SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah. Q.16aad. W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

Eedo Xabiibo oo ka timid Suuqa Siigaale ayadoo daalan ayaa gurigeeda soo gashay, daalka shaqada waxaa uga daran kan maskaxda ay ka daalan tahay, sidi wiilkeeda loo soo tarxiilayba hurdo fiican ma seexan, si fiicana ma soo jeedin oo waxay ku jirtay riyo maalmeed, Eedo Xabiibo waxay ka naxday aragtidaAabe Xuseen Xasan oo soo galay marki ay salka dhigi rabtay, waa ninki ay sida macangagnimada ah ula hadleeysay maalintuu ka iibsanaayay guriga, ninkaasoo marki labaad ugu socda inay ku wareejiso gurigiisa, markuu bariidiyay, ayay ku tiri: “waa lafiican yahay” kadib carruurteeda ayay ku tiri: “adeerkiin gambar u keena” markuu Xuseen fadhiistay ayay Eedo Xabiibo tiri: “waan ogahay inay noo dhammaatay labadi bilood aan guuriga uga guuri laheyn” Aabe Xuseen oo hadalka ka dhexgalay ayaa yiri: “waan ogahay dhibka idinku dhacay, laakiin waxaan ogeyn inaad haaysataan meel aad u guurtaan iyo inta ay idinku qaadan karto” Eedo Xabiibo oo ka carootay erayga ah (inaad haaysataan meelaad u guurtaan) ayaa tiri: “goor dhow ayaan kaaga guureeynaa gurigaaga” markaa kadib ayay madaxa hoos u rogtay, Aabe Xuseen ayaa yiri: “kuma dhihin guriga iiga guur iyo wax lamid ah” Eedo Xabiibo oo markaan isqaboojisay ayaa tiri: “waayahaye, waxaad na siisaa bil kale” Aabe Xuseen Xasan ayaa ku yiri: “waxaan idinsiiyay laba bilood oo kale, laakiin haddii aad guri kale waydaan, ijaar ku sii deganaada gurigiina” markaas ayuu ka istaagay gemberki, Eedo Xabiibo ayaa ka daba istaagtay oo ku tiri: “haddii ay sidaas tahay, meeqo ayaan bixinaa ijaarka?” Aabe Xuseen intuu soo fiiriyay wejigeeda isbedelka ku dhacay ayuu ku yiri: “waxaad haaysataa ilmo Agoon ah, sidaa daraadeed waxaad bixisaa wixi aad awoodaan” Eedo Xabiibo intay isku xishootay ayay tiri: “Xuseen kheyr Allaha kaa siiyo, dhibkaan iima imaadeen haddii aan la tashan laheyn wiilka ku waashay Sucuudiga, mana iibiyeen guriga” Aabe Xuseen ayaa yiri: “waa qadar Alle wax kasta oo dhaca, wayna qorneyd inaad wiilka u iibiso iyo in la soo tarxiilo, balse wiilkaagu marabin inta guriga loo iibiyo in Sucuudiga laga soo tarxiilo” waa marki ugu horreeysay ay maqasho qof u cudurdaaraaya wiilkeeda, kaasoo aanay hadal naxariis leh kula hadlin siduu uga soo degay diyaaradi tarxiilka ku keentay, Eedo Xabiibo ayaa tiri: “xanuunkaa i iloowsiiyay in wax kasta qadar Alle ku dhacaan” waxay sii raacisay: “carruurta Aabahood wuxuu mootan yahay sedax sano ku dhawaad, wuxuu nooga tegayna waxaa ka jira booskaan, mana jecleyn inuu si sahlan gacanteena uga baxo” Xuseen oo weli taagan ayaa ku yiri: “wixi calaf ka dhammaado cid ku fara adeygi karto majirto, laakiin iska sii deganaada intuu jid illaaheey idiinka furaayo, intaana waxaad heli kartaan iska dhiiba, haddii aad haynina haka welwelin” Aabe Xuseen wuxuu ka tegay ayadoo culeys weyn uu ka degay.

Waxay Deeqa Bashiir soo baadi doontay guriga Maxamed Xuseen, markay timid xaafadooda ayadoo dhex wareegeysa ayay la kulantay Habaryar Sureer iyo Suleymaan oo isla fadhiya gurigooda bannaankiisa, intay ku soo leexatay ayey waydiisay: “waxaan rabay Maxamed Xuseen oo Maamule ka ah Dugsiga Baarbe oo xaafadan degan” Sureer ayaa la soo booday: “Naa manaqaano ninka aad sheegeeyso” laakiin Suleymaan oo khabaar mooge ka ah waxa ay Sureer u diideyso ayaa ku yiri: “soow maaha midka Macalinka ka ahaan jiray dugsiga Dhagaxtuur?” Deeqa oo ka naxday jikaarka Sureer ayaa hal mar la soo booday: “haa, waa midkaas” Suleymaan oo raba inuu u tilmaamo guriga ayey Sureer tiri: “war bal horta u kaadi Suleymaan” waxay sii raacisay: “maxaad ka rabtay?” Deeqa ayaa tiri: “waxaan dhihi lahaa, iska keey cafi, intaas ayaan ugu socday” Sureer ayaa tiri: “maxaad ka haleeysay?” Suleymaan ayaa yiri: “Sureer gabadha imtixaanka ka daa” Sureer oo hadli rabta ayay Deeqa tiri: “waa caadi wax dhib ah iguma haayso inaan u sheego waxa aan ka haleeyay” markeey Deeqa u dhammeysay sheekadi dhexmartay ayada iyo Macalinkeeda ayay Sureer tiri: “waxba raaligelin kaa qaadan maayo midkaas, inaad isxaanskaas u sameysay xitaa kuu qiri maayo” Suleymaan ayaa Deeqa u tilmaamay guriga wuxuuna ku yiri: “walaal gurigooda waa kaas dhismuhu ku socdo, oo uu wiilka hadda ka soo baxay” waxaa markaa guriga ka soo baxay Xasan Xuseen, markaana Deeqa intay dhanka Xasan u soo oroday ayuu Xasan is yiri: (maxay tahay gabadhan reer Saxardiid dhankooda kaaga soo ordeysa) markay u timid oo ay salaantay ayay waydiisay inuu Maxamed joogo iyo in kale, Xasan ayaa ku yiri: “hadda wuu maqan yahaye maxaad ka rabtay?” Deeqa ayaa tiri: “aboow adiga walaalkiis miyaad tahay?” Xasan ayaa yiri: “haa, Xasan ayaa laydhahaa” Deeqa intay neefsatay ayay tiri: “aniga Deeqa ayaa laydhahaa, Deeqa Bashiir oo ah gabadha walaalkaa Maxamed daraadiis Iskoolka looga eryay, gabadhaas ayaan ahay, waxaana rabay inaan walaalkaa i cafi ku dhoho” Xasan oo hore loogu sheegay wanaagi ka dambeeyay ay Deeqa sameeysay ayaa yiri: “ walaalkeey aad iyo aad ayuu ugu farxay wanaagi aad sameeysay iyo geesinimadi aad sameeysay,laakiin anigaa kaa gaarsiinaayo fariinta, haddii aad rabtana wakhti kale u soo laabo” Deeqa oo ay ku jirtay cabsi ah sida ay ku qaabili lahayd Maxamed Xuseen ayaa tiri: “waxaan u imaanaa berri galab, si aan afkeeyga ugu raali geliyo” Xasan oo dhoola caddaynaaya ayaa yiri: “waan u sheegaa intaas, laakiin meeqa saac ayaan u sheegaa inaad u imaaneyso?” Deeqa oo isgaratay ayaa tiri “ 4ta galabnimo”.

La soco………17aad.

SHEEKOOYIN