XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor



                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 131aad
                                                        1-Jooji
Qofna ha ku qasbin in uu ku xasuusnaado mar walba, xusuusta qofka waa in ay u timaadaa si dabiicyan ah.
Ha u ooyin hana u murugoon in qof hebel uusan dan kaa lahayn ama uusan ku baraarugsanayn jiritaankaaga.
Qofna ha ka codsan in uu si wanaagsan ama ku farxad galisa kuula dhaqmo, dhaqanka wanaagsan ee qofka kaaga imaanaya wuxuu ku wanaagsan yahay in uu ku yimaado dareen iyo ogolaanshiyo qofkaas xagiisa ah, maya codsi xagaaga ka yimid.
Aamusnaantaada waa in ay badataa mar walba, u ogolow in ay dareemaan sida aysan noloshooda kaamil u ahayn adiga la’aantaa.
Haddii ay kuu xiisa qabaan ayaga ayaaba fadhi karayn, Aadanaha dhaqankiisa ayaa ah in uusan ka caajisin meesha uu is leeyahay dantaada waa ku jirtaa raadinteeda.
Mmusa 
                                              2-Ragow rabi ha idin dhaafo.
Waxaan la yaabaa mararka qaar awoodda alle idin siiyay halka ay kasoo burqato, maxaa yeelay, waxaa laga yaabaa in aad muddo iska joogto adiga oo hal shaati iska daayee aan hal hoos gashi xitaa gadan, sababta aad sidaas u samaynaysa waxay tahay in miiska cuntada gurigaaga uusan marna marnaan oo cunto la’aan noqon.
Waxaa laga yaabaa in aad u gaajooto oo aadan qada iyo quraac toona aadan cunin hadana shaqa culus aad soo qabato si qoyskaaga ay wax u cunaan!!
Taas waxaa sii dheer in mararka qaar aad gurigaada ka baxdo adiga oo aan ogayn meel aad saaka cagta saarto si aad usoo hesho quudka qoyskaaga, Wlle mahdiise aad soo laabato adiga oo farqaha wax kuugu jiraan
Qaarkiin waxaa laga yaabaa in ayaga oo sidaas u dadaalaya marka ay guriga yimaadaan caay iyo erayo aan niyadda u wanaagsanayn ay kala kulmaan xaasaskooda iyada oo taas ay usii dheer tahay in laga yaabo in shaqada lagu soo dhaqan xumeeyay oo hadala aydaan u qalmin la idinku soo dhahay. 
Raga isku wada mid ma ahan, qaar ayaa u nool nolosha xaasaskooda iyo caruurtooda oo kaliya, waxay u jarmaadaan subixii si aysan baahi u dareemin qoysaskooda habeenkiina waxay u seexdaan ayaga oo ka walwalaya subixi waaga marka uu baryo sida uu xaalku noqon doono iyo meesha ay wajiga saari lahaayeen.
Wax badan oo ay naftooda u qabsan lahaayeen waxay uga tanaasuleen ubadkooda iyo xaasaskooda dartood.
Sida badan marka aad shaqaale tahay waxaad kala kulantaa dad aan kugu da’ahayn caay iyo xadgudub shaqsiyadeed, adiga oo taa ka jawaab celin kara ayaad uga tanaasushaa qoyskaada dartiis.
Waalid iyo qoyskaagaba adiga ayey kor kuu wada eegayaan, waxay kaa sugayaan waxa ay quudan lahaayeen ama xiran lahaayeen, waxba kama galin ayaga haddaad shaqayso iyo haddii kale, waxa kaliya ee ay filayaan ayaa ah in baahidooda aad daboosho, xaaladda aad rabto ku sugnow, runtii mas’uuliyad daran ayaa ku saaran taas oo aan lagula dareensanayn.
Guurka aad guursatay xaaskaaga qarash badan ayaa kaaga baxay, sidaas ay tahay ma guursan oo kaliya hal xaas ee qoys dhan ayaad guursatay, waalidkeed iyo walaalaheed haddii alle ku bado adiga ayey caawin kaa sugayaan.  
Raganimadaas aad intaas oo dhan ku qabatid ayaa ah waxa i cajab galsha, Alle waxaan kaaga baryayaa ninka raga ee nuucaas ah in uu gacantiisa mar walba kor ka dhig.
U noolow xaaskaaga caruurtaada iyo waalidkaaga, sidoo kale ehelka xaaskaaga ayagana dantaada ayaa ku jirto haddii ay kusoo mutaystaan in aadan hoos u eegin.
Xaasyahay haddii aad haysato nin dadaalayaa, walaal sidoo kale mas’uul ah, labadoodaba mar walba u mahad celi, waa hubaal in labadaba ay dartaa u silcayaan sharaftooda iyo karaamadoodana hoos u dhigaan si aadan marnaba u qadin.
Mahad celintaada iyo dhiiri galinta ninkaaga, walaalkaa iyo aabahaagaba ha badato, ma ahan in fakarka ah nin waa xun yahay ee dumarka aan wax garadka ahayn qaateen aad meel ku xirato, hal mid ka mid ah hadduu xumaado micnaheeda maahan in ay magaca ka wada siman yihiin.
Ragow rabi ha idin dhaafo.
Mmusa
                                                3-Ha u ogolaan.
Qof isaga nabad ku jiifa yuusan sabab u noqon in aad seexan weyso.
Nolosha waa mid dhib badan balse, qof isaga nabad ku nool in uu adiga in aad noolaan wayso sabab u noqdo ha u ogolaan.
Mmusa
                                               4-Waan fahmi karaa.
Wuxuu yiri “farriin kaama helo? Waan fahmi karaa.
Ima soo wacdid waan fahmi karaa.
Waqti iima haysid, taasna waan fahmi karaa.
Laakin marka qof isoo wac, farriin ii soo diro, waqtina ii hayo aad aragto, waxaan rajaynayaa in aad adigana fahmi doonto”.
Mmusa 
                                          5-Aamusnaanta badi
Waa hubaal in aad aamusnaanta ku awood badantahay kuna nabad badantahay, sidoo kale ku sharaf badantahay kuna qurux badantahay kuna maamus badantahay
Mmusa
                                              6-Is xakamee 
Bani aadamku waa sida mashiin fasiraad badan, sharraxaad badana u baahan ama jecel in uu wax sharraxo mar walba.
Waxay jecel yihiin in ay ogaadaan waxa aad ka fakarayso.
Taas haddaad si dhab ah naftaada u xakamayso uma suuroobayso in ay faalo iyo sharraxaad toona kaa baxshaan.
Mmusa
                                                 7-Hadalkaaga yare 
Hadalkaaga yaraantiisa waa kor u kicidda haybaddaada.
Hadalkaaga yaraantiisa waa qeexidda quruxda iyo waxtarka hadafkaaga.
Hadalkaaga yaraantiisa waa hufnaantaa iyo asturnaanta shaqsiyaddaada
Soomaali waxay tiri ” hadal badan haan ma buuxsho” 
Hadalkaaga yaree hadafkaagana hadal yar kusoo koob, farriintaada carab gaaban wax ku gaarsii.
Mmusa
                                                    8-Kuma quseeyaan.
Wixii lagaa qarsday ama kaa qorsoon qod qodiddooda ma wanaagsana adaabta wanaagsana sal kuma lahan.
Waxba ha waydiin qof waxa aad is leedahay wuu qarsanaya.
Wixii aan kuu muuqan sidoodaba waa wax aan laguugu tala galin ogaantooda sida badana kuma quseeyaan.
Mmusa .
                                               9-Yaree fakarka badan.
Xanuunka fakarka daawo ma lahan ayey dhaheen, maxaa yeelay, xitaa marka aad hurudid waxaad ku riyoonaysaa waxa fakar ahaan kugu taagan.
Sidaa darteed, yaree fakarka badan si naftaada ay caafimaad u hesho.
Mmusa .
                                             10- Is baddalka qofka.
Waxay dhaheen sababta keenta in qofku is baddala waa laba sababood.
1 marka uu yeesho tacliin ka badan inta ay naftiisa u baahnayd.
2 iyo marka uu helo wax naftiisa mudnayd wax ka badan, micnaha inta uu u qalmay in ka badan.
Maxay kula tahay?
Mmusa .
                                                11-Ruuxaanta
Waxay dhaheen luuqadda ruuxaanta ma qaldanto  ayaga oo taa noo sii sharexayana waxay sheegeen in dareenka sidiisaba qofka aad u haysid uu kuu hayo.
Qofka aad dareentid ayaa ku dareema waa hadal ruuxaaneedka!!
Haye mala qabtaa?
                                                     12-Qasab dalab!!
Wax walba in qalbiga laga sameeyo ayaa wanaagsan quruxda afcaasheenana waa mid taa ku jirta.
Ma ahan in qof aad ku qasabtaa in uu kuu sameeyo wax naftaada ay jeceshayay balse tiisa aysan rabin.
Quruxda waxa la isku sameeyo ama la isi siiyo ayaa ah waxa qalbigu garto, garasha qalbi haddii aysan jirin ma jirayso wax laguu sameeyay oo qasab aad ku dalbatay oo dhadhan yeesha.
Mmusa.
                                         13-Sharaf u dhimasho.
Sharaf u dhimasho qiima ma lahan marka aad liidato.
In aad is dhiibto ayaa dhaanta si aad jaanis kale oo kusoo kabsato aad u hesho inta aad god gali lahayd.
Mmusa 
                                          14-Yaa kuu qalma?
Qofkii qalbigaada wax wanaagsan ku dhex samaystaa ayaa ah qofka kuu qalma.
Mmusa
 
Qore: Mohamed Musa Sh. Nooor
ekisyare@hotmail.com
xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN