XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor






                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 101aad
                                                     17-Ixtiraamka Dadka
Ixtiraamka aad dadka ixtiraamtid micnaheeda maahan in aad u baahantahay ama wax uga doonaysid ixtiraamnimadooda. sidoo kale looma fasiran karo in aad ku qaddarinayso booska uu markaa qofku taagan yahay ama mansabkiisa.
Ixitiraamka waa qayb ka mid ah tarbiyada iyo akhlaaqdaada xitaa yuusan mudnaan qofka aad ixtiraamayso.
U ixtiraam Noolaha in ay aqlaaqdaada iyo tarbiyadaada tahay, ha uga dan yeelan dana gaar ah.
Mmusa
Waddadu ma dheeraato mana laga caajiso ku socodkeeda marka uu wahelkaaga yahay qof qaali ah.
Sidoo kale farxad la’aan ma noqdo qof haysta qof fahmi kara.
Mmusa
 
                                                2-Ixtiraamka 
Dunida marka la jooga ixtiraamka wax walba wuu ka sarreeyaa.
Wuxuu ka sarreyaa Runta
Wuxuu ka sarreeyaa Qaraabada
Wuxuu ka sarreeyaa Jacaylka .
Ixtiraamka wax kasta oo naf leh ayaa mudan Dad iyo Dugaagba.
Mmusa
                                                          3-Xanuunka Akhlaaqda
Xanuunku jirka kaliya kuma dhaco ee Akhlaaqdana wuu ku dhacaa.
Haddaad aragto qof Akhlaaqda ka jiran, ugu ducee sida aad ugu ducayn lahayd hadduu ka xanuunsan yahay Jirka.
Adigana Alle uga mahadnaq Akhlaaq xumada qofkaas lagu imtixaanay ee aan lagu marsiin.
Mmusa
                                                   4-Nolosha waa tijaabo.
Nolosha waa mid tijaabo iyo dhib badan.
Dhibkeeda xikmad uga kororso.
Farxadeedana niyad wanaag.
Guuldarradeedana awood uga kororso.
Mmusa
 
                                                            5-Dadaal badan.
Haddii aad dadaal badan samaynayso micnaheeda waa in aad horumar samaynayso.
Mmusa
                                                      6-Nafta harsasho ma lahan 
Nolosha wax la hubo in la wada helayo waxaa ka jirta Dhimasho, Qof walba nuuca uu doono ha ahaado, nolosha heerka uu rabo haka taagnaado, hubaal in dhimashada ayna wada sugayso, sidaas darteed, waxaa wanaagsan in qof walba marka uu habeenkii sariirtiisa tagayo uu codsado dambi dhaaf maxaa yeelay, ma ogid in aad gaarayso maalinta xigta ama saacadda xigta, wax gacan kuugu jirana ma jiraan, sidaa darteed, qorshahagaa balaaran ha ahaado mid mar walba ku jaan go’an in uusan meel dheer ahayn.
Nafta dunida geed ay ku harsato kuma lahan, damac badan iyo dareen aan dhamaan ayey ku leedahay.
Mmusa
                                                          7-Ha xukmin
Ha xukmin ikhtiyaarkiisa haddii aadan aqoon u lahayn sababta ikhtiyaarkiisa.
Sidoo kale ha xukmin sababta ikhtiyaarkiisa marba haddaadan ku noolayn noloshiisa.
Mmusa
                                                             8-Dunidaada
Dunida inta aad ka ogtahay ama uga nooshahay waa in kooban oo adiga kuu qaas ah.
Sidaa darteed, la wadaag cidda aad doonto oo u fur albaabadaada, cidda aad doontana ka xiro albaabadaada, micnaha inta ku farxad galisa albaabadaada u fur, inta dhib iyo lug-gooyo kuu wadana ka xiro albaabkaaga.
Daganaantu waa Nimco
                                                     9-Aamusnaantuna waa Nolol
Waxa labadaas u dhaxeeyana cid garanaysa ama garan kartaa ma jirto.
Mmusa
                                                      10-Nolosha way ku burburin kartaa
Nolosha way ku burburin kartaa marar badan, waxay ku tustaa wax aadan jeclayn aragooda, waxay ku dareensiisa murugo, guul darro, iyo Quus.
Balse waxa kaliya oo aad uga guulaysan karto intaas ayaa ah in aad mar walba ka kacdo oodan quusan qof adagna noqoto.
Mmusa
                                                       11-Way xanuun badantahay
Wey xanuun badantahay runtii marka ay kaa faafiyaan waxa ay kaa aaminsan yihiin, balse gudaha aadan ka ahayn.
Mmusa
                                         12-Niyaddaada ha cuuryaamin.
Niyaddaada waxaa kula sheekaysatid ayey u gudbisaa xubnaha fulinta ee jirkaaga,waana markaas marka naftaada aad u go’aamiso waxa ay noqon karto iyo waxa aysan noqon karin.
Haddaan sii caddeeyo dulucda jumladan kore oo tusaala ka baxsho ayaa ah in haddaad naftaada u sheegto in aysan ku noolaan karin meel hebel sababa jira awgood adiga oo iska dhaa dhiciya in haddii meel hebel aadan ka heli karayn shaqada aad ku haysato meesha aad joogto aadan ku noolaan karin.
Xaqiiqda marka laga hadlo ma wanaagsana marnaba in aad naftaada kula sheekaysatid wax niyad jab ama caqabad nololeed ku noqon kara.
Inta badan oo buuro aad ku gadaanto naftaada waa inta badan oo aadan meelna u dhaqaaqin, haddii aadan meel u dhaqaaqi karina xaqiiqda waxay tahay in aad tahay qof qalbiga ka cuuryaan ah.
Cuuryaanka sidiisaba waa qof aan waxa uu doono qabsan karin, haddii maskaxdaada ama laabtaada aad u sheegtid in aadan waxba qabsan karin ma qabsan karaysid oo naftaada ayaa cuuryaamisay.
Cuuryaanimada sideedaba waa laba qaybood, mid waa mid Alle xagiisa ka timaada midna waa midda aad adiga isku samayso, midda Alle xagiisa ka timaada waa mid qofku hadii uu nuuxsan karo niyad ahaana uu wanaagsan yahay uu wax qabsan karo, balse midda dadka ay isku sameeyaan ayaa ah midda ugu xun taas oo gabi ahaanba wax ka baddasha shaqsiyadda qofka.
Naftaada mar walba ku dhiiri gali in waxa ay doonto ay qabsan karto waxa ay doontana ay noqon karto si ay u gaarto hadafyada ay tiigsanayso ama yoolkeeda.
Qore : Mohamed Musa Shiikh Noor
                                          13-Door ku yeelo doorashada noloshaada.
Haddaadan noloshaada doorashadeeda door ku lahayn mar walba waa dayacnaanaysaa.
Mmusa
                                                            14-Socodka badi
Rajada fiican iyo farxadduba way imaanayaan ee adiga uun haka daalin in aad u socoto raadintooda.
Qiimaha maamuska wanaaga ayaa ah in aan raadintiisa laga caajisin waana hubaal abaal marintiisa in ay imaanayso.
Mmus 
                                                               15-walwalka
Walwalkaaga oo bata waxba kama baddalo natiijada qaddarta laguu yabooha, sidaa darteed, walwalka iska dhaaf oo u dhug yeelo wajihidda qaddarta ku heshay iyo in aad u tabaabusheesato talaabada xigta.
Mmusa 
                                                         16-Waa riyada qof kale 
Camalkaaga xun waa riyada qof walba oo shaydaan ehel ka dhigto.
Cunugaaga dhibka badan waa riyada midka ma dhalaha ah.
Gurigaaga yaraanta badan waa riyada mid walba oo barkaca ah.
Hantidaada yaraanta badan waa riyada mid walba oo deymeesan.
Caafimaadkaaga yarka ah waa riyada mid walba oo xanuunsan.
Ceebtaada asturan waa baahida mid walba oo ceebaysan.
Toosnaanta aad Alle u toosantahay waa riyada mid walba oo dambi la daala dhacaya.
Uga shukri Alle nimcada uu kugu mannaystay dibna u xisaabtan.
Mmusa 
W/Q: Mohamed Musa Noor
ekisyare@hotmail.com                                            
xabuu8@gmail.com
 

SHEEKOOYIN