XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                       XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 119aad

                                     1-Falsameeyaha yuusan kuu muuqan.
Waa meel aan mar walba u shaah doonto, waxaa milkiyad u leh islaan Itoobiyaan ah, ma dhihi lahayn qof hebel waan necbanahay ama jinnigayga ayaa neceb, hadana qaabka ay shaqaalaheeda ula dhaqanto ma ahan mid aan ku farxo waana mid igu abuura mar walba oo arko iyada oo shqaalaheeda ku qaylinaysa xumaan ama dhibsasho aan islaantaas ku dhibsado qaab dhaaankeeda.
Dabcan waa milkiilaha meesha aan jeclahay in aan usoo shaaheeyo, waa waajibkeeda in meesheeda iyo qaabka shaqadeeda ay mar walba wanaajiso, shaqaalaheedana ku qanciso ama u ku tartarsiiso sidii ay u noqon lahaayeen qaabka ay rabto.
Gar way u leedahay xaqna way u leedahay in shaqaalaheeda ay sida ay doonto ula hadasho marka laga hadlayo qaabka ay ugu shaqaynayaan macaamiisha usoo shaah doonato meesheeda.
Runtii ma jeclaysan qaab dhaqankeeda aad ayey u qayla badantahay waliba aad ayey isku qaad qaadaa, iyada oo muujinaysa awoodeeda ah in ay ka sarrayso qofka shaqaalaha u ah, taasna ma ahan mid aan dhaqan ahaan jeclaystay, hadana waxaan ahay mid qof walba waxa uu yahay ku qaddariya.
Muuqaalka aan wanaagsanayn ee mar walba islaantaas aan ka arko wuxuu igu sii baahiyaa shaqsiyan fakarka aan ka aaminsanahay qoftaas ee xumaanta u badan.
Aniga oo mar walba oo jawi aan qurxoonayn ku arko islaantaas ayey galab ka mid ah galabaha aan ka shaahayey meeshaas igu soo dhacday in islaanta muuqaalkeeda iyo shaqsiyaddeeda inta iska daayo ku mashquuliddeeda aan bal xoogaa yar naftayda dhaqan ahaan dib u eego, mise waxaa ii soo baxday aniga naftayda inkastoo aanan u dhaqmin qaabkeeda oo kale hadana aan kala simanahay sifooyinka qaar sida qaylada oo mararka qaar i dareen tirta ina gaarsiisa in aan qofka ku dhaho wax uusan iga mudnayn, naftayda in aan dib u xisaabiyo ayey islaantaas sabab u noqotay.
Dulucda qoraalkan gaaban waxaan usoo qaatay marka aad aragto wax dareenkaaga baddala ama kaa yaabiya in aadan kusii mashquulin falsameeyaha xaaladdaas, micnaha qofka arrintaa samaynaya ee aad dib xisaabin nadtaada ugu laabato oo cashar aad kala baxdo shaqsiyan sifada aad kala mid noqon karto qofkaas, haddii markaa ay jiraan meelo ay mudnaan lahayd in aad iska baddashana aad iska baddasho.
Mmusa 

                                     2-Maxay tahay sababta nacaybka iyo yasmada?

Mar aan meel ku fakarayay aqris gaabana aan ku mashquulsanaa ayaa waxaa igu soo dhacday in labada dabaqadood ee dunida ka koobantahay ee ah Faqriga iyo Ladnaanta ay kala maarmi waayeen.

Qofka faqriga ah mar walba wuxuu u baahan yahay gacanta kan ladan haddii ay ahaan lahayd in uu shaqo ka helo si uu naftiisa u maareeyo iyo haddii ay ahaan lahayd in uu kaalmo ka helo.

Dhanka kale kan ladan isagana wuxuu u baahan yahay qof ka dabaqa hooseeya si ay u muuqato ladnaantiisa, maxaa yeelay, ladnaantiisa macna ma yeelan karayso haddii uusan helin si uu u muujiyo, waa in uu shaqaale yeeshaa, u dhisa, u nadiifiya, u kariya, u firaasha, u adeega.

Waa Duni kuwada dhex jirta hal weel oo baahi guud wada qabta, hadana kala ordaysa oo is rabin.

Waxaan is waydiiyay marka haddiiba baahideena ay hal tahay, kalana maarmin, maxay tahay sababta aan u muujino nacaybka iyo yasmada?

Mmusa 

                                                           3-Xornimada
Adiga oo qofna ka fakaryn marka aad seexato soona toosto, waxaad ogaataa in aad naftaada markaas xor u tahay.
Mmusa 

                                                         4-Naftaada adkee 
Naftaada oo mar walba u jilcanaata dadka calaamad uma noqon karto in aad tahay qof sabar iyo dulqaad badan wanaagna loo nisbeeyo, waaxaadse ogayn in naftaada aad burburinayso.
Jilcnaanta aad dadka u jilcantahay waa in aad ka qaadaa ad-adayg iyo kalsooni aad naftaada ku kalsoontahay adiga oo faan iyo kibir iska ilaalinaya.
Mmusa 

                                                5-Raali ahaanshaha

Khayrka oo dhan raali ahaanshaha ayuu ku jira, haddaad awooddo mar walba raali iska ahow, haddaadan awoodina iska sabar.
Cumar bin khidaab

                                                6-7 qof noloshaada ka saar!!
1- qof aad fursad cafis siisay kuuguna abaal guday jees jees iyo qaraaxo.
2-Qof aad u cudur daaratay ama raali garaysay balse waji xumayn kuugu abaal guday.
3- qof aad laabtaada u furtay balse kaa jeestay kuna dayacay.
4- qof dhaawac kuugu geysta dadka hortooda si dadku ay kuugu qoslaan.
5- qof aad daganaantiisa raadiso adigana dareen xumo kula raadsha.
6- laba wajiile marka uu ku hortaagan yahay boqor kaa dhiga, marka aad ka maqantahayna shaydaan kaa dhiga.
7- qof isaga oo baahidaada og hadana ciriiri kugu sii galsha baahida aad tabanayso.
Mmusa 

                                                        7-Rajo iyo shaqo
Waxa aad rajaysid ma hanatid ee waxa aad shaqaysatay ayaad hanataa.
Rajadaada ha badato balse filashadaada ha yaraato.
Shaqadaada oo badataa waa hanashadaada oo badataa.
Mmusa 

                                               8-Ma ogtahay

Cajiib!!!! Ma ogtahay in dadku beenta ku bilaabaan 4 jir.?

4 eray oo macaan ku dheh ninkaaga subax walba

Sida ay dumarka u jecel yihiin oo kale ayey ragana u jacelyihiin in erayo macaan lagu dhaho.

In aad jacayl bixisaa ma ahan wax fudud haddiiba aan lagaaga mahad celinayn ama laguugu gudayn jacayl kale.

Erayga qofka dumarka ah ay dhagta ugu sheegto saygeeda mar walba waa mid usii gudba Qalbiga, saamayn badana ku yeesha nolol maalmeedkiisa.

Erayada macaan ee qalbiga labada qof u kala baahan yihiin ma ahan kuwa halkan lagu soo koobi karo balse waxaa jira afar jumlo eray oo haweenayda subax walba ama maalin haddii ay ku dhahdo uu sii siyaadayo jacaylka ay ninkeeda u qabto.

1 macaane wax walba waad samayn kartaa.

Ma ogtahay in nin walba oo guul gaaraa ay ka dambayso qof haweenay ah, raguna ay yihiin kuwa mar walba dhiira galin u baahan oo jecel in howl walba oo ay qabtaan looga muujiyo farxad sidoo kalana lagu dhiiri galsho in wax walba ay qaban karaan.

Ku dhiiri gali ninkaaga in uu si adag u shaqaysto shaqa walba uu qabanayana uu si daacad ah oo soo laabasha lahayn u qabto si uu u gaaro hadafka uu is leeyahay ma gaari kartid iyo kan uu doonayo in uu gaaro.

2. Waan kugu jeclahay qofka aad tahay.

Adiga oo u eegayn xaaladaha is baddalka badan ee marna hoos aada marna kor, waxaad ogaataa in ninkaaga mar wlaba kaaga baahan yahay taageero iyo dhiiri galin iyo in aad xasuusiso in wax walba oo dhexdiina ka dhaca oo xumaan ah aysan lahayn qiima saas ah.. 

Wax walba oo dhaca mar walba u muuji in aadan ka daalayn jacaylkiisa, xitaa haddaad ogtahay meelaha uu ku liito waa in aad ka saxdaa adiga oo daciifnaantiisa u dareensiin ceebtiisa ama wax uu ku eedaysan yahay.

3. Muuqaalkaagu wuu wanaagsan yahay.

“Waa muuqaal wanaagsantahay ninkayga”. Erayada nuucaaa ah aad ayey muhiim ugu yihiin raga in lagu dhaho waxayna kala mid yihiin dareenka nuucaas ah Dumarka.

U sheeg in uu qurux badan yahay, muuqaal wanaagsan yahay, ku qanacsantahay kana heshid muuqaalkiisa iyo qaabka uu wax u qabto.

Noqo isha ay kasoo burqato farxadda ninkaaga uu u baahanyahay , ha siin jaaniskaas in dumarka kale uu ka helo, waa in aad garataa baahida iyo tabashada ninkaaga, mar walbana waa in aad noqotaa midda u labista jecelna qaabka uu u labisan lahaa.

4. Mahadsanid my love/ nikayga.

In aad farxad iyo abaal uga hayso ninkaaga wax walba uu xiriirkiina iyo qoyska aad wada leedihiin u qabanayo qeexiddeeda waa muhiim, dhiiri galin ayeyna u tahay in uu sii wado dadaalkiisa.

In aad uga mahadceliso ninkaaga wax walba uu qabanayo waa mas’uuliyaddaada, ma ahan in ay badato cabshadaada ama hal wax uu kuu qaban waayay aad ku muujiso in aad tahay qof aan waxba loo qaban .

Hadduu kuu keeno hadiyad iyo hadduu meel cunto ama dukaamaysi kuu wado muuji farxadda waxa uu kuu qabtay, ha noqon mid dayra badan, maxaa yeelay mahadcelinta iyo farxadda aad ninkaaga u muujiso mar walba waxay qayb ka qaadataa in uu ku sii dhiiranaado in uu kusii farxad galsho.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN