XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 85aad

 

1-Qof walba
Dadka Alle xad ayuu u kala sameeeyay qof walbana waxaa haboon in uu ku ekaado xadka noloshiisa.
Ma jirto meel uu Alle ku dhahay qof ha u noolaado qof kale dartiis, qof walba waan la xisaabtamayaa ayuu dhahay taas oo macnaheedu yahay qof walba noloshiisa ha maamusho maadaama uu isagu mas’uuliyaddeeda qaadayo xumaan iyo samaanba, si gooni ahna u dhadhaminayo macaan iyo qaraar, xanuun iyo caafimaad waxa uu ka helo noloshiisa.
Mmusa

2-Yaa yiri farxad ma gadan kartid?
Wax walba si xadaysan oo ku farxad galisa haddaad u samayso hubaal in ay farxad kuu goyn karaan.
Qofka yiri lacagta farxad kuuma goyn karto, hubaal in uusan aqoon sida loo isticmaalo lacagta.
Haddii aad dadka masaakiinta ah ka quudiso, naftaada waxa ay u baahantahayna ugu samayso, hubaal in ay farxad kuu goysay.
Mmusa

3-Wax doonista
Mar walba wax tabashada wax doonsita iyo wax raadintaba kali kuma ihid, waxaa jirto kumanaan kugu xaalad ah oo wax u doonaya ama u tabanaya sidaada oo kale, farqiga ayaa ah in qof walba tiisa ay la culustahay oo kaliya.
Mmusa

4-Waqtiga dhabta ah 
Waqtiga dhabta ah ma ahan midka aan saacadda ku aragno ee waa midka ficil ahaan laabteena ugu dhex nool, xusuusnow inta badan ee ay sii dheeraato tiiraanyadeena, waa inta ay sii gaabato farxaddeena.
Mmusa

5-Cimri iyo calool xumo
Cimri iyo calool xumaba kuma daayan inta noloshu ay socoto, muhiimaddu waa in aad leedahay meel aad gaari karayso, in aad gaartana ay kaa go’antahay.
Mmusa

6-Dhulka iyo qalbiga
Dhulku nolol ma yessho hadduusan Roob lahayn, sidaas si la mid ah Qalbigu nolol ma yeesho hadduusan cilmi lahayn!!!
Ibnu Qayim

Dhulka iyo qalbiga

7-Horumar
haddaad doonayso in aad horumar samayso waa in aad waysaa wax badan oo wayntooda ay kugu adagtahay.
Sida badan horumarka ayaa ku yimaada xanuun daran oo ku yimaada niyadda iyo laabtaba kaas oo ugu dambayn kacsha xubnaha go’ aan qaadashada toosan ee jirka.
In aad horumar samayso waxay u baahantahay in aad naf huris badan samayso.
Mmusa

8-Waan fahmi lahayn
haddii aan dhimashada natiijada ka dambaysa si fiican u fahmi lahayn, waxaan u fahmi lahayn nolosha si ka duwan sida aan hadda u fahamsanahay.
Waan hilmaami lahayn xaasidnimada, waan iska nici lahayn iska aargudashada iyo in aan uurka iskugu hayno xumaan iyo wixii kale oo shar noo ah.
Mmusa

9-Asbaabaha farxadda
Haddii aad rabtid farxad ku noolaasho waa in aad yeelataa indho arko quruxda iyo wanaaga, Qalbi cafiya xumeeyaha, Caqli si wanaagsan u fakara oo xumaha aan ku fakarin, iyo ruux ay buuxisay rajo wanaagsan.
Mmusa

10-Aqoonta calooshiis u shaqaystaha.
Aqoonta uu leeyahay qofka calooshiis u shaqaystaha ama aragtida gaaban waxay la mid tahay Seef loo galshay gacanta qof aan mas’uul ahayn ama tuug la yiri ilaali hanti la hubo in uusan nabad galinayn.
Mmusa

11-Haddaad dooratid
Hadaad dooratid stress iyo been ku noolaasho natiijadeeda waa caafimaad darro iyo xanuun aan dhamaan.
Mmusa

12-Saddex ka carar
1 Habar haddii ay ku jeclaato ka carar
2 shisheeye hadduu ku jeclaado ka carar
3 Xoolahana LO’ haddii ay kaa jeclaato ka carar.

Habar jacaykeeda xabad kama faaiidaysid sida aad isku garaaceesaan ayaad isku ag dhacaysaan waxna kalama helaysaan.
Shisheeyaha inta aad wax haysatid ayey ku rabaan ugu dambayntana waxaa laga yaabaa in intaas yar ay soo hugriyeeyaan kaana dishaan ama marka aad xoolo beesho ayaa kaa kala dhuuntaan.
Lo’da barwaaqada ayey ku qurx badantahay baar marka ay dhacdana kuma taqaan wayna baaba’daa
                                                        13-saddex ha ka harin
1 Tolkaaga hadduu ku naco ha ka harin
2Naag yar haddii ay ku nacdana ha ka harin
3 Geel hadduu ku nacana ha ka harin .
Tolkaaga hadduu ku naco lagama haro maalin ay noqotaba hiil iyo hoo kama waysid, abaar iyo aarana ayaga ayaad ka mid tahay.
Naag yar haddii ay ku nacdo lagama haro hubaal in marka aad jaanis ku hesho waxa aad ku shubto ay wax kaaga soo baxayaan dad iyo duunyana waad ka helaysaa.
Geel hadduu kaa dhinto iyo haduu kaa cararaba lagama haro hubaal marka uu bulaalo in maal iyo  magacba aad ka helayso.
Mmusa

14-Afar adduun iyo hal aakhir
Dad in la helaa dunida ayey u fiicantahay
Diin in la yeeshaa dadnimada iyo duunyada waa u fiicantahay
Deeq in la helaa waa quruxda dunida
Dambi dhaaf in aad heshaana waa darajada ugu sarreysa ee guusha aakhir iyo mid adduunba lagu gaaro
Janno in la helaana waa riyada uu qof walba ku riyoonayo noloshan dunida kadib.
Mmusa

15-Daganaanta qaar
Daganaanta qaar ma ahan mid macna ahaan ku tusaysa in aad tahay qof aan hadli karin oo cad goosan karin, ama shaqsi ahaan daciif.
Daganaanta waxay ku tustaa in aad tahay qof adkaysi badan, wax walbana waqtiga ku manaasabsan qaban kara ama ka fal celin kara.
Mmusa

                                                         16-Hagaaji
Marka qof walba uu naftiisa hagaajiyo waxaa la helaa bulsho hagaagsan, dhibka ayaa ah in bulshada sida badan aysan hagaagsanayn uuna jirin qof doonayo in uu is hagaajiyo.
Inta badan ee aad aragtaan umad guul dareesatay, waa inta badan oo umaddaas aysan ku dadaalin ama ku fakarin in ay is hagaajiyaan.
Dhibka iyo dheefta mar walba waa kuwa ku dhex wareegayaan Noolaha oo dhan sida aad ula tacaasho ayey noqotaa natiijada dambe.
Ka bilow wanaaga iyo hagaajinta naftaada iskuna day inta aad umad hagaajin karto in aad maskaxiyan u hagaajiso.
Mmusa

17-Xurmo
Wax walba sida loo xafido ayey u xurmad u yeeshaan, fadlan xafido wax walba oo qaali kugu ah si xurmaddooda iyo taadaba aysan u lumin.
Mmusa

                                                           18-Qosolka iyo qaraaxada
Qosolkaaga iyo qaraaxadaada oo badata waxay caddayn u tahay in aadan u dhawayn dhanka taqwada, maxaa yealay, qofka taqwada u dhow sida badan wuu dhoola caddeeyaa qaraaxadiisana waa yartahay.
Qosolka xad dhaafka ah waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto dadka xumaanta u saaxiibka ah.
Mmusa

                                                      19-Ha aaminin
Ha ku qancin, hana aaminin dabeecadda qof aan xanaaqiisa maamuli karin ama xakamayn karin.
Cumar Binu Alkhidaab

20-Geesinimada
Gèesinada ma ahan oo kaliya in aad horey u socoto oo aadan baqin, laga yaabee mararka qaar in aad istaagto, oo fakarto, xeeladaysatana ay geesinimada qayb ka tahay.
Mmusa

la soco axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN