Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.19aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.19aad. W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Deeqa Bashiir waxay soo gashay guriga saaxiibteed Mulki, waxayna uga sheekeysay intuu Xasan ku yiri oo dhan, markaa ayay Mulki tiri: “waxaan hore kuugu sheegay inaad sheekadaan meesheeda ku demisid, haddii kalana ay ka imaandoonto fool xuno hor leh, hadda lajoogana waxaan ku dhihi lahaa naga xir baabkaas, haddii aad muraad kale ka laheyn” Deeqa ayaa waydiisay: “muxuu yahay muraadka aad sheegeyso?” Mulki ayaa tiri: “adiga isweydii sababta aad u jeceshahay lakulanka Macalin Maxamed iyo sababta aad u raadsaneyso!” Deeqa ayaa tiri: “wax muraad ah oo aan ka leeyahay majiro Macalin Maxamed, laakiin sababta aan u raadinaayo waa inaan ka qanciyaa inaad adiga lug ku laheyn shirqoolki loo maleegay iyo inaan dhiiqada kaa dhex saaro” Mulki oo aan raali ka aheyn sida saaxiibteed isugu murjineyso inay ugu soo celiso sumcaddi ay laheyd ayaa tiri: “khaladki Macalin Maxamed aad ka gasheen adiga iyo maamulaha, waxaa beddelay khalad aan maamulaha ka galnay aniga iyo adiga, haddana waxaad raadineysaa khalad ka sii weyn oo ah inaad kashifto beenti aan ka sameynay maamulaha” Deeqa ayaa tiri: “sheekadaa aan maamulaha ku nabsanay, weligeey afkeyga laga maqli maayo, haddii aan adiga lagaa maqlin” Mulki ayaa waydiisay: “haddii uu Maxamed ku waydiiyo sida aan anigu ugu lug laheyn shirqoolki loo maleegay? maxaad ugu jawaabaysaa? ileyn kaa yeelimaayo markhaatina way ii aheyd, waxna kama ogeyn shirqoolkaase!” Deeqa oo aamusan ayay Mulki tiri: “markaad Macalin Maxamed u miicmiiceyso wuxuu u qaadanaa inaad shirqool kale ugu socoto, waayoo waxaa u caddaaneyso inaad been sheegeyso, haddii aadan siinin jawaab uu ku qanco, taasoo ah inaan diyaarinay shirqoolki maamulaha” Deeqa Bashiir ayaa tiri: “su’aashaasi waa mid meesha ku jirta, waxaana aaminsanahay in jawaab loo heli karo, jawaabtaas oo aan aheyn inaad adiga ku lug laheyd shirqoolkiisa iyo midka maamulaha” Mulki ayaa Deeqa waydiisay jawaabta ay u hayso, markaa ayay Deeqa tiri: “labada dembi anigaa galay, anigaana dusha saaranaayo, adigana waxaan kaa dhigaa qof ka madax bannaan” dood dheer kadib labadi saaxiib waxay ku kala tageen ayagoo aan isla fahmin qaabka looga hortegaayo iyo waxa loo sheegaayo Macalin Maxamed.

Aabe Xuseen Xasan wuxuu xafiiskiisi Arji qoraha ula guuray xaafadda Shangaani, halkaasoo aan suuq badan laheyn, wuxuuna biibito ka furtay meel Baar Raaxo ku dhow, waxaa Biibitada gadaan Caasha iyo hooyadeed Khadiijo oo markaan iska dhaaftay dubidi muufada, inkastoo ay ku beddelatay Sambuusi iyo Bur inay dubto, sababtoo ah waa labada ugu badan oo laga iibsado Biibitada, inkastoo uu ka faa’iido badan yahay shaaha oo aad looga cabo, habeenka ay kariyaan ugu yaraan 10 jelemadood, waxaa reerka soo gasha lacag fara badan, waxaana habeenadaas u badan habeenada jimcuhu soo gelaayo oo ay dhowr tarmuus ka iibsadaan dhallinyaro qayileysa (jaad cuneysa) waxaa dhaalinyadaas ka mid ah Caydaruus oo ah arday dhigta Jaamicada Gaheyr, wuxuu Caydaruus bartaa sharciga, waxaana gurigiisa isugu yimaada habeenka jimcaha ah dhallinyaro ay saaxiibo yihiin oo u badan arday wax ka barata Jaamicada Gaheyr.

Dhowr jimco oo uu Caydaruus shaah ka soo doontay Biibitada, ayay isbarteen Caasha Xuseen, asagoo raba inay u kariso tarmuus khaas ah oo aan aheyn midka badanaa laga kariyo Biibitada, Caashana waxay ku dadaashay inay gooni ugu sameyso shaah ay jecleystaan, wixii ka dambeeyayna waxaa u billiwday kaftan lays dhaafsaday iyo inuu Caydaruus lugtiisa ku badnaato Biibitada.

Reer Xuseen waxaa aad u liitay dhaqaalahooda mana awoodin inay carruurta oo dhan wax bartaan, gaar ahaan Caasha nasiib uma yeelan inay dugsi dhexe dhammeyso, waayoo waxaa looga saaray awooddarro dhaqaale, sidaa ay tahayna Caasha way ku faraxsan tahay nasiibkeeda u saamixi waayay inay waxbarashadeeda sii wadato, waxayna ogtahay inay waalidkeed ka laxa jecleysanin xoolo ay haayeen, balse ay daruuf sababtay ka bixideeda waxbarashada.

Caasha waa gabar had iyo goor faraxsan, qof kastana soo dhaweysa, adduunka waxay ugu jeceshahay walaalkeed Xasan oo ay isku fasal noqdeen fesalkeedi seddexaad ee dugsiga hoose, kadib markii ay sanaddi ka horeysay ku dhacday fasalkaas, sababo xanuun ay in badan kaga maqneyd waxbarada, sannad dugsiyeedki xigay ayuu Xasan ku fasal noqday, markaana waxay Caasha ogaatay inuu walaalkeed ka aqoon badan yahay ardayda oo dhan, waxayna aragtay macalimiinta dugsiga oo ku sheekeysanaaya aqoonta walaalkeed, kuwaas oo ay qaarkood leeyihiin: (Xasan haddii maanta la fadhiisiyo dugsi sare, waxbuu labaran karaa, waayoo wixi loo dhigo sida loogu dhigo ayuu u qabsadaa) laakiin markay gaareen dugsiga dhexe ayay reerku ku talameen in midkood laga saaro dugsiga, sababta oo ah waxaa ku cuslaatay bixinta dharkooda iyo buugaagtooda, marki hore waxay dugsiga ku dhigan jireen labadi sanaba hal joog, koowaad iyo labaad, seddexaad iyo afaraad, laakiin hadda waa dhar ka duwan kii dugsiga hoose, sidaa daraadeed ayay Caasha waalidkeed ugu sheegtay inuu walaalkeed ku fiican yahay waxbarashada iyo inay rabto in asaga aan laga reebin inuu waxbarto, maalintaa ayay hooyo Khadiijo u duceysay gabadheeda waxayna ku tiri: “waxaan Ilaah kaaga baryay inuu kuu sahlo mid aqoon leh oo aad aqoontiisa ku faa’iido”.

 

La soco. ……20aad.

SHARE