XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

xf

                                                XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 13aad

 

                                  SALAANTA IYO BARYADA ALLE BADI

CUMAR BINU KHIDAAB WAXAA LAGA HAYAA IN UU YIRI “ DAD WAXAA UGU BAKHIILSAN KAN SALAANTA LA GABADA OO KA XISHOODA, DADKA WAXAA UGU CAAJIS BADAN KAN KA CAAJISA BARYADA ALLIHIISA

Halkaas waxaan ka garan karnaa in salaanta ay aad muhiim ugu tahay Bulshada, maxaa yeelay, waa mid abuurta kalsoonida Umadda isku qabto, sidoo kalana abuurta is jacaylka dadka, waxaa kaloo laga sii fahmi karaa hadalkaas in Caajislow ka xun uusan jirin midka baryada Alle ka caajisa, oo sidee qof uga caajisayaa baryada Alle?

 

                                  QOF AAN CEYB LAHAYN MA JIRO

FUDAYL BINU CUMAR wuxuu yiri “ qofkii raadiyaa walaal aan cayb lahayn wuxuu raadiyay walaal la’aan

Micnaha guud ee hadalkaas inkastoo uu daboolayo in dadka walaalaha ah ay mar walba ceeb ama is qabasho dhex mari karto, hadana waxaan kasii fahmi karnaa in uu daboolayo guud ahaan dadka ehelka ah iyo kuwa xiriirka guurka ku dhisan dhex maro, hubaal qofka bani aadamka ah in uusan noolaan Karin qof kale la’aantiis

Waa hubaal dadka aad ugu jeceshahay noloshaada ee aad wax wada wadaagtaan in ay leeyihiin Iin (CEEB) badan oo aadan jeclayn, hadana taas macnaheeda maahan in aysan dadkaaga ahayn.

fartaada oo xumaato filiq filiq kaagama harto ayaan maqli jiray, ee hala is asturto yaan la isla yaabinee.

Mmusa

 

                                                  YAA KAAMILAN?

Dumarka iyo Ragaba mid dhamaystiran ma jiro ilaa ay ayaga is dhamaystiraan, sideese isku dhamaystiraan?

Waa su’aal muhiim ah, jawaabta aan taa ka oran lahaana waxay tahay “ dumarku ma ahan kuwa kaamilan oo mar walb wax baa ka maqan sida runta ah, mar walbana wax bey tabaysaa, Riyo wanaagsan oo ah in ay nin kaamilan heshana waa ku riyootaa sidaa si la mid ah Ninka, la yaabka ayaasa ah in labadoodaba wax kaamilan aysan jirin, kaamilnaantoodana ay ku imaan karto marka ay kulmaan oo ay wax wada wadaagaan, sidaa darteed, riyada ah nin kaamilan ama naag kaamilan ayaan doonayaa iska saar oo u garo arrinta ay tahay in la is kaamilo.

Mmusa

 

TARTANKA WUU FURAN YAHAY

Tartanka nolosha waa mid dhinac walba ka furan qof walbana tartan ayuu ku jiraa, dhinaca la doonaba haloo macneeyo tartankaas ama halaga eego, dhabta ayaasa ah in nolosha ay tartan tahay, faan ma jireen haddii tartan uusan jirin, raaxana ma jirteen haddii uusan tartan jirin, sidaas si la mid ah rafaad iyo guul iyo guul darraba, hadaba bal is waydii tartanka aad qaybta ka tahay waa kee?

Ibnu rajab isaga oo macneeynaya tartan la galo kan ugu qiimaha badan ayuu yiri sidan “haddii aadan awood u lahayn in aad la tartanto dadka saalixiinta ah acmaashooda, kula tartan in aad dambi dhaaf u waydiiso kuwa dambaabaya mar walba oo adiga naftaada ay ka mid tahay

Micnahaas oo aan ka fahmi karno in tartan la galaa uu ugu qiimo badan yahay tartanka loo galo Jannada oo dadka saalixiinta ah lagula tartamo, haddii aad taas ku guul darraysatana in ugu yaraan aadan ka caajisin ama ka bakhiilin walaalahaaga ducada ah i naad Alle dambi dhaaf u waydiiso, waa midkaas tartanka qiimaha leh ee ma ahan midka dunida ee faanka iyo fara isku taaga uu ka muuqdo.

Mmusa

                                            WAA KUMA KAN FOOSHA XUNA 

Waxaa la waydiiyay Xakiim bal in uu jiro qof ka fool xun Bakhiilka? Markaas ayuu ku jawaabay (haa) waxaa ka sii fool xun bakhiilka kan deeqsiga ah ee mar walba ku mannad sheegta qofka uu wax siiyay, waa midkaas kan ugu foosha xun dadka, hadaba wanaag samee balse, in aad hilmaanto isku day, hana u samayn wanaaga in aad baddalkiisa wax ku hesho.

Mmusa

                                               AAN IS KARAAMAYNO!!

Mar walba oo ay Umad isku diiddo Karaamada Nolosha, Degaanka iyo Caafimaadka ay xaq u lahaayeen waxaa bata dhimashadooda iyo karaama darradooda, waxaana hoos u dhaca qiimahooda Dadnimo, waxayna waayaan wax walba oo ay xaq u lahaayeen, hadaba umaddaas soo umaddeena maahan marka xaalka hadda lagu jiro la qiimeeyo?.

                                 INTAN BIXINTOODA KU DADAAL

Gacantaada fidi adiga oo doonayn in dib wax laguugu soo celsho, micnaha wax dhiibka badi adiga oo waxba rajaynayn

Dhoola caddaynta badi adiga oo is lahayn farxadda kaa muuqato hala dareemo. Bixi waqtigaaga oo ku bixi inta u baahan iyo naftaada danteeda.

Jacaylka noolaha oo dhan badi adiga oo u eegayn Diin iyo issirnimo, balse, taas macnaheeda maahan in aad xitaa jeclaato kuwa xumaanta u saaxiibka ah, micnaha waa inta wanaagsan ee bulshada faa’iidada u leh Dad iyo dugaagba. U faaiidee dadka inta aad is leedahay waad ugu deeqi kartaa oo faaiido ah.

Warbixinta wanaagsan ku dadaal faafinteeda, kana gaabsho warbixinta xun iyo wax kasta oo wax u dhibi kara niyadda qofka Noolaha ah ama Xayawaanka.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN