XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

isla diyaarada

XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 7aad

                                                          XUSUUS CELINTA

Dib u celinta Xusuusta ma ahan mid sida badan saamayn kaga yeelan karta Nolosha aad waqtigan ku jirtid, sidaas ay tahay hadana xusuusta wanaagsan in dib loo milicsadaa waa mid iska wanaagsan oo dhista Niyadda.

Sideedaba Tala ahaan qof aan kula talin lahaa in uu dib u qooraansado xusuusihiisa hore ma jiro, hadana waxaan dhihi lahaa haddiiba ay jirto Duruuf keenaysa in dib loo celsho xusuusta, waa in xusuusta wanaagsan la xusuustaa oo kuwa xun aysan qayb ka noqon sakan ka mid ah noloshaada.

Hadaba waxaan ku oran lahaa dib ha isku celin ilaa ay jiraan wax munaasab u noqon kara dib u noqoshadaada, marka aan sidaa leeyahay waxaan uga dan leeyahay waa in ay noqotaa xusuus celintaada mid aad ka heli kartid wax soo jiita naftaada waxna kugu dhiiri galin kara.

 

                                         QURUXDAADA JOOGTEE

Joogtaynta is qurxinta qofka waa mid qayb ka qaadata kor ahaanshiyaha Niyadda qofkaas, sida badan oo aad isku habayso waa inta badan oo niyaddada ay kor tahay, haddiiba marka aad Sawir galayso ama Xaflad aadayso  ama Casuumaad kale aad muuqaalkaaga si wanaagsan u ekaysiin karto, maxaa diidaya in muuqaalkaaga aad sidaa mar walba u joogtayso u ekaanshihiisa.

Dhabta marka laga hadlo, waxaa wanaagsan in qofku uusan isku qurxin dadka sidaa ha ku dhahaan ama sidaa dadka xagooda uga muuqo darteed, waxaa wanaagsan qofka marka uu Muraayadda isku eegayo in uu garawsan yahay naftiisa in ay tahay midda qanaacada koowaad leh ee aysan dadku ahayn.

Qurxudaada joogtaa si heerka qanaacada naftaada uu mar walba kor u ahaado, inta badan ee naftaada aad ku qanacdaa waa inta badan oo ay dadku kaa qancaan.

 

NAFTAADA NABAD SII   

Nabadda waa shayga kaliya ee uu Noola kasta u baahan yahay inkastoo macanaha laga kala fahamsan yahay uu mar walba kala duwan yahay, hadana waxaa wanaagsan in qofku Nabad uu u helo naftiisa, waa laga yaabaa in aad su’aalo iska waydiiso sida qofku uu nabad ugu goobi karo naftiisa.

Taas waxaan kaa leeyahay naftaada Xaq waxay kuugu leedahay in ay nasiino hesho, in aad ka yarayso Buuqa iyo wax yaabaha kale ee ka guuxaya qalbigaada, ma ahan in aad noqotaa mid u taagan Buuq, Muran, Dagaal iyo Dood aan dhamaan iyo ku fakiridda mar walba aad ku fakarayso luggooyada ama luqaafada aad qof la maagantahay, inta aad arrimahaas aan soo sheegay aad ku jirtid naftaada nabad maahan, maxaa yeelay marna adiga ayaa isku maqan, marna Dad kale ayaad ku maqantahay.

Hadaba daji naftaada oo waxay mudantahay ku abaal mari, marka aad fikir badan iyo buuq badan aad maankaaga galinayso waa in ay noqotaaa mar aad maslaxaddaada ka fakaraysid, qiimaha nolosha ayaaba ah mid aan sidaa u badnayn oo aan la ogayn xilliga uu ku egyahay ama xilliga uu bilaaban karo.

 

DUMARKU WAA GUUSHEENA

Dumarku waa saldhiga koowaad ee guusheena, maxaa yeelay Nin walba oo maanta gaaray heer sare qofka ka dambeeya oo ka dhigtay sida uu yahay waa hooyadiisa oo Dumar ah, waxaa soo raaca xaaskiisa, oo iyadana qayb wayn ku yeelan karta heerka uu gaarayo ninkaas.

Hooyada mar walba tilmaanta aan ka bixin lahaa dhankeeda ayaa ay iska ah dhanka khayrka, oo ma jirto hooyo xun, waasa laga yaabaa in garashada xageeda ay hooyooyinka ku kala dheereeyaan.

Dhanka Xaaska waxaan dhihi karaa sida lagu helo xaas wanaagsan oo u taagan horumarka noloshaada gacana kugu siin karta in aad tiigsato hadafkaaga nolosha ayaa ah nasiib uusan Nin walba heli Karin, in ninku xaas leeyahay ma ahan micnaheeda in uu gaaray heer ka gaaray Nolosha, xaasaska qaar ayaa laga ducaystaa oo laga shallayaa qaybta ay ka noqdeen noloshaada.

Gunaanadka hadalkayga ayaa ah in Yasmada iyo tilmaan xun ka bixinta dumarka ay nagu yaraato, way jiraan Dumar wanaagsan sidaas si la mid ah kuwa xun, balse waa in aan ogaanaa in saldhigeena Guusha ay dumarku yihiin.

 

                                                                   ISI SAX ADIGA  

Khaladaadka dadka ma ahan in uu kuu muuqdaa, marka aad damacdo in aad qof ka waaniso khalad uu ku dhex jiro waxaa wanaagsan inta aadan afkaaga kala qaadin in aad hubiso bal in aad ka dahirantahay khaladkaas iyo in kale, xitaa haddi waaydan dambe aadan khaladkaas samayn, ma yahay mid ka zuulay dhankaaga oo aadan marnaba dib u samaynayn xaalad kasta haba kugu timaadee?

Hadaba isi sax marka hore kadib marka aad hubsato naftaada ayaad usii gudbi kartaa dadka kale sixiddooda, taas waxaa soo raaca in adiga naftaada ay jiraan waxyaabo badan oo aad ku xuntahay kuna khaldantahay, marka uu qof ku waaniyo waa in aad ka qaadataa oo aadan naftaada mahdin una arkin mid ka dahiran khalad oo dhan.

                                         NINKA WANAAGSAN

Ninka wanaagsan ee ay dumarku jecelyihin waa midka mar walba ugu roon dhinac walba.
Ninka wanaagsan waa midka ka ilaalsha xaaskiisa erayada xun xun ee niyaddeeda jabin kara.
Ninka wanaagsan waa midka dhagaysta fikradaha xaaskiisa qadariyana.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba ka ilaalsha xaaskiisa cidlada una sheega in ay tahay midda ugu horaysa qalbigiisa.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba astura Ceebta xaaskiisa ileen kuligeen ceeb waa inaga wada dhacdaayee.
Ninka wanaagsan waa kan marka uu guriga xaaskiisa soo gala iska hilmaamo wax walba oo uu banaanka ku ahaa ogaadana in markan uu guriga xaaskiisa joogo kuna qadariyaa sidaa, isaga oo aan samaynayn wax walba oo keeni kara Khilaaf iyo is xag xagasho.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba dareensiiya xaaskiisa in ay u qalanto in ay noqoto xaaskiisa.
Ninka wanaagsan waa midka marka uu la kaftamayo xaaskiisa amaanteeda maahane xumaanteeda carrabkiisa ka ilaalsha.
Ninka wanaagsan waa midka mar walba u samra xaaskiisa, iyadoo aan wada ognahay in dumarku feer qaloocan laga abuuray oo mararka qaarkood hadala dareenkiisa wax u dhibi kara ku hadaaqan.
Ninka raga ah waa midka marka xaaskiisu ay uga baahantahay taageero ku garab istaagaa.
Ninka wanaagsan waa midka ka qabta khaladaadka xaaskiisa marka ay samaynayso.
Ninka wanaagsan waa midka aan ku cooryin xaaskiisa wax aysan awood u lahayn qabashadooda ama ahaanshahooda .
Ninka wanaagsan waa midka mar walba ku waansho xaaskiisa Alla ka cabsi iyo wanaag falid.
Ninka wanaagsan waa midka madaxa saarta Ehelka xaaskiisa.
Ninka wanaagsan waa midka waalidka xaaskiisa ka dhigtaa sida waalidkiisa oo kale xaaladdu noocey doontaba ha ahaatee.
Ninka wanaagsan waa midka aan daba raacin taariikhda madow ee xaaskiisa waaba haddii ay jirto, tanina ma ahan wax qof lagu eedeeyo ileen kuligeen qalad waan soo wada galnay, taarikh madowna waanu wada leenahay.
Ninka wanaagsan waa midka daboola baahida xaaskiisa kana ilaalshaa xaaskiisa wax kasta oo u keeni kara waddo ka bax.
Ninka wanaagsan waa midka xaaskiisa subixii marka uu guriga ka baxayo, labada dhaban (Daamanka) iyo sujuuda ka dhunkada una sheego in ay qiimo wayn ku leedahay agtiisa, galabtii marka uu guriga yimaadana si wanaagsan u marxabeeya.
Ninka wanaagsan waa midka kala tashadaa xaaskiisa wax kasta oo horumar ah ee kusoo kordha qoyskooda.
Ninka wanaagsan waa midka ka yeesha xaaskiisa gacantiisa midig ogaadana in ay tahay lamaanta dhabta ee aan booskeeda la buuxin Karin.

XISHOODKA

Xishoodka waa shay qaali ku ah qof walba oo Bani Aadam ah, waana wax uu Alle ugu qaas yeelay Bani aadamka maqluuqiisa kale, marka waxaa haboon in uu qof walba ku dhaqmo xishoodka, maxaa yeelay waa ilaaliyaha sharafta qofka.

Qof aan xishoon sharaf ma lahan saa Xoolaha wax uu uga duwanyahay ayaaba jirin, dunida aan ku noolnahay hadda waxay u muuqata in ay usii xuub siibanayso xishoodd la’aanta, wax walba oo xishood la’aan ahna ay maanta iska noqdeen Casri, oo qofkii xishooda la leeyahay waa dambeeyaa, ama wali horey uma socon.
Marka walaalayahayga Muslimka ahow ama Soomalida aan isla nahay aan u laabano xishoodkeenii, marka aan sidaa leeyahay wuu dareemi karaa qof waliba heerka ay maanta gaartay dhaqan xumadeena, qof waliba wax ha ku qiimeeyo meesha uu uga noolyahay aduunkan, imisa Soomali ah ayaa joogta oo ka tagtay xishoodkoodi iyo dhaqankoodi ku salaysnaa Islaanimida.
Xishood la’aan waa Sharaf la’aan
Xishood la’aan waa Diin la’aan
Xishood la’aan waa Dhaqan la’aan
Xishood la’aan waa Xoolanimo
diinteena islaamka dhowr meelood ayey uga hadashay xishoodka,Rasuulkeena csw wuxuu yiri
“haddaadan xishoonayn waxaa doonto suubi “.
Qofka hadduu wuxuu doono suubiyana Diin ma lahan, saa xuduud xira ma jiree.
Walaalayaal aan ogaano in uu Alle na daalacanayo ,aan koontaroolno wax walba oo afkeena kasoo baxaya, aan koontaroolna wax walba oo aan qorayno, ogow haddaad is leedahay Cid kuu jeedo ma lahan in aadan Alle iska qarin karayn, oo uu ku daalacanayo, iskadaa waxa aad samynaysee waxa aad ku fakarayso ayuu la socdaa, marka Dad nasiib badan ayaanu nahay maadaama Alle uu naga dhigay Islaam.
Waa maxay danta inoogu jirtaa in aan ku dayano Dad aan Diin lahayn?
Waa maxay danta inoogu jirta in aan dhagaysano Dad damiirkoodu dhintay?
Waa maxay danta inoogu jirtaa ku dayashada Dad aanu dhaqan wadaagin?
Waa maxay danta inoogu jirtaa dad aduunyada raacay, inagu dadka Aakhiro ayaanu nahay, iyada ayaana nooga khayr badan waa haddaan wanaajino Acmaasheena ?
Waa maxay danta inoogu jirtaa in aan Hogaan ka dhigano Dad uu Alle ku tilmaamay in ay Xayawaanka ka liitaan ?
ugu dambayntii aan xishoono oo aan iska xishoono Allana aan ka xishoona.

tiiha joogtada ah!

Tuugmada aan joogsiga lahayn!

Tacadiga faraha badan!

Talaabooyinka qaldan
Tartanka shaqsiyadeed

la talloobidda Baaddilka ah
Taagnaasho Albaab Umadeed

Toogasho aan tilmaan lahayn
taraaraxa siyaasadda

iyo tii Alle Tolow maxay noqon?

la soco qaybta 8aad jimcaha insha allah

W/Q: Mohamed Musa Noor

 

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN