XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

  XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 40aad                

 

                                 XAGEE UGU WANAAGSAN EE LA AHAADAA?

Waydiimaha ku saabsan halka ugu wanaagsan ee la ahaado Aakhiro iyo Adduun ayaa batay, qof walbana si ayuu ku cabiray jawaabta su’aashaas, iyada oo qof walba iimaankiisa iyo garaadkiisa uu kaashanayo, dadka su’aalahaas la waydiiyayna Bani aadam ayey wada ahaayeen oo looma eegin Issirkooda iyo diintooda, maadaama su’aashu ay daboolaysay dhamaan wax ku saabsan Aadanaha, qof walbana si ayuu u qeexay, halkan kuma soo koobi karo dhamaantood balse, jawaabta iila qiimaha badnayd ayaa noqotay sidan.

Halka la ahaado dunida waxaa ugu macaan badan in qof maankiisa aad noqotaa oo mar walba waxa uu ka fakaro aad adiga tahay, taas oo laga eegay dhanka Dunida.

Wali dhanka dunida ayada oo wax laga eegaya ayaa hadana la yiri “ halka la ahaado ee ugu nabad galayda badan dunida ayaa ah qofka qalbigiisa”

Labada qof ee jawaabtaas kala baxshay waxay wax ku cabirayeen hankooda iyo qiimaha ay markaa is lahaayeen waad u baahantihiin.

Hadaba aniga waxaan ku dari lahaa aniga oo ka mid ah dadka dunida ku nool ee jawaabtaas laga doonayo, waxaana oran lahaa sidan

“Halka la ahaado dunida waxaa ugu macaan  badan  halka ay daacadnimada hareesay

Halka la ahaado dunidana waxaa ugu nabad badan awaamirta Alle oo see tahay loo qaato.

Aakhiro marka laga hadlayan Jannada ayaa ugu maqaam wanaagsan meel ala ahaado.

Mmusa

 

                                                       WAX WADAAGIDDA

Inta badan ee aad ku dadaasho wax wadaagidda, waa inta badan ay noloshaada ay marti galiso Dad badan ama Duni badan oo wax kula wadaagto, sidaa darteed wadaaga wuxuu kaa dhiga qof ka wayn sida aad u muuqato, in mar walba dadka aad wax la wadaagto waxaa ku bata iimaankaaga, waxaa ku kordha aqoontaada, inta badan ee aad aamustaa waa inta badan aad ka indha xirantahay xikmaddaha iyo dheef badan oo dhinacyo kala duwan leh, hadaba ku dadaal in inta aad haysato ama aad taqaano aad la wadaagtid dadka aad ku kalsooni badan tahay, adiga oo ka fogaanaya Cabsi iyo Xishood.

Mmusa 

 

                                             MASKAXDAADA

Maskaxda Computerka wixii lagu shubo ayey keedisaa wax tarna waa u leeyahay computerka dunida  iyo waxa ku noolba, hadaba adiga oo ah kan computerka sameeyay, amarkana siiya, waxna ku kaydsada ama ka shuba, maxaa kuu diidaya in sidaas si la mid ah aad maskaxadaada u isticmaasho si maslaxaddaada iyo tan dunidaba aad wax tar ugu yeelato.

Mmusa 

                                               LABA WAJIILAHA

Laba wajiilaha ama qofka Munaafaqa ah inta uu is qarin karo wuu is qarshaa, dabeecadihiisana waxaa ka mid ah in uu mar walba ku dadaalo in uu Waji wanaagsan ku tuso, dadka kaa soo horjeeda ama is faham darrada ay idin dhex martana uu waji kale oo wanaagsan tuso, dhabta ayaasa ah in qofka nuucaas waqti uusan is qarin Karin oo la fahmo karo ay jirto, inkastoo qofka dhiifoon uu fahmi karo xilli walbaba, hadana, waqtiga ugu fiican ee la fahmi karo ayaa ah waqtiga xaaladaha adag ay kula soo darsaan, ama wax munaafacaad ah ay jiraan, markaas ayuu la soo baxaa laba wajiilaha wajigiiisa dhabta ah uuna caddaystaa munaafaqnimadiisa.

Hadaba waqtiga ugu xun ee ay liidashada kaa muuqato ayaad fahmi kartaa qofka dhib iyo dheefba kugula joogi kara iyo qofka dheeftaada kaliya kugula jooga.

Mmusa 

 

                                         HADDII DUNIDA HORE AHAYD?   

Haddii dunidii hore ahayd duni qabiilaysan oo dadku ay isku laayaan Qabyaalad waxna ay ku qaybsan jireen hab qabyaaladeeda lana aaminsanaa in lagu kala sareeyo Nolosha oo Nin ku dhashay sagaal bilood uu aaminsanaa in uu ka sareeyo nin kale oo ku dhashay intiisa oo kale lagana yaabo in uu ka wax tar iyo taya badan yahay, maanta dunida aan ku nool nahay waxaas kama shaqeeyaan oo kan Cuuryaanka ah ee Cilmiga iyo Xikmadda Alle ku beeray in la dhagaysto ayey maraysaa.

Marka adiga Soomaaliga ah, maxaa kugu kalifay in aad ku noolaato Taariikhda Dad waa hore lafahooda Ciidda ay cuntay, miyaadan Xaq u lahayn in aad wajahdo dunida aad hadda ku nooshahay, dadka ku noolse aad wax la qaybsato adiga oo wax ka eegay dhanka anfacaaddaada.

Mmusa 

 

                                            DHABTA KU NOOLOW

Wixi tagay waa tageen ayey dhahdaa Soomaalida waana runtood ayaa la oran karaa, maxaa yeelay, wax tagay kuuma soo laaban karaan waana in aad la noolaataa xaqiiqda ah in shalay aysan kuu imaanayn, balse, bari ay kuu imaan doonto maantana aad taagantahay.

waxaa kaloo jira in aad jaanis u haysato wajahidda Mustaqbalka, maxaa yeelay mustaqbalka haddii aad gaartid waa wax aad qorshahooda samaysan karto, waana wax aad ku riyoon karto.

balse waxaa lama huraan ah in hanqal taagaaga mustaqbalka iyo ka fakaridda wixii tagay aysan saamayn ku yeelan noloshaada maanta, maxaa yeelay mustaqbalka iyo wixii tagay waxaa ka muhiimsan waxa hadda taagan oo la doonayo in dhab aad u wajahdid.

Hadaba wixii tagay waa tageen iska hilmaan waxna ka baro, una tabaabushayso waxa imaan doona si munaafacaadkaaga mustaqbalka uu u bato, balse taas macnaheeda ma ahan in aad hilmaanto waqti xaadirka aad taagantahay.  

Mmusa   

 

                                             U ISTAAG IIMAANKAAGA

Dadku way ku kala duwanaan karaan waxay ay iimaan ahaan u aaminsan yihiin, balse waxaa jirta Qaacidda dadka oo dhan wada kulmisa, taas oo dhahaysa “u istaag iimaankaaga micnaha waxa aad rumaysantahay aaminsantahayna in ay sax yihiin, xitaa haddii ay la micna noqonayso in aad kali ku noqoto”

Hadaba xikmaddaas waxaa laga qaadan karaa in qofka haddii uusan lahayn adkaysi uu u adkaysto caqabadaha uu kala kulmo iimaankiisa in markaas waxa uu sheeganayo in uu aaminsan yahay uusan ka run sheegayn, maxaa yeelay, haddii waxa uu aaminsan yahay uu ku kalsoonyahay Nafsiyan markaas qofkaas wuxuu diyaar u noqon lahaa in uu wajaho wax walba haba noqoto waxaas wax uu naftiisa ku waayo.

Hubaal marka aad saxantahay ogtahayna in aad Xaq ku taagan tahay in dhimashada ama waayidda naftaada aad waayso aysan micna saas ah kuugu fadhin, sharaftana ay ku jirto difaacidda waxa aad tahay oo la mid ah wax aad aaminsantahay.

Hadaba waxaa jirta Oraah kale oo oronaysa qofku waa waxa uu aaminsan yahay, marka haddii aadan u dhiman karayn ama meesha ugu dambaysa nolosha aadan la gaari karayn waxa aad tahay markaas waxaa shaki ku jira waxa aad sheeganayso in aad tahay dhab ahaantooda ama aad aaminsantahay.

Ugu dambayn haddii ay jiraan caqabado badan oo nolosha kaala soo darsa waa in aysan baddalin waxa aad dhab u tahay ama u aaminsantahay, ogow waxaa tahay waxa aad aaminsantahay.

Mmusa 

                                              QIIMAHA LACAGTA

Lacagtu waa mid qiima badan, micnaha waxaaba la oran karaa waaba Dunida oo dhan, qof walba maanta waxa uu u ordayo ayaa ah kasbashada Lacagta, wali lama sheegin qof ka dharga lacagta, qof walbana inta badan ee uu helo lacagta waa inta badan ay sii siyaaddo dhibaatadiisa ama baahidiisa nololeed.

Qiima in ay leedahay lacagta wax su’aal ah kama taagno, balse qaabka qof walba uu u raadiyo iyo qaabka qofku uu u hanto ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar ayay seejisaa noloshooda raadinta ay raadinayaan lacagtaas darteed ayaga oo u gala qataro fara badan oo naftooda ah iyo kuwa ay u gaystaan nafta Dad kale ama Noole kale.

 

Sida badan marka lacag laga hadlayo qof walba si ayuu u macnayn lahaa, bals aniga waxaan oran lahaa waxaa jiro wax badan oo lacagta ay goyso iyo wax badan oo aysan lacagtu shuqul ku lahayn, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in lacagta loo haysto si wixii wanaagsan ay goyn karto loogu isticmaalo, balse aan la lumin waxyaabaha qaaliga ah ee aysan lacagtu goyn, sida iimaankaaga, shaqsiyadda, qofka kugu qaaliga ah iyo naftaada ama nafta qof kale.

La yaabka ayaa ah in dadka qaar raadinta lacagta ay raadiyaan ay ka tuurto in ay gooyaan nafta qof ayaga la mid ah doonayana inta ay doonayaan, hadaba, qiimaha nolosha qofkaas ma fahamsana ayaa la oran karaa, Shilin aad u goysay Nafta qof kale waa hubaal in aadan ku raaxaysan Karin, xaaladdu sida ay doonta ha noqotee, Dhiiga aadanaha waa qaali, si fudud qofka ku gooyaana hubaal in uusan harsasho heli doonin. Hadaba aan qiimayno qiimaha lacagta iyo waxa ay inoo goyn karto sidaas si la mid ah qiimaha waxa aysan lacagtu inoo goynin.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN