XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 56aad

                                          1-Dadka iyo danta
Dadku waligood daacad kuuma noqonayaan ee dantooda ayey daacad u yihiin mar walba, inta badan ay dantooda kaa arkayaana waa kuwa daacad kuu ah, inta badan ay dantoodu ka qarsoontana waa kuwa la qarsooma, danta ayaa dadka daacad isaga dhigta ee ma ahan Dadnimada iyo diir wadaagnimada.
Mmusa

                                                2-Doonista Alle 
Waxay dooneen in ay dilaan Nabi Yusuf walaalhiis, mase dhiman.
Way beeciyeen Nabi Yusuf, si uu u noqdo Addoon la adoonsado, wuxuusa noqday Boqor xukuma dhulkooda.
Waxaan uga dan leeyahay in aadan ka wal walin dhagarta dadka iyo hakrashadooda maankagana ku haay in doonista dadka ay ka xoog badantahay doonista Alle.
Mmusa

                                            3-Qalbiga, Caqliga, Damiirka
In qalbigu dhintay waxaa lagu ogaadaa, naxariista ayaa tagto.
In caligu dhintayna waxaa lagu ogaadaa, hal abuurnimada ayaa dhimata.
In damiirku dhintayna waxaa lagu ogaadaa, wax walba ayaa taga oo wax la ceebsado iyo wax la dhowrtaba ma jiraan.
Mmus

4-Intan ayaan kugu xitiraamayaa.
Waxba igama galin qaabka aad u muuqato, ehelkaaga, maalkaaga, iyo masnsabkaaga, waxa kaliya ee aan kaa eegayo ayaa ah, shaqsiyaddaada, Caqligaaga, Damiirkaaga, Akhlaaqdaada, intaas ayaan kugu ixtiraamayaa.
Mmusa

                                             5-Cudur daarashada
Raali galinta ama cudur daarashada mararka qaar micnaheeda maahan in aad khaladkaaga qiratay ee waa in aad qaddarinayso xiriirada isku kiin xira dadka qaar, kuwaas oo aad qaddarinayso ahmiyad balaarana aad siinayso jiritaankooda.
Mmusa

                                             6-Qaladkaaga qofkii raba wuu helayaa.
Qofkii raba in uu khaladkaaga arko wuu arkayaa indhoolaba ha ahaadee, sidaa darteed, ha isku dayin in aad raali galiso dadka, dantaada ka wado, hubi oo kaliya in aadan xad gudub samaynayn, wax ka badan xaqaagana aadan raadinayn.

                                                           7-Baahi badan ayaa jirta 
Baahi badan ayaa dunida ka jirta, ma ahan baahidaas Cunto iyo dhaqaale ee waa Runta, Jacaylka, Caddaaladda, Naxariista, Balan oofinta, iyo Amaanka, intaas haddii la helo Cunto iyo dhaqaale waa la helayaa.
Mmusa

8-Dunida hal mar ayaad ku noolaanaysaa.

Dunidan hal mar ayaad ku noolaanaysa waadna ka tagaysaa, sidaa darteed, marka aad gafto, cudur daaro, raaligalina bixi, marka aad saxantahayna xaaladaha aad ku saxantahay haka weecan, xitaa haddaad wax ku luminayso.
Marka aad faraxsantahayna muuji farxaddaada, marka ay murugo kula darastana, qarso oo la kaasho Allaha ku abuurtay.
Mmusa

                                         9-Ceebtaada qarso
Ceebtaada qarso oo qofna ha u sheegin, maxaa yeelay Alle hadduu kuu asturay adiga ma ahan in aad sheeg sheegto duruuftaada sida ay rabtaba ha noqoto.
Mmusa

                                          10-Qurxuda gudahaaga
Haddaad aragto quruxda qof kale una qirtid kuna qaddarisid, ogow in qalbigaaga uu qurxan yahay,
Inta badan ee aad dadka wax u ogolaataa, waa inta badan ee gudahaaga uu nadiif noqdo.
Mmusa

                                                      11-Quruxey!!!

Quruxey waxaa tahay foolxumada midda ugu fool xun marba haddii aadan Akhlaaq lahayn.
Wiliam shekerspear

                                                          12-Xaqaaga garo
Nolosha waa gaaris dhan walba ah, ma jiro xuduud ku celsha, in aad nolosha dhinac walba ka ogaato waa xaqaaga, ma ahan in aad isku xeertaa darbiyo Dhaqan iyo Diin, inta badan ee aad is fur furtaa waa inta badan ee aad wax ogaataa, ha xad gudbin oo xuuraanso.
Mmusa

                                                    13- Cimri iyo Caqli
In aad cimri ahaan korto waa qasab, balse in aad caqli ahaan korto waa doorashadaada.
Wiliam Shakespeare

14- Maladaada wanaaji

Mar walba oo aad maladaada wanaajiso, xaalkaaga ayaa Alle wanaajiyaa.
Mar walba oo khayr u rajayso dadka kale, khayrka ayaa kaaga yimaada meel aadan filayn.

Mmusa

                                                               15-Qof ku jecel 
Marka qof aad qalbi jabisid, ama iska riixidda iyo iska fogaynta aad ka badisidhadana uusan is baddalayn oo wali xushmaddii iyo xiisihii uu kuu muujin jiray wali wuu kuu qabaa, i aamin, qofkaas waa qof dhab kuu jecel ee ilaasho.

                                                        16-Qalbi wanaagsan
Marka aad qalbi wanaagsan leedahay, wax badan ayaad caawisaa, wax badan oo wanaagsan ayaad qabataa, aaminaadaada ayaa badata, wax bixintaada ayaa badata, jacaylkaaga ayaa bata, naxariistaada ayaa badata, nacaybkaaga ayaa yaraada, hadana dhaawicidda lagu dhaawaco ayaa badata.
Mmusa

                                                17- Dadka dareenka wanaagsan
Dadka dareenka wanaagsan waa in la kaydsadaa, marka ay wax jeclaadaan si qoto dheer ayey u jeclaadaan, marks ay fakarayaan si ka fiirsasho leh ayey u fakaraan, waa daacad, waa run sheegayaal, wax kula fudud ayaa la culus, uma baahna in ay is baddalaan marka xaaladaha adag ay lasoo darsaan, maxaa yeelay, hubnaantooda ayaa ku adkaysa in ay ahaadaan waxa ay yihiin.
Mmusa

18- Heahiis walba 
Heshiis walba ma ahan mid daacad laga yahay, mar walba qof ayaa lugta u laabantahay, taasise maahan mid waddada u xaaraysa in aad daacad noqon, mar walba toosnow oo daacad ahow.
Mmusa

                                                    19-Qasab maahan jacaylka.
Qasab maahan in wax walba ood jeclaataa ay ku jeclaadaan, balse waa in aadan joojin in aad wax jeclaataa, mar walba ku dadaal in nacaybku uusan saldhig ku yeelan laabtaada.
Mmusa

                                                                 20-Daacad ahow 
Ha filan in qof walba runta kuu sheego, maxaa yeelay mar walba waxaa jiraya qof been kuu sheego duruufta ku kalifta sida ay rabto ha noqotee, balse taas macnaheeda maahan in aadan daacad noqon, mar walba daacad  ahow.

                                         21- Maalin walba kuuma wanaagsana.
Maalin walba maalin wanaagsan kuuma noqon karto, maxaa yeelay shalay maanta maahan, barina maanta maahan, waasa ku qasbantahay in aad sida ay tahay ugu noolaatid.
Mmusa

la soco Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN