XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor








                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 130aad       
                                               1-Xanuunada
Xanuunadu way badan yihiin, xanuun sidiisaba waa xanuun, laakin dhanka uu kaaga yimaado ayuu kusii kala xanuu badan yahay.
Xanuun waxaa ugu xun kan kaaga yimaado dhanka aadan filayn sida qof kugu qaali ah iyo qof aad u sharrxaday xaaladdada oo dhaawac xoogan kuu geystay.
Mmusa
                                                    2-Alle ayaa fura
Alle wuxuu furaa Albaab aysan xiri karayn kuwa ku neceb, sida Shaydaanka, cadowgaada.
Mmusa
                                                     3-Hadaf yeelo
Haddii dadku arkaan in aad tahay qof qorshaysan oo halka uu u socdo yaqaan way kusoo raacayaan ayaga oo is dareensanayn , qasab ma ahan in la ogaado meesha aad u socoto, waxa macnaha sameeyo ayaa ah in aad leedahay hadaf iyo ujeedo ku wajahan halka aad wajiga saarayso, sidoo kale ficil walba aad samaynayso aad ogtahay sababta iyo waxa aad ka dhex sugayso.
Mmusa
                                                    4-Samaynta nolosha
Waxay dhaheen nolosha inaga ayaa samaysano ee iyada isma samayso, waxaa jira wax Alle ku xiran iyo wax aan alle ku xirnayn samayntooda.
Marka nolosha dagan samaynteeda aan ku dadaalno inkastoo caqabadaha ay mar walba nagu hor gadaaman yihiin.
Mmusa
                                                    5-Ka hadalka naftaada.
Ka hadalka naaftaada mar walba wuxuu qiima tiraa qiimaha shaqsiyaddaada, adiga samee wixii kula gudboon ee wanaag ah una daa dadka in ay ayaga sida aad tahay kaaga hadlaan.
Mmusa
                                                          6-Baahida dadka
Inta badan oo baahida dadka aad iska ilaaliso waa inta badan oo dadku kuu baahdaan.
Mmusa
                                                        7-Shakiga.
Shakiga badan ee ay naftaada ay la nooshahay ma ahan wax noloshaada u wanaagsan.
Haddii aad rabto nolol guul ku dhamaata waa in shakigaada uusan kaa hor istaagin hor u socodka aad doonayso.
Shakiga mararka qaar waa u muhiin nolosha, maxaa yeelay in la hubsadaa ama si ka wanaagsan sida taagan loo fakaraa waa qiimaha nolosha
Mmusa
                                                       8-Guul darrada.
Guuldarrada waa fursad mar walba kuu ogolaata in aad si caqliyeesan u fakarto oo dib u bilowdo kuna guulaysata wixii aad ku guul darreesatay.
Mmusa
Waligaa kaama qancayaan
Waligaa kaama qancayaan
Sida aad rabto u dhaqan wanaagsanow, una shaqsiyad wanaagsanow, waligaa ma qanci karaysid qof aan u diyaarsanayn in uu kaa qanco fahmina kara dhaqankaaga wanaagsan iyo shaqsiyaddaada.
Mmusa
                                                     9-Talada mucaashaqiinta.
Talada Mucaashaqiinta
1. Jacayl in aad qaado qasab maahan balse, waa xaalad aadan maamulkeeda maskax ahaan gacanta ku hayn, waa xalad ka timaada qalbigaada, xilliga uu doono ayuu dareenkaas la soo baxaa, marka waxaa haboon haddiiba jacayl aad qaadayso in aad ka fiirsato oo is waydiiso qofka aad u qaadayso ma u qalmaa mise uma qalmo, laga yaabee in aad is waydiiso maxaa mar walba looga hadlaa jacayl qaadis? waa Nolosha, nolosha in laga hadlaana waa qasab, sidaa darteed, fadlan qiimayn ku samee qofka aad wax la wadaagayso ama jeclaanayso ma u qalmaa, mase yahay qof sida aad jeceshahay kuula dhaqma.

2. Qofka aad jeclaanayso waa in uu noqdaa qof diyaar u ah in wax ka ogaado qofka aad tahay iyo qiimajaha aad leedahay.

3.qofka aad jeclaanayso ma yahay qof kaa qoslin kara, ma yahay qof kaa dhunkada sujuuda, ma yahay qof farxad aad ku dareento la joogistiisa, sidoo kale ma yahay qof la hadliddiisa aadan ka xiisa dhicin?

4. Jeclow qof u diyaarsan dhagaysiga waxa laabtaada ku jira, sidoo kale kaa difaaca xumaan oo dhan, muujiyana sida uu ugu qanacsan yahay la jirkaaga.

5. Jeclow qofka ku dareensiin kara in mar walba aad ka maqantahay, xiisaha uu kuu qabana aan qarsan karin, sidoo kale kugu kallifa in aad sakan walba ka fakarto, xusuustiisa aad weheshato saacadaha uu kaa maqan yahay.

6. Jeclow qof kula qorshayn kara qaabka aad farxaddiina u ilaashan lahaydeen, sidoo kale qofkaa ha noqdo qof mar walba xusuusinta Alle uu ku xusuusiyo ay ku weyntahay.

7. Jeclow qof adiga naftaada aad u diyaarsantahay kana caajiseen in inta uu kuu qabto dhamaan aad u diyaarsantahay in aad u qabato, qiimaha nolosha wadaaga ayuu ku jiraa ee ma ahan in qof kaliya wax loo qabtaa, in wax la isla wadaago ayey ku qurux badantahay Nolosha.
Mmusa
Qore: Mohamed Musa Sh. Nooor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com
 
 
 
 
 
 

SHEEKOOYIN