XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 90aad

 

                                                      1-Qalbi daboolan 

Qof qalbigiisa uu Alle daboolay, maqalkiisa iyo aragiisana ma shaqeeynayaan.

 

                                                        2-Wax u sheegis

Qof ujeeddo leh ama rabitaan gaar ah ay naftiisa ku jeeddo in aad wax u sheegto iyo in aadan u sheegin waa iskugu mid.
Sidaa darteed, waa in aad dhab u aqrisaa qofka inta aadan isaga lumin enerji iyo wax u sheegis.
Mmusa

                                                            3-Dunida

Dunida waa goob waxbarasho oo maamulaheedu yahay waqtiga, macalinkeeduna yahay Qaddarka, ardaygeeduna yahay Baniaadamka.
Mmusa

                                                4-Aamusnaanta iyo wax maqalka.

Ha ku mashquulin kuwa taageerada kuu ah oo mar walba kuu sacab tuma iyo kuwa ku mucaaradsan ee mar walba kugu oorsha ama kugu ooriya (kugu camirto)
Muhiimadda waa in ay indhahaaga aragtidooda u furnaadaan bartilmaameedkooda Dunida iyo Aakhiraba, kaas oo lagu magacaabo carabi ahaan  ama dadkeena qaar ay u yaqaanaan (Hadaf).
Ka yeelo hadafkaaga Waddada aad u mari lahayd  Aamusnaanta iyo wax maqalka.
Mmusa

                                             5-Dunida wareegeeda

Dunida wareegeeda waa afar xaaladood oo kaliya sidaa darteed, waxaa kuu wanaagsan in aad mar walba xusuusnaataa afartaas xaaladood marka ay kula soo darsaan xaalada adag oo in aad marto ay dhib kugu tahay.
1 waa in aad garataa Mabda’aaga waxa uu yahay oo mar walba xaaladaha adag aad marayso aysan kaa marin habaabin waxa uu mabda’aagu yahay.
2 Waa in aad garataa in aad tahay Bani aadam aysan xaaladdiisu daganayn looguna tala galin in ay noqoto mar walba sida isaga farxad galisa.
3 waa in aad garataa oo fahantaa in dunida iyo waxa dul joogaba ay yihiin wax bilow leh dhamaadna in ay yeeshaan ay qasab tahay, taas oo macnaheedu yahay in dunidu wax yar tahay, sababtaas darteedna aad isku murjin.
Adiga safar ayaa ku timid dunida oo jirta waadna ka tagaysaa iyada oo sii jirta.
4 waa in aad garataa in dunida wareegeeda uu yahay mid dag dag badan oo maanta haddaad haysato wax aad ku faraxdo barito aadan haysanayn, waana qaabka ay dunida u samaysantahay.
Sidaa darteed, adiga iyo dunidaba dag dag ayaa la idinka abuuray, waxa kaliya oo looga guulaysan karo 4tan caqabadoodna ay tahay Garasho dagan iyo Iimaan dhab ah.
Su’aashu waxay kusoo laabanaysaa naftaada, bal is waydii sida aad ku qiimayn lahayd naftaada.
Mmusa

                                                      6-Dib u fakar 


Dib u fakar oo xisaabi ficiladaada, laga yaabee mararka qaar ficilo samayntooda kula macaan riyana kuu ahayd samayntooda in ay kusoo dhamaadaan Dab basay oo Deeb ama Dambas noqday wax uu tari karana aysan jirin.
Waa in aad si fiican u miisaantaa una garataa awooddaada iyo sharaftaada.
Aqrintaadu ha badato si la mid ah dhagaysigaada iyo wadaajinta waxa aad dhab u haysatid ama garanaysid.
Mmusa

7-Biyuhu isma baddalaan.


Biyuhu isma baddalaan biya lee ahaanayaan haddaad dhex galiso koob dahab ah iyo haddii kalaba.
Muhiimadda waa in aad noqotaa sida biyaha oo kale oo xaaladaha iyo fikradaha dadka aysan saamayn ku yeelan qofka aad mar walba tahay.
Musa

                                                       8-Qalbiga 


Qalbiga adag waxaa kasoo baxo Erayo adag.
Qalbiga jilicsan waxaa kasoo baxo Erayo jilicsan oo macaan.
Mmusa

 

9-Dadka isku dhow 

Qof walba wuxuu jecelyahay in aad noqoto sida isaga oo kale, balse waxay moogyihiin in qof walba uu himmad iyo dariiq gaar ah oo nolosha ka arko uu leeyahay, waana taas midda keenta sida badan qilaafka nololeed ee dhexmara dadka isku dhow sida ay rabaan ba ha iskugu soo dhawaadaan.
Mmusa

                                                    10-Afka iyo Laabta

Ma ahan erayda afka qofka kasoo baxa kuwa ku riixo halka uu doonayo ama ka riixo halka uu doonayn.
Erayada afkaaga kasoo baxo waa qareenka laabtaada, laabtaada sida ay doonayso ayuu afkaaga u hadlaa.
Mmusa

11-Dadka iyo bukaanka

Dadka oo dhan isku si ha kula dhaqmin, maxaa yeelay bukaankaba jaradiisa isku daawo uma qaato.
Mmusa

12-La tartan

Tartan dunida ah marnaba qof hala galin, haddaad aragto qof kugula tartamayo dunida uga har, balse qofka aakhira kugula tartamayo isku day in aad tartankaas uga guulaysto.
Midna xusuusnow in Alle siiyo dunida qofka uu jecel yahay iyo qof uusan jeclayn ba, balse aakhira uu siiyo oo kaliya qofka uu jecel yahay.
Mmusa.

                                                            13-Mar walba Rajo..

Halka ay ka jirto Burbur iyo Balaayo, Murugo iyo Mixnad, mar walba waxaa ka jiraya Rajo wanaagsan taas oo maalin uun lagu barwaaqaysto, sidaa darteed marnaba yeysan hoos u dhicin rajadeena.
Mmusa

14-Muhiimadda

Hugunka ama Gugaca dhawaqoodo ma ahan waxa dhulka ka soo saara Miraha ee waa Roobka dhawaqiisu ka yaryahay qayladooda.
Xikmadda aan uga dan leeyahay ayaa ah in dhawaqaaga ama muuqaalkaaga oo mug weyn yeeshaa uusan macna samaynayn ee ficilkaaga iyo erayada saamaynta yeesha ee afkaaga kasoo baxa ay muhiimaddu tahay.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN