Home Qoraallo DHACDO XAQIIQAA OO XANUUN BADAN”Tahriibka iyo Addis Ababa”

DHACDO XAQIIQAA OO XANUUN BADAN”Tahriibka iyo Addis Ababa”

0
SHARE

“DHACDO XAQIIQAA OO XANUUN BADAN”
Cirguje

Tahriibka iyo Addis Ababa”

Waanadii Sh.Mursal

Hamdi iyo Aayadeed
Hordhac
Waxaa Marka koobaad Mahad oo dhami usugnaatay Ilaahay SWT, Marka xiga waxaan manta qalin ka uqaatay si aan bulshadayda ugu soo gudbiyo dhacdadii tahriibka ee murugada badnayd kana kala dhacday Addis Ababa iyo Badda dhexe, si’ay ugu waano qaataan umadeenu uguna dhigtaan cashar aysan ilaawin. Bishii Febraayo sanadkii 2010-kii tirsiga Miilaadiga ayaa waxaan waxbarasho utagay xarunta dalka Itoobiya ahna xarunta Midawga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.
Itoobiya waa wadan dhaca amaba kuyaala bariga qaaradaan Afrika, waana wadan leh taariikh guun ah, sidoo kalena kamida dawladaha caalamka ugu qadiimisan. Wadamada xuduuda laleh waxaa kamid ah: Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Eratariya, Suudaan iyo waddanka dunida ugu da’da yare ee Koonfurta Suudaan. Xilliyadii dambe ee tahriibka caalamku kor ukaca sameeyay ayaa waxaa aad looga dareemay tahriibka Geeska Afrika gaar ahaan deegaanada Soomaalida, Addis Ababa waxay noqotay marin/wado ay mareen inbadan oo soomaali ah una haajirayay Yurub. Taasna waxay sababtay inay Addis ababa isugu yimaadeen oo ay kulmisay soomaali aad ubadan, oo qaarna ahaa dad tahriib ah qaarna dilaaliinta wax tahriibiya ee Mukhalisiinta loo yaqaano ah.
waxay bilaabeen Mukhalisiintii kadib markay gudbiyeen intii tahriib doonka ahayd inay tashkiiliyaan Soomaalidii kale si ay uga dhaadhiciyaan inay tahriibaan, iyagoo u maray wada kastoo ay islahaayeen waad ku dabi kartaan amaba waad uga dhaadhicin kartaan, ugu dambayntiina waxay galaafteen Arday badan oo jaamacadeed, layn sugaal, dad caafimaad loo keenay iyo waliba gabdho aad u da’yaraa oo inay caawiyaan loogu keenay qoysas ay qaraabo yihiin. Waayo kaliya waxay ku hanteen dadkaan quluubtooda ayaa ahayd, Inay usheegeen tilmaano aad uqurux badan oo mala awaal ah, waxay usheegeen inay wadada yurub lagu galaa tahay halaw/toos amaba dirito aan wax qudxaa lahayn si fududna ugaynaysa meeshay rabaan, balse maysan xusin habdhaqanka iyo dhibaatada ay lakulmi karaan gaar ahaana gabdhaheenu intay safarka kujiraan, mana usheegin silica saxaraha iyo Bahalnimada Badda iwm.

Waanadii Shiikh Mursal
Hadaba waqti laga joogo hadda Sideed bilood kuna began Bishii Carafa 1435-tii ayay ahayd Markaan aniga iyo arday kale aan hoygiisa kusoo booqanay Shiikh Mursal Faarax Cali oo ah shiikh dad badan diinta baray(aflixiyay) haatan diinta baristeeda kawada deegaanka ceelcad ee Gobol Wardheer. Shiikhu xilligaas aanu soo booqanay waxuu kamid ahaa culumadii xajka usocotay si ay usoo gutaan xajkooda. Waxuuna nasiiyay isbariidin kadib oo aan kala kulanay wacdi iyo waano meelo badan taabanaysay, si gaar ahna uga hadlaysay wadciga jira.
Mar uu tahriibka ka hadlayay sheekhu waxaa hadaladiisii kamid aha:
“Walaalayaal bal kawarama Hooyadii idin soo korisay Ilaa aad hana-qaad kanoqoteen, oo aan marnaba idiin Ogolayn in wax dhib ah idin soo gaaro, iskaba daayee wali idin garab taagan oo sugaysa intaad isku filnaansho ka gaaraysaan oo aad usoo noqonaysaan idinkoo leh aqoon aad naftiina iyo nafteedaba ku anfaci Kartaan, miyay naga mudantahay inaan inagu u ogolaano wax ay dhib kala kulmi karto. Hadaba walaalayaal bal qiimeeya dareenkeeda hadii loo soo Sheego inaad Tahriibteen oo aad geeri iyo nolol udhaxaysaan?! Haqday! dhahdo kaliya markaas oo xataa laga Yaabo inay naftuba ka raacdo maxaad udhigteen?! Runtii waa mid iinaan kasoo waaqsan Karin Adduun iyo Aakhiraba!”
Waxay ahaayeen kalmadu runtii saamayn wayn ku reebay quluubtayada, waxaana aniga iisii dheeraa in kalmadaasi mar labaad xasuustayda kusoo noqdeen kadib markaan la kulmay dhacdadaan xigta, taas ayaana igu kalidtay inaan bulshada lawadaago.
Hamda iyo Aayadeed
Bil kahor ayay ahayd markii anagoo shaah ka cabaynay Maqaayad kutaala Magaalada Addis Ababa oo ay lahayd gabar Soomaaliyeed, ay Maqaayadii soo gashay inan magaceeda laygu sheegay Caasha, kadibna gabadhii maqaayada lahayd ayay usheegtay inay usocoto si ay uga qayb gasho aaska islaan ay qaraabo ahaayeen oo dhimatay, kadib markay Caasha naga tagtay ayaan waydiiyay Gabadhii maqaayada lahayd islaantu waxay sababsatay iyo inay xanuusanayd, Jawaabtii gabadhuna waxay udhacday sidatan:
“Islaanta cambaro ayaa ladhahaa waxay in mudaaba kunoolayd magaalada Addis Ababa oo ay ka shaqaysan jirtay, waxay lahayd maqaayad cuntada iyo shaaha lagu kariyo, waxaana lashaqeen jiray gabdho jaariyadaa oo itoobiyaan ah. Marka waqti kadib ayay cambaro ku fikirtay inay ubaahantahay xilligaas waxii ka dambeeya inay hesho qof caawiya maadaama ay qof wayn oo da’ ah noqotay. Waxayna usoo cid dirsatay qoyskeedii iyadoo ka dalbatay in loosoo diro gabar lashaqaysa, kadibna waxaa loosoo diray Hamda oo odaygeedu dhalay. Waqti kooban markii ay Hamda lashaqaynaysay runtiina ay ku nasatay, ayaa waxaa helay Tashkiil xumayaashii, waa mukhalisiintii dadka waali jiray, waxayna laqaateen Xamda waqti badan si ay uga dhaadhacshaan inay tahriibto, ugu dambeentiina way ku guulaysteen wayna tahriibtay. Islaantii cambaro waxaa kudhacay walwal badan kadib markay wayday inantii ay aayada u ahayd, dadaal badan ayayna ugashay si ay uhesho inanteedii, laakiin dadaalkeedii waxuu noqday “Hal Bacaad lagu lisay” maadaama aysan helin meel ay jaan iyo cirib toona dhigtay, ugu dambayntii iyadoo walwalkuna kusii batay quusna kudhaw ayaa laga soo wacay Saxaraha Liibiya, waxaa lala hadalsiiyay inanteedii kadibna waxaa lagu wargaliyay ina lacag madax furashaa la baxsho hadii kale ay dili doonaan, waxaa gabadheeda haysta waa “Magafe” iyo jabhadiisii, lacagta loosheegay inay bixiso waa $3500 Saddex kun iyo shan boqol oo doolar, waxaa isaguna uharsan intaa liibiya lagaarin Manaxe waa Magafe labaad, Cambaro markii koobaad way faraxday maadaama ay maqashay inantii ay geeri iyo nolol kula’ayd codkeedii, misna waxaa kubilawday islahadal maadaama aysan garanayn meelay ka heli karto lacagta intaa leeg! Dadaal badan oo loo kufaa kacay kadib, qaylo gar dhawaysayee, qaaraan ayaa lagasoo aruuriyay dal iyo dibadba, Magafe iyo Manaxeba la dhaafsii, Baddiina lasaar, hadalkii udambeeyay ee Cambaro ay gabadheeda ka maqasho kahor intaysan Badda fuulin waxuu ahaa; Hooyo dhibkii dhamaa, markaan talyaaniga tagana anaa kusoo wacaya. Islaantii Cambaro way joogtay, oo joogtay wax soo wacana wayday, xataa waxay maqashay in kuwii kadambeeyay ay dadkoodii lasoo xiriireen. Muddo kadib ayaa saxaafadda lasoo galiyay magacyada Soomaali badan oo Baddu cuntay kadibna ay soo caarisay! Haddii la akhriyay magacyadiiba Xamda waa qofka labaad, isla markii cambaro loo sheegayba waxay gashay koomo! Maalmo kadibna way udhimatay iyadoon wali miyirsan!”
Hadaba akhristayaal kawarama dhacdadaan Saamaynta ay keentay intay leegtahay? Waxaan hubaa inay jiraan kuwo badan oo xataa ka saamayn badan laakiin aan laqorin!

Talo/Gunaanad
Tahriibku waa aafo qaraan, musiibo umadeed iyo mushkilad caalami ah, waana dilaaga da’yarta, hadana waa musiibo aan lagu baraargusanayn waxuuna kamid yahay ibtilooyinka tirada dhaafay ee dabar goynta Ba,an kuhaya da’yarteena. Dhanka kalena waa mid kamida musiibooyinga dalkeena iyo dadkeenaba asiibay ee faraha kulul ku hayay dhibaatooyin badana u horseeday 25-kii sano ee lasoo dhaafay.
Aayad quraanaa ahayd “Ilaahay qoom madooriyo, ilaa ay iyagu is dooriyaan” Sidaa darted Umadi haday danteeda garan waydo, nimcaduu Alle siiyana ku shugriyi waydo kadibna ay kibir iyo caasinimo ka qaado amaba latimaado, waxaa ku dhaca halaag, waxaa haleesha musiibo aysan garanayn meesha laga raacay, waatuu Ilaahay Swt lahaa “Hadaad ku shukridaan nimcadaan idin siiyay waan idiin kordhinayaa, hadaadse ku kufridaan oo garan waydaan amaba ku caasi garawdaan, Cadaabkaygu waa halis”
Hadaba walaaleyaal markaad eegto xaaladda manta dalkeenu ku suganyahay iyo dhibta umaddeena haysata, markaad qiimayso kumanaan soomaali ah oo xabsiyada dunida daafaheeda bilaa maxkamad iskaga xiran cid udoodaysa oo xaqooda raadinaysana aysan jirin, markaad iyana eegto umaddaan jahwareerku kudhacday ee kujirta geediga aan la furin iyo barakaca aan dhamaadka lahayn 25-tii sano ee lasoo dhaafay, misana jaleecdo kuwaan iyaguna mudada intaa leeg uu qorigu garabka usurnaa micna daradana isku laynayay, hadaad waydiisu ka wax dilaya sababta uu udilay walaalkiis garan maayo! Kan ladilayna sidoo kale, sidoo kalena dhibtay la kulmeen kuwii diba galay ee ay kamid yihiin: Dhaqan doorsi, inaysan awood ulayn tarbiyadda ubadkooda iyo in qaarkood lagaba qaatay ubadkoodii oo.
Miyaysan cadayn inay tahay halaag nagu dhacay oo aan galabsanay, waajibna ay tahay inaan Ilaahay swt unoqono?
Hadaba waxaa kula talinayaa bulshawaynta Soomaaliyeed inay ka kacaan hurdada oo ay Ilaahay Swt unoqdaan kadibna baryaan, waayo cid aan Ilaahay ahayn dhibtaan nagama saari karto.
Sidoo kale waxaan ku baaqayaa inaynu ka dhiidhino dhibaatadaan guud ahaan bulshadeena haysata, gaar ahaana da’yarteena.
F.G. Dhacdada Xamda iyo Aayadeed, way jirta in gabadh tahriibka ku dhimatay iyo Aayadeedna dhimatay kadib markii loosoo sheegay, balse sheekadaas inteeda kale waa mala awaal ka hadlaya dhacdooyinka ay lakulmaan tahriibayaashu, sidoo kalena Magacyada aan Isticmaalay maahan kuwoodii runta ahaa.
Qoraha sheekadaan: Cabdifitaax Xasan Cirguje

SHARE