HAYB-WAAYID! W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

HAYB-WAAYID!
qormo
Hayb-tu waa tilmaamaha qof, walax ama bulsho ay kaga duwanyihiin inta kale ee la midka ah, waana lahaanshaha astaamo gaar ahaaneed oo la xiriira muuqaal, dhaqan, iyo il-baxnimo qeexi kara ahaanshaha cidda ama waxa xambaarsan astaamahaa. Marka aynu ka hadlayno bulshooyinka, mid kastaahi waxay leedahay dhaqan, hadde, iyo arrimo u gooni oo hayb-teeda sees u ah kuwa oo haddii ay ay lumaan ay bulshadaasi halis ugu jirto in ay u lunto. Dr Abdi Aziz Altuwaijiri wuxuu leeyahay “Halista ugu badan ee bulshooyinka xilligan soo food-saarta waa tan ku timaada marka ay hayb-tooda dhaqan iyo il-baxnimo xejisan waayaan taa oo keenta haddii ay sii xumaato in ay milmaan oo la waayo” . Haddaba innagu ka Soomaali ahaan arrinka hayb-waayidda halis baan ugu jirnaa marka la fiiriyo faca soo socda ee ku koraya dibadaha kuwaa oo waydiinta ah “KUMMAAN AHAY?” ay wareer badan ku hayso. Badi faca qurbaha ku koraya waxay dhibaato wayni ka haysataa ka tirsanaanshaha iyagoo dhaqamo badani iskaga walaaceen ayna ku adkaatay ogaanshaha halka ay ka tirsanyihiin, iyadoo arrimahaas ay qayb wayn ka qaadatay bay,ada lagu nool yahay ka sokow, garawshiyo la,aanta waalidiinta Soomaalidu, tusaale ahaan reer Soomaali ah ayaa ku nool mid ka mid ah wadamada reer galbeedka, intii aan la iman wadan ka ka hor hooyadu waxay ku noolayd mid ka mid ah wadamada carabta, aabbuhuna Afrikada madow ayuu ka yimid, labaduba si bay u xiisaynayaan dhaqamadii ay halkaa kala yimideen, oo islaantu musalsalaad iyo barnaamijyo af-carbeed ku baxa ayey afar iyo labaatanka saac daawataa odaguna sawahili iyo Soomaali iyo wax kaluu daawadaa, sidoo kale gurigu waa guri Soomaali oo dharka hooyadu xirato, xiriirka wadankii ay la leedahay, fadhi-ku-dirirka odagu uu taleefanka kaga qayliyo, cuntada la kariyo iyo waxaa oo dhami waxaa lagu tilmaamayaa dhaqan Soomaali.Caruurta reerku iyagu marka ay iskuulka tagaan waxaa loo sheegaa in ay wadankan u dhasheen maadaama la siiyey dhalashadii amaba ay ku dhasheenba haddana saas oo ay tahay saaxiibadood waxay ku yaraahdaan Soomaali baad tihiin, reerkoodana sidaa ayey ka maqlaan, caruurta oo inta badan waqtigooda ku qaata guriga banaankiisa waxay adeegsadaan af aan ahayn kan soomaaliga, marka ay guriga yimaadaanna cidi ma waydiiso oo odaga iyo islaanntaaba la arkaa inaanay adeegsan af-soomaaliga “ogoobe qaar badan baa il-baxnimo u haysta in af-qalaad lagu sheekaysto” ama reerka oo dhan ayaa laga yaabaaba haddiiba ay waqti isku helaan inay af kale ku wada hadlaan. Arrimahaas oo dhan caruurta waxay ku ridaan isku dhex-yaac iyo inay garan waayaan cidda ay yihiin, iyagoo dhaqankoodiina ka fogaada mid kalena gaari waaya, waana xanuun fac dhan haysta.
Qof ahaan waxaan u arkaa in ay arrin halis badan tahay lagase gaaro haddii si dhab ah culayskeeda loogu baraarugo, tiiyo cidda ugu horraysa ee arrinkaa inay ku baraarugto ay tahay waalidiinta ku nool dibadaha.

Mahad Xaashi Maxamed
mahdixaashi@hotmail.com

SHEEKOOYIN