SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q2AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q2AAD

Si dagan ayay iigu sheegtay magaceeda, anna kayga ayaan usii raacshay, is barasho gaaban ayaana meeshaas nagu dhex martay aniga oo waliba sii waydiiyay halka ay ka daganthaay xaafadda, iyaduna si waafi ah oo dareen ku jiro ayay jawaab walba iigu raacinaysay, aqoon wanaagsan oo igu filan habeenkaas waan bartay gabadhaas, runtiina ma ahayn dareenkayga dareen aan tilmaami karo oo habeenkaa waxbaa si gaar ah ii watay, si gaar ahna waxbaa qalbigayga uga guuxayay, oranaya waa middan midda saxda ah, ha beer darayn waqtigaada ka faaidayso, hana caburin gabadha oo waqtigeeda u ogolow in ay qaadato, sidaas si la mid ah iyada xageedana waxaan ka dheehan karay dareen ah in sidayda oo kale ay wax u dareemayso balse, xishood Dumarnimo ay ku qarsanaysay waxa ay rabto ama damacsanayd dareen ahaan!
Waxaa wax aan iska caabin waayo noqday sida aan noqdo mar walba oo ay isheeda dhinacayga walac usoo siiso oo uu I qabanayay darreen farxad leh oo aanan cabiri Karin sida uu ahaa, hubaalna waxaa ah in gabadhaas daydmada kaliya ee ay xagayga soo daymooto ay wax walba iiga qaadan kartay xitaa hadii la is dhaho qalbiga ayaa gacanta la isku saari karayaa waan u saari lahaa! soo jiidashada indhaheeda kaliya ayaa iigu filnayd quruxda iyo qanaacada aan ku qabay, inta kale ee dummarnimadeedana iskaba dhaaf, marba hadaan isheeda kaliay kuugu muujiyay awoodda ay u yeelatay badalidda dareenkayaga gabi ahaanba.
Habeenkaas wuxuu ii ahaa habeen iiga duwan habeenada kale, waxaan ka codsaday in aan xoogaa horey usii dhaweeyo, si fudud ayayna iiga aqbashay oo waliba xushmad ay ku dheehantahay, waddada inta aan wada soconay waxaan dareemayay in aan helay joog iga maqnaa, sheeko yar oo aad u xiiso badan ayaa na dhex martay, kalsoonida labadeena naga muuqtayna ma ahayn mid la soo koobi karo, oo marka aan sheekaysanayo qofkii markaa na arkaa wuxuu is oran karay labadan qof waa laba qof oo muddo wada socday, aqoon balaarana isku leh, dhabta marka laga hadlana sidaa ma ahayn oo saacado kooban ayay ahayd inta waxaas oo dhan ku dhacayeen, markii aan u dhaweeyay ilaa albaabka gurigooda ayaan xoogaa istaagnay meel u dhow albabka gurigooda, si kalsooni ku jirto oo waliba dhoola cadayn ka muuqato ayaana la ii yiri “karaama aboowe halkan ayaan ku hoydaa” waxaan sii codsaday in xoogaa la ila sii joogo, albaabka hore ee banaanka guriga markaas ayaa la iigu jawaabay “kaalay jardiinkaas cidda dariskeena ah fadhiiso, alaabtan ayaan xaafadda gaynayaa wax ka yar 10 daqiiqo igusii sug xagaas waan kuusoo laabanayaa” runtii ma ahayn codsi aan diidi karo oo aad ayuu iisii farxad galiyay sida wanaagsan ee waliba qorshaysan ee loo aqbalay codsigayga maxaan dhihi karaa? waa deeq Rabi qofka uu doono ayuuna ku mannaystaa, waan dareemayay in gabadhaas ay ka duwantahay gabdhaha kale, wax bandanna ay na dhex mari doonaan balse, sida ay ku bilaaban doonto taxanaha arrintan iyo habka ay ku dhamaan doonto labadeenaba ma ogayn.
Si farxad ku jirto ayaa habeenkaas loo kala bogtay, midna xusuusnaada in ay ahayd habeenkaas habeenkii iskugu keen horeesay labadeenaba, si kal-gacl ku jira ayaa marba dhinac la iskugu sagootinayay oo marna aniga ayaa dib usoo celinayay marna iyada ayaa xagayga iisoo celinaysay, waa iska astaan lagu garto dadka uu asiibo jacaylka, qof walba oo inaga mid ahna habeenkaas si ka duwana habeenada kale ee noloshiisa ayuu u seexday, qaasatan xagayga marka aan ka hadlo muuso gooni ah ayaan qabay, oo waxaa ii sawirmayay aduunyo ka duwan midda aan markaa ku noolaa, oo ah mid farxadaysan, aniga oo fakaraya ayaan hurdo farxadaysan oo ay dhoola cadayn ugu dambaysay ku seexday, subixiina faraxad iyo fur-furnaan lasoo toosay, caku aduunyadaas iyo dunida maanta,dunida aan waqtigaas joogay ma lahayn taleefonka gacanta ee maanta la isku gaaro, kaas oo aan uga ciil baxo xiisaha aan u qabo xanaantaas aan jeclaaday ee meel ay ka timid aan la aqoon .
Waa iska aduunyo shalay iyo maantana isku xaalad maahan, mid walbana xaalkeeda waa ku gaar, shalay waxaan iska ahaa qof iska caadi ah oo waxba aan tuhmayn baadi ka maqanna aysan jirin, saakase taas waa ka duwantahay xaaladda oo wax baan tabayaa,waliba si daran ayaan u tabayaa, waxaan mararka qaar ku shakinayay in aan riyo macaan ku riyoonayay iyo in dhab tahay waxa aan la muusoonayo, marka aan dhab usoo xasuusto xaaladdii aan ku sugnaa xalay iyo waqtigii qaaliga ahaana waxaan is dhahaa muu Allah saas nooga wada dhigo dunida, oo qof walba faraxadaas uu u qalmo muu helo.
Waasa iska xaal aduun oo subaxaas waxaan horay ka galay shaqooyinkayga caadiga ahaa, ma jirin shaqo sax ah oo aan mushaar ku qaato ee waxaan ka wadaa waxa aan maalintaas ku joogi lahaa, waxaan aaday xagaa iyo bakaaraha oo aan dano badan ka lahaa, waxaan kusii hakaday xagaa iyo isgoyska carwa iidka oo aan ka aqrisan jiray jaraa’idyada qaar ee markaa kasoo bixi jiray Magaalada Muqdisho, kadib markii aan xoogaa indhaha ka buuxsaday waxa xaalku wadanka marayo ayaan waxaan subaxaas horey u qaatay wargays ka mid ah wargaysyada markaa ka faaloon jiray arrimaha bulshada qaasatan kuwa jacaylka, sababta aan sidaa subaxaa u yeelayna waa dareemi kartaan, oo waxaan qayb ka noqday kuwa ku dabaasha bad-waynta jacaylka waana, qasab in wax walba oo markaa qalbiga u roon farxadna galin karo in aan isku maaweelsho, qorshahana waxaa iigu jiray balantii kale ee aan caawa la lahaa Mucjisada maankayga, oo maalintu waxay ii ahayd mid aan dhamaan xiisaha aan u qabo waqtiga balanta.
Maalintaas muuqeeda iyo maqalkeedaba ma hayn, wax kale ma jirin oo aan ku sugto oo aan ka ahayn in galabta casirkii marka aan xaafadda imaado aan sariirta la koro joornaalkaas aan soo gatay oo aan ku mashquulo, aniga oo markaa ka gaadayay ama ka raadinayay erayo aad u qiimo badan oo aan caawo kula haasaawo qaalida nafta ee maanka qaadatay.
Galabkaa waxaan lahaa balan aan kula balansanaa asxaabta in aan kubad kuwada ciyaarno Istadium Muqdisho, balse wax iiga xiisa badan ayaa I haystay oo ma jeclayn in xitaa uu qof igasoo ag-dhawaado, in aan kaligay ahaado ayayna naftu ku qanacsanayd, aniga oo mar walba sawiranayay hanaanka uu illaah u samaystay gabadhan qiimaha badan ee sida dhaqsiyaha leh makaanka ugu yeelatay qaybaha kala duwan ee xubnahayga
Wax waqtigu is guraba waxaa la gaaray xiligii aan ku balansanayn in aan is aragno waana maqribka kadib, waxaan usoo dag-dagay meeshii aan ku balansaneen, waana kasoo hormaray runti waqtigii aan balansanayn, nasiib wanaaga iyadana sidoo kale ayay usoo dag-dagtay ismana lahayn runtii sidaas ayay usoo dhaqsanaysaa, balse kalsoonida ah mar walba in ay imaanayso waa igu jirtay oo marnaba shaki kama qabin in aysan imaanayn.

LA SOCO Q3AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN