XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) QORE: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 25aad                                                                       

                        KALIGAA AHOW DADKUNA HAKAA NABAD GALAAN

Kaligaa in aad mar walba tahay micnaheeda maahan in aadan lahayn asxaab iyo ehel aad wax la wadaagto, ee waa in aad jeceshahay in aad wax badan curiso, wax badana ka fakarto, wax badana xalliso.
Dadka sida badan qofka kaligiis fadhiista, kaligiis socda, tilmaan wanaagsan kama baxshaan, dhabtase waxay tahay in dadka sida badan wax curiya ee fakarkoodu fiirmada dheer leeyahay in aysan waqtigooda ku beer darayn cantara baqash iyo fadhiyo aan faaiido lahayn oo Xanta dad kale lagu guro.
Kaligaa ahow, dadkuna ha kaa nabad galaan, waxay kun jeer ka wanaagsan tahay, dadka ku dhex jir cidina yeysan kaa nabad galin .
Mmusa 

 

                                      SADDEXDAN QOFNA HA U SHEEGIN

Safarkaaga qofna ha u sheegin 
Jacaylka noloshaadana qarso oo qofna hala qaybsan.
Farxad ku noolow oo qofna ha u sheegin 
Sababtana waxay tahay, Dadku waa kuwa qarriba wax walba oo farxadda qofka ah, sidaa darteed, dadka waa in laga qarsadaa wax walba oo qurxoon macaana ah.
Mmusa 

                                               Kan ku xanta
Laga yaabee in aad Adduunka ku dhibsatay qofka ka hadla Gadaashaada mar walba oo ay kaa istaagto yaa kaa aamusiya, balse, waxaa hubaal ah in maalinta Aakhiro uu si kuu anafaciyo gadaal ka hadalkiisa ayna kaa gaari doonto yaa sii wada gadaal ka ka hadalka uu mar walba kula daba taagan yahay.
Muhiimadda waxay tahay, qofka ku xanta ha ku dhibsan xantiisa ee ku samir waa kuu khayr battee.
Mmusa 

                                     BANI AADAM AYAA TAHAY

Adiga Bani aadam ayaa tahay, waxaa ku socotaa Dariiq laguu jeexay, macna badan ma suubinayso sida aad isku qeexdo iyo sida aad u hadasho, xaqiiqda ayaa waxay tahay in aadan lahayn Awood aad iskaga difaacod Xanuunada kugu dhaca, Dhaqaala xumida kula soo darasta ama ku haysata, dhimashada ku sugaysa, adiga oo Gacma laaban ayaad dunidan timid, adiga gacma laaban ayaadna ka laabanaysaa.
Mustaqbalkaaga oo dhan ma maamulan kartid, xitaa sakanka kale waxa kugu dhacaya ma fahmi kartid, horumarka aad gaarto waa mid horey loo qaddaray in aad gaarto, ma ahayn ama ma ahan mid laguu siiyay Hogaansamid aad Alle u hogaansantay ama Diidmo aad Alle diidday darteed, waxay ahayd siismadaas iyo sahliddaas Naxariis Eebe iyo Qaddar hore loo qaddaray iyo Xikmad looga jeedo.
Sida aad rabto u hadal, waxa aad doonto samee, waxaad rabtid ahow, hubaal in lagu xisaabin doono, waana dhab la doonayo in aad fahanto.
Mmusa 

Marka wanaaga laguu sheegayo uusan ku galayn, kugulana muuqan wanaag, waxaad ogaataa in qalbigaaga uu iimaanka ka maqayahay, hubaal in qofka wanaaga marka loo sheego uusan dareenkiisu isla markiiba soo jeesan, halkii uu kasoo jeesan lahaana uu la yimaado macangagnimo iyo muran in qofkaas uusan lahayn Iimaan.

                                       JAAHILNIMADA

Dabka ku shidan nolosheena waa Cabsi, cabsidaasna waxay holac daran ku shiddaa Jaahilnimada, iyada oo wax badan ku kallifta qofka jaahilka ah, taas oo sababta wax badan in ay inaga bur buraan.
Jaahilnimadana waxay dhashaa Nacayb, kaas oo sii huriya Dabka inagu shidan ee Caqabadda lagu macagacaabo.
Mmusa 

                                MUSIIBADEENA WAAA…….

Musiibadeena waa tan 
Waanu is guursanaynaa, ismana jeclin!!!!
Waanu tarmaynaa, tarbiyadoodana ma wanaajino (Caruurta).!!!!!
Waanu dhisaynaa, (Qoysaska), qiimahiisana ma barano!!!!!
Waanu shaqaynaa, mana inagu filna mushaarkeena!!!!
Waan is dhahna Hadallada macaan, mana isku rumayno!!!!!!
Jabraan Khaliil Jabraan

 

                                   NOLOSHA MU’MINKA

Nolosha Mu’minka sahal ma noqoto imtixaan la’aan.
Imtixaankuna ma fududaado sabar la’aan 
Sabarkuna kaamil ma noqdo qanaaco la’aan 
Qanaacaduna ma dhamaystiranto ilaa kalsooni 
Intaas waa waddada kaliya ee aad uga guulaysan karto Safarka nolosha.
Mmusa 

                                    JECLOW AMA NECBOW

jaclow ama nacbow labadaba wax isma dhaamaan
Haddii aad jeclaatid shey qalbigaada ayuu mar walba ku jirayaa.
Haddii aad wax nacdidna caqligaada ayuu mashquuliyaa nacaybka aad sheygaas u qabtid.
Mmusa 

                                        AWOODDAADA

Laga yaabee in aadan lahayn Awood aad dadka ugu kallifto in ay ku jeclaadan, balse, waxaaa hubaal ah in aad heli karto awood aad ugu kallifto dadka ixtiraamkaaga.
Ibrahiim Al Faqi

                                     SADDEXDAN HA SAMAYN

Ha is dhiibin adiga oo isku dayin 
Ha jawaab celin adiga oo ka fakarin 
Ha dhaleecayn adiga oo sugin ama baddalkeeda keenin 
Mmusa 

                                      Daacad ahow 

Daacad ahow 
Dhabtana ku noolow 
Dhaawacna iga dhowr
Dheeftana ila qaybso
Dhakafaarna ha i badin 
Haddii kalana iga leexo.
Mmusa 

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN