XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 32aad                                     

1 RAGA IYO EEYAHA

Ma ogtahay in Ragu ay ku dabeecad yihiin Eeyaha marka laga hadlayo Qoyska, waxa kaliya ee xarkaha hogaanka u hayana ay yihiin xaasaskooda, waxayse ku kala duwan yihiin qaabka ay xaasaskooda usoo carbiyaan.
Haddii se Dumarka Xaasaska ah aysan taa ku baraarugsanayna ay ku dhacaan gacan khaldan, taas oo sababta in xaaska koowaad iyo waalidiintiisaba ay ilmada wada qubaan.

2 DUMARKA IYO NAXARIISTA

Ma ogtahay in Dumarku ay wada Naxariis yihiin
Quruxna yihiin, Raaxana yihiin, balse ay u baahan yihiin in saddexdaas qaaliga ah laga keensado ama laga soo saarto.
Mase ogtahay in dumarku ay kaga awood badan yihiin Raga Guriga, oo waxa ay doonaan kaga dhacsan karaan, balse, qaloocnaan ay qabaan darteed ay wax walba u waayaan?
Mmusa 

 3 QALALAASAHA QOYSKA

Ma ogtahay in qalalaasaha qoyska 95% ay Dumarka mas’uul ka yihiin?
Mase ogtahay in 5%uu ninku mas’uul ka noqon karo qalalaasaha Qoyska, waxyaabaha ugu daran ee lagu eedeeyana ay tahay in uu Xaas kale guursado ama soo daahitaankiisa macna darrada ah uu bato.
Mmusa 

4 DAYAXA

Ma ogtahay in qofkii ugu horeeyey dunida ee cagtiisa saara Dayaxa uu ahaa Neil Armstrong oo u dhashay America, taariikhduna ay ahayd 21july 1969
Mmusa 

5 KA AAMUSIDDA QOFKA KU XUMEEYAY

Ma ogtahay aamusnaanta aad ka aamustid qof aad kuu xumeeyey in ay ugu filantahay aargudasho, uguna xuntahay gacan loo qaado?
Mmusa

6 QOF WALBA WUU QURXOON YAHAY

Qof walba Qurux iyo qiimo aan lala wadaagin uu leeyahay baa jirta, xitaa haddii ay doonto quruxdaas ha qarsoonaaato, waxaa sa hubaal ah in uu qof walba meel qaali ka yahay.
Mmusa 

7 WAQTI SII NAFTAADA

Ma ogtahay inta badan ee aad naftaada waqti siiso aad ku dareento raaxo iyo kalsooni nafeed, kadibna ay maskaxdaada iyo qalbigaada oo wada jira soo burqiyaan Afkaaro aad u wanaagsan oo dhaxal gal ah.
Mmusa

8 UNUGYADA JIRKAAGA

Ma ogtahay in unugyada jirkaaga ay saacaddii bilyan unugyo ku dhintaan, bilyan kalana ay ku abuurmaan oo baddalaan booska bilyanka dhintay?
Mmusa  

9 WAXBA HA U CUDUR DAARIN

Qofka marka aad aragtid shaqsoyaddiisa dhabta ah waxba ha u cudur daarin, ka fakar oo kaliya sida aad ula macaamili lahayd barashada cusub ee aad shaqsiyaddiisa baratay.
Mmusa

10 DADKA DHAN MA RAALI GALIN KARTID

Ma ogtahay in dadka dhan aadan raali galin karin raalina aysan kaa noqonayn, sidaa darted, hagaaji xiriirka adiga iyo Alle idinka dhaxeeya, dadka toodana dan uga bax.
Mmusa 

11 BOQORNIMADIISA

Wuxuu ku yiri isaga oo muujinaya Boqornimadiisa” waan ku jeclahay, hana isku dayin in aad ku celi i dhahdid, maxaa yeelay hadalka Boqorrada waa mar!!!!
Waxay ugu jawaab celisay, aniga sifadayda ayaan boqorad ku ahay, waxaana kugu amrayaa in aad ku celiso hadalka aad tiri, haddaad doonayso in qalbigayga uu maqlo!!!!!!
Yaa gar leh labadan?

12: 114 ta ninka yaqaan

114 ta ninka yaqaan ee uu Suubanaheena SCW uu yiri wuxuu xambaarsan yahay Nabinimada, maanta waxay noqotay in aan la qiimayn.
laakiin Shahaado Dugsi hoose ayuu wataa, halka kan soo bartay Diinka iyo Dawaco orotamaya loogu deeqo Garaaddo iyo Mushaar, Guri, Nabad iyo caanana ay tahay xaalkiisa.

Gaalo ayuu wax kasoo bartay, wuxuu yaqaanaa Cilmiga Dameeraha, Doorada iyo Daaqa, Digtoor ayaa la dhahaa, Magac, Maal, iyo Mansab ayaa la iskugu daray.
Kan Xalaasha iyo Xaaraanta kala yaqaan, Xaqa iyo Baaddilka kala yaqaan, Alle iyo Rasuul yaqaan, Xumaan iyo Wanaag kala yaqaan, waxba lama dhaho, B iyo T, toona maahan, waa Fikrad is fasiraysa oo wali la garanin!!
Mmusa 

13 SHIKRA DUNIDA UGU WAYN

Ma ogtahay in Shirka Adduunka ugu weyn uu mar kaliya dhaco sanadkii? Mise ogtahay in shirkaas uusan lahayn Shir Guddoomiye gaar ah.
Ma ogtahayse in shirkaas aysan cidina si gaar ah u maal galin oo uu qof walba sahaydiisa isagu soo qaato?
Ma ogtahay in shirkaas labiskiisu uu hal labis yahay, kaas oo qiima ahaan aad u jaban?          ( Labad Go’ ee Cad Cad)
Ma ogtahay in shirkaas uu socdo oo kaliya 5 maalin, wax khilaaf ahna uusan ka dhicin, qodobada kasoo baxana uu qof walba ku qanacsanyahay?
Ma ogtahay in Shirkaas uu yahay mid loo siman yahay oo Qof Mansaba ama Jaga sheegtaa uusan jirin?
Ma ogtahay in shirkaas aan ka hadlayo iyo tilmaamaha aan baxshay lagu magacaabo Xajka, halka uu ka dhacana ay tahay Magaalada Makka
Mmusa 

14 XORNIMADA IYO SHARCIGA

Xornimadaada waa inta sharcigu kuu ogolyahay, Xor uma tihid in aad Alle ku caasisid, ama Bulshada wax dhibaya aad suubisid.
Xornimadaada waa mid cayiman, sida aad u fahanta se waa mid ka tarjumaysa cawaaqibkaaga dambe. 

15 IXTIRAAMKA WAA AALAD

Ixtiraamku waa Aalad la is waydaarsado, taas oo haddii aadan adiga ku deeqin aanan laguugu deeqi karin.
Xushmadda ama is ixitriaamka waa waxa ugu quruxda badan ee lagu beerto Quluubta Dadka kale.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN