Home Curis SIRTA NOLOSHA Q.15aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Q.15aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

 

Xuseen Xasan ayaa qareenkiisa ku yiri: “nimankaas siday iiga iibsanaayaan guri aan aniga laheyn?” Dr. Mahdi oo fahmay inuu mowqifkiisi ka soo dabcay ayaa yiri: “adiga ayaa haaysta furaha qolka, waxayna rabaan inay (xaqal muftaax) xaqa furaha ay ku siiyaan oo aad isaga guurto haddii aad raali ku noqoto, haddii kalana waxaad xaq u leedahay inaad diido” Aabe Xuseen ayaa waydiiyay: “meeqa ayay iga siinaayaan?” Dr. Mahdi ayaa ku yiri: “wixi aad ku heshiisaan ayay kaa siinaayaan” kadib ayuu u raaciyay: “adiga meeqa ayaad ku rabtaa?” Aabe Xuseen wuxuu yiri: “weligeey fure magadin, mana arkin dad fure kala gadanaayo” Dr. Mahdi ayaa yiri: “hadda raali miyaad ka tahay inaan dacwada u kaadino oo aan wada hadal lagalno dadkaas?” Aabe Xuseen wuxuu yiri: “dacwada lama xiraayo annaga oo aan ku heshiin qiimaha ay iga siinaayaan furaha” Dr. Mahdi oo hadalki ka dhex galay ayaa ugu daray: “waxaad beeca ku darsataa inay bixiyaan qiimaha qareenka  oo ah 20% waxa aad ku heshiisaan” Aabe Xuseen ayaa yiri: “ayaga miyaa bixinaaya 20% kaaga?” Dr. Mahdi oo u sharaxaaya ayaa ku yiri: “waxay siinaayaan qareenkooda 20% lacagta ay ku siiyaan, anigana 20% ayaan adiga kaa qaadanaa lacagta ay furaha kaa siiyaan, sidaa darteed waxaad ku xisaabtantaa inaad xisaabteyda ku darto inta aad rabato inay ku siiyaan” wuxuu hadalki ugu soo gabagabeeyay: “berri galab ayaan kuu soo balaminaa inaan iswada aragno”.

Xuseen wuxuu xafiiskiisi ka soo tegay asaga oo uu beec u yahay qolki uu ka masruufan jiray reerkiisa, wuxuuna soo xasuustay booski beeca u ahaa islaanti uu ka iibsanaayay, islaantaas oo iska iibineysay waxay ka maarmikarin, wuxuu iswaydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin booska uu iska iibinaayo iyo kii islaanta, ma wuxuu isku haleynaa mushaarka wiilkiisa Maxamed iyo muufada ay dubto xaaskiisa, taasoo aan aheyn naas sii godlanaan karo weligiis, kaasoo ay horaadadu guri karaan haddii uu guursado Maxamed, dambeedaduna ay ku dhowyihiin xilligi howlgabka, waayoo Hooyooyinku marka ay Howlgabaan lamamid aha Aabayaasha, waxay Hooyooyinku ku dambeeyaan inay madaxshubyada iyo abaay abaayda ay howl ka dhagtaan ama ay haayaan carruurta ay dhaleen awlaadooda, halka odayaasha Howlgabkaa haddii aanay laheyn dhaqaale ay kala wareegaan awlaadooda, dhaqaalahaas oo ay dusha ka maamulaan, waxay ku khasban yihiin inay subax walba yiraahdaan (yaa Fataax yaa Rasaaq).

Waa go’aan aad u adag sida aad ku gooynayso geed aad harsato, sidaa daraadeed wuxuu Aabe Xuseen go’aansaday inuu qabsado lacag uu uga maarmi karo furaha qolka, wuxuuna meel dhigtay inuu beeca kor ugu dhigo, sababtoo ah waxaa la yiraahdaa markaad 100 rabto, waxaa la waydiistaa 1000, si laguu yiraado qaado waxa aad rabtay ama ka badan, laakiin haddii aad waydiisato 100ka waxaa laga yaabaa inaad hesho qiimo ka sii yar, inkastoo aanu aqoonin meel uu ka billaabo, haddana wuxuu meel dhigtay inuu nimanka ka iibsanaaya waydiiyo waxa ay ugu tala galeen si uu qiyaas uga qaato, si aanay ugu dhicin inuu u sheegto wax kayar waxa ay ka siin lahaayeen oo uu afkiisa isku dilin.

Galabtii ballanta ayay Xuseen Xasan kulmeen Taajiriinti u baahnaa inay qolkiisa ka iibsadaan, waxaana hadalki billaabay Dr. Mahdi oo yiri: “ninka aan qareenka u ahay wuxuu u baahan yahay qiimo uu ku qanco” Xaaji Abanuur Shiikhuna ayaa yiri: “waa la yaqaanaa qiimaha lakala siisto furayaasha, laakiin waxaan af karabnaa ninka uu furaha beeca u yahay” Aabe Xuseen oo ka xanaaqay hadalka Sheekhunaa ayaa yiri: “fure beec iima aha” waxaa hadalki ka dhexgalay Dr. Mahdi oo yiri: “Xuseen ma rabo inuu iibsado qolkiisa, laakiin haddii uu ku helaayo qiimo uu ku qanco, wuxuu rabaa inuu ku bedesho” waxaa halday Xaaji Munye oo yiri: “Xuseen ha noo sheego inta uu ku qancaayo, haddii ay nagu anfacdo waa ka siinaynaa, haddii kalana waxaan u sheegeynaa inta aan furaha kala bixi karno” Xuseen Xasan ayaa yiri: “waxaan ku qancaa 100,000 kun” madaxa ayay qabsadeen labadi taajir, markaas ayuu Xaaji Abanuur yiri: “guri maan kala gadaneeynaa! meesha furaa yaala, waana layaqaanaa qiimihiisa” Dr. Mahdi ayaa yiri: “meeqo ayaad bixin kartiin?” Xaaji Abanuur ayaa yiri: “qeeymo laga hadli karo meesha mayaalo, waxaan bixin karnaa xaqalsuuq wixii ah” Aabe Xuseen ayaa yiri: “xaqalsuuq meesha ma yaalo, waxaana hore idiinku sheegay in aanay waxba beec ii aheyn, laakiin haddii aan arko waxaan kaga maarmi karo furaha oo ah inta aan sheegtay waa qaadanaa” kadib waxaa inay soo faqaan u baxay labadi Taajir iyo Qareenkoodi Dr. Suufi, wax yar kadib ayay ku soo laabteen, waxaana lagalay dood dheer, kadibna waxaa lagu heshiiyay in Xuseen lagu wareejiyo qol ay alaabta dhigan jireen oo ku yaalo shangaani, qolkiisana laga siiyo lacag 60,000 kun gaareeysa, Xuseen wuxuu taajiriinti ku noqday macangag, macangagnimadaas oo uu ka faa’iideystay Eedo Xabiibadi uu booska ka gatay, maalintaas siduu booska ugu baahnaa oo kale ayuu ogaaday inay taajiriintu ugu baahan yihiin furihiisa iyo inay ka siinaayaan wuxuu ku qanco, dhaqan ahaana waxaa jira murti dheheeysa (Marabtaa raqiis, maqabtaa qaal) murtidaas ayuu Aabe Xuseen u adeegsaday, waayoo qofka lagama iibsan karo wax aan beec u aheyn haddii aan laga siisaneyn wuxuu rabo, haddii lagaa dareemo inaad u baahi qabtana waxaa hoos loo dhigaa inta aad ku rabtay, Aabe Xuseen wuxuu noqday ninka furihiisu ugu qaalisanaa, beecaas oo wax wayn ka bedelay sicir suuqi kala gadashada furayaasha goobaha ganacsiga.

 

La soco. ………16aad.

 

 

SHARE