SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q11AAD W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

sheeko

SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY

waxay ahayd gabar la wada jecelyahay oo qoyskeena oo dhan ay aad ula dhacsanaayeen, xagga qoyskeedana runtii aad ayay ugu riyaaqsanaayeen markii dambe dadaalka aan bixinayay oo habaryarteed iyo walaasheed toos ayay inta iigu yimaadeen cafis iiga dalbadeen, anigana waxaan u muujiyay in aanan waxba u qabin waligeyna caloosha aan waxba ugu qaadin, lana doonayo markan ducadooda, oo aan la joogin xilli calosha wax la iskugu hayo, Nimco kuligeen ayay naga wada xanuunsantahay ilaa meesha ugu dambaysana waan la gaarayaa oo taas waa iga go’aan ayaan kusoo gunaanaday hadalkaygi aan ugu jawaabayay habar yar iyo walaasheed.

Muddada aan fasax aahan ugu soo tala galay in aan Muqdisho joogo waxay ahayd saddex bilood, oo waxaa ii qorshaysnaa marka arooska aan ka baxno in aan horey u soo kaxaysto oo aysanba iga harin, qaddar Eebe oo qilaafay qorshahaygii ayaasa dhacay.

Waxaa kaloo xussid mudan in Gabar kale oo saaxiibteed ahayd oo Iyana la dhaho Ayaan, ay qayb wayn ku lahayd baxnaanita Nimco, waxayna ahayd gabar runtii aad u naxariis badan oo marnba aan ka daalin baxnaanita xaaskayga, abaal badanna naga mudnaynd.

Dhowr jeer ayay Nimco ii sheegtay in gabadhan ay tahay gabar wanaagsan oo Agoon ah, cid iska masaakiin ahna ka dhalatay, balse, aad u wanaagsan, saaxiibteeda qaaliga ahna ay tahay ,waana gabadha ay qorshaysay in arooskeeda ay malxiisad ka noqoto, shekada gabadhaas iyo waxa ay ku dambayn doonto sheekada ayaa inoo sheegi doonto, balse, waxay iga codsatay in gabadha haddii ay na raaci karto ay na raacdo micnaha safarka Nairobi.

Runtii waan uga cudur daartay, maxaa yeelay waxaan aqoon u lahaa isbitaalada dibadda in aysan aqbalayn dadka dadka la jooga ee la seexdo, oo aniga xitaa haddii la I aqbalo ay nasiib tahay, sidaas ayayna raali iiga noqotay.

Waxaa la gaaray xiligii aan u soo dhaqaajin lahayn xagaa iyo Nairobi, waana nanbad nimid isla markiiba toos ayaa laga geeyay Nairobi hospital, oo ma ahayn qof lagu hakin karay meel aan isbitaal ahayn, si wanaagsana ayaana  runtii loo baxnaanshay, baaritaanada hor-udhaca ah ee la suubiyayna waxaa naloogu sheegay in la daawayn karo, balse ay waqti badan qaadanayso, anagana la doonayo in aan dulqaad samayno.

Waan ku qasbanayn runtii, in aan sugno mooyee waddo kale nooma furnayn, aniga maadaama aanan waddanka Kenya deegaan ku ahayn waxaan iskala dagay wiilal aan qaraabo ahayn, isbitaalkana la iima ogolayn saacadaha booqashada mooyee, waxaana meesha ku jirnay ilaa muddo lix bilood ah yididiilo fara badanna waa ka muuqatay runtii, in Nimco mar labaad ay dib cagaheeda iskugu taagto, oo waxaa dib loo helay dareenkii maqnaa ee qaarka hoose, soo kabasho badanna waa noo muuqatay, oo markan waxayba gaartay in ay ku istaagto Biro,waxaana naloo sheegay in ay u baahantahay fisatharapy badan micnaha jimcin badan,maadaama muddo ku dhow sanad aysan istaagin ayna ahayd qof iska yaal meel.

Maalin walba farxadeena waa sii kordhaysay gudaha waddanka iyo Nairobidan aan wada joognaba, waxaana inoo muuqatay raja ah, in mar labaad aan isla dhami doono caanihii aan halka galas kuwada cabi jirnay, Sariirtii aan kuwada ciyaari jirnaynayna dib ugu ciyaar doono.

Mahad allah ayay waxaas oo dhan ku dhaceen, dhaqaalaha iga baxayna runtii ma ahayn mid aan u shalaynayo, xoolihii aan soo shaqaystay afar meelood sadex meel waxay ku baxeen daawaynta xaaskayga, xoola waa la helaa dadse lama helo, maba igu hayn wal-wal middaa, oo waan hubay haddii allah caafimad ii siiyo xaaskayga anigana uu allah caafimadkayga ii daayo in aan helayo wax ka badan waxan aan hadda haystaba, waxaana isku samirsiinayay in ay jirtay waqtigan waqti aan ka liito, maantase hadaan ku filnaaday in aan asturto ceebtayda ay allah mahaddii tahay, aniga oo cidna garab ku waydiisan.

Waxaa dhacay wax kale oo lama filaan ah oo Rabi xagiisa ka yimid, wax mar qura xanuun aan la aqoon mesha uu ka yimid lagu soo tuuray Nimco, mana ahayn xanuunkan xanuun ku saabsan xanuunada laga daweenayay, ee wuxuu ahaa xanuun cusub oo baaritaan la sameeyay xitaa aan la aqoonsan, waxaana dhacday in ay mar labaad hawada ka maqnayd mudo laba usbuuc ah, oo ay Komo ku jirtay, iyada oo lala yaabanyahay waxa sababay komadaas ayay hal subax soo naaxday, lugaheedana ku istaagtay, socod xoogaa tabar dari ka muuqatana socotay.

Aad ayan subaxaa u farxay garabkayga ayay cuskanaysay, illaa muddo afar bari ahna waa kasoo raynaysay ,balse waxay si lama filaan ah iigu sheegtay in aysan u malaynayn in Nolosha ay ila qaybsan doonto, ififaalaha u muuqdana ay tahay qof aan aduunyadan ku korin doonin, Ilmo labadeena na dhex maro waasa sida ay qayaastay,si dagan ayaan u iri “maxaa aragtay maxaase dareentay oo aanan ogayn taqaatiirta kulli waxey kaa shegeen ma jiraan, waa kuwan tijaabooyinkaagi caafimaad ee la sameeyay, waxayna igu tiri “in waxan iyada haya aysan ahayn wax ay fahmi karaan dhaqaatiirtan iyo Bani aadam kale,  wax badana ay  aragtay intii ay komada ku jirtay, waxayna tiri haddaan dhinto lacala waxaan kugu ogahay Ayaan, Naag aan ayaan ahayn kaagama tagayo.

Ayaan ayaad guursanaysaa, waa taad lahayd abaalkaaga wax aan  ku gudo ma garanayo, haddaan noolaado waaba Anig Naagta kuu joogta, balse, haddaan geeriyoodo waxaan doonayaa in aad la noolaato dhaxalka aan kaaga tagay, dib dambana aadan Ii hilmaamin, noloshaadana aan saamayn ilaa maalinta aad dhimanaysid ah ku yeesho, ma doonayo in ay ku yeelato Naag kale oo aanan aqoon u lahayn, booskayga gabadha buuxin karto ee aan kugu aaminayo waa gabadhaas, Duruufaha nolosha ee haysta ha eegin, balse, shaqiyad ahaan waa Gabar I soo dhawayn karta, waana hubaa in aadan ka shalayn doonin guurkeeda,  aniga ayaana la hadlaya marka aan la hadlayana fadlan ii faaruji goobta, telkana lacag fiican iigu soo shub is uusan iiga kala go’in!

LA SOCO Q12AAD

W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

SHEEKOOYIN