahaa ee ha isku maal galin in lagaa sheeg sheego.
Mmusa 

                                               26-Kalinimada iyo Guurka 

In aad guursato micnaheeda maahan in aadan wali nolosha kali ku ahayn, waad guursan kartaa hadana waxaad dareemi kartaa in noloshaada aysan waxba iska baddalin bal in ay sii xumaatay ma ahee.

Arooskaaga oo kaliya ha u qorshayn qarash badan ee sida guurkaaga u waari lahaa ku bixi qarash iyo fakarba.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN