XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 75aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 75aad

 

                                      1-Haweenta ku jecel
Haweenta ku jecel waxba kuma waydiisato aan ka ahayn jacaylka ay kaa doonayso, ma danayso dhaqaalahaada, uma muuqdaan duruufaha kugu xeeran, waa mid u taagan farxaddaada, qanaacadaada , dhisidda kalsoonidaada.
Mmusa

                                      2-Ninka ku jecel
Ninka ku jecel ma ahan mid ay ku wayntahay baahida uu u qabo shahwadaada, waa mid daneeya qanaacadaada, quruxdaada, qiimahaaga iyo qalbi wanaagaaga, ma ahan mid kuu quura qalooc iyo qalbi jab, waa mid mar walba u taagan muujinta dareenka jacayl ee uu kuu qabo, waxaa ku badan codsiga ah in uu mar walba dareen xusuus leh oo jacayl uu kula wadaago.
Mmusa

                                   3-Aqoonta faaiidadeeda.
Waxay dhaheen aqoonta waa hubka ugu culus ee isbaddalka adduunka saamayn wayna ku yeelan kara.
Waxay dhaheen aqoonta wax walba ayaa lagu dhisaa, wax walbana waa lagu dunshaa, wax walba ayaa lagu qurxiyaa, wax walbana waa lagu fool xumeeyaa.
Waxayse is waydiin goorta ay faaiidada aqoonta soo baxdo? Faaiidada aqoonta waxay soo baxdaa marka si masu’uuliyad ku jirto loo isticmaalo oo aan  lagu danaysan, oo loogu daneeya danta guud ama sababta loo soo bartay dhab loo fahmo.
Aqoonta haddii ay abuurayso wax kasta oo cudur ama dhibaato ku ah bulshada waxay noqonaysaa hub loo isticmaalay si aan mas’uuliyad ku jirin, waana aqoon markaa lagu xadgudbay, taas oo mudan in qofka sida khaldan u isticmaalaa caddaaladda la mariyo waaba haddii caddaalad dhab ah la helayo.
Mmusa

                                4-Aaminaadda iyo saamaxaadda
Saamaxaadda mar walba waa ka fududdahay is aaminaadda, in la isi saamaxaa waa fududdahay, in la is aaminaase ma fududa.
Is aaminaadda mar walba oo ay jabto waa adagtahay sida dib loogu dhiso, khalad la galay se cafintiisa waa iska suura gal in la iska saamaxo, waa sababtaas sababta diinteena uga dardaarantay xafidaadda Amaanada, khayaanadana looga fogaado.
Mmusa

5-Qof kugu qaali ah 
Erayada qaar ee kasoo baxa laabta qofka kugu dheer waa kuwa saamayn badan, laga yaabee hal eray oo macaan badan kaas oo kasoo baxaa laabta qof kugu dheer in uu maalintaada ama noloshaada inta ka dhiman xusuus gaar ku yeesho, haka baqiilin qofka aad jeceshahay eray walba oo macaan,  saamaynta uu yeelan karo waa mid la shukriyo.
Mmusa

6-Qof kugu qaali ah 
Erayada qaar ee kasoo baxa laabta qofka kugu dheer waa kuwa saamayn badan, laga yaabee hal eray oo macaan badan kaas oo kasoo baxaa laabta qof kugu dheer in uu maalintaada ama noloshaada inta ka dhiman xusuus gaar ku yeesho, haka baqiilin qofka aad jeceshahay eray walba oo macaan,  saamaynta uu yeelan karo waa mid la shukriyo.
Mmusa

7-Qalbiga waa amaan!!
Qofka ku dheer noloshaada waqtiga iyo kal fogaanta saamayn kagama yeeshaan in uu kusii lahaado booska uu ku leeyahay qalbigaada.
Qalbiga qofka dagaa waa mid aysan gilgiln ama guur guurin duruufaha xaaladaha nolosha,meel la daga waxaa ugu amaan badan qalbiga.
Mmusa

                                8- Xuduudayda
Xuduudyadaada horumarka ha noqdaan kuwa mar walba macquulka ah, maankaaga ka saar wax aan macquul ahayn, dunida wax aan macquul ahayn ma jiraan, wax walbana waa la fishaa, sidaa darteed, xuduudyadaada ha noqdaan kuwa aan kaa xirin gaaridda hadafkaaga, xuduudyada la doonayo in aadan gudbin waa kuwa uu Alle kuu dhigay oo xumaanta la doonayo in aad uga dhowrsato, kuwaas oo kaliya ha ku celshaan.
Mmusa

9-Nolosha, rajada, fursadda
Noloshu hoos waa u dhici kartaa balse, ma joogsato.
Rajadu waa yaraan kartaa balse, ma dhimato
Fursadduna waa lumi kartaa balse, ma dhamaato.
Xigasho mid ka mid ah dadkii hore.

10- Alle raali gali.
Walwalka dunida yuusan kugu badan maxaa Alle ayaa samaystay sida uu doono ayeyna noqonaysaa.
Irsaaqad heliddeeda ha ka wal walin maxaa yeelay Alle ayaa kafaala qaaday inta aad nooshahay sida ay rabtaba ha kugu soo gashee, irsaaqadda Alle xagiisa ayaa laga sugaa, ma ahan in aad ka wal washaa.
Mustaqbalka wuxuu ku jiraa gacanta Alle cid aan isaga ahayna ma garan karto, sidaa darteed ha isku mashquulin in aad wax badan ka ogaato mustaqbalka.
Hammiga aad xambaarsantahay ha noqdo oo kaliya sida aad Alle u raali galin lahayd.
Mmusa

11-Malada wanaagsan
Haddii aadan i garanayn fadlan i karaamee iiguna daqee malada wanaagsan, adiga oo igu cabiraya in aan ahay qof wanaagsan, malada wanagsan ma garan karo macnaheeda iyo saamaynteeda ilaa qof fahmay waxa ay u taagantahay, malada wanaagsan waa mid abuurta is jacay iyo is faham, inta badan oo wanaag ii malaysaa waa inta badan oo kuu soo dhawaadaa isna fahmnaa.
Mmusa

                                      12-Naftaada aamin 
Haddii aad aragtid Dayaxa waxaad aragtay Quruxda Alle, haddii aad aragtid Qoraxdana waxaad aragtay Awoodda Alle, marka aad muraayadda isku fiirisidna waxaad aragtay Maqluuqa Alle uu abuuray kan ugu qurxoon uguna kaamilsan, waa adiga, ee isku kalsoonow oo Alle aamin, si naftaada aad u aaminto.
Ratan Taata

13-Dhaqtarka naftaada
Retan Tata oo ka qudbeenayay jaamacad aanan xasuusan magaceeda oo London ku taala ayaa tilmaamay 6 da Dhaqtar ee dunida ugu fiican.
Laga yaabee in aad iga sugaysid lix dhaqtar magacooda, balse dad maahan waxa uu tilmaamay waa sifo ficil lagu daray oo haddaad samayso aad ku naaloonayso nolol caafimaad qabta farxadna ay daboolayso.
hadaba lixda uu tilmaamay waa sidan.
1 Qorraxda: waa dhaqtarka uu maalin walba jirkaaga u baahan yahay, waa caafimaad qoraxda oo si taxaddar leh loo badsado, wax walba xad ayey leeyihiin, waxa marka xadkooda laga baxsho cawaaqib xun ayaa ka dhasha, sidaa darteed, qoraxda waan u wada baahanahay balse waa in aanan ku xad gudbin qaadashadeeda.
2 Nasashada: waxaa u baahan jirkaaga qaasatan xubnaha aadka u shaqada badan maskaxda iyo qalbigaba ha ugu horeeyaan, inta badan ee aad nasataa waa inta badan aad wax fahamtaa, wax curisaa, wax aad alliftaa, naftaadana aad qancisaa, balse yaan lagu xad gudbin nasashada,haddii lagu xad gudbo waa lagu xajiimoodaa, micnaha waa lagu xanuunsadaa.
3 nashaadka: ama ka shaqaynta xubnaha jirkaaga, si kale haddaan u dhigo badi socodka ama orodka ama shaqada uu jurkaaga qabto si aad u hesho caafimaad wareega dhiigaagana u bato, sidoo kale saliidda jirkaaga ku jirtana ay u shiilmato.
4 yaree cuntada: tan macnaheeda maahan gaajo isku dil ee waa cuntada marka aad u baahantahay qaado, waliba adiga oo u qaadanaya si taxaddar leh, ha dhargin, adiga oo baahana ha ka tagin, meel dhexe iska ahow mar walba, cuntada oo xadkeeda laga baxsho ama aan la gaarsiin lababadaba waa lagu xanuunsadaa oo xanuuno daran ayaa laga qaadaa, sidaa darteed, gacantaada yeysan ku dilin adiga oo marna bakhiilaya marna isku rujinaya.
5 kalsoonida naftaada: waa dhaqtarka lixaad ee aad isku noqon karto ama u baahantahay ee aysan lacagta kaaga baxayn, naftaada oo kalsooni siisaa waxay yaraysaa shallaytadaada, murugtaada ama wal walkaaga, inta badan oo isku kalsoonaataa waa inta badan ee ay badato guushaada.
6 dhaqtarka ugu dambeeyaa waa asxaabta, muhiim maahan in aad asxaab badan yeelataa kuwaas oo ku mashquuliya kaana mashquuliya danahaaga gaarka ah, inta badan ee aad badsataa asxaabta badan waa inta badan uu dhibkaagu bato, asxaab yeelo balse ha noqdaan kuwa tayeesan oo marka aad isku timaadaan aad wadaagtaan wax dantiina wada ah.
Wuxuu kusoo gunaanaday hadalkiisa Ratan Tata “inta xafido xaalad walba oo ku jirtid, kuna raaxayso nolol caafimaad qabta farxadna ay dabooshay”.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN