XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 69aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 69aad

 

                                           1- Miftaaxa Nolosha
In aad wax walba haysato micnaheeda maahan in aad heshay qanaacada nolosha, nolosha sideedaba qanaaco ma lahan oo mar walba waa mid meel ka maran, micnaha waxaad ogaataa inta aad haysato in ka yar qof haysto uu kaa qanaaco badan yahay.
Qanaacada waa Qaniimo qaali ah oo qof walba uusan heli karayn, miftaaxa nolosha ma ahan mid meel walba iska yaal ee waa mid heliddiisa loo murugoodo.
Mmusa

 

                                              2-  Aamusnaanta qaar 
Aamusnaanta qaar waa ka tilmaan iyo anshax fiicantahay dhawaqa aan dhugmada dheer loo yeelan, naftaada ku dhiiri gali mar walba maciinsiga shibanaanta xilliga aad xaaladaha adag ku dhex jirto, hubaal in daganaanta aad muujiso aad ku heli karayso qayb ka mid ah xalka aad doonayso ama raadinayso.
Mmusa

                                                  3- Aayaheena dambe
Damaca iyo dareenkeena Dadnimo waa qayb aan la dafiri karayn marka laga hadlayo nolosheena, saamaynta balaaran ay yeeshaan iyo sida aan u hanano oo u koontaroolno waa ilayska aan ku arki karno Aayaha dambe halka aan ku sugnaan doono noloshan dunida kadib.
Mmusa

 

               4-Waa xagee aayatiinkeena?
Waxaa jiray Nin la yiraa Sulaymaan Ibnu Cabdilmalik oo mar ahaa khahliifkii Muslimiinta ayaa wuxuu mar u yeeray Abii Xaasini Al-Muzani oo ahaa Sheekh aad u cilmi badnaa oo laga haybaysto.
Labadaoodaba waxay ahaayeen laba kala daran dhanka aqoonta diinta, maalin ayuu sulaymaan u yeeray Abuu Xaasini, wuxuuna waydiiyay su’aal ahayd wax ma nooga sheegi kartaa meesha uu aayatiinkeena dambe ku dambayn doono iyo waxa Alle agtiisa inoo yaal?
Abuu Xaasini ayaa ku jaawaabay camalka adiga aad qabato iyo Quraanka isku bandhig, meeshaas ayaa ka ogaan kartaa halka uu aayatiinkaaga yahay.
Sulaymaan ayaa mar kale yiri waan aqaanaa camalka aan qabto ee quraanka xaguu ka sheegayaa? Markaas ayuu yiri ” (إِنَّ الْأَبْرَارَ لَفِي نَعِيمٍ)
[Surat Al-Infitar 13]
Baariyaasha Alle waxaa u sugnaatay Jannatu naciim
(وَإِنَّ الْفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٍ)
[Surat Al-Infitar 14]
Kuwa Alle ku caasiya ee Faajiriinta ahna waxaa u sugnaatay Naarta Jaxiima la dhaho.
Sulaymaan ayaa markaas hadana su’aal kale ku celshay oo ahayd, naxariista Alle ayaa jannada lagu galaa ee camal laguma galee aaway naxariistii alle?
Markaas ayuu yiri naxariista Alle waxay u sugnaatay mar walba kuwa muxsiniinta ah ee Alle u hogaansama.
Micnaha guud ayaa ah in aad adiga is garan karto haddaad wax fiican samayso oo niyad wanaagsan la timaado mar walba waxa Alle ku faray aad raacdo waxa uu kaa reebayna aad ka harto ogow in naxariista Alle kugu dul dagayso, naxariista Alle marka ay dushaada ahaatana, Jannada aad galayso.
Xisaab fiican waa lagu siiyay sida muuqato, masiirkaaga ama aayatiinkaaga halka aad ku beegantahayna waad garan kartaa.
Mmusa

                                                             5- Qaddar iyo qalbi
Qaddarka maadaama uu ka awood badan yahay qushuuca iyo rabista qalbiga, soo lama dhihi karo ku dhex noolaasha qalbiga qof aan awood ku lahayn qaddarta waxaa dhaanta in la iska ag yuurarsado yabooha qaddarta?
Mmusa

 

                                                           6-  Qalbiga
Waxay dhaheen qalbiga hadduu dhinto adigana waad dhimatay!!!!
Waxaan is waydiiyaa qalbiga oo nool maxaan u heli waayay xaqa aan u leeyahay qofka aan jeclahay ee ah in aan nolosha la qaybsado, ma qalbigaan awood lahayn mise sida ay tahay ayaa ka awood badan jiritaanka qalbiga?
Mmusa

                                           7- Sida ay tahay iyo saamaynta.
Jacaylka aad qof jeceshahay waa laga yaabaa in uusan qayaas lahayn, balse saamayntiisa noloshaada ayaa ah midda xaddida dhabta nolosha ee aad jeceshahay in aad qofkaas kula noolaato.
Haa, qalbigaaga, noloshaada, wax walba waa siin kartaa, waxaasa laga yaabaa gunta dhabta ah in uusan qofkaas kula gaari karin sababa jira awgood.
Waana sababtaas midda saamaynta badan ku leh kana awood badan dareenka iyo jacaylka aad qofkaas u hayso.
Mmusa

                                             8- Labada nuuc ee nolosha
Nolosha waa laba nuuc
Midna waa sida aad rabto oo jeceshahay
Midna waa sida ay tahay oo laga yaabo in aadan ku qanacsanayn.
Sida ay tahay ayaana mar walba ka saamayn badan sida aad jeceshahay ama rabto.
Mmusa

9-Xuriyadda
Xuriyadda xadka laga baxsho ma ahan xuriyad ee waa xadgudub xadkiisa laga baxshay. Xumaha oo la faafiyo xoriyad maahan, xiisaha nafta oo la xadayn xoriyad maahan, xaasidka oo xaasidnimadiisa lagu taageero xoriyad maahan, xaqa oo lagu tunto xuriyad maahan, xaaraanta oo la qurxiyo xuriyad maahan.
Fadlan hala fahamo xaqa dhabta ah ee xuriyadda iyo macnaha xornimada la wada doonayo.
Mmusa

                                                           10- Dhagartooda 
Haddiiba aadan ka fakarin dadka mashquuliya noloshaada oo si xun wax kaaga sheega, waxa kaliya aad ka fakartana ay tahay dantaada iyo howlaha qoyskaaga iyo naftaada horyaal, markaas waxaa tahay qof ka guulasytay kuwa doonaya in ay dhulka ku dhigaan, sababtana waxay tahay adiga oo waqti u hayn dhagartooda.
Mmusa

                                                  11- Dhadhan gaar ah
Waxaad leedahay dareen wanaagsan oo ku wanaagsan in aad dadka la wadaagto, qof walba maahan in aad la wadaagtaa ee waa dadka kaa mudan.
Ma ogtahay in aad leedahay haybad gaar ah oo qof kula wadaagtaa aysan jirin, qiimahaas waxaa fahmi kara qofka ku garan kara, goormeesa la fahmi karaa? waa marka aad soo bandhigto, waxa la garto oo la dhadhamiyo dhadhankooda ayaa ah waxa la muujiyo, sidaa darteed, muuji waxa aad tahay iyo waxa aad doonayso si loo dhadhansado macaankooda iyo qaraarkooda. marka aan leeyahay macaan iyo qaraar ujeeddadu waa in aad mar walba labadaas uun tahay, micnaha waa sida laguu kala arki karo, qof walba uma macaan kartid, qof walbana uma qaraaraan kartid, wax walba oo samayso hubaal in si loo arkayo sida ay doontaba ha ahaatee.
Mmusa

                                                  12-  Waqtiga adag 
Waqtiga adag wuxuu ku tusaa wax aadan arki jirin
Waqtiga adag wuxuu ku baraa wax aadan aqoontooda lahaan jirin
Waqtiga adag wuxuu ku fahamsiiyaa waxa aadan fahamsanayn.
Waqtiga adag wuxuu kugu baraarujiyaa wax aadan ku baraarugsanayn.
Waqtiga adag wuxuu ku dareensiiyaa waxa aadan dareensanayn.
Waqtiga adag wuu xanuun badan yahay, hadana waa Macaalin loo baahan yahay oo ku bara wax aad u baahnayd barashadooda.
Mmusa

13- Xusuus
Xusuusta waa shay qaal inagu ah, qof walba xusuus wuu leeyahay saamayn ku leh qalbigiisa, balse xusuusaha qaar saamayn ayaga oo ku leh qalbiyadeena ayaan hadana jecelnahay in aan ka tirno qalbiyadeena, maxaa yeelay waa kuwa dib inoo xanuujiyo ama mararka qaar aan mudnayn in aan ku noolaano milicisigooda.
Mmusa

la soco axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN