XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 37aad                

 

                                            DAD WAXAA UGU LIITA

 Dad waxaa ugu liita kan buuqa naftiisa kala dul dhaca dadka aan shaqada ku lahayn, hadana garan la’ halka laga haysto ee buuqa iyo dhibaatooyinka haysta ay ka yimaadeen, waa in qofku ogyahay halka laga asiibay uuna lahaadaa mar walba garashada daawada cudurka uu qabo.

Waxaa kaloo dad ugu liita kan mar walba isku mooda in uusan jirin qof Caqli ku gaara, shaqa walbana kaligiis in uu qaban karo aaminsan, dadka ku hareeraysan ee wax la wadaagayana u arko Ducufo aanan isaga gaari Karin.

Wuxuu moogyahay in qof walba dunida uu ku yimid amar Alle isla allahaasna uu yahay midka ay u wada siman yihiin dhamaatood,  qof aan wax quudan dunidan ma jiro, qof walbana wuu noolyahay sida uu doonaba noloshiisa ha ahaato, sidaa darteed waa in maanka uu ku hayaa liidanahaas aan soo sheegay in dunidan ay socotay isaga hortiis, la’aantiisna ay socon doonto qof walbana haybad iyo awood u gaar ah oo dadka kale aysan la wadaagin uu Alle ku abuuray.

                                           WAX JOOGTA AH MA JIRAAN

Nolosha dunida oo dhan ayaaba iska ah ku meel gaar, oo ma jiraan wax joogtoobaya ama waaraya, sidaa darteed ma ahan in aad ku sirmataa xaaladaha quruxda badan ama murugada badan ee aad maanta dhex taalka u tahay.

Dhibaatada oo ah midda aadka noo xanuujisa waa in aan maskaxda ku haynaa in ay leedahay Waqti ay timaado iyo waqti ay dhamaato, sidaa darted, ma ahan in aad la wal washaa dhibaatada ku hayso, waan ogahay waana wax jira Walwalka oo waa mid nalagu abuuray, balse waa in uusan saamayn ku yeelan waajibaadkeena kale ee nolosha nagu sugaya.

Hadaba wax waaraya ma jiraan si ku meel gaar ah ayaad u joogaysaa dunida kadibna waad ka dhaqaajin doontaa, sidaa darted, is baddalka xaaladaha saamaynta ay ku yeelan karaan qorshahaaga nolosha ha yaraado.

                                                           Aargudashada

Aargudashada ma ahan mid wax soo kordhisa, bal, waxaaba la oran karaa waxbey sii kala fogaysaa ama sii kala dhantaashaa, qofka dhibka kuu gaysta ee mudan in aad ka aargudato haddii aad Cafis ugu baddasho isla isaga ayey u tahay xanuujin, balse marka aad isku daydo in aad ka aar gudato wali waxaa tahay mid kusii dhiiri galinayo in uu fal kale oo xun kuu sii gaysto, sidaa darteed waxaan oran lahaa aargudashada waa mid kusii dhiiri galisa qofka in uu ficilkii xumaa ama dhaawicii uu horey u gaystay uu mar labaad mid ka xun kusii fakaro gaysashadiisa, balse marka la cafiyo ama laga haro ma heli karo waddo uu xumaan kale kuugu sii gaysto ama ficil ku dhiiri galsha in uu xumaan kale kusii fakaro, inaga aadana ahaan waxaanu u samaysanahay in sida badan qofka na dhaawaca aan ka aar gudano inaga oo uga aar gudana si xad gudub ah oo mararka qaar la dhihi karo waa mid sii abuurta kala fogaanta dadka ama musiibooyin ka dhasha afcaasha aargudashada ee la is dhaafsado.

Hadaba ku dadaal in cafiskaagu bato, in kastoo ay adagtahay oo mar walba dhaawaca kugu dhacay xanuunkiisa uu ku bado in aad garan waydo halka aad taagantahay ama mudantahay.

                                                             Ogsoonow

Laga yaabee in aadan haysan inta aad nolol ahaan u baahnayd balse waa in aadan hilmaamin oo maankaaga ku haysaa in, in badan oo aad ka fiicantahay ay jiraan, in badana ay ku taamayso inta aad haysatid in ay helaan, ay gaaraana heerka aad maanta joogta waqtiga ay doontaba ha ku qaadatee, sidaa darted, ha hilmaamin in aad noqoto Mahadnaqe og waxa uu yahay iyo waxa laga doonayo.

                                                       Wanaag iyo Xumaan

Wax walba waa in aad ku cabirto dareenkaaga dhabta ah adiga oo aanan eegayn Maslaxadda Hebel ama raali galintiisa. wixii xun waa xun yihiin kuma baddali kartid afkaaga, wixii wanaagsana waa wanaagsan yihiin oo kuma xumayn kartid afkaaga, wanaag iyo xumaan sida ay dhawaq ahaan u kala duwan yihiin ayay mar walba macna ahaan u kala ahaanayaan ma ahan mid aad afkaaga ku baddali kartid, hadaba u wajah wax walba sida ay yihiin adiga oo dhigaya arrin walba halka ay ku haboontahay.

                                                        Sugnaanta

Sugnaanta ama hubsashada waa mid mar walba kaa fogaysa shallaysto in aad gasho, inta badan aad wax sugtaa dulqaadna u muujisaa, waa inta badan aad heshaa wax ku farxad galsha, sidaa darteed aan iska dhowrno ku dag dagidda waxyaabaha qaar.

                                                   Kuma dag dagayo

Aniga kuma dag dagayo tilmaantaada, mar walba waxaan garansanahay in ay jirto sabab ka dambaysa halka aad taagantahay iyo qaabka aad u dhaqmayso inkastoo aanan aqoonteeda lahayn, hadana waa mid aan dareensanahay, taasna waa sababta aanan ugu dag dagayn xukmintaada.

                                       Xiisaheenu waa xigtadeena

U xiisoonaanta aad qof u xiisoonaato ama waayitaanka aad qof wayso waxay caddayn u tahay in qof wanaagsan oo u qalma in laga fakaro uu kusoo maray, mar walba dareenkena waxaa ku hara inta wanaagsan ee qalbigeenu jecelyahay wahelkooda, balse inta aan qiimaha lahayn ee na xanuujisa ama na bada xanuunka Qalbiga kuwaas wax xusuus ah kuma yeeshaan qalbiyadeena umana xiisno, xiisaheena waa inta xigtada ku noqota xabadkeena.

                                      Toosnaanta iyo dhabta

Raadinta aad raadiso toosnaanata dhamaystiran ma ahan in marark qaar ay kaa lumiso dhabta aad ku dhex jirto, micnaha aan uga jeedo ayaa ah in qof toosan uusan jirin, balse uu jiro qof naxariis badan hadana mararka qaar leh Iin aan ku farax galin, sidaa darteed, inta aad raadin lahayd qof aan iin lahayn waxaa wanaagsan in uusan kaa lumin qofka ku hortaagan ee xaqiiqda ah, waana qofka wanaagsan balse khaladaadka yar yar ay ka dhacaan.

Saxsanaanta ama toosnaanta qofka waa mid ku xiran xaaladaha ama is baddalka waqtiga, balse u dhalashada wanaaga qofka waa mid ah xaqiiq jirta oo aan la inkiri Karin, sidaa darteed, waa la samaysan karaa qof wanaagsan, balse in la helaa qof uusan khalad ka dhicin waa adagtahay, wanaaga waa u dhalasho, inkastoo mararka qaar xaaladaha uu qofku ku sugan yahay ay keenaan ama saamayn ku yeeshaan muuqaalka qofka kasoo baxa.

                                               Qof walba waa Taariikh

Qof walba oo dunidan ku nool waa taariikh socota, Af kala qaadka dadk ayey ku xirantahay, qof walbana meel uu ka yimid iyo meel uu u socdo ayaa jirta , sidaa darteed, ma ahan in aad ku dag dagto xukminta dadka inta aadan aqrisan halka uu qofku ka yimid iyo halka uu tiigsanayo iyo sababta uu u marayo xaaladahaas uu ku dhex jiro ee xukmintooda aad ku dag dagayso.

                                       Amaanta iyo dhaleecaynta

Amaanta iyo dhaleecayta waa labada aan mar walba kala harin, waxay la mid yihiin Mucaarad iyo Muxaafid, inkasta oo ay ku xirantahay qofka ku amaanaya ama ku dhaleecaynaya qaabka uu cuskanayo, dhabta ayaasa waxay tahay in si kasto oo aad u xumaan badantahay ama u wanaag badantahay aadan mar walba waynayn wax ku amaana ama ku dhaleeceeya.

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN