XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 26aad                                                                       

 

 

                                     SADDEXDAN HA HILMAAMIN

Ha hilmaamin 3 qof noloshaada
1 qof waqti adag ku caawiyay
2Qof waqti adag ku cidleeyay
3Qof waqti adag ku baday.
Mmusa 

                                   TUSAALAHA GEEDKAN

Geed ayaa dhulka ku dhacay, waxaa maqlay intii hareeraha geedkaas ka dhawayd, balse, la yaabka ayaa wuxuu yahay in Kayn dhan ay korto ama baxdo iyada oo shanqarteeda cidina aysan maqlin,.
Macnaha aan ugala jeedo ayaa ah in wanaagaaga cid isku mashquulisaa aysan jirn, khaladkaagase cid walba ay jeceshahay in ay ogaal u yeelato.
Mmusa

                                 MUSLIMIINTA CAALAMKA

Inta badan muslimiinta Caalamka saddex meel marka loo qaybiyo meel ahaan waxay ku nool yihiin waxa loo yaqaano Qaaradda Hindiya.
Waxyana ku kala noolyihiin 
Pakistan 180 milyan
Bangaladhesh 150 milyan 
Hindiya 220 Milyan 

                              SUG OO HA DAG DAGIN

Wixii yar way kula badanayaan haddaad qanacdo
Wixii badana way kula yaraanayaan hadduu damacaagu bato.
Wixii fog way kula dhawaanayaan haddii aad jeclaato.
Wixii dhowna way kula fogaanayaan haddii aad carooto.
Mmusa 

                               AFAR JEER IS MOOGAYSII

Is moogaysiinta xilliga Carada, waa Xariifnimo
Is moogaysiinta xilliga adagna waa Nacasnimo
Is moogaysiinta xilliga Waanadana waa Kibir
Is moogaysiinta xilliga Xumaantana waa Caaqilnimo.
Mmusa 

                                       INDHAHAAGA

Indhahaaga aragtidooda macna ma lahan, marba haddaad ka arradantahay aragtida Qalbiga.
Mmusa 

                          WAQTIGA UGU ADAG NOLOSHAADA

Nafsiyan 15 jirkaaga ilaa 28 jirkaaga, waa waqtiga ugu adag noloshaada, sida dhabta ahna Dhalin badan ayaa khald ay sameeyeen ku waayay noloshooda.
Mmusa 

                              KHATARTA CAAFIMAADKAAGA

Hadalka badan
Hurdada badan
Cuntada badan 
Intaas oo dhan waxay khatar ku yihiin Caafimaadkaaga.
Mmusa

                                   RAGANIMADA

Raganimada ma ahan Muuqaal wanaagsan iyo Nasab qiima leh oo aad ka dhalato, ee waa iimaankaaga iyo ku kalsoonaanta naftaada.
Mmus 

                             QALBIGA, DADKA, MAALINTA, DUCADA

Qalbi waxaa ugu fiican Qalbiga nadiifka ah.
Dadna waxaa ugu fiican qofka aan ku hilmaamin, ee Alle dartii kuu jecel.

maalina waxaa ugu fiican maalinta ku dhaafto adiga oo dambaabin,

Ducana waxaa ugu fiican, midda kor kuu qaadda adiga oo ogayn, micnaha lagaa aqbalo.
Mmusa

 

 

                                        AAMUSNAANTA CAAQILKA

Aamusnaanta Caaqilka micnaheeda maahan in uusan waxba hayn, ee wuxuu garanayaa marka in la aamuso ay ku haboontahay.
Mmusa 

                         QALBIYADA QAAR BOOSKA AAN KU LEENAHAY

Waa run in aanan wada garan karin boosaska aan ku leenahay Qalbiyada dadka qaar, balse, waxaan awood u leenahay in aan ka garano dhaqankooda ku aaddan xageena.
Mmusa 

                                       AQOONTA WAA IFTIIN

Waxaa la yiri Aqoonta waa Iftiin, haddii aysan helin Caqli nuurkeeda soo saarana ay iska ahaanayso iftiin aan laga faaiidaysan.
Xigasho

                                            JACAYLKA DHABTA

Jacaylka dhabta ah ma ahan Dareen la isku muujiyo iyo Baahi Shahwo, ee waa Akhlaaq wanaagsan iyo Xushmad la isku hibeeyo.
Mmusa 

                                        WAQTIGA WAA NOLOL

Waqtiga waa Nolol, mar walba uu waqti ku dhaafo, waxay ka dhigantahay in ay nolol ku dhaaftay, mar walba oo aad waqti lumisidna nolol ayaad lumisay, sidaas haddaadan u fahamsanayn hadda u garo.
Mmusa 

                          maxaa yeelay waa nolosha qayb ka mid ah.

Sida in aad noolaato aysan dhib kuugu hayn, ugu dulqaado wax walba oo ku dhiba, maxaa yeelay waa nolosha qayb ka mid ah.
Dhibka oo aad nacdid micnaheeda waa in aadan Nolol diyaar u ahayn, nolosha qiimaba ma yeelato haddii aysan lahayn Caqabado laga gudbo iyo tusaalooyin dhib leh oo wax laga barto.
Mmusa

                                            RAALI GALINTA

Raali galin waad bixin kartaa dhowr jeer oo isku xigta, balse, haddii ficilkaaga uusan is baddalayn wax macna ah ma yeelanayaan erayadaada raali galinta ah.
Mmusa 

                                           HA U WALWALIN

Ha u wal walin wax kaa lumaya, waxaa laga yaabaa haddii aad heli lahayd ama haysan lahayd shaygaas ama waxaas in murugtiisa ay kaaga sii badan lahayd waysmada aad hadda waysay.
Mar walba kalsoonidaada ha noqoto in doorashada uu Alle kuu dooray ay ka khayr badantahay doorashadaada.
Mmusa 

                                               SHAKIGA

Shakiga waa Furaha fura Albaab walba oo Raja xumo iyo Ciriiri ku magacaaban, iska ilaali, haddii aad badsato shakiga, hubaal in aad galayso cariiriga Nolosha.
Mmusa 

                                 NOLOSHA WAXAY DHAMAATAA……….

Nolosha waxay dhamaataa marka aad doorato in aadan ku noolaan, ee inta kale mar walba Jaaniska Nolosha wuu kuu furan yahay.
Mmusa 

                                 Dabacsanaanta waa quruxda.
Waxaa jira dad badan oo qaab la dhaqankooda iyo la hadalkoodu uu kusoo jiito, qof walba oo qaabilaana uu qalbigoodu qabsado, wax kale ma ahan waa dabacsanaanta ay u dabacsan yihiin qofka ay qaabilayaan.
Hadaba noqo mid dabacsan, aad Qalbi qurxanaatidee.
Mmusa 

                                                  FARXADDA DADKA

Farxadda dadka ma ahan mid wax u dhibta farxaddaada, Hodantinnimadoodana ma ahan mid Irsaaqaddaada nusqaamisa, Caafimaadkooodana ma ahan mid caafimaadkaaga wax u dhiba, sidaa darteed, u rajee qof walba Khayr, si khayrka dushaada ugu bato.
Xaasidnimada Qofka ugu horrayso ee ay wax yeelayso waa midka wax xasdaya, iska ilaali xaasidnimada.
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN