XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 115aad

                                        1-Dumarka iyo labiska waayadan

Waxay kulanka saaka timid iyada oo xiran dhar muujinaua quruxda jirkeeda, indhaha raguna ay wada qabanayaan.

Kulanka kadib ayuu si qaas ugu yeeray isaga oo si wanaagsan u eegaya ayuu ku yiri wax aysan waligeed hilmaami doonin.

“Gabar yahaye ma ogtahay in wax walba uu Alle sameeyay ay qiima gaar ah leeyahiin, shay walba oo dunida qiima ku lehna wax lagu daboolay si dadku u daah furtaan marka ay doonayaan.

Dunida kor waa ka dadantahay waxa ku hoos duugana waa wax qiima wanaagsan u leh nolosha, wax walba oo qiima nolosha u lehna hiliddoda way adagtahay.

Wuxuu waydiiyay halka laga helo DIAMONDS

Jawaabta ay bixisay waxay ahayd in dhulka hoostiisa laga helo, halkaaana uu amaan ku yahay.

Xagee laga helaa kuul la xirto tan ugu quruxda badan ee lagu magacaabo PHILIPPINE

PEARLS??…

Markaas ayey ku jawaabtay salka hoose ee Palawan Ocean, halkaasna ay dhagaxaanta quruxbadan ee lagu magaaco sheel ay isku dadaan

Xagee laga helaa Dahabka ayuu waydiiyay?

Waxay tiri waxaa laga helaa dhulka hoostiisa iyada oo ku dul dadayihiin buuraha, si looga soo saarana shaqa adag ayey u baahantahay khatar badan oo nafeedna waa loo galaa!!!

Indha la yaab iyo daacadnimo ka muuqato ayuu inta ku eegay ku yiri jirkaaga sidaas oo kale ayuu u qiima badan yahay sida Alle wax walba oo qaali ah uu u asturay ayaana la doonayaa in aad u asturato, waa jirkaaga dahabka iyo dheemanka, wax qalba oo dunida qaali ku ah ayuu ka sii qiima badan yahay.

Wuxuu kula dardaarmay in ay ilaashato qasnaddeeda kaydadka qaaliga ah ugu jiraan sida ay u ilaashan lahayd dahabka iyo dheemanka iyo kuusha qaaliga ah ee lagu magacaabo pearls haddiiba ay haysato ama haysan lahayd.

Wuxuu yiri maadaama kayadad badan oo qaali ah aad haysato waxaa tahay qof mar walba loo baahan yahay kuwa waxyaabaha qaaliga ah gatana way la soo xiriirayaan dolwaddaada ( Qoyskaagaa) waxayna saxiixayaan heshiiska guurka ku salaysan, sababta ay sidaas u samaynayaana waa in aad xafidatay macdantaada qaaliga ah una ilaalisay sida la doonayay in aad u ilaaliso.

Laakin haddaad ka tagi lahayd macdantaaada qaaliga ah, dabooli lahayna, waxaa soo jiidan lahayd ama dhiiri galin u samayn lahayd kuwa sharci darrada ku kaluumaysta iyo kuwa waxyeelada u gaysta Bay’ada, si sharci darro ah ayeyna kaaga kalluumaysan lahaayeen..

Jirkaaga si wanaagsan oo qurux badan u asturo si aad u marti galiso ku xeeldheerayaasha aqoonta u leh sida loo asturto waxyaaba qaaliga ah, (raga wanaagsan)

Aan ku dhiiri galino gabdhaheena, xaasaskeena iyo gabdhaha walaalaheena ah asturidda jirkooda.

Haddii ay kula tahay in aan mowduuc wanaagsan ka hadlay fadlan la wadaag asxaabtaada, waana ku mahadsantihiin aqrinta.

Mmusa 

                                                   2-Talada ayey iga qaldeen!!!

Waxay u sheegeen in ay iska furto ninka ay qabto sababtana waa in uusan toban jibaar u qalmin, waxay u sheegeen in ay qurux badantahay tahayna qof guulo badan, naag heerkeeda oo kalana ay u qalanto nin ka qiima sarreeya midka maanta ay qabto, ma aqaan qiimaha halka ay ka eegeen balse waa sida ay u dhigeen hadalkooda.

Waxay kaloo sheegeen in ay u qalanto nin ka muuqaal wanaagsan kan ay hadda u dhaxdo kana shaqa wanaagsan kana fiira dheer, dhaqaala wanaagsaan iyo shaqsiyada wanaagsana leh.

Dhagta ayey u dhigtay dhehidda ay dhahayaan dhugteeda hoose ayeyna usii gudbisay iyada oo walba laabta kala guuxaysay kalsooni darro iyo qanaaco darro isku biirsatay mar walba waa aaminsanayd in wax uun ay ka maqan yihiin.

Ugu dambayntii taladii ay siiyeen ayey qaadatay waxayna dayacday meel cidla ahna uga dhaqaaqday reerkeedi u dhisnaa ugu dambayntiina burburiskiisa sabab u noqotay iyada oo baadi goobaysa baadi baahi nololeed oo tan dhaanta waa sida ay markaa is tusisayee.

Hadd muddo 7 sana ah ayaa kasoo wareegtay inta ay baadi goobayso ninka leh tilmaanta loo sheegay micnaha nolosha ay doonayso ninka siin kara.

La yaabka ayaa ah in saaxibadan kula talshay in ay sidaas samayso ay wada dumar ahaayeen, mid walbana uu reerkeeda u dhisan yahay aysana jirin mid ka tagtay ninkeeda ama dumisay reerkeeda ayaga oo kuwada dadaalaya in ay gurigooda dhidibada usii adkaystaan.

Fadlan ka taxadar talada qofka aad ka qaadanayso marka ay timaado guurkaag iyo xiriirka aad guurkaaga ugu gogol xaarayso, naftaada cid baahideeda kula dareemi karto waaba yartahay, hadana waxaa wanaagsan mar walba in muhiimadda aad siiso naftaada sida ay wax u doonayso taasna tala aad kala galin karto haddiiba loo baahdo qof jahada aad u socoto kuula socon kara.

Waxay dhaheen talada aad nacas ka hesho si nacasnimo lehna aad ugu dhaqanto tala nacasnimo ayey ahaanaysaa mar walba.

Qof walba oo tala kugu siiyaa duminta gurigaada ama hagrashada qof ay nolosha kaala dhaxayso waa in aad kasoo qaadaa cadowga koowaad ee qoyskaaga, qofka nuucaas oo kalana maba ahan in aad u ogolaato in uu noloshaada qayb ku yeesho amaba ka noqdo, waxaana lagu tilmaami karaa cadow iskaga kaa dhigaya saaxiib.

Ninka faqriga ah iyo ninka caajislowga ah waligood isku mid ma noqon karaan, haddii ninkaaga uusan maanta waxba haysan micnaheeda maahan in uusan barina waxb haysanayn oo sidaas uu sii ahaanayo, mar walba is baddalku wuu imaanayaa, muhiimadda waa iimaanka uu qofku ku qabo abuurihiisa ( Alle) iyo sida uu u yahay qof Alle ka cabsi badan, jacayl badan, naxariis badan, kuna faraxsan nimcada Eebe ku mannaystay fahamsana taas.

Waxa jirto oraah oranaysa laba waddo ayaa jirto taas oo lagu magacaabo HADDA IYO HADDA KADIB.

Haweenayda waa in ay hadda ku dooraataa ninkeeda dulqaad iyo kartida uu leeyahay si hadda kadib haddii xaaladaha aan la jeclaaysan ay u yimaadaana ay ugu dhabar adeegto, haweenayda yeysan rajayn in nin kaamilan ay guriga hooyadiisa kasoo wadan karto, waxay heli kartaa oo kaliya isaga oo sida ay jeceshahay qayba ka mid ah leh, waasa in ay iyadu ka dhigataa sida ay doonayso oo u dhamaystirtaa sida ku cabiran muuqalk ay jeclaan lahayd in uu yeesho.

Ninka raga ah laba jeer ayey dumarku ku qasban yihiin in ay dhisaan oo sida ay doonayaan u dhisaan.

mar waa marka uu yahay wiilka ay dhashay marka kalana waa marka ay u dhaxdo. Labadaas jeerba ninka dhisid ayuu uga baahan yahay dumarka, marka nin marka aad dhashidna aad hooyadiis tahay oo aan kaa maarmin, marka aad u dhaxdidna aad xaaskiisa tahay, haddii aad ku eedo in uusan dhamaystirnayn hubaal in qofka dhamaystiran uusan adiga ahayn.

Ma ahan guurka siriirta oo ubaxyo qurux badan lagu daadsado ka taxaddar qaabka uu noqonayo guurkaaga.

Mmusa 

                                           3-Nin wanaagsan waaydan lama helo!!

Waayadii hore in nin wanaagsan la helo waxay u fideed sida ay u fududahay maanta in afkaaga aad cunto galiso marka aad haysato caafimaad aad wax ku cunto iyo xaalad kuu saamaxdo.

Laakin waqtigu wuu is baddalay hadda, maalmahana la mid maahan maalmihii hore marka laga hadlayo helidda nin wnaagsan oo qoys dhaqan kara, sababaha aan ku macnayn lahaa helid la’aantiisana waa sidan hoos ku qoran.

1- hadduu qurux badan yahay caqliga ayaan ku filnayn.

2 -hadduu fir fircoonyahayna uma firi fircoona xaaskiisa!!

3 -hadduu xoolo leeyahayna xushmad darradiisa ayaa badan

4- haddii uu shaqa yaqaan yahayna waqtiga uu qoyskiisa siiya ayaa aad u yar.

5 – midka aad is leedahay waa daacadna furriinkiisa ayaa badan.

5 -haddaad is tiraahdo wuu naxariis badanyahna waaba shiid ma shaqaysta ah!!

6 -mas’uul hadduu kuula ekaadana ma ahan mid qalbi jilicsan ama romantic la dhihi lahaa.

7- hadduu aqoonyahan yahayna cilladdiisa waa in uu mar walba isla saxan yahay.

8 -hadduu taajir yahayna jaahilnimadiisa ayaa badan.

9- haddii uu caqli badan yahayna beentiisa ayaa badan.

10- haddii uu dhan walba ka kaamilan yahayna boos ayaan ka banaanayn oo afarta ayuu buuxshay.

11- haddii uu dhirir badan yahayna waa qayaanoole qalbi xun

12 -haddii uu naxariis badan yahayna dookhaaga ayaa laga yaabaa in uusan ahayn.

Tilmaamahan marka ay yeeshaan dumarka ku xusha raga shuruudaha, wax kale uma furna dumarkaas aan ka ahayn in ay kaligood ahaadaan haddiiba ninka ay rabaan sifadiisa aysan heli karayn.

Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN